SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
Kalluumaysatadii Soomaalida iyo Pakistan-ka ahaa  oo lasiideynayo, ayadoo kenya cadaysay in aysan wax lug ah kulahayn Qaraxii Mombasa

Sida ay werisey jariidada New York Times, booliska Kenya waxa ay maalintii Jimcada (13/12/2002) caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii. 

Hoos Akhri

Waxa kale oo warku intaas ku daray in maxkamad Kenya ah ay booliska amartay in ay damiin kusii daayaan laba qof oo kale,kuwaas oo ah hooyo iyo wiilkeedii weynaa oo weli dembi baarayaashu su'aalo weydiinayaan qaraxii Paradise hotel in Mombasa.

Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo Pakistaaniyiinta ayaa la qabtay ka hor qaraxii Mombasa, markii qaraxu dhacayna waxa alooga shakiyey in ay hubka soo geliyeed Kenya.

William Langat oo ah ku xigeenka booliska qaabilsanaa baaritaanka qaraxaas ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in aan raggaasi wax lug ah ku lahayn ama wax xiriiri ah la lahayn weerarkii Mombasa. 

Qareenka maxkamada sare, Chief Magistrate Hanna Okwengu, ayaa sagaalka kalluumaysatada ah  ku helay dembiga ah in ay waddanka sharci darro kusoo galeen, sidaas darteedna wuxuu amray in midkiiba uu bixiyo $620, lana xirayo hal san, kabacdina wadanka laga tarxiili doono. [Warkii jariidada oo Ingiriisi ah -- GUJI]

Warbixintii dhammaadkii November ee xarigga la xiriira Soomaalida [GUJI]

GEN. GABYOW OO JAWAAB KA BIXIYEY HADALKII ZENAWI

Isbahaysiga dooxada Juba oo beeniyey hadalkii Zenawi
"Wax habayaraatee Al-Qaaeda ama Al-Ittihad oo. GUJI  8/12

Zenawi oo Qaraxii Mombasa ku eedeeyey Soomaali
waraysi uu Zenawi bixiyey markii uu kasoo laabtay Ameerika ayuu GUJI 8/12

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Wararysi ay idaacada BBC qaybteeda Ingiriisku la yeelatay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, markii uu kasoo laabtay safarkii uu ku tegey Maraykanka  ayuu ku sheegay in uu hayo waxyaabo muujinaya in laga yaabo in koox soomaaliya ka hawl gasha ay ka dambeeyeen weerarkii israa'iiliyiinta Kenya. Laakiin Zenawi wax caddayn arintaas u ah masoo hordhigin BBC-da Afrika. [GUJI]

Markiiba qoraal kasoo baxay Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa ku gacan sayray hadalkii Zenawi. Isbahaysiga oo jawaab bixinaya waxa ay yiraahdeen "Wax habayaraatee Al-Qaaeda ama Al-Ittihad oo ku leh xarun Rascomboni ama nawaaxigeeda ma jiraan" [GUJI]

Sidoo kale Guddoomiyaha ururka SPM/SRRC Gen. Aadan Cabdillaahi Nuur (gabyow) ayaa war saxaafadeed uu Eldoret ka soo saaray ayuu ku cambaareeyey warkii uu Raysal wasaaraha Itoobiya. [GUJI]

Sidoo kale Ogaden  Editorial Board oo warkii Zenawi ka jawaabayey waxa ay yiraahdeen haddii Zenawi hayey war sidaas muhiim u ah muxuu ugu ugu sheegiwaayey dawladad Maraykanka. Ayaoo hadalkaas siiwatana waxay isweydiiyeen in ay suurtagal tahay in Zenawi isu muujiyo mid haya akhbaar ka badan intii uu u sheegay madaxweyne Bush kulankoodii kabacdi [CLICK] 

Sannadkii hore bishii November 27keedii ayey ahayd markii uu  Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah uu yiri eedeyanta Soomaaliya in ay tahay wadan argagixiso waa mid ku salaysan daliilsi iyo male ee ma ahan xaqiiqo lacadeeyey, sidaas waxa yiri

"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." ayuu yiri Dr. Menkhaus. [GUJI] [CLICK].

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii waraysi uu Jaamac Cali Jaamac siiyey SomaliTalk uu yiri hadalkan ""aan waliba afka ku balaarshee dowlada Itoobiya oo rabta in shirku burburo...." [GUJI]

Sannadkii hore bishii September ayey ahayd markii khabiir reer galbeed ah uu yiri hadalkan: "In Somalia, most devout Muslims are not fanatics. Terrorism is anti-Islam," said one western analyst. Quote from News24 [S/Africa]

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii jariidada Aljazeera ay ku warbixisay in Diyaaradaha Itoobiya ay Joojinayeen Duulimaad yadoodii Israelkadib markii ay shirkadu ka xumaatay sida loola dhaqmay dulimadkii maalintii axaddii toddobaadkii hore ahayd oo rixladii ku socotay Talaabiib loo jeediyey Koonfurta Israa'iil oo ah garoon Ciidan, halkaasoo lagu sameeyey baaritaan dhamaan diyaarada. [GUJI]

Dabayaaqadii bishii November ayey ahayd markii Hotel iyo diyaarad ay leeyihiin Israel lagu weeraray Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, hotelka waxaa ku dhintay dhowr iyo toban qof kaddib markii gaari ay saaraayeen sadex oo bambo saarantaahy lagu dhiftay hoteelka, laakiin diyaarada waa lala gafey gantaaladii lagu gamey [GUJI]

Bilowgii bishan December ayey ahayd markii Maxamuud Wardheere qoraalka u diray hay'adda Amnesty International kaas oo uu hay'adda u tilmaamay in ay tahay xil saaran inay boodaan oo u hadadlaan Afarta Soomaalida ee markaas kujiraa xabsiga Mombasa Kenya [GUJI]

Isku soo xooriyoo waxaa hadda muuqata, sida ay booliska Kenya cadeeyeen, in aan Soomaalidii arintaas loo xiray aysan wax lug ah ku lahayn qaraxyadadii Mombasa. [CLICK]

SomaliTalk.com

Dec 15, 2002  

Rabshaddo Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
 Shan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, hal qofna cisbitaalka kaddib markii iska hor imaad ka dhacay  goob ay ka socotey xaflad loogu magac daray "Miss Somalia" ....GUJI    

I  I  D  H  E  H

 Fariimo Dhiig Xambaarsan ayaa ka imanaya Hargeysa
Faaladii XagarYare [Germany] GUJI...
Mowqifka Somaliland iyo Meermeerka Reer Sool
Faaladii Maxamed Cabdi Diridhaba [Pakistan] GUJI...
Shaxda Eldoret: Yaa ku Guulaysan- Yaa ku khasaari?
Faaladii Siciid Cali [Canada] GUJI...
Yaa sababay dagaalkii ka dhacay Laascaanood
Maqaal: Ibraahim Maxamed Huruuse GUJI...
Somaliland ma wax jiraa mise waa sheeko hore...
Maqaal: Axmed Maxamuud GUJI...  

Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye
Warqadan oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan beelaha.... GUJI  14/12

Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party 
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI 14/12

Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji  ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI... 14/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD