SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
Gen. Gabyow oo dhaleecayn u soo jeediyey gudiga Bulshada rayidka ah

Wq. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk Eldoret | Dec 23, 2002

imdeeq@hotmail.com

Warqad uu ku saxiixan yahay Gudoomiyaha gudiga hogaamiyaasha Gen. Aadan C/laahi Nuur Gabyow oo maanta somaliTalk Eldoret soo gadhay ayaa uu Gen. Gabyow wuxuu dhaliil kulul ugu jeediyey gudi uu ku sheegey inay is magacaabeen oo yihiin madaxda bulshada rayidka ah oo sheegtay in la doortay 24kii Oktoobar ee sanadkan. Sababaha uu janaraalku gudigaas ku dhaliilayna waxaa ka mid ah:

Hoos Akhri

 

1- In gudiga farsamada ee Igad ergooyinkii uu rasmi ahaan u casuumay ay isugu jireen aqoonyahayno, dhalin yaro, haween, iyo culimaa’u diin. Cid kastaana ay ku tirsan tahay beesheeda.

2- Dadka isku magacaabay inay madax u yihiin bulshada rayidka ah oo uu intooda badani ka mid yihiin ururada aan dawliga ahyn ee loo yaqaan NGO.

3- Tirada xubnaha gudi ku sheega Bulshada rayidka oo ay ku tilmaameen kuwo aan buuxinayn shuruudaha isu dheeli tirka ay beeluhu wax ku qaybsadaan ee 4.5.

Gen. Gabyow wuxuuu kaloo warqadiisa ku sheegay in gudoomiyaha bulshada rayidka Shariif Saalax uu jagooyin muhiim ah u soo qabtay dawladdii milateriga ahayd ee soomaaliya, taas oo sabab u ahayd buu yidhi bur burkii iyo dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacay, waxuuna sheegay in mar loo dalacsiiyey inuu gudoomiye ka noqdo Jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed, muddo dheerna uu danjire ka ahaa wadanka Ingiriiska.

Wuxuuna Gen. Gabyow sheegashada uu Shariifku sheeganayo inuu bulshada rayidka ah ee aan hubaysnayn madax u yahay ku tilmaameen inay tahay ku danaysi siyaasadeed.

Ugu dambayna wuxuu Gen. Gabyow warqadiisa ku soo geba gebeeyey isagoo yidhi: “Sababahaas dartood waxay ka qayb galayaasha shirka u oo jeedinayaan gudiga farsamada Igad iyo gudoomiyahoodaba inay si deg deg ah uga joojiyaan gudigaas aan horay u soo sheegnay iyo (national resources Persons), ka soo qayb galka shirarka madaxda gudiyada”.

 

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]