SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
WARKII UGU DAMBEEYEY EE SHIRKA ELDORET
  • Mr. Mwangale xalay isugu keenay madaxda siyaasadda soomaalida
  • Madaxda Soomaalida oo Toddobaadkan eed sheegasho ku dhamaystay

Wq. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk Eldoret | Dec 15, 2002

imdeeq@hotmail.com

Shir uu Mr. Mwangale xalay isugu keenay madaxda siyaasadda soomaalida ayuu ugu sheegay inay caalamku doonayaan inay soomaaliya dawlad yeelato bilowga sanadka cusub, wuxuu kaloo carabaabay in ay doonayaan inay soomaaliya bilowga sanadka cusub yeelato dawlad halkan ka dhalata, isagoo sheegay in madaxda soomaalida laga rabo inaysan lumin fursadan oo haddii ay fashilanto ay ka iman karto dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay in xoog lagu muquuniyo sidii loo heli lahaa deganaasho siyaasadeed oo soomaaliya ka dhasha. 

Hoos Akhri

Madaxda kooxaha ayaa iyaguna xalay soo bandhigay hadalo u badnaa cabasho ay isaga iyo gudiga farsamadaba ka cabanayaan, wuxuuna Mwangle madaxda siyaasadda xusuusiyey in wax aysan goyni halkan ka soconayn, isagoo mar kale dhex dhigay 300 oo ergey oo uu sheegay inay wejiga labaad ka qayb qaadanayaan oo uu hogaamiyayaasha faray inay deg deg u soo qaybsadaan. 

Mr. Mwangale wuxuu madaxda soomaalida xalay u sheegay inay qaybtaas ka doonayaan inay ku jiraan 35 haween ah, 11 bulshooyibnka rayidka ah, iyo 23 madaxda dhaqanka ka tirsan isagoo sheegay in wax walba halkaa laga bilaabayo. Maantana siyaasiyiinta soomaalidu waxay kulan ay kaga wada hadlayeen sida ay 300 ee ergey u qaybsanayaan ku lahaayeen guriga uu Mudane Mwangale degan yahay, taas oo uu ka dhacay is jiid jiid iyo muran lagu daalay oo ay madaxda soomaalidu is weeydaarsanayeen. Shirkaas oo ay ka qayb galeen dhamaan madaxdii saxeexday baqii bishii Oktoobar ka soo baxay Eldoret isla markaana loo diidey siyaasiyiinta aan baaqaas saxeexin ayaa ugu dambayntii ku heshiiyey inay sadexda boqol ee la soo dhex dhigay afartii qabiil iyo badhkii ku qaybsadaan, waxaana heshiiskaas ganafka ku dhuftay Muuse Suudi Yalaxow oo isagu ku andacooday inuu heshiiskaas ku geli karo xubnihii loo casuumay oo loo ogolaado, gebi ahaana shirkiiba ka baxay iyo Qanyare oo in kastuu markii hore qaybta qabiilka diidey haddana markii dambe ogolaaday heshiiskaas. Waxayna weli madaxda siyaasaddu u fadhiyaan shirkii waxayna u gudbeen qodob kale oo ah bal in ay isla eegaan inay soo dedejiyaan wejiga labaad ee shirka, waxayna ka wada hadlayaan dastuurka ay soomaalidu qaadan doonto iyo in baarlamaankii lagu xejiyo.

Waxayaabaha ku kalifey inay madaxda soomaaliyeed heshiisyadan dedejiyaan ayaa lagu tilmaamayaa iyadoo uu gudoomiyaha gudiga farsamada Igad xalay u sheegay in haddii aysan dawlad soomaaliyeed bilowga sanadka cusub dhisin laga tashan doono oo talaabo caalami ah soomaaliya laga qaadi doono, isagoo markuu arintaa ka hadlayey sheegay inuu ugu waramayo si walaaltinimo leh loona baahan yahay inay madaxda soomaaliyeed dadkooda ka baajiyaan weerar lala beegsado meelaha lagu tuhunsan yahay inay khatari ka iman karto. 

Arintan ah inay soomaaliya diyaar u yihiin ciidamo reer galbeed ahi inay galaan ayaa ah mid ayaamahan isa soo taraysa waxaana la sheegaya in Xuseen Caydiid uu magaalada Nairobi u joogo kulamo uu la leeyahay saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka, shalayna dublumaasi reer galbeed ah oo aan kula sheekaystay xarunta uu shirka dibu heshiisiinta soomaalidu ka socdo oo diidey inaan magaciisa isticmaalo ayaa ii sheegay inay ciidamo quudaraynaya inay soomaaliya galaan ay kulaalayaan biyaha badda Soomaaliya, isagoo intaa iigu daray inay ciidamadasi ka war sugayaan natiijada shirka Eldoret ka soo bixi doonta. Waxaadna mooddaa inay madaxda soomaalidu aad ugu jilicsan yihiin cadaadisyada caalamka kaga yimaadda oo ay dadka siyaasadda soomaaliya u dhuun daloolaa had iyo jeer sheegaan in haddii horayba taas loo xoojin lahaa ay mar horeba soomaalidu talaabo wanaagsan qaadi lahayd.

<><><>

MADAXDA SOOMAALIDA OO TODOBAADKAN EED SHEEGASHO KU DHAMAYSATAY

Saddex iyo toban ka tirsan Hogaamioyaasha kooxaha soomaalida ee Eldoret ku shiraya ayaa mid lagu jaahwareeray ku tilmaamay qaabka uu shirku ku socdo waxayna inshaareen inay khatari shirka ku iman karto haddii aan wax laga bedelin habka uu shirku u socdo taas oo ka dhalatay qoraalada is burinaya ee ay gudiga farsamada Igad sida isdaba jooga ah isaga soo daba saarayaan oo ay madaxda soomaalidu sheegeen inaysan badankooda kala tashan, waxayna madaxweynaha Kenya ka codsadeen inuu shirka wax ka qabto inta uusan shirku dalow dheerv ka duulin, waxayna uga warameen xaaladda shirku iminka u socdo. Waxaa kaloo waraaqo ay taas isku ujeeddo yihiin madaxweyne Moi u kala diray wufuudda SRRC ee shirka iyo ergada Puntland ee shirka, waxayna labaduba qoraaladooda ku xuseen baahida loo qaboin hab maamulka shirka wax laga bedelo.

Sidoo kale War saxaafadeed ay wufuudda TNG Jimcihii Eldoret ka soo saareen ayeey ku sheegeen inuu shirka Eldoeret qarka u saran yahay inuu bur buro, taas oo ay sheegeen inay ugu wacan tahay afar qodovb oo kala ah:

1- talada shirka oo aysan soomaalidu waxba ku lahayn

2- fara gelin ay kuwo wadamada deriska ahi shirka ku hayaan

3- maamul xumo

4- iyo kaalintii beesha caalamka oo maqan

TNG waxay war saxaafadeedkooda ku sheegeen in wixii bur bur ah ee shirka ku yimaadda aysan soomaalidu masuul ka ahayn balse ay gudiga farsamadu garbaha u ridan doonaan, waxayna beesha caalamka xusuusiyeen sida ay manta soomaali uga go’an tahay inay Eldoret kala tagaan dawlad ay u dhan yihiin, waxayna madaxweynaha Kenya madaxweyne Danial Arap Moi iyo deeq bixiyayaasha ka dalbadeeninay guntiga u gaabsadaan sidii ay shirka u bad baadin lahaayeen. 

I  I  D  H  E  H

Ayaamihii ugu dambeeyeyna hogaamiyayaasha siyaasadda ee halkan joogaa waxay xushmad darro ka tirsanayeen gudiga farsamada, waxayna ku andacoonayeen inay wax ka bedeleen dhamaan waxyaabihii ay isku ogaayeen iyo inay liis kasta ku kordhiyeen xubno aysan hogaamiyayaashu u soo gudbin, waxay kaloo sheeganayaan inan xita looga soo jawaabin waraaqaha ay gudiga farsamada u diraan.

Mushkiladan shirka ka hor timid waxaa inay xal u helaan ku hawlan xubno ka tirsan kooxda loogu yeedhay shaqsiyaadka khayraadka qaranka oo ay gudiga farsamadu iyagoon cidna kala tashan magacaabeen, kuwaas oo u ololaynaya sidii ay talada shirka soomaalidu wax ugu yeelan lahayd, ragas oo ay ka dhex muuqdaan C/risaaq Xaaji Xuseen, Maxamed Cabdi Gaandi iyo C/qaadir Aadan Cabdulle ayeey qaar ka mid ah madaxda siyaasadda soomaaliya ii sheegeen inaysan garanayn doorka ay ragani shirka ku yeelan doonaan.

Ka eed sheegashada gudiga farsamada Igad iyo arimaha shirka ee cakiran ayaa ku soo beegmay xili ay dadka ree Kenya u dabaal degayaanmarkii ay gobanimadooda qaateen isla markaana uu dalku ku jiro olole doorashooyin oo uu madaxweynaha dalka Kenya u xusul duubayo sidii uu uga adkaan lahaa xisbiga mucaaradka, si uu talada wadanka gacanta ugu dhigo wiilka da’da yar ee Uhuru Kenyatta oo ah ninka uu Moi u doortay inuu isaga beddelo.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD