SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror
 MID EAST: IslamTodayArabNews  | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | Middle.east.online | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Dubai.News |  
VIDEO: ITV | Reuters TV  |  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII 11aad | 10aad |  9aad | 8aad | 7aad |  6aad   | 5aad  | 4aad3aad | 2aad & 1aad
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVEABU-DHABI.TV | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA

FASHILAAD UU KU SHEEGAY CIIDAMADA MAREEKANKA IYO INGIRIISKA AYAA SHAQADIISII LOOGA ERYAY

Sida uu maanta sheegay taleefishinka mareekanka ee NBC waxay shaqadii weriyinimo ka erisay weriyaha lagu magacaabo Peter Arnett oo sannado badan ku soo shaqeeyay suxufinimo. Erinta la eryay weriyaha ku caan baxay qoraalladiisa caanka ku ah dagaallada ee Peter Arnett ayaa loo aaneeyay, kadib markii uu siiyay wareysi taleefishinka Iraq uu ku leeyahay “ajandihii mareekanka uu ka lahaa duulaanka Ciraaq wuu fashilmay”.

iraq Peter Arnett, Sawirka IOL

Baaq uu bixiyay taleefishinka NBC subaxnimadii isniinta ayaa ku qornaa hadal uu ka mid ahaa “wuu qaldamay weriyaha markii uu wareysi siiyay waqtigan xaadirka ah taleefishinka Ciraaq oo uu socdo dagaalkii ay ciidamada mareekanka iyo ingiriiska ku qaadayeen Ciraaq”, wuxuu kaloo baaqa intaas raaciyay in laga sii daayay barnaamijkiisa warka in “Arnett uu galay khalad kale markii uu fikradahiisa shakhsiyadeed uu taleefishinka Ciraaq siiyay”, wuxuuna ugu danbeyntii baaqaas ku soo gabagabeeyay inuusan Arnett oo asalkiisa ka soo jeeda New Zealand uusan wixii hadda ka danbeeya ahayn weriyaha taleefishinka NBC.

Peter Arnett oo dadka daawada taleefishinka NBC in badan ku arkay wuxuu maalintii shaleey ahayd ee axadda tr. 30.03.2003 uu taleefishinka Ciraaq u sheegay in tallaabadii ugu horeysay ay ciidamada mareekanka ku fashilmeen iska caabintii darneyd ee kaga imaanayay ciidamada Ciraaq, wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya arrintan “saraakiishii milateri ee ciidamada mareekanka waxay ku fashilmeen inay ka adkaadaan ciidamada Ciraaq”.

Inkastoo hadalladaas uu yiri Peter Arnett, haddana wuxuu ku qasbanaaday inuu wareysigii uu siiyay taleefishinka Ciraaq uu ka bixiyo cudur daarasho. Khajal iyo cabsi ay ku beertay dhaliilihii uga yimid maamulka NBC iyo guud ahaan aragtida ay ka qaateen dadweynaha mareekanka.

“Waxaa si weyn ii saameeyay dhaliilihii iiga yimid Mareekanka, kadib markii aan wareysiga siiyay taleefishinka Ciraaq” ayuu yiri Peter Arnett oo 68 jir, isagoo weydiistay cafis in laga siiyo hadalkii uu siiyay TV-ga Ciraaq. “waxaan bixinayaa cudur daarashadayda dhabta ah ee aan ka xumahay wareysigii aan siiyay TV-ga Ciraaq”, ayuu yiri, wuxuuna intaa raaciyay inuusan ku talo gelin markii uu wareysiga siinayay taleefishinka ciraaq.

Wareysigii uu Peter Arnett siiyay taleefishinka Ciraaq waxay caro weyn ka dhalisay gudaha Mareekanka. “weriyihii mareekanka wuxuu yiri waxay cadowga doonayeen inay maqlaan” sidaas waxaa u sheegay shabakadda Fox News maalintii axadda senator horey uga ahaan jiray mareekanka, wuxuuna intaas ku daray in wareysiyadan oo kale ay taageero siinayaan wuxuu ugu yeeray ciidamada cadoowga.

Peter Arnett waa 68 jir ka mid ah weriyayaasha sida weyn ugu soo caan baxay tebintiisii wararka xilligii dagaalka Fiitnaam, sidoo kale dagaalkii labaad ee gacanka sannadkii 1991-kii, markaas uu weriyaha u ahaa taleefishinka Mareekanka ee CNN. Sannadkii 1998-kii wuxuu Peter Arnett diyaariyay warbixin sheegaysay inay ciidamada Mareekanka ay dagaalkii khaliijka u isticmaaleen sunta halista ah ee ay ciidamada mareekanka u adeegsadeen dagaalkii Fitnaam sannadkii 1966-kii. Warbixintan oo ka caro gelisay maamulka CNN, ayaa ugu danbeyntii ku qasbanaatay inay sii daayaan warbixin kale oo tilmaamaysay inaysan waxba ka jirin warbixintii uu bixiyay Peter Arnett, isla mar ahaantaana waxay ka cudurdaarteen sii deynta barnaamijkii uu soo diyaariyay Arnett iyo iyagoo markii danbe eryay weriyahoodii Peter Arnett sannadkii 199-kii.

Isha:
 http://www.reuters.com/newsArticle.jhtml?type=topNews&storyID=2480144

Tarjumadii Ibaraahim Saalax | SomaliTalk Denmark 

WARARKII KALE EE MAANTA .. GUJI HALKAN 

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <>  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SOO BOOQO
xayaysiis

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD