SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

May 17, 2004

Madaxweynaha DGPL Cabdulaahi Yuusuf ayaa ku soo Laabtay Magaalada Bosaso, waxana uu ka waramay Safarkiisa.

  • C/Laahi Yuusuf oo Safar Kusoo Maray Ingiriiska, UAE, Maleesiya, Liibiya, Jabuuti

  • C/Laahi Yusuf: mudo sadex habeena ayaan ku xayirnaa Airpor-ka UAE

 

abdullahi yusuf ahmed
C/Laahi Yuusuf Axmed

Maanta oo ay Tariikhdu tahay May 16 2004 ayaa waxaa uu ku soo laabtay Cabdulaahi Yuusuf oo ah Madaxweynaha DGPL Magaalada Boosaasoo isagoo Safar ugu maqnaa Dalaka Dibadiisa.

 

Cabdulaahi Yuusuf oo ay diideen Ilaaladiisa in ay u sii Daayaan Wariyeyaasha Madaxa banaan ayaa Waraysi siiyay Agaasimaha Idaacada lagu magacaabo Radio Midnimo ee ka hadasha Mowjada FM-ka ee magaalada Boosaasoo Waraysigiisa ayaa uu ku Waydiiyay Safarkiisa dheeraa ee uu ugu maqnaa Dalka Dibadiisa.

 

Waxa uu ku Jawaabay Cabdulaaahi Yuusuf waxaa safarkayga ugu mihiimsanaa Cafimaadkayga oo aan kula kulmay Dhaqtarkayga magaalada London ee Dalka Ingiriska, kadibna Dhaqtarkayga waxa uu igu yiri waa Fiican yahay Caafimaadkaaga, Daawooyin ayuu isoosiiyay, waxaan ku soo noqday Dalka Emaaraadka Carabta Dubai, waxaana kadib ka helay Casumaad dalka Maleesiya oo aan kasoo wada hadalnay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin in ay maalgashi ku sameeyaan Gobolada Puntland oo ay ka mid yihiin Dekada, Warshado Kaluumaysi iyo Kawaan Hilibka Xoolahaa oo aad ugu yar Wadankaa loona baahan yahay in la geeyo Hilibkeena oo qalan.

May 15: C/qqasim oo ka ashtakoonaya mamnuucida baasaboorka Soomaaliga ee Kenya iyo UAE..Guji

May 13: Mar uu C/Qaasim Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.. Guji

MAY 12: Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya DKMG Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay Imaaraadka... Guji..

MAY 11: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DKMG  Xuseen Saalax  ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga... Guji..

MAY 10: Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta. Guji..

DGPL: Maya Baasaboorka Kenya

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

Kadib markii aan ka soo noqonay Maleesiya oo aan Dubai nimi ayaa waxaa la kulmay Baasaboorada Soomaaligaa oo la diidan yahay waxaana mudo sadex habeena aan ku xayirnaa Airpor-ka waxa dhiba ma qabin waxaan jiiftay Hotel kuyaal Airpor-ka, kadib ayaa waxaan u gudbay Dalka Liibiya oo aan iyadana aan ka helay Casumaad waxaan la kulmay Ninka haysta wadanka Liibiya Col: Qadaafi waxaana ka wada hadalnay sidii shirka Soomaalida ka socda Dalka Kenya loogu guulaysan lahaa iyo in aan soo maro wadanka Jabuuti oo iyadu mudo ilaaqi ina dhex socotay, Hogaamiyaha Liibiya wixii Soomaali uu siin jirana waxaan filayaa in uu u siin doono si siman.

 

Cabdulaahi Yuusuf oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay in ay Dad badan ay ka walwal qabeen safarkiisa Jabuuti oo uu Noqon karo mid Shirqoola lakiin Dadkaa ma,aan maqal ayuu yiri Cabdulaahi Yuusuf oo waxaan iri hadii ay i shirqoolaan iyagoo i marti qaaday oo ay i dilaan sow iyagu ku ceeboobi maayaan, aniga cidna wax iyeeli mayso ayaan iri ayuu yiri Cabdulaahi Yuusuf, waxaana ka soo duulay Liibiya oo diyaarad la igasoo siiyay waxaana ka soo dagay Dalka Jabuuti ayuu yiri Cabdulaahi Yuusuf si wanaagsan ayay ii soo dhaweeyeen Shacabka iyo Madaxda Jabuuti waxaana wada kulanay Madxweynaha iyo Wasiirka Arimaha Dibada  Dalka jabuuti waana wada hadalnay lakiin wax hada Idaacada laga sii daynayo maaha waxaan lakiin aad u lafa gurney Xiriirkii xumaaday ee Madaxda Jabuuti iyo Puntland oo aan ku soo dhamaysanay si isafgarada oo waxaan filayaa waa yaraan doonan kala xirankii iyo dhibkii badnaa ayuu yiri Cabdulaahi Yuusuf, waxaan kaloo ka wada hadalnay Shirka Soomaalida uga socda Kenya oo in la dardar galiyo u baahan iyo wixii ay dan ku jirto oo dhan ayaan ka wada hadalnay iyo ha la,is saamaxo ayaan ku soo kala tagnay; hadana ayagaa Diyaarada ii dalbay isoo bixiyay Airpor-ka ayagaa i keenay magaalada tagidii aan tagnay aad bay ugu faraxday iyo Shacabkii daganaa mida kale anaga iyo Shacabka Jabuuti ismahayn Dowladiina iska heshiinay Dad Soomaaliya weeye inagoo kale weeye Xurguf ayaa na dhex martay oo waxbaa inaga dhex shaqeeyay waxaan filayaa hadana in ay Dhamaadeen anigu socdaalkeygii intaa ayuu ahaa ayuu yiri Cabdulaahi Yuusuf.

 

Cabdulaahi Yuusuf ayaa wax wara aan ka bixin Idaacadana aysan wax ka waydiin Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada DGPL Ismaaciil Xaaji Warsame oo intuu ku maqnaa Dalka dibadiisa ku xirnaa Madaxtooyada Magaalada Boosaasoo ayadoo laga soo Qabtay isagoo ka soo dagaaya Airpor-ka Magaalada Gaalkacyo kadib markii uu ka soo laabtay Dalka Emaaraatka Carabta Magaalada Dubai isagoo halakaa kaga soo haray Cabdulaahi Yuusuf intuu u kicitimin Baaristiisa Caafimaad ee Dalka Ingiriiska.

 

Waxaa ay Shacabka ku Guuxaayeen intii uu ka hadlay Idaacada Xiriirada uu sheegay Cabdulaahi Yuusuf in uu la soo sameeyay Dalalka uu maray oo ay ugu weyn yihiin Dalka Maleesiya iyo Jabuuti.

 

Dadweynaha ayaa Horumarkaan uu sheegay Cabdulaahi Yuusuf ee Dalka Maleesiya aan ka fileen ayadoo Dadweynaha ay isla Dhex marayeen in uu Madaxweynuhu Safarkiisa ku weheliyaan Nimanka soo daabaca Lacagta halkaa ay u aadeen sidii ay u soo Daabacan lahaayeen Lacag. Mida kale xiriirkaan iyo Safarkaan dalka Jabuuti ayay dadweynuhu uga Hadlaayeen siyaabo kala duwan oo ay ka mid yihin in la doonayo sidii loogu heli lahaa xal shirka Soomaalida ee ka socda Kenya Mudada Dheer ee Sanad iyo Bilo ah lana doonayo in Cabdulaahi Yuusuf iyo Cabdiqaasin Salaad Xassan ay ku kulmaan Jabuuti kadibna la helo awood Qaybsi labada Dhan ah taasna ay u kala dab qaadaan Jabuuti oo taageersan Cabdiqaasin iyo Ethobia oo taageersan Cabdulaahi Yuusuf.

 

Wararka ka imaanaya ilo xogogaala oo xaqiijinaya wararkaa Cabdiqaasin iyo Cabdulaahi Yuusuf ayaa sheegaya in ay kuwada kulmeen Dalkaa jabuuti ayna kulankaa Goob joogayaal ka ahaayeen saraakiil ka kala socota Dalalka Jabuuti iyo Ethiopia laakiin aan la ogeen waxa ka soo baxay.

 

Waxaa la ogsoonsanyahay in ay inta badan Arimaha Nabada Shirka Soomaaliya ay Dalalkaa Jabuuti iyo Ethiopia ay  isku khilaafsanaayeen lakiin hadda sida ay u muuqato ay isku soo dhawaadeen taasna ay keeni karto in shir uu hore uga sii socdo halkii uu ku hakaday waa sida ay Qabaan Dadka Siyaasada u dhuun daloola.

 

Qamriga loo yaqaan "DRY GIN" oo lagu Burburiyay Maxkada Boosaaso horteeda.

 

Ciidanka CID Boosaaso oo Qabtay Qalab lagu Sameeyo Khamriga: Waxaana lagu qabtay nin u dhashay dalka Eritrea... Guji... 15/4/04

Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay May 16 2004 lagu Burburiyay Maxkamada Horteeda ee Magaalada Boosaaso Qamri Dhan 99 Dhalo oo ah nooca loo yaqaan DRY GIN kadib markii lagu soo qabtay Nin u dhashay Wadanka Ethobia isagoo ku soo qariyay Gaari ah kuwa qaada xamuulka oo siday Jawaano ay ku jiraan Miraha loo yaqaan Xawaashka ee lagu darsado Cuntada ayna arkeen Ciidanka Ilaalada canshuuraha DGPL.

 

Ninkii qamrigaa watay ayaa markii ay dhagaysatey dacwadiisa Gudiga Maxkamada ay ku xukumeen Sadex sano oo Xariga qamrigiina lagu xukumay in lagu Burburiyo meel fagaaraa, maaha marki ugu horeysay ee Muqaadaraadka lagu qabanaayo dadka iyagu ka yimaada Ethobia ay soo galiyaan Goboladaan Puntland, mar aan waxka weydiiyay Gudoomiyaha Faafreebka Xuseen Sheekh (Jifojabsade) sida ay ula dagaalamaan Muqaadaraadka oo isagu goobjoog ka ahaa Xukunka Maxkamada ayaa ii sheegay inay inta badan hada xakameeyeen Qamrigii iyo Xashiishkii sida xooga leh u soo galijiray Goboladaaan Puntland kadib markii aan ula dagaalanay si xoog leh Anaga iyo Booliska aana wali daba joogno ayuu yiri Gudoomiyaha.

 

Dhibka kala duwan uu keeno Muqaadaraadka ayaa ah mid aan la soo koobi Karin guud ahaan Soomaaliya oo markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Soomaaliya uuna kabaxday Gacanta Hubkii noocyadiisa kala duwan ayaa Muqaadaraadka waxaa loo adeegsadey in la,isku Maandooriyo kadibna la sameeyo inta ugu xun edebdarada oo ay ka mid yihiin Kufsiga Dhaca iyo waxyaabo ka xun oo aan lasoo koobi Karin.

Cabdifataax jaamac Mire
somalitalkpl@yahoo.com
SomaliTalk, Boosaaso, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk Jan 17, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Cuna qabateenta Xoolaha Soomaaliaya ee loo iib geyn jiray Sacuudiga oo laga Qaaday
.Wareegto ka soo baxdey Xafiiska w/A/ Gudaha DGPL
.Dood: Xeerhoosaad ladoonayo in loo sameeyo Badaha
.Xarun Cafimaad  oo laga Furay Bosaso
.Maalinta Bisha Cas oo lagu qabtay Boosaaso
Ka akhri wararka Boosaaso ee Maanta
May 10

WAA KUMA YAASIR CARAFAAT...

Col. QADDAAFI WAA KUMA?...  

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD