| May 18, 2004
 Muqdisho oo ajiibtey baaqii gaalnimo diidka 
	ee culumada Cumar Maxamuud CabdiE-mail: 
	xanaf2001@hotmail.com
 Fagaraha tarabuunka ee Magaalada muqdisho waxaa maanta oo khamiis ah ka 
	dhacay isku soo bax aad u balaaran oo ay ka soo qeyb galeen dad lagu 
	qiyaasay ilaa iyo ka badan 10,000 oo qof . Banaan baxaas waxaa ku baaqey 
	dalada culumada soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay 
	hey'adaha qaarkood sida (swiss chuch) ee ku gabada kaalmada bani- aadannimo, 
	kana hawl gala magaalooyinka muqdisho, marka iyo afgooye ay bishaan 
	bilowgeedii si cad oo bareer ah caruur soomaaliyeed oo wax ka dhiganayey 11 
	– iskuul oo ku yaala Marka & kuwo ku yaal Muqdisho ugu qeybiyeen Biblo, 
	Macatabyo & astaama kirishtaan oo kale.
 Banaan baxaan waxay reer muqdisho ku 
	diideen in la kirishtaamiyo caruurta soomaaliyeed iyo wax kasta oo ka soo 
	horjeeda diintooda islaamka, waxayna siteen boorar ay ku qoran yihiin (waxaan 
	nahay 100% muslim, kirishtaameyna u dul qaadan meyno) (diintayada ku badalan 
	meyno doolaar) (Diintayada waan difaacaynaa, dhiigaayagaan u daadinaynaa) ( 
	kirishtameyn maya, seddex Ilaah maya, Tawxiid haa) (Islaamnimadayada iibsan 
	maymo) (Diin baadil ah dooni mayno) iyo kuwo kale oo fara badan. Waxaa ku 
	hareeraysnaa goobta la isugu yimid ciidamada maxkamadaha islaamiga, waxayna 
	xireen waddooyinka soo gala fagaaraha tarabuunka. Isku soo baxaan culumadii ka soo qeyb 
	gashay kana jeedisey erayo aad u cad cad waxaa ka mid ahaa Sh. Nuur Baruud 
	Gurxan oo ah gudoomiye ku xigeenka dalada culumada soomaaliyeed, isagoo ku 
	hadlaya magaca daladana waxaa uu yiri(Diintayada ayaa lagu soo duulay, 
	iyadoo baahidayada laga faa'iidaysanayo, bakhtina waa baahnahay u cuni mayno), 
	waxaa kale oo ka mid ahaa culumada halkaas ka hadashay Sh. Nuur Macalin C/raxmaan 
	isna waxa hadaladiisa ka mid ahaa mar uu ka hadlayey caadaqaatayal 
	soomaaliyeed oo la shaqeeya gaalada (waxaa ay leeyihiin sheekhow 
	bariiskayagii miyaad naga caraynaysaan?, haddaa ma diintayadaad caraynaysaan?). Waxaa kale oo goobtaas ka hadlay 
	guddoomiyeyaasha maxkamadaha islaamiga ah ee Muqdisho, waxaana ka mid aha Sh. 
	C/qaadir Cali Cumar oo yiri: (waxaan la diriraynay burcad nafta & maalka 
	dhibaysa, haddana waxaa soo baxay burcad diinta dhibaysa, burcadnimo ka 
	wayna ma jirto, haddana dagaalakayaga halkaas ayaan u jeedinaynaa) waxaa 
	kale oo ka soo qeyb galey isku soo baxaas salaadiin, odayaash, aqoon yahan & 
	marti sharaf kale oo farabadan. Culimadii ka soo qayb gashay kulankaas & 
	dadwaynihii isu soo baxay waxay ballan ku kala qaateen inay difaacaan diinta 
	islaamka, kana hortagaan cid kasta oo isku dayda inay ku xadgudubto. Dadka 
	waxaa wajiyadooda ka muuqatay caro markii la soo bandhigay qalabkii 
	kirishtaamaynta, waxayna ad ugu farxeen markii dab la qabadsiiyay 
	kartoonadii ay ku jireen wax ka mid ah walxahaas. Waxay dadku ku dhawaqayeen: 
	Allahu akbar, Laa Ilaaha illa Allaah, gaalo diidnay iyo erayo kale oo qiiro 
	& xamaasadi ku jirto. Ugu dambayntii su'aashu waxay tahay 
	bulshada reer Muqdisho ma ku guulaysan doonaan ka hortagga kirishtaamaynta & 
	fasaadka kale ee faraha badan ee yaalla magaladooda? Mise markii goobta laga 
	dhaqaaqo ayaa qof walba qabqablaha reerkoodu hoos wax ugu sheegin?. Cumar Maxamuud Cabdi
 E-mail: 
	xanaf2001@hotmail.com
 
 
 Faafin: SomaliTalk May 18, 2003  
	
   	Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan. 
	WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN 
	SOOMAALIYA 
    <><>.... 
 Copyright
 & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri 
    
     Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com   |