SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
HESHIISKI AY XALAY MADAXDA SIYAASADDU GAADHEEN

Wq. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk Eldoret | Dec 16, 2002

imdeeq@hotmail.com

Shir ay yeesheen gudiga hogaamiyayaasha Soomaaliyeed taariikhdu markay ahayd 15/12/2002 oo si rasmi ah loo saxeexay kaddib markii ay gudiga farsamada ee Igad ay si buuxda xilkii hogaaminta shirka dibu heshiisiinta Soomaalida ugu wareejiyeen hogaamiyayaasha.

Hogamiyayaasha Soomaaliyeed waxay go’aan ku gaadheen arrimaha soo socda: 

Hoos Akhri

1- waxay mahad celin balaadhan u celiyeen dadka, dawladda iyo madaxweynaha Kenya Md. Daniel Arap Moi, dadaalka hagar la’aanta ah ee uu la garab taagan yahay xal u helidda arimaha soomaaliya iyo soo dhoweynta qiimaha leh ee lagu xurmeeyey wufuudda soomaaliyeed. Waxay kaloo mahad celin balaadhan u jeediyeen dhamaan xubnaha gudiga farsamada ee Igad, dawladaha safka hore, beesha caalamka iyo dawladaha deeq bixiyayaasha ah.

2- In ergooyinka wejiga labaad ee shirku ay noqdaan 300 oo ergey, laguna qaybsado qaabka beelaha soomaaliyeed oo ah 4.5 formula. Inay qaybta 5aad yeeshaan beelaha aan ka tirsanayn Hawiye, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle.

3- In tirada xildhibaanada baarlamaanka federaaliga ah ee xiliga kala guurka ay noqdaan 450 xildhibaan, laguna qaybsado qaab beeleedka 4.5, iyadoo la waafajinayo dastuurka qaranka soomaaliyeed ee qoristiisa lagu guda jiro.

4- In Mudane Danial Arap Moi madaxweynaha dalka Kenya dhamaystiro dibu heshiisiinta iyo bad baadinta qaranka soomaaliyeed xitaa hadduu xilka madaxweynanimada wareejiyo ilaa ay soomaaliya cagaheeda isku taagayso.

Waxaa heshiiskan oo afartas qodob ka koobna si rasmi ah u saxeexay madaxda kala ah: Gen. Aadan Gabyow, Xasan Abshir, Col. Cabdilaahi Yuusuf, Cabdalle Deerow Isaaq, Maxamed Qanyare, Xuseen Caydiid, Cismaan caato, Mawliid Macane, Shaati Gudud, Xasan Cabdillaahi Qalaad, Hilowle Iimaan Cumar, Cabdillaahi Shiikh Ismaaciil, Maxamuud Seyid, Maxamed Cumar Xabeeb, Cumar Finish, Cabdirisaq Biixi, Barre Hiiraale, C/casiis Shekh Yuusf, Maxamed Aadan Waayeel, Sheekh Aadan Madoobe, Gen. Moragan, Maxamed Cismaan Manye, madaxda soomaaliyeed ee Eldoret ku shirsan waxaan uun heshiiskan saxexin Muuse Suudi oo isagu markii hore ee ergooyinka 300 ah laga wada hadlayey shirkiiba ka baxay kuna andacooday ilaa loo ogolaanayo 20 xubnood ee loo casuumay inuusan shirka ku soo noqon doonin.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]