SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
DUULIMAADKII SOOMAALIYA OO ELDORET KA BILOWDAY

Wq. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk Eldoret | Dec 21, 2002

imdeeq@hotmail.com

Wufuudda Soomaaliyeed ee shirka Eldoret ayaa ku guda jira dhamaystirka qaybsiga ergooyinka 300 ah ee wejiga labaad ee shirka ka qayb qaadanaya, wufuudda TNG, Hogaamiyaasha Muqdisho iyo Puntland ayaa si rasmi ah liisaskooda u gudbiyey, waxaana taas ku lamaan buuq iyo muran ka taagan sida ergooyinkaas loo qaybiyey. Ergada Bulshada rayidka ah shirka u joogta ayeey qaar ka mid ahi mid aan laga tashan ku tilmaameen liis uu gudoomiyahoodu shalay gudbiyey. waxaana biloowday duulimaadkii ay ergooyinka ka hadaahay liisasku ku qabanayaan Soomaaliya, ila iyo haddana waxaa ambabaxay Taageerayaasha Maxamed Dheere iyo Kuwa Qaanyare, iyadoo ay taageerayaasha TNG'na diyaar u yihiin inay deg deg u ambabaxaan.

Hoos Akhri

 

 
Habaynimadii Jimcahana waxaa heshiiskii ay madaxda soomaalidu 15kii bishan soo saareen saxiixay hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow oo markuu saxiixaas fuliyey kaddib sheegay inuu heshiiska u saxiixay bal inay soomaalidu nabad ku hesho balse uu mabdi'iyan diiddan yahay qodobda heshiiskaas marka laga reebo qodobka u mahadnaqaya Madaxweyne Moi.
 
Waxaa kaloo xarunta shirka maanta oo Sabti ah ka soo baxay wargeys af soomaali ku qoran oo ay hayadda Novib ka soo saartay xarunta bulshada rayidka ah, wargeyskaas oo la magac baxay KULMIYE oo si hufan loogu faafiyey wararka shirka iyo qoraalo ay dadweynihii akhrisanayey u bogeen ayaa ah mid ay soo saarayaashu ugu talo galeen in lagu dhiso nabadda iyo dibu heshiisiinta soomaalida.

 

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD