SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

JAWAAB SOOMAALIYEED CHANGO WAKAAS

C/razaq Sh.Xusen Muse Garweyne

       Nairobi Kenya
inahusein@hotmail.com

Mahad oo dhan allaah ayaa iska leh Nabi Muxamad Naxriis iyo Nabad galyo korkiisa allaah yeelo soomaalida waxay ku maahmaahdaa "nin is faanshay waa ri' is nuugtay" macnaha qof walba oo soomaali ah wuu iska garanayaa,waxay kale oo soomaalidu ku maahmaahdaa "faanaa falar baa maqan" oo lagala jeedo qayb ayaa maqan qofkaas.

waxaaan leeyahay bal ninka horta falar in uu maqan yahay shaki iigama jirine hada shacabka soomaaliyeed ha ila arkaan!!!maqaalkaygii taariikhda wahaabiyada ugama hadlin waxa hada loo yaqaan dowlada sacuudiga.

marka ma garanayo meesha uu ka keenay warkaas laakiin waxaan u qaatay in asaga oo aanan fahmin uu wax iska soo qoray  waxan ka hadlay Muxamad bin cabdiwahaab iyo muxamad bin sacuud.

walaalkeen waxaan u naxteexaynaya mar labaad ka bax mala awaalka aad ku jirto wuxuu yiri

"Aduunko idil wuxuu qabaa in sucuudigu uu ku dhaqmo madhabta axmed bin xanbal sidoo kalena  waxaa ah wahaabiyada taasina waxey ku geyneesa in M.c/wahaab uu ahaa xanbali.

waliga ma arag nin ka mala awaal jecel  cadaymaha aan soo bandhigayna wuu soo qoray wuxuuna wali ku jiraa mala  awaal mala awaalna daliil ma noqdo waxaa qoray kutub oo aan bal-kiisa dadka u soo bandhigay adigana waxaad ku haysaa aduun ayaan sidan qaba iyo heblaayo ayaan sidaan qabta cadaymo meesha ha keeno walalkeen allaah wuxuu quraankiisa ku leeyahay("malaha xaqqa waxba kama tarayo")1

taariikhdu yaysan naga noqon caadifad waxaanse ka baqayaa in ay dad madax wareer ku riday sida walaalkeen oo wixi uu qor is yiraahdaba soo kala illaawaya haduu mowduuc akhriyo wax kale oo aan meesha ku jirin la imanayo.

walaalkeen wuxuu yiri"Sideedaba aduun waa waaya argnimo. Kadib markaan suufinimo iyo baadi soomary maantana cilmi iyo garaad ii kordhy.wali wuxuu walalkeen ku jiraa wakhti laga baxay waxaas ayaan ahaan jiray iyo waxaas ayaan ahaan jiray cilmi ma ahan ee waxaa laga sugay wax cad in uu soo bandhigo.waad maqasheen gabadha soomaalida ah ee gaalowday waxay tiraahdaa waxaan ku jiri jiray khuraafaad iyo diinta islaam waa sidaas marka taas marna daliil qofka uma noqoto.

shalay suufi ayuu ahaan maantayna waa wahaabiyo bari ayaan sugaynaa wixii aad noqoto walalekeen!!!!!

isha allaah qaybta 3-aad oo ka warama dagaaladii wahabiydu ku qaaday dadkii muslimiina ahaa waxaan shacabka u balan in aan inta badan soo xigto kutub-ta taariikhyahana wahaabiyada waxa ay ka qoreen dagalaadaas.

1-ayada 28-aad ee suuratu wannajmi

C/razaq Sh.Xusen Muse Garweyne

       Nairobi Kenya
inahusein@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2005

»Mugdiga Ina Garweene (Taarikhda Wahaabiyada) iyo Waanadi ibliis| CM

» MAQAALKII WALLAYS: QARAWGA WAHAABIYADA IYO CALAN LEYDA!! | Wallays

» QORAALKII GARWEYNE: Taariikhda wahaabiyada | Garweyne

» QORAALKII FAHAD: SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA.

 


Coll. Abaas:  Barre Hiiraale Waa in uu Xasuuqa Ka Daayaa Beelaha Dega Kismaayo
Col. Cabaas Maxamuud Caddow oo soo saaray qoraal ayaa sheegay in... Guji.... Nov 26

Xildhibaan Axmed Diiriye oo ka hadlay maamul u samaynta G/Banaadir
»C/lhi Yusuf oo dalbadan in DFKM ku biirto isbahaysiga SANCA
»Muranka xerada Sh. Aadan Dheere ee Degamada Wardhiigley
»Nin gowracey laba wiil oo walaalo ah oo la qabtey...
Wararka oo dhan halkan ka akhri.... GUJI... Nov 26

»Maxamuud Saalax Jaamac oo Magdhaw Waydiisanaya Dowladda Britain

Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay xulka Qaranka Soomaaliya
ciyaaryahanada xulka Qaranka K/cagta ee Soomaaliya ee ka qaybgalaya Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee 26-ka bishan ka furmaya Magaalada Kigali,  Rwanda... Guji...

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD