SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SEATTLE


Daabaco Boggan | Print
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.


Aragtidii Dadweynaha SOOL, SANAAG, & BUUHOODLE ee Sannadkii 2001...
KA AKHRI HALKAN... GUJI....

XASUUQII WAGALA :: Sannadkii 1984 waxaa magaalada Wajir lagu xasuuqay in ka badan 400 oo nin oo Soomaali ah.. (Tiradaas waxaa taariikhyahanadu gaarsiiyaan in ay ahayd 2000 oo qof oo la xasuuqay). Xasuuqyada kale ee Kenya u geystey dadka ay gumeysato waxaa kamid ah Xasuuqyadii: Malkamari ee 1976,  Garissa ee 1980, Madogashe ee 1982, Bagala ee 1998.. EEG HALKAN


ARAGTIDII DADWEYUHU KA QOREEN ITOOBIYA 2001.... Guji...


Shiikh Ibraahim Maxamed oo Nairobi laga dajiyey

Nairobi, Kenya | August 10, 2006

 

Sh. Ibraahim Sh. Max'ed
Shiikh Ibraahim Maxamed ayaa maanta (Aug 9, 2006) laga dajiyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Shiikha ayaan cidna loo sheegin kaxayntiisa iyo meesha lagaynayo toona.
 
Waxaa laga warhelay telephone uu shiikhu ka soo diray magaalada Nairobi sida aan ka helay eheladiisa oo uu xiriir lasoo sameeyey.
 
Shiikh Ibraahim Maxamed ayaa 11/14/05 waxaa laga xiray Airport-ka Seattle Washington kadib markuu kasoo laabtay Gobolka Texas oo uu  safar dacwa ah ku gaaray.
 
Kadib markii Shiikh Ibraahim Maxamed lakeenay Maxkamad maalintii Khamiista 6/1/06 ayuu codsaday in dalkisii loo celiyo kaddib markuu xiraa lixbilood iyo lix iyo toban bari isoo wax danbi ah oo lagu xukumayna aysan jirin, sidoo kalena Maxkamdii ay ka diiday in lacag damaanad ah laga dhigo oo uu dacwadiisa isagoo xirnayn sii wato.

Shiikh Ibraahim hadaladiisii ayaa waxaa kamid ahaa “Maadaama aanan garanayn wax danbi ah oo aan u xiranahay, lacagtii damaanada ahaydna aad diidee n waxaan ka door bidayaa in wadankaygii  la ii celiyo intaan xabsi kujirilahaa”.

wixii kasoo kordha arinta shiikha iyo haday noo suuro gasho inaan waraysi layeelanba dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa. Sii akhri hoos...


Shiikh Ibraahim Maxamed oo codsaday in dalkiisii  lagu Celiyo

WARARKII June 4, 2006: Seattle, USA: Kadib markii Shiikh Ibraahim Maxamed lakeenay Maxkamad maalintii Khamiista 6/1/06 ayuu codsaday in dalkisii loo celiyo kaddib markuu xiraa lixbilood iyo lix iyo toban bari isoo wax danbi ah oo lagu xukumayna aysan jirin, sidoo kalena Maxkamdii ay ka diiday in lacag damaanad ah laga dhigo oo uu dacwadiisa isagoo xirnayn sii wato.

Shiikh Ibraahim hadaladiisii ayaa waxaa kamid ahaa “Maadaama aanan garanayn wax danbi ah oo aan u xiranahay, lacagtii damaanada ahaydna aad diidee n waxaan ka door bidayaa in wadankaygii Soomaaliya la ii celiyo intaan xabsi kujirilahaa”.

Kadib markii Maxkamadii ka xaqiijisay Shiikh Ibraahim hadalkaas, Qareenkiisiina ay isla ogolaadeen, ayey waxay Maxkamadii xukuntay in loo celiyo Soomaaliya.

Sharciyan qofka la xukumo in laceleyo waxay qaadataa 14 ilaa 90 maalmood. 

Shiikh Ibraahim waxaa la xiray Sanadkii 2005 waxaana lagu xiray Seattle Washington, oo uu ka ahaa Imaam iyo Siikhba, ………… sii akhri hoos...


Shiikh Ibraahim oo Markii ugu horaysay Maanta (Nov 17, 2005) lagu soo booqday Meesha uu ku xiran yahay.


Sh. Ibraahim Sh. Max'ed

Shiikh Ibraahim Maxamed ayaa 11/14/05 waxaa laga xiray Airport-ka Seattle Washington kadib markuu kasoo laabtay Gobolka Texas oo uu  safar dacwa ah ku gaaray, Shiikha ayaa la xiray isla habeen kiiba kadib markii lagu eedeeyey arimo la xariira Immigration-ka, isla subixiiba xili hore ayaa Shiikha gurigiisa laabaray lagana qaatay alaab, xarigaas ayaa kusoo aaday maalmo aan  booqashadu furayn Meesha uu ku xiran yahay Shiikhu ayaan cidana booqan marka laga reebo Qareenkiisa , Maanta ayaa ahayd Maalinkii ugu horeeyey ee Shiikha lagu soo booqday isla goobtaas, Sida uu noo sheegay Qareenka Shiikha Mahir T Sherif, Shiikha waxaa Maxkamad la keeni doonaa 11/29/05 ayadoo wali aan lasoo sheegin goobta Maxkamadaas noqon doonto, Mar uu ka waramayey Qareenka Shiikha booqashadiisii xalay ayaa sheegay Sheekhu inuu caafimaad qabay wax dhibaata ahna aysan ka muuqan, isagoo ku amaanay hal adeeg iyo inuusan la hadlin cidna wax warasi ahna aan dhiibin, Arintaas oo Qareenku aad ugu adkeeyey Muslimuunta, haday dhacdo oo ay la kulmaan FBI, Immigration ama hay'ado kaleba inay san la hadlin wax waraysi ahna ogolaan sinaba taasoo ay xaq u leeyihiin aana la khasbi karin, (Magacaa iyo Xagee dagan tahay waa warasyi) Qareenka ayaa dadka u sheegay xataa Magacooda iyo meelahay dagan yihiin inaan la waydiin karin xaqna ay u leeyihiin in loona sheego marka la xirayo inay xiran yihiin  (you are under arrest), arintaas oo aan Shiikha loo Sheegin warasina horay looga bilaabay Shiikhuna ka gaabsaday Waraysigaas.

Qareen (Layer) Muslim ah oo magaciisa la yiraahdo Maahir Shariif oo ka hadlay kulan diineedkii W/Ameerika (Sept 2005) ayaa yiri: Haddii ay haydaha ammaanku kuu yimaadaan waxaad tiraahdaa ugu horeyn waxaan si xushmad leh u doortay in aanan hadlin, waxaan rabaa marka hore in aan la hadlo qareen (I respectfully choose not to say any thing, I want to talk to a layer first). Haddii lagu yiraahdo waxaan baareynaa/fetisheynaa gurigaaga ama gaarigaaga waxaad tiraahdaa ma u haysataan cadayn (warrant) in aad arrintaas baaritaanka ah samayn kartaan. Xaq ayaad u leedahay inaad ogaatid arrintaas, ayuu yiri. Guji...

Qareenka ayaa erayadaan Muslimiinta u sheegay goobo badana hada ka hor ka sheegay inaad tiraahdo" Ma arki karaa aqoon sigaaga waxa aad tahay?" "Fasax ma u haysataa inaad gurigaysa Soo gasho, Mase arki karaa warqada fasaxa?" Markay kuu cadaato jawaabaha Su'aalahaas ayaa Qareenka oo hadal kiisii sii wata yiri waxaad leedahay "Waxaan doortay inaanan kula hadlin" Maheli karaa Business card-kaaga si Qareenkaygu kuusoo waco, ama waa kanaa  Business card-ka Qareenkayga ee la xariir" Qareenka ayaa aad ugu adkeeyey ereyadaas Muslimiinta, sheegayna hadaadan markaas Qareen lahayn inaad qabsan karto markasta.

Mar uu Qareen Sherif kala hadlayey Arinta Shiikha ayuu Muslimiinta ka codsaday kuna adkeeyey inay aad u yimaadaan maalinta Maxkamada 11/29/05 uu leeyahay Shiikhu iyagoo muujinaya sida ay uga xun yihiin xarigiisa una sheegay inuu saacada iyo Goobtaba dib ka soo sheegi doono.

Shiikh Ibraahim ayaa ah Shiikh aad looga ixtiraamo Maraykanka oo dhan Khaasatan Gobolka uu dagan yahay ee Seattle Washington, Shiikhu Ixtiraam iyo Magac dheer ayuu ku leeyahay Muslimiinta reer Seattle oo dhan, mar ay Muslimintu lahadlayeen Saxaafada oo ugu Tagtay Masjid Abu bakr ayey u sheegeen inay aad uga xun yihiin Xariga Shiikha uuna yahay Hogaamiye Diineed oo Wanaagsan kana Shaqeeya Wanaaga Jecelna Nabada, sida uu siidaayey  TV local ah oo Seattle laga leeyahay, Musliniinta reer Seattle ayaa gudi dag dag ah u magacaabay arinta Shiikha kana codsaday Muslimiinta inay Shiikha u soo duceeyaan, gaar ahaana Muslimiinta Maraykanka inay u toog hayaan hadii loo baahdo taageero dhaqaale inay u soo raadin doonaan.

Dib ayaan idin kala socod sii naynayaa wixii ka soo cusboonaada Arinta Shiikh Ibraahim.

Faafin: SomaliTalk.com | Seattle | Nov 18, 2005

“Dowladdii Cabdiqaasim haddaan been la sheegeyn waxaa dumiyey Ethiopia"
Sidaas waxaa yiri Cali Maxamed Geedi oo... Guji... Nov 18

Xasuuq Ba,an oo ka dhacay Qabridaharre
iyo Sababta keentay gadoodka maxaabiista... Guji Nov 18


Cid aan aniga ahayn kuma hadli karto afka Dowladda
Sidaas waxaa yiri Cali M. Geedi oo soo gaarey Belgium oo ka jawaabayey su'aal uu Ingiriisi ka weydiiyey labo hadal oo ay ku kala hadleen isaga iyo Madaxweyne C/Laahi... Guji... Nov 16

Gen. Morgan oo loo xukmiyay Beertii Labaad ee ku taal Gobolka Sh/Hoose
»Maamulihii Madbacadda Daahir-Printing oo lagu diley Gurigiisa
»Dowladda Imaaraadka oo baaritaan ku sameyneysa lacag..
»Xildhibaan Dhimbil “Geedi waxaa uu ku xad gudbay...
»Suudi, Finish iyo Raage oo kulan Albaabadu u xiran yihiin..
»1540 qoys oo gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku haysa..
Warka oo dhan ka akhri halkan.... Guji...


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD