SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
MADAXDA HAYADAHA UN OO ELDORET BOOQASHO KU YIMID

imdeeq@hotmail.com

 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Eldoret |

Janaayo 17, 2003

 
Letter to President Kibaki From Eldoret
Waa warqadii ay hogaamiyayaasha kooxaha Soomaaliyeed ee joogay Eldoret u direen Madaxweynaha Kenya, Kibaki,  (Janaayo 6, 2003) warqadaas oo ku qoran afka ingiriiska oo ay ku saxiixan yihiin hogaamiyayaashu.... 
ka akhri halkan...... GUJI
 
 

 

Iyadoo uusan weli dhanna u dhicin khilaafkii u dhexeeyey golaha hogaamiyaasha Soomaalida iyo gudiga farsamada IGAD, isla markaana ay Xasan Abshir Faarax, Xuseen Maxamed Caydiid iyo Dr. Cabdi Casiis iyo Mwangale Nairobi ku maqan yihiin ayeey shalay ilaa maanta booqasho xarunta shirku ka socdo ku joogeen madaxda hayadaha qaramada midoobey ee Soomaaliya ka shaqeeya. Madaxda Hayadaha qaramada midoobey ee Soomaaliya ku shaqada leh oo ka soo kicitimay xafiisyadooda Nairobi ayaa ka kala socday UNDP, UNESCO & UNICEF, waxayna shalay kulan ay hogaamiyaasha Soomaalida la yeesheen ku dhiiri geliyeen wufuudda shirka ka qayb gelaysaa inay dar-dar geliyaan ka midho dhalinta shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret.

Waxayna sheegeen in haddii ay Soomaaliya nabadi ka dhacdo ay Xafiisyadooda gudaha Soomaaliya ka furan doonaan oo ay Nairobi ka guuri doonaan, waxay kaloo sheegeen in wixii shirka ka soo baxa ay taageeri doonaan, gaar ahaan ay qaramada midoobey qayb weyn ka qaadan doonto sidii Soomaalida hubaysan hubka looga dhigi lahaa.

Soomaalidii kulankaas ka qayb qaadatay ayaa iyaguna madaxdaas u sheegay in heerka uu shirku marayaa aad u wanaagsan yahay ayna maqan tahay oo keliya kaalintii beesha caalamka, Soomaaliduna ay maanta ka dhab tahay inay aayahooda hoos u eegaan. Waxay kaloo madaxdaas u sheegeen in haddii ay dhab ka tahay nabad raadinta Soomaaliya ay shirka Eldoret taageero iyo shaqo ka wanaagsan kaalintii ay hore ugu lahaayeen ku yeeshaan, isla markaana ay ka sheqeeyaan sidii uu shirku u guulaysan lahaa.

Madaxdan oo uu hogaaminayey wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey Mr. Tubman ayaa sidoo kale ilaa shalay iyo maanta kulamo kala gaar gaar ah la yeeshay haweenka Soomaaliyeed, Oday dhaqameedyada iyo culimada ka tirsan wufuuda shirka Eldoret ka qayb gelaysa.

AYAAMAHAN IYO SHIRKA ELDORET
Shirka Eldoret ayaa ayaamahan ku jira khilaaf ka dhexeeya golaha hogaamiyaasha iyo gudiga farsamada IGAD. Kaas oo ku saabsan ka qayb galayaasha wejiga 2aad ee shirka, laakiin is qab-qabsigan ayaan wax macno ah ku fadhiyin marka la eego habsami u socodka hawsha wejiga 2aad ee shirkaGUJI.... 

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

.... WARARKII KALE EE DECEMBER -GUJI

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD