SOMALITALK.COM dalsan
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror | Turkey.News | IRAN.irna 
 MID EAST: IslamTodayArabNews  | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | Middle.east.online | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Abu.Dhabi.News | Albawaba | 
KUNA | IRAQ/QUESTIONS  
WAQTIGA BAQDAAD
VIDEO: AP.TV | ITV | Reuters TV  |  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII
14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | video | Televideo.rai

HADDA.SOCDA:LIVEABU-DHABI.TV  | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA  

WARARKA CIRAAQ: APRIL 9, 2003

  • Maanta iyo Baqdaad
  • Saddaam oo lagayaabo in uu kabadbaaday Duqayntii Shalay
  • Bililiqo Ka Dilaacday Ciraaq
  • Dilkii Weriyayaasha oo adduunka ka abuuray caro
  • 12jir waayey eheladiisii iyo gacmihiisii
  • Diyaarad F-15E oo ka dhacday Maraykanka
  • Shirkadaaha Austalia oo Tartan ugu jira Saliida Ciraaq
  • MAXAA SOO KORDHAY MAANTA... GUJI.. IOL

Ra'iisul wasaaraha Canada oo Ka Hadlay Arimaha Ciraaq

jc Jean Chrétien

Ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien, ayaa ku adkaystay go'aankiisii ahaa in uusan ciidamada Canada u dirin dalka Ciraaq, waxana uu sheegay in Canada ay ka qayb qaadankarto dib u dhiska Ciraaq. Ra'iisul wasaaraha oo saxaafada la hadlayey galabnimadii Arbacada asagoo jooga caasimada Canada ee Ottawa waxa uu yiri Canadianku waxay awoodaan in ay taageeraan Ciraaqiyiinta si ay u dhistaan dawladooda iyo hadii ay taageero u baahdaan in laga taakuleeyo dhisida nidaam-sharci. "habka dib u dhiska loo qaabilayaa waa in uu ahaadaa in la dejiyo yool macquul ah" ayuu yiri Jean Chrétien, waxan auu ku daray "dawlad ku meel gaar ah waa wanaag haddii aysan halkaas joogeyn jiilal ayadoo aan doorasho la qaban"

Xiriirka Canada iyo Maraykanka waxa uu Jean Chrétien ka yiri khadka wad xiriirku waa iska cadyahay, wuxuuna si buuxda uga filayaa Madaxweynaha Maraykanku George Bush in uu Canada soo booqdo bisha May.

Arinta hubka halmar wax burburya ee ciraaq asagoo ka hadlaayana waxa uu sheegay in ay weli tahay waqti hore oo aan wax laga sheegikarin arintaas waxan auu yiri "ma ogi waxa xaqiiqada dhabta ah tahay, waxaan aogaan doonaa bilaha soo socda".

Maanta iyo Baqdaad

iraq Eeg Sawirka oo weyn
Baqdaad: awirkii saddam oo lasoo ridey: Sawirka CBC

Wararka maanta ka imanaya caasimada dalka Ciraaq ayaa sheegay in Ciidamada Maraykanku ay maanta galeen qayb kamid ah magaalada, inkasta oo meelo magaalada ah ay ka imayeen iska caabin. Waxaa warku sheegay in maanta la burburiyey mid kamid ah taalooyinka laga sameeyey sawirka Saddam. Wararku waxa ay ku dareen in sawirka Saddam madixiisa uu askari Maraykan ah  ku xiray calanka Maraykankan laakiin markiiba laga furay markii ay dadwene arintaas caro ka muujiyeen ayagoo dhehaya taasi waa tusaale hor dhac u ah qabsi la qabsado Ciraaq, sidaas ayaa markiiba Maraykanku calankii halkaas uga fureen. [Sawirka oo calanka wajiga loogu xiray eeg halkan]. Markii taaladaas sawirka ah lasoo ridey oo dadkii agtubnaa ay farxad ka muujiyeen soo ridias ayaa wadada lagu jiidey madaxii sanamka.

Waxaa wararku sheegeen in Ciraaqiyiintu insku dayeen in ay soo ridaan talada sawirka sadaam, laakiin markiiba ciidamada Maraykanka ayaa gacan siiyey si loo soo rido.

Meesha uu Saddam ku dambeeyey ayaan ilaa hadda si sugan loo ogeyn, waxaana wararka qaarkood tibaaxeen in laga yaabo in uu ku jiro safaarada Ruushku ku leeyahay Baqdaad, laakiin taas Ruushku waa beeniyey. Warar kale oo xoog badan ayaa sheegaya in laga yaabo in uu dhawr maalmood ka hor u baxay magaalada dhanka woqooyi kutaal ee Tikrit.

Warar ay faafisay ABC Australia ayaa sheegay in Maraykanku uu sheeganayo in uu qabsaday Baqdaad inkasta oo dagaalku weli socdo, waa sida warku u dhigaye. Waxaase walaac weyn wararka Australia ka muujiyeen bililiqada ka dilaacday Ciraaq [Daawo halkan].

Donald Rumsfeld, xoghayaha difaaca Maraykanka, ayaa maanta sheegay in dagaalkii uusan dhammaan.

VIDEO: Donald Rumsfeld iyo Gen. Richard Myers oo ka hadlaya arimaah Ciraaq

 

Biliqiqada Magaalada Basra: Sawirka the Times

Bililiqo Ka Dilaacday Ciraaq

BASRA: Magaalada Basra ayaa waxaa ka dilaacay bililiqo aan loo aabayeelayn waxkasta oo ay dadku gacanta la helaan, waa boob iyo dhac loo geysanayo dhismayasha dawlada, meelaha ganacsiga iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada iyo goobaha hay'adaha caalamiga ah iwm. Waa arin lagu tilmaamay nidaam darro soo fool saartay Ciraaq. 

Qof dumar ah oo gurigeedu kuyaal meel 50 mitir (yars) ujirta halka ay xarunta ciidan ka samaysteen Ingiriisku ayaa ku qaylisay "Britishku waxay yiraahdeen waxaan u nimid in aan idin xorayno, laakiin hadda si nabad ah uma seexankaro sariirtayda waayo kuwaan bililiqa doonka ah waxay yiraahdeen waan idin dileynaa waxaana qaadanaynaa dhammaan waxa guriga idiin yaal" Waxayna farta ku fiiqday guri kuyaal wadada dhinaceeda kale oo ay fiiqanayaan bililiqa-doonku waxayna tiri "Xukunkii Saddaam si nabad ah ayaan sariirtayda ugu seexan jirey, laakiin hadda taasi waa dhamaatay" sidaas waxaa qoray wargeyska The Times waxaana warkaas soo xigtey IOL

Mulkiilaha Sheraton Hotel ee Basra ayaa asaguna aad ugu carooday Ingiriiska magaaladaas jooga maadaama ay waxba ka qabanwaayeen in ganacsigiisii la baabi'yo.

Dhanka kale waxaa wararku sheegayaan in Ingiriisku ay Basra u magcaabeen Shiikh aan la magcaabin in uu magaalada xakumo. eeg. IOL.

BAQDAAD: Dhanka kale waxaa wararku sheegayaan in maanta ay Baqdaad ka bilaabatay bililiqo ay dadku fiiqanayaan wixii gacantoodu haleesho.

Dhibaatadii soo gaartey Cali Ismaaciil Cabbaas

CIRAAQ: Waxaa wiilkaan oo 12jir oo magaciisa layiraahdo Cali Ismaaciil Cabbaas ah dagaalka kasoo gaarey dhibaato aad u daran taas oo uu ku waayey badanaa qoyskiisii asagana ay kaga go'een labadiisii gacmood daawo qisadan naxdinta leh [ITV]
Burburkii goobtii la duqeeyey ee Baqdaad: Daawo Halkan [ITV]
 Duqayntii Baqdaad: Daawo Halkan [CBCTV]

Saddaam oo lagayaabo in uu kabadbaaday Duqayntii Shalay

Sida ay werisey warbaahinta Australia oo soo xiganeysey wargeysyo kasoo baxa dalka Ingiriiska, waxaa laga yaabaa in Saddaam xuseen uu ka badbaadey isku daygii ay Maraykanku shalay isku dayeen in ay ku dilaan duqaynta. Waxaa warku intaas ku daray in lagayaabo in Saddaam uu dhismahaas ka baxay intii aan la duqayn.

Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegay in ay u malaynayaan in Saddaam uu duqayntaas ka badbaadey.

"waxaan u malayneynaa in uu (Saddaam) dhismahaas uga baxay sidii uu ku yimid, oo noqonkarta dhulka hoostiisa wadooyinka mara ama gaari, ma hubno" sidaas waxaa qoray The Times oo kasoo baxa London, UK oo soo xiganey sirdoonka Ingiriiska. 

"Waxaa laga yaabaa in uusan (Sadaam) kujirin dhismaha markii la duqeeyey" Sidaas waxaa qoray  The Guardian oo kasoo baxa Ingiriiska oo soo xiganeysey ilo.

TV-ga ABC ee Maraykanku waxa uu sheegay in sirdoonka Maraykanku rumaysan yihiin in Saddam ku dhintay duqayntaas.

Shalay ayey ahayd markii dhisme kuyaall Baqdaad oo loo malaynayey in uu Saddam kujiro lala beegsaday bomb nooceedu yahay B-1. Waxaa warku sheegay in dhismahaas lagu tuuray afar bomb oo culayskoodu midkiiba yahay  2,000-rodol.

CIRAAQ: Dilkii Weriyayaasha oo adduunka ka abuuray caro

Daawo halkan...ENGLISH.. | Daawo halkan --- ARABIC 

Sida ay werisey IOL , dilkii saddexda weriye ee shalay ay magaalada Baqdaad duqaynta ciidamada Maraykanku ku dileen ayaa dunida dacaladeeda ka dhalisay caro. Waxaa ugu horayntii warqad Cabasho ah diray guddiga saxaafadda ee loo yaqaan CPJ [Committee to Protect Journalists] oo ay u direen xoghaya difaaca Maraykanka Rumsfeld, warqadaas oo ay ku muujinaya walaaca ay ka qabaan weerarka Maraykanka ee ku aadanaa weriyayaasha. Dhanka kale waxaa caro aad u weyn muujiyey warbaahinta dalalka Carabta taas oo ay ku tilmaameen weerarka weriyayaasha in lagu qarinayo runta, waxaana carabta inbadan ka caraysiiyey weerarkii loo geystey xafiiska Aljazeera ee baqdaad kaas oo lagu diley weriyihii halkaas uga soo waramayey Aljazeera iyo go'ddomintii la sheegay in loo geystey xarunta ay ku taal halka uu wararka ka soo tebiyo Abudhabi TV, waa sida tvgaasi sheegayey. Waxaana arintaas qoraal dheer ka qoray IOL.

Sidoo kale, jariidada Times ee kasoo baxda UK ayaa cadadkeedii maanta qortay warbixin dheer oo ku saabsan carada ay dhalisay dilkii weriyihii Tariq Ayoub

Diyaarad F-15E oo ka dhacday Maraykanka

Wararka ka imanaya Ciraaq ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-15E [oo loo yaqaan Strike Eagle] ay shalay ku dhacday Ciraaq taas oo labadii duuliye e saaraa la la'yahay. Tani waa diyaaradii labaad oo shalay ku dhacday Ciraaq taas oo ay ka horeysey diyaardaii nooceedu ahaa A-10 Warthog.

Shirkadaaha Austalia oo Tartan ugu jira Saliida Ciraaq

Sida ay werisey ABC Australia khubarada saliida ceysriin iyo gaaska ayaa noqondoona kuwa ugu horeeya ee ka faa'ida  xagga ganacsida dagaalka Ciraaq kaddib. Waxaa warku intaas ku daray in ilaa hadda 90 shirkadood oo Australia ah ay isu diiwaan gelineyeen in ay xiisaynayaan Ciraaq.

MAALINTII 20aad EE DAGAALKA CIRAAQ!!! : APRIL 9, 2003

Waxaa isku soo dubaridey XagarYare

-ISBAHAYSIGA KA DHANKA AH CIRAAQ OO BAADI GOOBAYA SADDAM:Geeri iyo nolol

Daawo Halkan

Saddaam xuseen miyuu ku dhintay banbaanadii lala beegsaday makhaayada ku taala Galbeedka magaalada Baqdaad Mise Wali Wuu Noolyahay?.

Su,aashani waxaa ay talaadadii dhex mushaaxaysay magaalada baqdaad,iyadoo goobo kala duwan oo magaalada rasaas darandoori ah layswaydaarsanaayay.

ugu yaraan Sadex goobood oo saddam muhiim u ahaa ayaa lagu tuuray laguna baabi,iyay galabnimadii isniinta B-1-BOMBER oo ka dhaca mid kamida nooca diyaaradaha dagaalka ee maraykanka.

waxaa marka bomkaas la tuuraayay ay diiraddu si gaar ah u saarayd makhaayadda ay ciidamada sirta maraykanku u soo sheegeen militariga in ay saacadaas soo galeen Saddam Xuseen iyo labadiisa wiil ee Udaay iyo kusaay,, oo ay waliba weheliyaan saraakiil cul culus oo golaha sare ee ciraaq kamida.

Banbaanadaas oo aad u xoog waynayd laguna tuuray xaafad ka mida baqdaad oo layiraa Mansuur,waxaa ay dhulka la goysay illaa 300 mitir oo isku wareeg ah iyadoo hoos u galaysa korra u soo rujinaysa marka ay qaraxdo illaa 18mitir oo hoos ah.

Waxaa halkaas laga heley laba qof oo mayd ah,balse waxaa la aaminsanyahay in ay 14 qof ku dhinteen iyadoo wax yar uun kadib qaraxaas ay goobta oo sigaara diiradu u saarayd ay yimaadeen saraakiil maraykan ah"nin ciidamada sirta ah ayaa sheegay in ay dad badani meesha ku aasmeen oo sida ugu dhaqsaha badan looga soo saaraayo,iyadoo ujeedadu tahay in la baaro dhiigga,iyadoo la adeegsanayo qaabka looyaqaan DNA ama hiddo raacida dhiiga,bal si loo hubiyo in saddaam meesha tiisii ku dhamaatay.

LABA QOF OO KALIYA AYAA OG MEELAHA SADDAAM JOOGO-

DADka Saddam xuseen aadka u yaqaan ayaa ku tilmaama in uu yahay nin markiisii horeba u dhashay Feejignaan gaar ah,taas oo jirta ayuu tobaneeyadii sano ee danbe si gaara isu ilaaliyaa ama loo ilaaliyaa,waxaa ogaankara oo kaliya laba qof hadba meesha uu ku suganyahay.

waxaa ogaan kara oo kaliya Wiilkamida labadiisa wiil Kusaay oo ah taliyaha ciidamada nabad galyada madaxweynaha,iyo xoghayntiisa gaarka ah Caabid Xamiid Maxamuud, waxaana warka sidaas oranaaya laga soo xigtay nin maamulka ciraaq kamid ahaa oo haatan magangalyo siyaasadeed dalka dibadda uga maqan.

Diiraddan lasaaraayo iyo weeraraka kali ahaantiisa lala beegsanaayo saddaam waxaa ay socotay intuu dagaalku socday oo dhan, 20kii march ayaa weerar ku dulwaabariistay baqdaad waxaa sigaara loogu bilaabay meelo gaar ah oo ay ciidamada sirta soo siisay militeriga, oo ay filayeen in Saddam xuseen lagu dilikaro.

WARARKA CIRAAQ: APRIL 8, 2003

  • Hotelka ay warfidiyeenadu ka deganyihiin Baqdaad oo la duqeeyey
  • Suxufiyiin  lagu diley Baqdaad
  • Ruushka oo sheegay in Maraykanku weeraray Safiirkoodii Ciraaq

Hotelka ay warfidiyeenadu ka deganyihiin Baqdaad oo la duqeeyey
[weriye katirsan Aljazeera oo la diley]

Daawo Wararka Dagaalka [ENGLISH] | AMA DAAWO ABU-DHABI.TV  [ARABIC]

Wararka ka imanaya Caasimada Ciraaq ee Baqdaad oo maanat ay ka dhaceen dagaalo iyo duqayn aad u daran ayaa sheegay in taangi uu leeyahay maraykanku duqeeyey hotel ay deganaayeen suxufiyiin ka yimid dacalada dunida oo halkaas wararka kasoo tebinayey. Hotelkan oo lagu magcaabo Palestine hotel waxaa lagu soo waramay in uu hal qof ku dhintay.

Dhanka kale ee magaalada Baqdaad waxaa lagu soo waramay in duqayn lagu diley weriye Tareq Ayub oo AlJazeera uga soo waramayey magaalada Baqdaad. Markiiba TV-ga aljazeera waxa uu arintaas ku eedeeyey in  Maraykanku uu si ula kac ah u weeraray xarunta Al-Jazeera ee Baqdaad, waxana ay ku dareenin Maraykanku ay yaqaaneen meesha aljazeera ku taal.

Ruushka oo sheegay in Maraykanku weeraray Safiirkoodii Ciraaq

Warar ay faafisay warbaahinta ruushku waxa uu sheegay in safiirkii Ruushka u fadhiyey uu sheegay in Maraykanku uu si bareer ah u weeraray. Sida ay shalay werisey RIA Novosti waxaa safiirku, Vladimir Titorenko, waxaa weerarkaas kusoo gaary dhaawac yar. Waxaa wararku intaas ku dareen in safaarada Ruushka ee Ciraaq oo ay ka shaqaynayeen 26 qof lagu soo koobay 12 dagaalada halkaas ka socda awgood.

Daawo shalaygalab iyo Baqdaad GUJI HALKAN....

WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ... 

 Tixraac iyo sawirada: AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SOO BOOQO

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.