SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
WARARKII UGU DAMBEEYEY EE SHIRKA ELDORET

imdeeq@hotmail.com

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Eldoret |

Janaayo 5, 2003

 

Warqad caawa fiidkii ka soo baxday xafiiska Gudoomiyaha gudiga farsamada IGAD ayuu ergayga Kenya ugu qaybsan arimaha Soomaaliya ku faahfaahiyey sida ay u baxayaan ergooyinka ka tegaya Eldoret iyo kuwa loo ogol yahay inay sii joogaan. Waxayna taasi ka dhalatay kaddib markii ay shalaytoole hogaamiyaasha Soomaaliyeed Mwangale ku murmurmeen sababta uu ergooyinkii 300 ahaa uga dhigay 396’da. taas oo uu Mwangale ku mar-marsooday inay wadamada lacagta bixiyaa ay ergooyinka dheeraadka ah iyagu ku dareen haddii laga tagana ay joojinayaan qarashka ay shirka ku bixiyaan.

Hogaamiyaasha Soomaalida ayaa iyagu maanta lahaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin, waxayna is tuseen inaysan wixii fashil ah ee shirka ku yimaadda Soomaalidu waxba ku lahayn…waxayna berrito soo saarayaan waraaq ay ku caddaynayaan mawqifkooda ku wajahan liiska ergooyinka oo uu Mwangale ku adkaystay inuu yahay kii ugu dambeeyey iyo waxyaabaha kale ee shirka ku cusub iyo weliba cunsuraha ay u tirinayaan inuu shirka ragaadiyeen oo ay ku tilmaamayaan maamul xumo ka timid gudiga farsamada IGAD oo uu Mwangale hormuud u yahay.

Warqadduu uu Mwangale caawa fiidkii soo saaray oo aan af-soomaali u rogey waxay noqonaysaa sidan soo socota:

Ku: Dhamaan hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Egooyinka geeddi socodka shirka dibu heshiisiinta qaranka soomaaliyeed

Ujeeddo: Bixitaanka wixii ka soo hadha wufuudda Joogaysa

Waad ka war qabtaan inuu soo baxay liiskii ugu dambeeyey ee wufuudda shirka wejiga 2aad. Haddaba ciddii aan ku jirin liiskaas aannu soo saaray waa inay banneeyaan qolalka hoteelada ay ku jiraan laga bilaabo 5’ta January. Waxaa loo ogol yahay oo keliya inay joogaan kuwa ku qoran liiska kama dambaysta ah ee ay IGAD soo saartay. Waxaanu isku duba ridnay safarkii bixitaanka wufuudda Soomaaliya u ambabaxaysa. Magacyadii ay IGAD sida rasmiga ah ugu casuuntay shirka oo keli ah ayaanu dib Soomaaliya Diyaarado ugu duulin doonaa 6’da bisha. Sidaa daraadeed kuwa baxayaa waa inay ku diyaar garoobaan hoteeladooda 7’da aroonrnimo markay taariikhdu tahay 6/1/2003. Waana inay iska diiwaan geliyaan xafiiska xoghaynta IGAD iyagoo soo maraya hogaamiyayaashooda.

Hoteelada iyo Booliska Kenyaba amuurtan waa lala socodsiiyey.

Gudiga farsamada IGAD
Guddoomiyaha Degmada Uasin Gishu
Taliyaha ciidamada Booliiska degmada Uasin Gishu

Waxaa saxiixay

Mudane. Elijah Mwangale
Ergeyga gaarka ah ee Kenya u qaabilsan Soomaaliya
Ahna Guddoomiyaha Gudiga Farsamada IGAD

-dhammaad- 

Waxaa isku soo dubaridey madaxa SomaliTalk Eldoret,
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

.... WARARKII KALE EE DECEMBER -GUJI

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD