SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - XUQUUQDA AADAMIGA
Somali Banadir Human Rights Org.

Ujeedo wargilin.

KU: Dr.Ghanim Alnajjar, wakiilka UN. Human Rights For Somalia
OG: mr.Robert Archer, International Human rights
OG: International Criminals Court. The Hegue
OG: Amnesty International
OG: Dhamaan Hayadaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Xuquuqda Aadamiga.

Waxan si'caddaan ah ummadda Soomaaliyeed iyo ummadaha Caalamka u tusaynaa sida ay uga jirto meelo ka mid ah Soomaaliya khatar la xiriirta ku xad gudubyada Xuquuqda Aadamiga .waxaa jirta qaar ka mid ah masuuliinta maamulka Carte ineey hanjabaat iyo caga jukleeyn ku haayaan odayaasha Dhaqanka ee Beesha Banaadiriga ee aan hubeeysneyn ku sugan Gobolka Shabeeldda Hoose ee Magaalada Marka. .

Arrimahaas waxay xadgudub ku yihiin xeerarka caalamiga ah.(human rights abuses)

L I N K S
Human Rights Watch
Human Rights Office
The Universal Declaration of Human Rights
Universal Declaration of Human Rights [UN website]
F . A. O
Qabqablayaasha /Dembiilayaasha Dagaalka Soomaaliya ha Ogaadeen in ay u Dambayn Doonto sida Slobodan Milosevic GUJI...
Maxkamad Caalami ah ee Dembiyada oo si rasmi ah Looga Furey Holland & Somali dooneysa in ay Dacweeyaan Dagaal Oogayaasha. GUJI...

Tusaale ahaan qodobka 29aad, qaybtiisa 1aad, 2aad, waxaa ku cad sidatan:

1=.qof kastaa waxaa ka saaran bulshadiisa waajibaad; Bulshadu waa meesha keliya oo ay Suurtowda in qofku Shakhsiyaddiisu si madax banaan oo buuxda ay ugu horumarta.

2=Markuu qofku gudanaayo xuquuqdiisa iyo xurriyaadkiisa waxaa xiraaya oo qura inta uu sharciga ka reebay,iyadoo ujeedadeedu tahay aqoonsiga iyo dhowritaanka xuquuqda iyo xurriyaadka dadka kale in la dhowro iyo sidoo kale anshaxa iyo nabadgelyada kuwada noolaanshaha.


( Article 29 Part 1 & 2

(1) Everyone has duties to the community in which alone the free and full development of his personality is possible.

(2) In the exercise of his rights and freedoms, everyone shall be subject only to such limitations as are determined by law solely for the purpose of securing due recognition and respect for the rights and freedoms of others and of meeting the just requirements of morality, public order and the general welfare in a democratic society.


waxaa ku xusan Xeerka Caalamiga ee Qaramada Midoobay (qodobka 21,qeybta 3)in rabitaankood Dadweeynahu yahay saldhigga awoodda.

Rabitaankaas waxaa lagu muujinayaa Doorashooyin run ah oo xilliyo cayiman dhacaya, dadkuna ka wada qeybgalaayaan, waxayna u dhacayaan si xornimo Dimoqraadi ah ku jirto. 


( Article 21 Part 3) The will of the people shall be the basis of the authority of government; this will shall be expressed in periodic and genuine elections which shall be by universal and equal suffrage and shall be held by secret vote or by equivalent free voting procedures. 

Fiiro Gaar ah. (qodobka 30) Baaqa kuma jiraan wax loo fasiri karo in macnahoodu yahay in Dawlad, koox ama qof xaq u leeyahay inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo in lagu burburiyo xuquuda ama xorriyaadka lagu qoray Baaqan. Iyadoo helitaanka aragtida mideysan ee la xiriira xuquuqda iyo xoriyaadkan ay tahay arrin qiimo weyn ku fadhisa si loo fuliyo ballan qaadka.ee QARAMADDA MIDOWAY .UN.

Haddaba ururka Banadiri human rights organisation, isagoo ka turjumaaya xuquuqda aadanaha wuxuu ka soo horjeedaa dhammanba wixii xad gudub ku ah karaamada ,xurriyadda shaqsiga iyo tan caamka ah ee dadka.

Ururku wuxuu kaloo aad uga xun yahay masuuliyiinta sida xaq darrada ugu takrifalaaya awoodda dadweeynaha.

Ururku wuxuu taageersan yahay in bulsho weeynta soomaaliyeed lagu maamulo sinnaan, caddaalad iyo wadajir.

Waxaan ugu dambayn ku baaqaynaa in la ilaaliyo axdiga qaranka iyo nabad ku wada noolaanshaha beelaha wada deggan.

Waa in laga foojignaado in dikreeto wax lagu magacaabo, waana in dadweeynaha gobolka shabeellada hoose loo dhaafo inay si dimuqraaddi ah uga arrinsadaan danaha guud iyo aayahooda.

Wabilaahi Towfiiq

Dr. Cabdulkadir Xaaji Suufi (muriidigulf)

Gu'doomiyaha Hayada Xuquuqda Aadamiga ee Banadir 

E-mailto: muriidigulf@hotmail.com

<><><><><><><>****<><><><><><><>

Somali Banadiri HumanRights Org. Sidoo kale waxay canbaaraysay koxdii ka danbeysay Afduubkii loo geystay shaqaalehii UN soomaaliya ee lagu af duubay Mugadisho. 

AFDUUBKA XAMAR

"Cambaareyn Afduubkii Max'ed Faarax" UN
Hay'da UN ayaa cabaaraysay afduubkii Afraad ee Muqdisho ee shaqaaleheeda, warkaan iyo 8dii Soomaalida ahaa oo nairobi maxkamad lagusoo taagey. . IQRA.. 30/8

"Cambaarayn Afduubkii C/Qaadir" UN
Qaramada Midoobay ayaa Si Weyn U Cambaareyeen Sii Socodka Afduubka Loo Geystay Abdulkadir Maxamed Abikar Oo Haatan Lagu Haysto  Mogdisho. IQRA.fm.. Agosto 9

Somali Banadir Human Rights organization Wuxu Cambaarayneysaa Afduubkii Afraad ee Loo Geysto Xubnaha Shaqaaleha UN-Ka Sanadkan 2002.

Maxamed Farax Cumar Oo Ka tirsanaa Shaqaalaha Mashruuc ee Qaramada Midoobay Ayaa Waxa Dabley Hubaysani Ka Afduubtay Aagga Towfiiq ee Magalada Mogadisho Subaxnimadii Talaadada ee Bishan Agosto 27dii Isagoo Ku Sii Jeeda Xafiiska Shaqadiisa FAO.

Hadaba kuwa Caadeystay Afduubka, dilka, dhaca, kufsiga, boobka, iwm, waa in ay ka waantoobaan waxyaaba ka baxsan ku dhaqanka Diinta islaamka iyo dhowrista Xuquuqda Aadamiga. waxaan ka fileynaa kooxdii ka danbeysay falkaan afduubka ah, in ay ku sii dayaan Maxamed Farax Cumar,  biduun sharuud, sharud laan...

Wabilaahi Towfiiq

Dr. Cabdulkadir Xaaji Suufi (muriidigulf)

Gu'doomiyaha Hayada Xuquuqda Aadamiga ee Banadir

E-mailto: muriidigulf@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Agoosto 31, 2002 | SOMALITALK.COM


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
GARGAAR DEG-DEG AH

AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02  
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD