SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

May 15, 2004

WARARKII MAANTA:

  • Qaar ka mid Hogaamiyayaasha Somaliya oo ka caga jiidaya inay tagaan Kenya. 

  • Horumar intee ah ayaa laga gaaray waan waantii laga dhex waday Muuse Suudi iyo Bashiir Raage. 

  • C/qaasim oo u baqoolay ka qayb galka Shir Wayne Caalamiya. 

  • Maalinta Dhalinyaradda oo lagu xusayo Muqdisho. Iyadoo dhiiga Dhalinyarro Soomaaliyeed uu ku qubanayo Qaybo ka mida Muqdisho. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 

Qaar ka mid Hogaamiyayaasha Somaliya oo ka caga jiidaya inay tagaan Kenya. 

Iyadoo ay Toddobo Maalmood ka harsantahay Waqtigii loo qabtay inay ku yimaadaan Hogaamiyayaasha Kooxaha Soomaalidu Magaaladda Nairobi ayeey qaar ka mida Kooxaha Soomaalidu u muuqdaan inaysan u socon xilligan Kenya. 

Xubno ka tirsan Golaha Samatabixinta Qaranka ee uu hogaamiyo Muuse Suudi Yalaxoow ayaa sheegay inaysan u socon Shirka Kenya inta xayiraada laga qaadayo Baasaboorka Soomaaliga ah oo ay Kenya mamnuucday. Waxaana Xubnahan ay sheegeen inaysanba ogayn sababta loogu yeerayo mar haddiiba la inkiray Jiritaanka Qofka Soomaaliga ah. 

Maxamad Jaamac Furux oo Golahaasi u qaabilsan Arrimaha Gudaha iyo Nabadgalyadda ayaa sheegay in Kenya ay iyadu sabab u tahay Fashilka ku yimid Shirka Kenya.  Wuxuuna sheegay in mudadii dheerayd ee uu shirku soo socday ay Kenya marba dhinac u jihaynaysay Shirka. Sidaas darteedna shirku uu imminka qarka u saaran yahay inuu fashilmo. 

Furux waxa uu sheegay in sidoo kale shirka ay faragalin ku hayso Dawladda Ethiopia oo sida uu sheegay Kooxo gaar ah wadata. Wuxuuna sheegay in Ethiopia ay iyada oo xagal daacinaysa Wadahadaladda Soomaalida marar badan ka abaabushay Gudaha Dalka dagaalo Sokeeye. 

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, ayaa iyaduna sheegtay inaysan tagayn Kenya mar haddii waxba kama jiraan lagu tilmaamay Heshiiskii Safari Park. Isla markaana aan lagu xusin Qoraalkii Wasiiradda IGAD magaca TNG-da. Waxaana ay Dawladdu sheegtay in Kenya lagu kala qoqoboyo Soomaalida ee aan lagu heshiisiinayn. 

Kooxda SRRC ee Jawhar ayaa iyagu badalay mawqifkoodii hore ee ay ku diidanaaayeen Shirka Kenya. Waxayna sheegeen inay tagayaan Madasha Shirka kadib markii laga qanciyay waxyaabihii ay dhaliilsanaayeen inta badan.  

Horumar intee ah ayaa laga gaaray waan waantii laga dhex waday Muuse Suudi iyo Bashiir Raage. 

Iyadoo wali ay qaybo ka mida Muqdisho isku hor fadhiyaan labadii Maleeshiyo ee dagaalka ka dhaxeeyay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in horumar laga gaaray dadaaladii nabadeed ee lagu dhex dhaxaadinayay dhinacyadda is haya. 

Warar laga helay Guddiga Dhex dhexaadinta ayaa sheegaya in Guddigu ay ku guulaysteen inay labada dhinac ku qanciyaan inay kala raraan Maleeshiyooyinkooda dabeetana isugu yimaadaan Miiska Wadahadalka. Waxaana warkan uu intaasi ku darayaa in Maalinta bariya ay billaaban doonto dhaqan galinta qodobka ah in la kala raro labada Maleeshiyo ee is horfadhiya. 

Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar oo ka mida Odayaasha Dhaqanka ee sida wayn looga tixgaliyo Koonfurta Soomaaliya ayaa isna sheegay inay Muddo Toddobaad ah ku qaadan doonto soo afjaridda dagaaladda Sokeeye. Wuxuuna sheegay inay aad ugu xunyihiin dagaalka dhex amray dadka walaalalaha ah. Isagoo Iimaamku tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay dagaalkaasi. Wuxuuna sidoo kale Alle uga baryay inay caafimaad heleen inta dhaawaca ah ee jiifta Isbitaaladda Muqdisho. 

Bashiir Raage Shiiraar oo hogaaminaya dhinac ka mida Dhinacyada ku dagaalamaya Qaybo ka mida Muqdisho ayaa sheegay in dhiniciisa uu diyaar u yahay Wadahadal uu la galo dhinaca kale ee ay is hayaan. 

Bashiir Raage oo shalay galinkii dambe ku qabtay Shir Jaraa’id guri ku yaala Degmada C/casiis ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay inuu la kulmay Odayaasha dhex dhexaadinta wadda isla markaana uu u ballanqaaday inuu diyaar u yahay Wadahadal uu la galo Kooxda ka soo horjeeda. Wuxuuna sheegay inuu aad uga xun yahay Waxyeeladda ka dhalatay dagaalkaasi oo uu ku tilmaamay dagaal Mindhicireed ku billawday si aan ku talagal ahayn. 

Bashir Rage oo u muuqday nin ka xun sida ay wax u socdaan ayaa sheegay in dagaalka isaga lagu soo qaaday.  Kadib markii sida uu sheegay ay ku rasaaseeyeen Gaari Tikniko ah oo uu leeyahay Agagaarka Hoteelka Global Maleeshiyadda Muuse Suudi. Wuxuuna sheegay inuu markiiba xiriir la sameeyay Muuse Suudi ayna isku afgarteen in Wadahadal lagu dhameeyo wixii dhacay. Laakiin waxa uu sheegay in wax yar kadib uu ka war helay Xarumihiisii oo ay soo hareereeyeen Maleeshiyadda Muuse Suudi sidaana uu ku billawday Dagaalku. 

Bashiir Raage waxa uu sheegay in isaga iyo Muuse ay yihiin labo nin oo walaalo ah isla markaana uu ka xun yahay dagaalka dhex maray. Wuxuuna ballan qaaday inuu dhiniciisa diyaar u yahay inuu ugu taggo Muuse Suudi Hoygiisa si loo soo afjaro dagaalka Sokeeye. 

Dhinaca Muuse Suudi oo aan isku daynay inaan xiriir la samayno ayeeysan noo suurta galin. Waxaana Kaaliyayaasha Muuse Suudi iyo Muuse Laf ahaantiisuba ay ka gaabsadeen inay wax hadal ah bixiyaan.  

C/qaasim oo u baqoolay ka qayb galka Shir Wayne Caalamiya. 

May 13: Mar uu C/Qaasim Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, waayo dalka Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in uu ka kooban yahay 7-Imaaradood, Dubai-na ay tahay imaarad qura, waxaana maqalnay in kaaliye waaxeed oo ka tirsan waaxda Socdaalka uu diiday in uu Visso ku dhufto baasaboorka Soomaaliga ah Guji

MATY 12: Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya Somalia Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay Imaaraadka. Wuxuuna sheegay Safiirku inay xiriir la sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka isla markaana ay u xaqiijisay in Baasaboorka Soomaaliga lagu soo gali karo Dalkeeda Guji..

MAY 11: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah,  Xuseen Saalax  oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga. Wuxuuna sheegay inay Somalia ka mid tahay Jaamacadda  Carabta. Sidaas darteedna aysan Mudnayn in dalalka Carabtu ay horseed u noqdaan Xayiraad lagu soo rogo Baasaboorka Soomaaliga. Guji..

MAY 10: Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta. Guji..

BBC & SOM.PASSOPRT
Somali passports for sale
BBC News, UK -
... the Somali ministry of foreign affairs and forging the signature of the last controller of passports before the break-up of the Somali state. Somalia has had ...
UAE 'bans visas for Somalis' 
BBC News
and more »
QORAALADA SOOMAALIDA
CUNA QABATAYNTA LAGU SOO ROGAY BAASABOORKA SOOMAALIGA
Iyo saamaynta xooggan ee uu kuyeelan doono ganacsiga iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa shacabka Soomaaliyeed Faalladii salxudin

Maantana waa Dalka UAE oo dadka baasaboorrada Soomaaliyeed wata ka mamnuucaya dal-ku-gal (visa)!

Madaxwaynaha Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia. C/qaasim Salaad Xasan ayaa lagu waddaa inuu madax kala duwan oo Afrikaan iyo Carab ah u gudbiyo ashtako ka dhan ah Dawladdaha Kenya  iyo Imaaraadka Carabta oo mamnuucay Baasaboorka Soomaaliya. 

C/qaasim oo maanta ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho isaga oo ku sii jeeda Dalka Maali halkaasoo uu uga qayb galaya Shir Madaxeedka Wadamada Siin iyo Saadh ee dalalka ka hooseeya Saxaraha ayaa intii uusan ka ambabixin Dalka waxa uu sheegay inuu shirkaasi hordhigi doono Ashtako ka dhan ah Dawladda Kenya oo mamnuucday Baasaboorka Soomaaliya xilli ay marti galinayso Shirka Soomaalida uga socda Kenya. Wuxuuna sheegay inuu ka cadayn doono Shirka Mawqifka Dawladiisa oo ah inaysan ka qayb galayn shirka Kenya inta laga qaadayo Xayiraada Baasaboorka Soomaaliga. 

C/qaasim waxa uu kulankaasi kadib u ambabixi doonaa Shir Madaxeedka Carabta oo Tunisia ka furmaya 22 ka bishan. Waxaana uu sheegay in Kulankaasna uu hordhigi doono sida ay Dalalka Carabta u faquuqeen dadkiisa. Wuxuuna sheegay inaysan aqbali Karin in Somalia oo ka mida Jaamacadda Carabta laga mamnuuco Baasaboorkeeda Dalal Carbeed.  

“Waxaan filaynay inay Carabta Soomaalida u fasaxaan Dalalkooda. Maadaama ay xaalad adag ku jiraan. Laakin ma ahayn wax aan Carab ka sugaynay inay Baasaboorkeena Mamnuucaan.” Ayuu yiri C/qaasim oo carro badan ay ka muuqatay xilligii uu hadalkan jeedinayay. Wuxuuna sheegay in sidoo kale Carabta iyo Afrikaba uu uga warami doono Caqabadaha soo wajahay Shirka Soomaaliga uga socda Kenya oo uu sheegay in qaar kamida Dalalka IGAD ay xagal daacinayaan Shirka isla markaana ay Soomaalida doonayaan inay u jiidaan hadba dhinaca ay doonayaan. 

Shir Madaxeedka Carabta ee Tunisia oo horay u baaqday ayaa waxaa uu ku soo beegmay xilli ay Carabtu dhexdeeda kala qaybsan tahay. Waxaana adkaan doonta Jawaabta ay ka bixin doonaan Tacadiyadda uu Maraykanku ka gaystay Ciraaq oo ah Ajandaha koowaad ee horyaala Jaamacadda Carabta. 

Maalinta Dhalinyaradda oo lagu xusayo Muqdisho. Iyadoo dhiiga Dhalinyarro Soomaaliyeed uu ku qubanayo Qaybo ka mida Muqdisho. 

Muqdisho ayaa maanta lagu xusay Maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15 May iyadoo uu qubanayo Dhiiga Dhalinyaro Soomaaliyeed. 

Xaflad lagu qabtay Xarunta Gobalka Banaadir oo ay ka soo qayb galeen Masuliyiin ka socota Ururadda Dhalinyaradda. Dawladda Ku Meel Gaarka ah. Ururadda Bulshadda Rayidka ah iyo Marti Sharaf kala duwan ayaa waxaa hadallo guubaayo iyo wax tusaalayn u badnaa ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah, Maxamad Cabdi Yuusuf oo ku dheeraaday doorkii ay Dhalintii hore ka qaateen Xornimo gaarsiinta Dalka iyo sida kuwa hadda jira ay  loogu adeegsado bur buriyeen Sharafta Qaranimo ee Somalia. 

Maxamad Cabdi Yuusuf waxa uu ugu baaqay Horjoogayaasha Maleeshiyooyinka ku dagalamaya qaybo ka mida Muqdisho inay joojiyaan Colaada Sokeeye isla markaana arrintooda ku dhameeyaan Wadahadal. Wuxuuna ka codsaday dhalinyaradda dagaalamaya inay gartaan in dagaalku uusan faa’iido u lahayn Laakiin dhiigooda uun lagu naaloonayo. 

Dhalinyaradda Soomaaliyeed ayaa 14 kii sanno ee ugu dambeeyay waxay noqdeen Jaranjaro ay qab qablayaashu ku gaaraan Mansab siyaasadeed si ay gor gortan ula galaan Hogaamiyayaasha kale ee ay tartanka dagaal ooganimadda ah ku jiraan. 

Ciidamadda Maraykanka ee jooga Ciraaq ayaa xoojiyay weeraradda ay ku hayaan Magaaladda Barakaysan ee Najaf. 

Ciidamadda Maraykanka ee jooga Ciraaq ayaa xoojiyay weeraradda ay ku hayaan Magaaladda Barakaysan ee Najaf. Iyadoo ay iska caabin xoogana kala kulmeen Ciidamadda Mahdiga ee Muqtada Sadri. 

Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Maraykanka oo ku hubaysan Taankiyo ayaa xalay goor dambe isku gadaamay Saldhig Boolis oo ku yaala Magaaladda Najaf. Halkaasoo ay horay u qabsadeen Ciidamada Muqtada Sadr. Waxaana tallaabadan la sheegay in Maraykanku uu uga gol leeyahay inuu ku suggo Ammaanka Booliska Ciraaqiyiinta ee la shaqeeya Maraykanka. 

Dhinaca kale Maleeshiyadda Shiicadda waxay weerar ku qaadeen Magaalooyinka Naasiriyo iyo Karpala. Waxayna Bambooyin ku rideen Saldhigyadda Ciidamada Isbahaysigu ku leeyihiin deegaanadaasi. 

Ciidamadda Talyaaniga oo saldhig ku leh Magaaladda Naasiriya ayeey wararku sheegayaan inay Rasaas Xoogan uga jawaabeen Weerarkaasi. Lamana oga illaa iyo hadda Khasaaraha ka dhashay Weeraradaasi. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk Jan 15, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD