SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
SHARIIF SAALAX: “Mwangale albaabaduu naga xidhay”

Wq. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk Eldoret | Dec 17, 2002

imdeeq@hotmail.com

 

Shir ay hogamiyayaasha soomaalidu xalay yeesheen ayeey kaga wada hadleen sidii ay u qaybsan lahaayeen 44’ka xubnood ee madaxda siyaaasadda loo qoondeeyey ,tas oo ay siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ku doodeen in haddii hogaamiyayaasha soomaaliyeed midkiiba laba xubnood la siiyo ay iyagu laba hogaamiye oo qudha yeelan doonaan, halkaasna uu isu dheeli tirka qabiilooyinku ku lumi doono. Arintaas oo ay ka hadalkeeda madaxda kooxuhu ku dheeraadeen iskuma mari waayeen ayeey mar kale caawa falanqaynteeda sii wadi doonaan.

Hoos Akhri

Waxaa kaloo maanta Eldoret shir jaraa’id ku qabtay gudoomiyaha wufuudda bulshada rayidka ah oo sheegay inuu gudoomiyaha gudiga farsamadu Mr. Mwangle iridaha ka ootay kaddib markii uu u diidey inay ka qayb galaan fadhiga hogaamiyayaasha soomaalida. Wuxuuna Shariif Saalax tibaaxay inaysan bulshada rayidka ahi masiirkooda ka tanaasuli doonin, waxaana hadaldiisii ka mid ahaa kuwan: “Roolka ay bulshada rayidka ahi shirka ku leedahay Mwangale kama tanaasuli karo waayo anagoo madax banaan ayaan halkan nimid, cidna doorkayaga uga haybaysan mayno, hal daqiiqo lama aanu kulmin waayo Mwangale albaabaduu naga xidhay, ilhaanuuna noo geeystey”.

Shariifku isagoo daba socda hogaamiyaasha soomaaliyeed oo maamulka shirka loo gacan geliyey ayaa sheegay inaysan suuragal noqon dooninin aayo ka talinta soomaaliya lagala tashado oo qudha madaxda kooxaha, wuxuuna isagoo aad u cadhaysan xusay inay iyagu yihiin madaxdii runta ahyd ee shacbi weynaha soomaaliyeed ka socotey.

Dhinaca kale Nuur Maxamed Caalim oo ii sheegay inuu yahay afhayeenka SRRC iyo u qaybsanaha arimaha siyaasadda ee Xuseen Caydiid ayaaa ii sheegay inuu Xuseen Caydiid heshiskii doraad u saxeexay nabadda soomaalida, taas oo uu afhayeenku ku tilmaamay inuu macnaheedu yahay inay soomaalidu iskood xal u gadhi karaan,. Mar aan Mr. Maxamed Caalim weeydiiyey haddii uu markii hore Xuseen heshiiska saxeexay sababta uu markiiba uga hor yimid ayuu ii sheegay in saxeexa kaddib ay Xuseen la soo xiriireen dublumaasiyiin maraykan iyo reer Yurub ka tirsan kuna war geliyeen inuusan wejigii labaad dhamaan. Wuxuu kaloo Mr. Maxamed Caalim ii sheegay inay sababta kale tahay TNG oo ka dambaysa in baarlamaanka soomaaliya la gaadhsiiyo 450 xubnood si iyaga loogu soo biiro.

Af hayeenkaasi wuxuu kaloo ii sheegay inay heshiiska madaxda kooxaha la rumaysan karo marka ay Shaati Guduud iyo Sheekh Aadan Madoobe iyagoo heshiisa Baydhaba ka wada degaan, sidoo kalena Cabdillaahi Yuusuf iyo Xasan Abshir iyagoo heshiisa Garoowe ka wada degaan, ama ay hogaamiyaasha Muqdisho iyagoo heshiisa Xamar tagaan oo dekadda iyo garoonka diyaaradaha furaan.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD