SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May12, 2004

WARARKA MAANTA:

  • Safaaradda Soomaaliya ee Waddanka Isu Tagga Imaaraadka oo beenisay  wararka sheegaya manuucida baasaboorka soomaalida…
  • Ergadda Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia oo Muqdisho dib ugu soo laabtay.
  • Dagaal Qaraar oo ka socda  Qeybo ka mid Magaalada Muqdisho.
  • Kooxaha SRRC-da ee horay u qaadacay Shirka Soomaalida ayaa sheegay inay dib ugu laabanayaan Madasha Shirka Soomaalida uga socda Kenya.
  • Baaq Nabadeed ay maanta soo saareen Odoyaasha Iyo Waxgaadka ee mudlood ee ku sugan Nairobi.
  • Baaq Kasoo baxay Golaha wadatashiga Soomaaliyeed
  • Bahweynta Sport-iga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo tacsi loo diray
  • Golaha Jaamiciyiinta Soomaaliyeed oo soosaaray baaq nabadeed .
  • Hay’adda Wanlaweyn Human Right oo walaac ka muujiyey deagaalka.

WARAR KU SAABSAN DAGAALKA KA SOCDA BEEXAANI

Waxaa weli deegaanka  Beexaani ka socda dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyooyinka Hotel Global iyo kuwa Bashiir Raage, wuxuuna dagaalkii shalay sababay dhimasho gaaraysa dhowr iyo toban iyo dhaawac gaaraya illaa dhowr iyo toban qofood, wuxuuna dagaalkaan shalay haddana sii barakiciyay dad aad u fara badan, kaddib markii uu dagaalka ku faafay deegaano ka tirsan Shangaani, Shibbi iyo C/casiis.

Dagaalkaan oo la isku adeegsanayay hubka noocya-diisa kala duwan ayaa waxa kale oo uu sababay in dadka qaarkii ay waayaan raashin iyo biyo, kaddib markii ay xirmeen suuqayadadii iyo ceelashii biyaha.

Waxaa kooxaha dagaallamaya soo gaaraya baaqyo kaga imaanaya qay-baha kala duwan ee ku nool Muqdisho, kuwaasoo ku boorrinaya inay dagaalka si dhaqso leh ku joojiyaan isla markaana khilaafka lagu dhameyo wada hadal iyo is af-garad.

C/qaadir Beebe oo sheegay inuu yahay Gud-doomiyaha USC/SSA/SRRC  ayaa sheegay in dagaalka markii hore uu si lama filaan ah ku billowday, isla markaana markii dambe uu isku beddelay dagaal siyaasadeed.

C/qaadir beebe waxa uu sheegay inay haatan dagaalka hurinayaan kooxda Muuse Suudi, isagoo sheegay inay tikniko ka soo direen degmooyinka Madiina iyo Balcad.

Golaha Jaamiciyiinta Soomaaliyeed oo soosaaray baaq nabadeed .

Golaah Jaamiciyiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay qaybaha isaga soo horjeeda deegaanka Beexaani inay si deg-deg ah ku joojiyaan dagaalka.

Golaha waxa uu ka murugeysan yahay xaaladda dagaal ee ka soo cusboonaatay deegaankaasi oo ay sheegeen in uu keenay Dhimasho, dhaawac iyo barakac ku yimid shacabka ku nool deegaankaasi.

Golaha Jaamiciyiinta Soomaaliyeed waxa uu sheegay in dagaalladaasi ay saamayn ku yeesheen xaafadaha kale ee ku dhowr halka uu ka socdo dagaalka, waxayna sheegeen in dagaalkaas uu na soo xasuusinayo dagaalalda sokeeye ee ka dhacay dalka.

Ugu dambeyntii waxa uu golaha sheegay in loo baahan yahay in khilaafkaas lagu xalliyo wda haddal iyo is faham, waxaana ku saxiixnaa xoghayaha guud ee golaha Jaamiciyiinta Soomaaliyeed Mudane Shariif Sheekh Axmed

Hay’adda Wanlaweyn Human Right oo walaac..

Hay’adda Xuquuqda aadaha ee Wanlaweyn Human Right ayaa walaac ka muujisay dagaallada ka soo cusboonaa-day qaybo ka mid ah dagaallada ka soo cusboonaaday Muqdisho, waxayna hay’addu sheegtay in dagaalladaasi ay keeneen Dhimasho, dhaawac iyo baro kac aad u baahsan.

Hay’addu waxay sheeg-tay inay dagaalladaasi ay xad-gudub ku yihiin shareecada islaamka, xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed iyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanah oo oranaya qof walba waxa uu xaq u leeyahay nabad iyo xaornimo.

Ugu dambeyntii waxay hay’addu u soo jeedisay inay kooxahaan dagaallada ku joojiyaan si shuruud la’aan ah. Waxaana qoraalkaan ku saxiixnaa guddoomiyaha Hay’addaasi Eng. Siidoow Xasan Mahdi.

amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

<><><>

Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Dr Ismaaciil Jimcaale iyo Dallada Culumadda Soomaaliyeed ayaa baaqyo ay ka soo saareen Muqdisho waxay ku dalbadeen dhinacyadda ku dagaalamaya Xaafadaha Shibis. Shingaani  iyo C/casiis ee Magaaladda Muqdisho inay joojiyaan Colaada u dhaxaysa Dadka Walaalaha ah.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

  
C/laahi Calas Jimcaale oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale ayaa ugu baaqay dhinacyadda Maalintii Saddexaad Magaaladda Muqdisho inay xalka ka raadiyaan Wadahadal. Isla markaana isugu yimaadaan Miiska Wadahadalka si loo soo afjaro Colaada Sokeeye. Wuxuuna sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan xilligan u baahnayn dagaal Sokeeye ee ay baahin u qabaan Nabad iyo Dawladnimo.  Isagoo dhinaca kalana sheegay in Shacabka ku waxyeeloobay dagaalkaasi Khasaarihii gaaray lagula xisaabtami doono Labada Ganacsade ee kala hogaaminaya dagaalkaasi. 
 
Shiiq Nuur Baaruud oo Guddoomiye Ku Xigeen ka ah Dallada Cullumadda Soomaaliyeed ayaa isna ugu nasteexeeyay labada dhinac ee ku dhex hardamaya Shacabka inay joojiyaan Dagaalka. Wuxuuna ugu baaqay inay Alle ka baqaan oo ay joojiyaan dagaalka Ahliga ah oo 14 sanno ay Soomaalidu ku qaadatay Waayo Aragnimo ah inaan guul laga gaarin dhulna lagu qabsan.
 
Shiiq Nuur Baaruud waxa uu ugu baaqay Waxgaradka Labada dhinac ee dagaalamaya inay u istaagaan sidii ay u joojin lahaayeen Dagaalka. Wuxuuna sidoo kala qaybaha Bulshadda iyo Ganacsatadda ugu baaqay inay gacan ka gaystaan Joojinta Colaada Sokeeye ee Muqdisho Maalintii Saddexaad ka socota.
 
Waxgarad kala duwan iyo Siyaasiyiin ayaa dadaal ugu jira joojinta Dagaalka ka socda inta u dhaxaysa Hoteelka Global iyo Xarunta Gaadiidka Booliska. Laakiin dadaalkaasi ma noqon mid joojiya dagaalka oo xalay la iskula gabal dhacsaday. Saakana dib u billawday. Waxaana laga maqlayay Muqdisho oo dhan Dhawaqa Madaafiicda iyo Rasaasta ay Labada dhinac is waydaarsanayaan.
 
Madaafiicda Habawga ah ee ay ridayaan Maleeshiyadda aan Khibradda u lahayn hubka ay ku dagaalamayaan ayaa meelo kala duwan oo Muqdisho ah waxay ku dileen dad rayid ah. Waxaana meelaha ay Madaafiicdu waxyeeladda gaarsiiyeen ka mida Deegaanadda Shibis iy XamarWayne.
 
Mid ka mida gawaaridda ay isticmaalaan Line Men ka shirkadda Telcom Somalia ayaa shalay galab waxaa ku fariistay Madfac iyagoo hawl shaqo ka wadda Deegaaanka Xamar Waye. Waxaana isla goobtii ku dhintay Wadihii Gaarigaas. Halka Farsamayaqaana uu ku dhaawacmay.
 
Dagaalka oo illaa iyo imminka socda ayeeysan Muuqan ifafaale hakin kara. Waxaana odayaasha Gobalka Banaadir ay ka codsadeen Imaam Maxamuud Iimaam Cumar inuu ku biiro dadaaladda lagu doonayo in Colaada lagu hakiyo.
 
 
 Dagaal Qaraar oo ka socda  Qeybo ka mid Magaalada Muqdisho.

 
 
Dagaal Qaraar ayaa Maalintii Sadexaad ka socda Qaybo ka mida Magaaladda Muqdisho. Iyadoo Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashayna ay kor u sii kordhayaan.
 
Khasaaraha uu dagaalkan gaysanayo ayaa marba marka ka dambaysa sii kordhaya. Waxaana wararka laga helayo Isbitaaladda Muqdisho ay xaqiijinayaan inay soo gaareen in ka badan 100 qof oo Dhaawac ah.
 
Dr C/samad Abiikar oo ka mida Hawl Wadeenadda Isbitaalka Xayaat ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Isbitaalkooda la keenay 17 qof oo Dhaawac ah. Wuxuuna sheegay in mid ka mid ah dadkii Rayidka ahaa ee uu dhaawaca kasoo gaaray Dagaaladaasi uu u dhintay isla dhaawacaasi.

Isbitaalka Madiino ayaa isna la dhigay 58 qof oo dhaawac ah. Waxaana dadkaasi ay u badan yihiin Dad Rayid ah. Sida uu xaqiijiyay Hilowle Kaahiyo oo Madaxa Qaybta Gargaarka Deg Dega ah ee Isbitaalka Madiino. Wuxuuna Hilowle sidoo kale sheegay in Isbitaalkooda ay ku dhinteen Saddex qof oo ka mid ahaa dadka dhaawacyaddu ka soo gaareen Dagaaladda ka soo cusboonaaday Muqdisho.
 
Dagaalkan oo u dhaxeeyay Markii hore Maleeshiyooyin Kala taageersan Minna Xasan oo Madax ka ah Hoteelka Global iyo Ganacsade Bashiir Raage ayaa waxaa ku soo biiray qaar ka mida Maleeshiyooyinka Hogaamiye Kooxeedyadda Muqdisho.
 
C/qaadir Beebe oo gacanta ku haya Mid ka mida Xaafadaha Muqdisho isla markaana xubin ka ah Golaha Abaabul Qarameedka ee kol hore lagu dhisay Jawhar ayaa qirtay inuu qayb ka yahay dhinacyadda dagaalku u dhaxeeyo.  Wuxuuna sheegay in dagaalka uu ku soo biiray markii Muuse Suudi Maleeshiyadiisu ay billaabeen inay ka garab dagaalamaan kuwo Hoteelka Global.
 
Beebe waxa uu ku eedeeyay Haweenayda iska leh Hoteelka Global inay iyadu sabab u tahay Colaada ka soo cusboonaatay Muqdisho. Wuxuuna sheegay in Markii horaba ay Maleeshiyadeedu billaaabeen Dagaalka.
 
Laakiin Minna Xasan Shibis ayaa ku tilmaantay eedayntaasi mid aan sal lahayn. Waxayna sheegtay in la soo weeraray Hoteeelkeeda illaa iyo haddana ay is difaacid uun ku jirto. Waxayna meesha ka saartay inay gacan ka heshay Maleeshiyadda Muuse Suudi.
 
Muuse Suudi Laf ahaantiisa oo ay Warbaahintu la xiriirtay ayaa sheegay inuusan dagaalkaasi wax lug ah ku lahayn. Wuxuuna sheegay in Kooxo isu tagay ay ku fashilmeen dagaal ay ku qaadeen Gabar Soomaaliyeed sidaas darteedna ay doonayaan inay Ceebta ku soo daraan dad nadiif ah.  Laakiin Muse waxa uu ka cudurdaartay inuu wax cod ah bixiyo. 

MAY 11: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah,  Xuseen Saalax  oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga. Wuxuuna sheegay inay Somalia ka mid tahay Jaamacadda  Carabta. Sidaas darteedna aysan Mudnayn in dalalka Carabtu ay horseed u noqdaan Xayiraad lagu soo rogo Baasaboorka Soomaaliga. Guji..

MAY 10: Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta. Guji..

BBC & SOM.PASSOPRT
Somali passports for sale
BBC News, UK -
... the Somali ministry of foreign affairs and forging the signature of the last controller of passports before the break-up of the Somali state. Somalia has had ...
UAE 'bans visas for Somalis' 
BBC News
and more »
QORAALADA SOOMAALIDA
CUNA QABATAYNTA LAGU SOO ROGAY BAASABOORKA SOOMAALIGA
Iyo saamaynta xooggan ee uu kuyeelan doono ganacsiga iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa shacabka Soomaaliyeed Faalladii salxudin

Maantana waa Dalka UAE oo dadka baasaboorrada Soomaaliyeed wata ka mamnuucaya dal-ku-gal (visa)!

Safaaradda Soomaaliya ee Waddanka Isu Tagga Imaaraadka oo beenisay  wararka sheegaya manuucida baasaboorka soomaalida…

Safaaradda Soomaaliya ee Waddanka Isu Tagga Imaaraadka ayaa beenisay wararka sheegaya in Baasaboorka Soomaaliga ah laga mamnuucay in lagu soo galo Imaaraadka.
 
Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya Somalia Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay Imaaraadka. Wuxuuna sheegay Safiirku inay xiriir la sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka isla markaana ay u xaqiijisay in Baasaboorka Soomaaliga lagu soo gali karo Dalkeeda oo aysan waxba ka jirin wararka ay faafiyeen Qaar ka mida Warbaahinta Gudaha ee Somalia.
 
Bulaale waxa uu sheegay in Baasaboorka Soomaaliga ah laga mamnuucay oo kaliya Magaaladda Dubai laakiin waxa uu sheegay in Mamnuucista Dubai aysan la micno ahayn in Baasaboorka Soomaaliga ah laga mamnuucay Dalka oo dhan. Wuxuuna sheegay in lagu imaan karo Imaaraadka Baasaboorka Soomaaliga sidii horayba loogu imaan jiray.
 
Dhawaan ayaa la shaaciyay in Baasaboorka Soomaaliga ah ay mamnuucday Dawladda Isu Tagga Imaaraadka. Waxaana mamnuucistan ku dhawaaqay Kaaliyaha Agaasimaha Waaxda Dhoofka iyo Bixinta Fiisooyinka ee Dubai. Laakiin Safaaradda Soomaaliye ee Imaaraadka ayaa ku adkaysanaysa in Baasaboorka Soomaaliga ah ay mamnuuci karto oo kaliya Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ugu qaybsan dalkaasi Cilaaqaadka Dibadda.
 
Ergadda Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia oo Muqdisho dib ugu soo laabtay.
 

Ergadda Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, uga qayb galaysa Shirka Soomaalida uga socda Kenya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho.
 
Ergaddan oo uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah. Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa soo laabashadooda kadib hadal kooban oo ay siiyeen Warbaahinta waxay ku sheegeen inay u yimaadeen Muqdisho la tashi ay la yeelanayaan Madaxda sare ee Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia,
 
Ergaddan ayaa lagu waddaa inay uga warbixiyaan Labada Gole ee Dawlada Ku Meel Gaarka ah iyo Madaxwayne C/qaasim Caqabadaha hortaagan Shirka. Waxaana la filayaa in marka ay Dawladdu dhagaysato Warbixinadda ay u soo gudbin doonaan Ergadda shirka ka timid inay si rasmiya ugu dhawaaqdo Mawqifka Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia,
 
Shirka Soomaalida oo 18 Bilood soo jiitamayay ayaa waxaa soo wajahay Caqabadihii ugu adkaa markii ay Kooxaha Soomaalidu qaarkood ay qaadaceen gabi ahaanba geedi socodka Shirka Soomaalida. Laakiin Kenya oo marti galinaysa shirka ayaa wali muujinaysa rajo ah in shirku uu guulaysan doono.
 
Caqabadaha Shirka hortaagnaa ayaa waxaa ku biiray go’aankii ay Kenya ku mamnuucay Baasaboorka Soomaaliga oo ay ergo badan oo shirka laga casuumay ay u sababeeyeey diidmadooda ku aadan inay tagaan Shirka Kenya. Waxaana Soomaalidu ay sheegeen inaysan u socon dal laga mamnuucay Baasaboorkoodii oo ah Astaanta kaliya ee muujinaysa Soomaalinimadda.
 
 
Kooxaha SRRC-da ee horay u qaadacay Shirka Soomaalida ayaa sheegay inay dib ugu laabanayaan Madasha Shirka Soomaalida uga socda Kenya.
 
Maxamuud Sayid Aadan oo ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda ku sugan Jawhar ee qaadacay Shirka Kenya ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka u Faafisa Qaramadda Midoobay ee IRIN inay ka laabteen Go’aankii ay horay ugu gaareen inay Shir Dib u Heshiisiin ah ku qabtaan Gudaha Somalia. Wuxuuna sheegay inay isla garteen Kooxdoodu inay dib ugu laabtaan Madasha Shirka Soomaalida kadib markii uu sheegay in laga qanciyay inta badan Waxyaabihii ay ka cabanayeen.
 
Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay inay si deg deg ah ugu biiri Doonaan Kooxaha ka qayb galaya Shirka Kenya. Kadib markii ay Wasiiradda IGAD ka codsadeen inay dib ugu soo laabtaan Shirka Kenya. Wuxuuna sheegay in kooxdooda uu dhiiragaliyay Kulankii ay Lixdii illaa iyo Toddobadii Bishan ku yeesheen Nairobi Wasiiradda Arrimaha Dibada ee IGAD.  Iyadoo kulankaasina uu astaan u ahaa inuu dhamaaday Khilaafkii u dhaxeeyay Dalalka dhex dhexaadinaya Shirka Soomaalida uga socday Kenya.
 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 

<><><>

Baaq Nabadeed ay maanta soo saareen Odoyaasha Iyo Waxgaadka ee mudlood ee ku sugan Nairobi.

Baag nabadeed oo ay maanta soo saareen Odoyaasha iyo wax garadka Beesha Mudulood ee ku sugan Magaalada Nairobi,iyaagoo baagooda u jeediyay Kooxada ku diritu ku dhaxmarayso Magaalada Muqdisho,Gaar ahaan waqoyga Muqdisho..

Odoyaashaan ayaa kooxaha dagaalka u dhaxeeyo waxa ay ka codsadeen in ay si dag-dag ah u joojiyaan dagaalka,Waxa ayna baaqoodaan ku sheegeen in uusan Dagaal haatan dhaxmaro ciidamo ama kooxo gaar ah uusan dan u eheen Shacabka somaliyeed oo mudo 13sano ah Dagaal sokeeyo ku jiray,dhanka waxa ay tilmaameen in uu dagaal wiil in uu ku dhinto mooyeen uusan wiil ku dhalanin, waxa ayna odoyaashaan kooxaha dirirta dhaxmayo ay ka codsadeen in joojiyaan Dagaalka Ujeedo la’aanta ah,ayna ku dadaalaan Nabada.,waxa auan sidoo kale Odoyaasha ku talinayaan In ay ay Kooxaha dagaalamaayo ay u hogaansamaan Baaqa Nabada uu soo jeediyay Imaanka Beesha Mudulood.
Baaq ayaa waxaa soo saaray odoyaasha Beesha Mudolood ee kala ah.

1:Cali Ugaas Cabdule.
2:Macalin Xasan jimcale(Macalin Fanax)
3:Macalin Cabdulaahi Taakoow.
4:Sh Axmed Abuker gaaboow.
5:Shafiir Xuseen Jilicoow.
6:Suldaan Cadaan qeylshoow.
7:Col: Jibriil Cali Xuseen.
8:C/raxmaan macalin Axmed Shi Cabdi.
9:Macalin Shardi mire Maxamuud.
10: Daahir Siyaad Daamey.
11: Sh Axmed Macalin Cabdulaahi Jogofo
12:Cali Xasan xmed
13:Cabulqaadir Tooxoow Macalin.
14:Yuusuf Xasan Cali
15:Aaden Hiloowle (Qarabax)
16:Maxamed Cali (Arbush)
17:Cali Maxamed (Wabar)
18:Xaaji Muxudiin cugaal.
19:Maxmed Xirsi (Yabanay)
20: Caddaawe Xaaji Imaan
21:Suldaan Cabdulaahi inkas.
22:Cusmaan Xasan Caga biyo
23:cali Maxamed Makaro.
Dhamaad.
Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin) Nairobi,Kenya

nasrudiin5@hotmail.com

<><><>

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED
G/W/S/015/04 London, 12/05/2004
Ujeedo:- Dagaalada ka soconaya Waqooyiga Magaalada...

Waxaan mar kale guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga dardaar warineynaa xumaha sii soconaya ee sababa dagaalada iskood isaga biloowga laguna hoobto iyadoo lagu waayayo dad aan waxba galabsan oo Soomaaliyeed iyo hanti fara badan.

Waxaan la yaabanahay dagaaladan ka soconaya magaalada muqdisho caasimadda dalka Soomaaliya, dagaaladan oo bilowday maalinnimadii Isniinta aheyd welina sii soconaya, sababayna qasaarooyin fara badan oo isugu jira naf iyo maal ayay nala noqotay in aan ugu baaqno qeybaha uu dhex marayo dagaalku in ay u joojiyaan si shuruud la'aan ah, gurmadka la sheegay in ay helayaanna la joojiyo.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu shacbiga Soomaliyeed xusuusinayaa qiimaha ay nabaddu leedahay, isla markaana ugana baaqayaa in ay ka fogaadaan xaalad kasta oo qatar galin karta nabadgalyada iyo daganaanshiyaha guud ee dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

Xabad iyo is dil marna ma noqonayaan xal, sida uu waayuhu na barayana ma jirto wax lagu badalan karo nabadgalyo la gaaro, sidaas darteed waxaan ku wargalineynaa dadkeena Soomaaliyeed in ay ka haraan hurinta colaadaha ka holcaya gayiga Soomaaliya, sababna u noqday in lagu waayo mood iyo nool fara badan.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu mahad balaaran u celinayaa qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee u olaleeya nabadda uguna adeega dadkooda si qalbi furan, Ugu dambeyntii waxaan Ilaahay uga baryeeynaa shacbiga Soomaaliyeed in uu garansiiyo qiimaha iyo micnaha ay leeyihiin nabadda iyo wada noolaanshiyaha, tusiyana inay isu tanasulaan una tanasulaan dadkooda iyo dalkooda.

Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna
Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed
Xubin Somali Concern Group
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

<><><>

Inaa Lilaah wa inaa ileyhi Raajicuun:
 » Jimcaale Xaayow oo ku Geeriyooday Magaallada Muqdisho

1- Dr. Abdullahi Ali Addo (Guddoomiyaha Merton Somali Community "MESCO") 
2- Mr. Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban" (Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed) 
3- Prof. Abdulkadir Sabrie Jilac 
4- Dr. Abdi Alasow Rage 
5- Mr. Abdullahi Mohamud "Buurane" 
6- Mr. Mohamed Ali Hussein "Eeboow" 
7- Mr. Hassan Muse sheikh 
8- Mr. Abdulrahman Mohamud Hassan "Gurey" 
9- Mr. Shaafici Abdullahi Abdi 
10- Mr. Caydarus Mohiadin Rage  

 Bahweynta Sport-iga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
 
     Waxaan tacsi u dirayaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Jimcaale Maxamed Xaayoow oo ahaa halyeey Soomaaliyeed oo baal dahab ah ka galay taariikhda kubadda cagta ee Qaaradda Afrika, Isagoo guulal wax ku ool ah u soo hoyay qaranka Soomaaliyeed.
 
Wuxuu ka mid ahaa xulka ciyaartooyda qaranka Soomaaliyeed.
 
Waxuu qaaday 3 jeer ciyaartooyga ugu ciyaar wanaagsan.
 
Wuxuu ka mid noqday 5ta ciyaaryahan ee ku difaaca wanaagsan qaaradda Afrika.
 
Wuxuu laba jeer noqday Tababaraha Gobolka Banadir, soona saarey ciyaartooy Soomaaliyeed oo aad tiro badan.
 
Ilaahay naxariistii janno ha siiyo.
 
Aamiin.
 
Waxaa soo diyaariyay Dr. Abdullahi Ali Addow
 
London 

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2004

» Qaaybtii 1aad: Waa maxay Furqaanka Xaqa ah? [Ikraam]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD