| 
    
     
    
     
     Madaxda kooxaha ayaa iyaguna xalay soo bandhigay hadalo u badnaa cabasho
ay isaga iyo gudiga farsamadaba ka cabanayaan, wuxuuna Mwangle madaxda
siyaasadda xusuusiyey in wax aysan goyni halkan ka soconayn, isagoo mar kale
dhex dhigay 300 oo ergey oo uu sheegay inay wejiga labaad ka qayb qaadanayaan oo
uu hogaamiyayaasha faray inay deg deg u soo qaybsadaan. 
     
    
     Mr. Mwangale wuxuu madaxda soomaalida xalay
    u sheegay inay qaybtaas ka doonayaan inay ku jiraan 35 haween ah, 11
    bulshooyibnka rayidka ah, iyo 23 madaxda dhaqanka ka tirsan isagoo sheegay
    in wax walba halkaa laga bilaabayo. Maantana siyaasiyiinta soomaalidu waxay
    kulan ay kaga wada hadlayeen sida ay 300 ee ergey u qaybsanayaan ku
    lahaayeen guriga uu Mudane Mwangale degan yahay, taas oo uu ka dhacay is
    jiid jiid iyo muran lagu daalay oo ay madaxda soomaalidu is weeydaarsanayeen.
    Shirkaas oo ay ka qayb galeen dhamaan madaxdii saxeexday baqii bishii
    Oktoobar ka soo baxay Eldoret isla markaana loo diidey siyaasiyiinta aan
    baaqaas saxeexin ayaa ugu dambayntii ku heshiiyey inay sadexda boqol ee la
    soo dhex dhigay afartii qabiil iyo badhkii ku qaybsadaan, waxaana
    heshiiskaas ganafka ku dhuftay Muuse Suudi Yalaxow oo isagu ku andacooday
    inuu heshiiskaas ku geli karo xubnihii loo casuumay oo loo ogolaado, gebi
    ahaana shirkiiba ka baxay iyo Qanyare oo in kastuu markii hore qaybta
    qabiilka diidey haddana markii dambe ogolaaday heshiiskaas. Waxayna weli
    madaxda siyaasaddu u fadhiyaan shirkii waxayna u gudbeen qodob kale oo ah
    bal in ay isla eegaan inay soo dedejiyaan wejiga labaad ee shirka, waxayna
    ka wada hadlayaan dastuurka ay soomaalidu qaadan doonto iyo in baarlamaankii
    lagu xejiyo. Waxayaabaha ku kalifey inay madaxda
    soomaaliyeed heshiisyadan dedejiyaan ayaa lagu tilmaamayaa iyadoo uu
    gudoomiyaha gudiga farsamada Igad xalay u sheegay in haddii aysan dawlad
    soomaaliyeed bilowga sanadka cusub dhisin laga tashan doono oo talaabo
    caalami ah soomaaliya laga qaadi doono, isagoo markuu arintaa ka hadlayey
    sheegay inuu ugu waramayo si walaaltinimo leh loona baahan yahay inay
    madaxda soomaaliyeed dadkooda ka baajiyaan weerar lala beegsado meelaha lagu
    tuhunsan yahay inay khatari ka iman karto.   Arintan ah inay soomaaliya diyaar
    u yihiin ciidamo reer galbeed ahi inay galaan ayaa ah mid ayaamahan isa soo
    taraysa waxaana la sheegaya in Xuseen Caydiid uu magaalada Nairobi u joogo
    kulamo uu la leeyahay saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka, shalayna
    dublumaasi reer galbeed ah oo aan kula sheekaystay xarunta uu shirka dibu
    heshiisiinta soomaalidu ka socdo oo diidey inaan magaciisa isticmaalo ayaa
    ii sheegay inay ciidamo quudaraynaya inay soomaaliya galaan ay kulaalayaan
    biyaha badda Soomaaliya, isagoo intaa iigu daray inay ciidamadasi ka war
    sugayaan natiijada shirka Eldoret ka soo bixi doonta. Waxaadna mooddaa inay
    madaxda soomaalidu aad ugu jilicsan yihiin cadaadisyada caalamka kaga
    yimaadda oo ay dadka siyaasadda soomaaliya u dhuun daloolaa had iyo jeer
    sheegaan in haddii horayba taas loo xoojin lahaa ay mar horeba soomaalidu
    talaabo wanaagsan qaadi lahayd. <><><> MADAXDA SOOMAALIDA OO TODOBAADKAN EED
    SHEEGASHO KU DHAMAYSATAY Saddex iyo toban ka tirsan Hogaamioyaasha
    kooxaha soomaalida ee Eldoret ku shiraya ayaa mid lagu jaahwareeray ku
    tilmaamay qaabka uu shirku ku socdo waxayna inshaareen inay khatari shirka
    ku iman karto haddii aan wax laga bedelin habka uu shirku u socdo taas oo ka
    dhalatay qoraalada is burinaya ee ay gudiga farsamada Igad sida isdaba jooga
    ah isaga soo daba saarayaan oo ay madaxda soomaalidu sheegeen inaysan
    badankooda kala tashan, waxayna madaxweynaha Kenya ka codsadeen inuu shirka
    wax ka qabto inta uusan shirku dalow dheerv ka duulin, waxayna uga warameen
    xaaladda shirku iminka u socdo. Waxaa kaloo waraaqo ay taas isku ujeeddo
    yihiin madaxweyne Moi u kala diray wufuudda SRRC ee shirka iyo ergada
    Puntland ee shirka, waxayna labaduba qoraaladooda ku xuseen baahida loo
    qaboin hab maamulka shirka wax laga bedelo. Sidoo kale War saxaafadeed ay wufuudda TNG
    Jimcihii Eldoret ka soo saareen ayeey ku sheegeen inuu shirka Eldoeret qarka
    u saran yahay inuu bur buro, taas oo ay sheegeen inay ugu wacan tahay afar
    qodovb oo kala ah: 1- talada shirka oo aysan soomaalidu waxba
    ku lahayn 2- fara gelin ay kuwo wadamada deriska ahi
    shirka ku hayaan 3- maamul xumo 4- iyo kaalintii beesha caalamka oo maqan TNG waxay war saxaafadeedkooda ku sheegeen
    in wixii bur bur ah ee shirka ku yimaadda aysan soomaalidu masuul ka ahayn
    balse ay gudiga farsamadu garbaha u ridan doonaan, waxayna beesha caalamka
    xusuusiyeen sida ay manta soomaali uga go’an tahay inay Eldoret kala
    tagaan dawlad ay u dhan yihiin, waxayna madaxweynaha Kenya madaxweyne Danial
    Arap Moi iyo deeq bixiyayaasha ka dalbadeeninay guntiga u gaabsadaan sidii
    ay shirka u bad baadin lahaayeen.  Ayaamihii ugu dambeeyeyna hogaamiyayaasha
    siyaasadda ee halkan joogaa waxay xushmad darro ka tirsanayeen gudiga
    farsamada, waxayna ku andacoonayeen inay wax ka bedeleen dhamaan waxyaabihii
    ay isku ogaayeen iyo inay liis kasta ku kordhiyeen xubno aysan
    hogaamiyayaashu u soo gudbin, waxay kaloo sheeganayaan inan xita looga soo
    jawaabin waraaqaha ay gudiga farsamada u diraan. Mushkiladan shirka ka hor timid waxaa inay
    xal u helaan ku hawlan xubno ka tirsan kooxda loogu yeedhay shaqsiyaadka
    khayraadka qaranka oo ay gudiga farsamadu iyagoon cidna kala tashan
    magacaabeen, kuwaas oo u ololaynaya sidii ay talada shirka soomaalidu wax
    ugu yeelan lahayd, ragas oo ay ka dhex muuqdaan C/risaaq Xaaji Xuseen,
    Maxamed Cabdi Gaandi iyo C/qaadir Aadan Cabdulle ayeey qaar ka mid ah
    madaxda siyaasadda soomaaliya ii sheegeen inaysan garanayn doorka ay ragani
    shirka ku yeelan doonaan. Ka eed sheegashada gudiga farsamada Igad
    iyo arimaha shirka ee cakiran ayaa ku soo beegmay xili ay dadka ree Kenya u
    dabaal degayaanmarkii ay gobanimadooda qaateen isla markaana uu dalku ku
    jiro olole doorashooyin oo uu madaxweynaha dalka Kenya u xusul duubayo sidii
    uu uga adkaan lahaa xisbiga mucaaradka, si uu talada wadanka gacanta ugu
    dhigo wiilka da’da yar ee Uhuru Kenyatta oo ah ninka uu Moi u doortay inuu
    isaga beddelo. 
Ibraahim MaxameddeeqSomaliTalk
 Eldoret
 E-mail: imdeeq@hotmail.com
    ... ELDORET:
Taxanaha Wararka   ... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii  2001/2000  WARARKA 
SEPTEMBER - GUJI
 » 
AGOOSTO | JULY 
|  JUNE  | 
MAY  | APRIL 
| 
 MARCH    | FEBRAAYO 
|
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001
 
 
com
 
 |