SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
AYAAMAHAN IYO SHIRKA ELDORET

imdeeq@hotmail.com

 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Eldoret |

Janaayo 15, 2003

 

Shirka Eldoret ayaa ayaamahan ku jira khilaaf ka dhexeeya golaha hogaamiyaasha iyo gudiga farsamada IGAD. Kaas oo ku saabsan ka qayb galayaasha wejiga 2aad ee shirka, laakiin is qab-qabsigan ayaan wax macno ah ku fadhiyin marka la eego habsami u socodka hawsha wejiga 2aad ee shirka oo si toos ah iyadu uga socota goobihii loogu talo galay inay 6da guddi ku shaqeeyaan. Waxaana jira qaar ka mid ah gudiyadii loo xil saaray inay waxyaabaha khilaafaadka Soomaaliya xudunta u ah ka soo talo bixiyaan oo shaqadoodii soo geba-gebeeyey, isla markaana sugaya in la ansixiyo wixii ay ka soo shaqeeyeen.

Wejiga 2aad ee shirka Eldoret oo loogu talo galay hawlaha lixdaas guddi oo keliya ayaa u muuqda mid uusan waxba u dhimin muranka u dhexeeya gudiga farsamada IGAD iyo golaha hogaamiyayaasha. Waxaa kaloo jira khilaaf kale oo ka dhexeeya xubnaha metelaya bulshada rayidka ah iyo golaha hogaamiyayaasha kaddib markii ay siyaasiyiinta Soomaalidu ka qayliyeen kuwa ku andacoonaya inay metelaan bulshada rayidka ah. Taas oo keentay inay hogaamiyaasha Soomaalidu ragaas ku tilmaamaan kuwo aan metelin ururo bulsho ee ay yihiin dad dano siyaasadeed Eldoret u jooga oo xukun doon ah, haddii ururo bulsho la doonayana waxay sheegeen in loo baahan yahay in si loo siman yahay loo xulo.

Letter to President Kibaki From Eldoret
Waa warqadii ay hogaamiyayaasha kooxaha Soomaaliyeed ee joogay Eldoret u direen Madaxweynaha Kenya, Kibaki,  (Janaayo 6, 2003) warqadaas oo ku qoran afka ingiriiska oo ay ku saxiixan yihiin hogaamiyayaashu.... 
ka akhri halkan...... GUJI
 
 

Guddoomiyaha gudiga farsamada oo iminka magaalada Nairobi loollan kula jira weftigii ay golaha hogaamiyashu dawladda Kenya u direen ayaa ammaanay shirka, wuxuuna sheegay in ilaa iyo hadda guulo waaweyn laga soo hooyey shirka, isagoo xusay in wejigii koowaad lagu heshiiyey, kii 2aadna uu geba gebo taagan yahay, waxa keliya ee hadhayna ay tahay in wejiga 3aad ee shirka loo gudbo. Laakiin weftiga hogaamiyaasha oo iyagu la soo taagan in Mwangale la bedelo ayaad mooddaa inaysan dalabaadkooda madaxda dalka Kenya dheg jalaq u siin. Dib u noqoshadii hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow ayaa halkan looga arkaa mid ku timid Muuse oo in dhowaaleba raadinayey sidii uu shirka uga bixi lahaa maadaama uu ka dhex arkay rag awood sare shirka ku leh oo uusan hogaanka dalka la jeclayn.

Magaalada Eldoret ee uu shirku ka socdo ayaad dareemaysaa inay Soomalidu ku soo yaraanayso kaddib markii ay ergooyin baddani Soomaaliya u kicitimeen, waxaadna arkaysaa dad tiro yar oo hoteelada iska fadh-fadhiya oo aan waxba qabanayn marka laga reebo ergoyinka gudiyada ku jira oo subax walba ku jarmaada goonaha ay ku shaqeeyaan. Rejada shirka laga qabay weli hoos uma dhicin waayo ma jiro wax ilaa iyo hadda ka xumaaday hab socodka shirka laakiin waxaa khilaaf weyn laga filayaa marka la gaadho awood qaybsiga oo wejiga 3aad ee shirka iman doona.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

.... WARARKII KALE EE DECEMBER -GUJI

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD