SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 28, 2004

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/011/04 London, 27/03/2004

Ujeedo:Fariini meel dheer ma gaarto

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay isa soo taraya eedeymo aan loo meel dayin oo ka soo yeeraya madaxda maamullada Gobollada waqooyi galbeed, waqooyi bari iyo maamulka Shabeelada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay ee shilalka ka dhaca dagmooyinka hoos yimaada maamulladooda ku sheegaan in ay ka dambeeyeen waxa loogu yeero Argagaxisada Caalamiga, iyadoo oo ujeedada ka dambeeysaa tahay kaalmo maamulladoodu ka helaan dowladaha isu xil saaray la dagaalanka Argagaxisada Caalimiga.

Eedeyntii ugu horreysay bishii Ogosto sanadkii hore ayay Mrs. Adna Adan Isma'il iyada oo wariye ka tirsan wakaalada wararka ee Reuters wareysi ay siisay iyada oo ku sugan magaalada Addis abeba dalka Ithiopia ku sheegtay in koofurta Soomaaliya gaar ahaan degaanada hoos yimaada hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya gabaad ama xarumo u yihiin burcadda caalamiga ah "Argagaxisada".

Shilalkii ugu dambeeyay ee ka dhaca gobollada waqooyi ee maamul ahaan hoos yimaada Col. Dahir Riyale mas'uul ka tirsan ku sheegay in dilalkii iyo afduubyadii la geystay ay ka dambeeyeen waxa ay ugu yeereen Argagaxisada Caalimaga iyada oo ujeedada ka dambeeysaa tahay in la qaldo in bulshada caalamka, iyagoo faa'iideysanaya burburka dhinac walba leh ee saameeyay dalka Soomaaliya.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu mar kale ku celinayaa in waxa loo yaqaano Argagaxisada Caalamiga ah aysan marna suurtgal u noqon doonin in ay gabaad ka helaan dalka Soomaaliya, isla markaana beeninayaa beenta la doonayo in wax uun looga helo bulshada caalamka ha ahaadeen Aqoonsiga la doonayo iyo taageero nooca ay doonto ha ahaatee.

Sidaas darteed Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu uga digeynaa mas'uuliyiintan caadeystay eedeymaha aan sina loo qaadan karin ee ay ku baahiyaan qalabka warbaahinta adduunka ujeeda kasta oo ay ka leeyihiin, waxaan la socodsiineynaa in iyagu ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya ee gurta miraha abuurkooda xun yahay ee ay u beerayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib waxaan si cad u cambaareyneynaa hadalkii dhawaan ka soo yeeray guddoomiyha maamulka gobolka Shabeelada dhexe ee dalka Soomaaliya Moh'ed Omar Habeeb "Moh'ed Dheere" kuna saabsanaa joojinta xirashada "Xijaabka".

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka xun yahay fariimaha aan wanaagsaneyn ee had iyo jeer ka soo yeera xubno ka tirsan kuwa ay bulshada Soomaaliyeed ka dhowrayaan nabadgalyo ka dhacda dalkeena Soomaaliya.

Uma heysano hadalkan ka soo yeeray maamulka gobolka shabeelada dhexe fariin isaga ka timid isla markaana uu u jeedinayo shacbiga Soomaaliyeed, balse ay tahay tijaabo la doonayo in lagu sameeyo ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan u jeedineynaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed in ay iska diidaan soo jeedintaas aan sina loo aqbali karin.

Ugu dambeyntii Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu raali galin buuxda ka bixineynaa aflagaadadii uu Guddoomiyaha maamulka shabeelada dhexe Max'ed Dheere u geystay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kenya Mr. Kolonzo, sidoo kalena ka raali galinayaa mid ka mid ah qowmiyadaha Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay ee uu aflagaadadaasi wax ugu dhimay.

Kaaliyha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna

Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

xildhiban@hotmail.com

Safarka Riyaale Waxba Soo Kordhin maayo. Guji...

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD