Hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida iyo xubnaha soomaalida ee ka qayb
galaya kulanka wada tashiga ee haatan ka socda safari Park hotel ayaa
qoddobadii la isku maandhaafsanaa ee Qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka
Soomaaliya maanta qodobadii lasoo hor dhigay saxiix ku wada jiiday.
Qodobada la isku hayey ee Qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka ayaa lagu
heshiiyey sidan in loogu dhaqan galiyo ,waxayna u qoran yihiin sidan:-
1-Magaca Buuga Axdiga iyo dastuurka waxa uu Noqonayaa
Buuga Axdiga iyo Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ee
Soomaaliya.
2-Magaca Dawlada waxa uu noqonayaa: Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka
ku meel gaarka ee Soomaaliya .
3-Jamhuuriyada Dimoqoraadiga Federaalka Soomaaliya waxay ku dhaqmeysaa
Dastuurka KMG, Beesha Caalamka waxay ka taageereysaa dhinac Farsamo iyo Mid
dhaqaale.
4-Baarlamaanka Ku meel gaarka ah waxa uu noqonayaa tirada xubnaha
xildhibaanada 275 xubno oo 12/boqolkiiba tirada xubnaha Baarlamaanka waa
haweenka.
5-Xulida xubnaha Baarlamaan waxaa soo xulaya :-
A- hogaamiyayaasha siyaasada qabiilada hoose ee Dawlada KMG ee TNG-da.
B-Maamulada Gobolada iyo degmooyinka.
C-Hogaamiyayaasha Siyaasada ee shirka hogaamiye ku jooga.
ugu danbeyn waxaa ansixinaya Hogaamiyayaasha dhaqanka ee la aqoonsan yahay.
6-waqtiga Dawlada. Jamhuuriyada dimoqoraadiga Federaalka KMG Ee Soomaaliya
waxa uu noqonayaa 5-(shan )-sanno.
Dastuuska
SOOMAALIDA
Qododbka 38.0: Waxbarashada |
7.
Dowladda waxay dugsiyadaha dalka oo dhan ku hirgelinayaa manhaj mideysan
9. Dowladda waxay horumarineysaa barnaamijyada waxbarashada iyo manhaj
mideysan ee dugsiyada.Arrimaha la soo sheegay laguma dabbaqi karo
dugsiyada ay leeyihiin dadka aan muslimka ahayn
10. Waxbarashada Islaamka waa ku qasab caruurta, dugsiyada dowladda
iyo ku gaarka. Arrimmahan laguma dabaqi karo dugsiyadda ay leeyihiin
dadka aan muslimka ahayn.
Guji... |
7-Maadooyinka iyo manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan
dugsiyo u gaar Muslimiinta.
8-shirweynaha lagu ansixinayo qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka waqtiga
waxaa sheegi doona Guddiga Hawl fududeynta IGAD.
qoddobdan ayaa waxaa saxixay :-
A-Hogaamiyayaasha siyaasada ee Mbagathi ( SRRC,G-8,TNG-da Madasha ).
B-Ururada Bulshada ee Shirka .
C-Hogaamiyayaasha haweenka oo ku socda habka qaybsiga 4.5,tiradooda waa
5-haween ah.
D- Cabdiqasim iyo wafdigiisa oo galabta saxiixaya.
E- Golaha Badbaadada Qaranka oo war laga sugaya hogaamiyayaasha Soomaaliya ku
maqan oo iyagu wali saxiixin.
qoraalka oo horey loogu qaybiyey ayaa markii ay Koox koox fikirkooda u soo
gudbiyeen IGAD iyo Beesha Caalamka Celcelis ku sameeysaya oo ka codsatey in
la isu tanaasulo intooda badan waa ay ogolaadeen oo saxiix ku jiideen.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com
DIGNIIN:
Viruska Cusub ee Bagle
oo Halistiisii Siyaadey
[Jan 22]