WORLD: AP
| AFP | Ruters
| interfax
|
CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| Times.uk
| Time | Guardian | VOA
| WallStreet | NYTimes | WPost
| Fox | Toronto.Star
| ISlamOnline.IOL | Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News |
Mirror
MID EAST: IslamToday
| ArabNews | Asharq.al.awsat
| Aljazeera | Al.khaleej
| Al.ayam | alwatan
| Alrai | Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| Middle.east.online
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Dubai.News |
VIDEO:
ITV |
Reuters
TV | ABU-DHABI.TV |
CANADA.TV
| SaudiTV
| BBC.TV
| TRANSLATOR
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII 11aad | 10aad |
9aad | 8aad |
7aad | 6aad
| 5aad | 4aad |
3aad |
2aad
& 1aad
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE
| LA GUERRA IN
IRAQ | Corriere
Della Sera | Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE: ABU-DHABI.TV | AUSTRALIA.TV
| CANADA.TV
| RADIO.AUSTRALIA
| VOA
WARARKA CIRAAQ: APRIL 1, 2003
- Saud al-Faisal: Dagaalkani waxa keliya oo uu dhalinayaa
is-afgaranwaa
iyo dhiig-qubta.
- Wasiirka dhaqanka Ruushka oo liiska
taalooyin kuyaal Ciraaq siiyey Maraykanka.
- 7 Dumar iyo Carruur ah oo
Ciidanka Maraykanku ku dileen Ciraaq
- Bush oo Ka Hadlay Arimaha
Dagaalka Ciraaq
- Laba Askari oo Briton ah oo
Diidey Dagaalka oo lagu celiyey dalkoodii
- Aroos Lagu Qabtay Meel Barxad
ah oo Kutaal Bartamaha Baqdaad
- TV Maraykan ah oo Casiley Weriyihii
Ciraaq uga soo waramayey, waxaana markiiba weriyahaas shaqo siiyey wargeys
kasoo baxa Ingiriiska
- 8,000 oo Gantaal oo ilaa Dagaalku Bilowday
lagu Gamey Ciraaq
WARAR KOOBAN
|
Qarax muujinaya hub lagu qarxiyey saxaraha,
hubkaas oo ay lahaayeen ciidanka ciraaq ee ka tegey Umm Qsar, sida ay
werisey AP
Iimaamada
Sucuudiga oo Bilaabay Qunuud:
Sida ay wersey Arabnews, waxaa imaamamada sucuudigu ay bilaabeen ducada
Qunuuda oo ay ugu ducaynayaan Ciraaq. Ducadaas lagu akhriyo salaada
dhexdeeda oo ah tii
uu Nebi Muxamed (scw) akhriyey kaddib markii qabiil Carab ahi dileed
dhawr saxaabadii rasuulka ah, intii ka dambeyseyna ducadaas waxaa la
akhriyaa markii Umadda ay soo wajahdo dhibaato. arabnews
Mudaharadyo looga soo
horjeedo dagaalka Ciraaq
sida ay werisey warbaahinta Japan waxaa Axadii mudaharaadyo looga soo
horjeedo dagaalka Ciraaq laga dhigay Osaka-Japan, Jakarta-Indonesia, Beijing-China,
Peshawar-Pakistan. Dadka Axadii ku bananbaxay Peshawar waxaa lagu
qiyaasay 100,000 ilaa 200,000.. eeg kyodo.
Sawirkan reuters wuxuu muujinayaa oday
reer Ciraaq ah oo horfadhiya gurigiisii oo duqayn lagu burburiyey, waxa uu
gurigiisu ku yaaley kasoo horjeedka xarunta isgaarsiinta Ciraaq ee la
dueeyey reuters
[march 30, 2003]
|
Saud al-Faisal: Dagaalkani waxa keliya oo uu dhalinayaa
is-afgaran waa
iyo dhiig-qubta.
Saud al-Faisal
|
Wasiirka arimaha dibada Sucuudiga, amiir Saud al-Faisal, oo sharaxayey
dagaalka Ciraaq, wuxuu waraysi ugu sheegay Barbara Walters oo katirsan
ABCNews in "dagaalkan uu dhalinayo oo keliya is-afgaranwaa, dhiig-qubta
iyo siyaadin nacayb iyo kordhin walaac gobolka ah". Waraysigaas oo lagu
qaaday qalabka satellite-ka. Waxa
uu Amiirku ku baaqay xabad-joojin. [eeg
waraysigaas].
Laba Askari oo Briton ah oo
Diidey Dagaalka oo lagu celiyey dalkoodii
Sida ay werisey warbaahinta Australia ,
waxaa Kuwait laga celiyey laba askari oo Ingiriis ah kadib markii ay diideen in
ay ka qayb galaan dagaalka Ciraaq. Waxaa warku intaas ku daray in lataliyaha
xagga sharciga kala taliya labadaas askari oo magaciisa la yiraahdo Gilbert
Blades uu yiri askartaasi "ma rabaan in ay ka qayb qaataan dilka dad
shacab ah oo aan dembi lahayn". ayuu
warku sheegay.
7 Dumar iyo Carruur ah oo
Ciidanka Maraykanku ku dileen Ciraaq
Warar ay werisey hay'adda reuters
ayaa sheegay in ciidanka Maraykanku ay dileen 7 dumar iyo carruur isugu jira.
Sida warku sheegay waxay arintani isniintii ka dhacday Najaf kaddib markii ciidanka US
ay rasaas ku fureen gaari ay saaraayeen 13 qof oo carruur iyo dumar ah, waxaa
halkaas ku dhintay 7 carruur iyo dumar ah, waxaana dhaawacmay labo, afarna wax
ma gaarin. Waxaana wararku sheegeen in gaarigu markii uu istaagi waayey
rasaasta lagu furay.
Dhanka kale IOL oo soo xiganeysey AFP
waxay werisey in tuulada Janabiyah ay ku dhinteen qoys ka kooban shan qof
kaddib markii ay ku dhacday rasaas kasoo dhacaysay diyaaradaha dagaalka, qoyskaas oo hurday meel beer ah. Waxaa dadka tuuladaas degani soo sheegeen in
tuuladaas ay ku dhinteen 20 qof oo ay ku jiraan 11 carruur ah. Arintani waxay
dhacday waqtiga ciraaq markii uu ahaa 4:30 galabnimo ee maalintii Isniinta,
sida uu sheegay Canada
TV.
Bush oo Ka Hadlay Arimaha
Dagaalka Ciraaq
Madaxweynaha Maraykanka, Bush,
ayaa Isniintii sheegay in maalmihii bilowga ahaa horumar laga gaarey dagaalka
ciraaq, waxana uu sheegay in sababta dagaalka loo galay in ay ahayd in la
xoreeyo dadka reer Ciraaq kaddib markii bilo xooga la saaray in Saddam
Xuseen hubka laga dhigo.
Qoraal dheer oo Isniintii ay
qortay Shabakadda
Reuters ayaa cinwaan ka dhigay "Ilaa hadda Ciraaq laguma hayo calaamad
muujineysa hubka hal-mar-wax gumaada". Qoraalka waxay kusii dartay in dagaalka
oo ilaa hadda socdey 12 maalmood aan Ciraaq laga helin hubka wax
burburiya, oo ahayd sababtii ugu weyneyd ee dagaalka loo galay, waa sida warku u
dhigaye.
Dhanka
kale waxaa TV-ga Ciraaq Isniintii la iska tusay Saddam xuseen oo golihiisa
wasiirada qaarkatirsan la shiraya oo ay la joogaan labadiisa wiil.
Aroos Lagu Qabtay Meel Barxad
ah oo Kutaal Bartamaha Baqdaad
Inkasta oo bambooyinka iyo
sawaariikhdu ay gilgileen Baqdaad, hadana waxaa isniintii wadada Ramadan 14th
street oo ku taal faras-magaalaha Baqdaad lagu qabtay arooskii u horeeyey oo
meel barxad ah lagu qabto ilaa uu dagaalka Ciraaq bilaabmay 12 maalmood ka hor.
Sidaas waxaa weriyey warbaahinta shiinaha ee loo yaqaan xinhua.
50 gaari oo lagu qurxiyey ubaxyo oo gelbinayey
caruuska iyo caruusada ayaa lasoo mariyey wadooyinka magaalada Baqdaad oo ah
magaalo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 5 million oo qof. Dad aad u
farabadan ayaa wadooyinka isugu soo baxay si ay farxada caruurskaas ugu
muujiyaan, ayadoo dumarku mashxaradayeen ayaa warku kudaray. Waxaana xinhua
sheegtay in dadka Baqdaad dibada ka ah aysan marnaba u qaadan karayn in arintan
arooska ah oo kale lagu qabtay Baqdaad oo la duqaynayey ilaa March 20, 2003.
Taas oo Xataa isniintii lagu sii wadey duqaynta.
Bangiyada iyo dukaamadu wey furaayeen.
Korontada iyo biyuhuna waa caadi. Laakiin qiimaha rootiga, khutaarta, ukunta
iyo hilibka ayaa laba-laabmay ama saddex laabmay maalmihii ugu dambeeyey.
Gawaarida magaalada socota waa caadi maalintii, habeenkiise dareewalada
qar-iska-xoorka ah oo kaliya ayaa socda, ayey warka ku dartay hay'adda shiinaha ee
xinhua.
Wasiirka dhaqanka Ruushka oo liiska
taalooyinka Ciraaq siiyey Maraykanka.
Sida ay werisey hay'adda Ruushka wararka u
faafisa ee loo yaqaan interfax,
wasiirka dhaqanka Mikhail Shvydkoi ayaa liiska meelaha leh qiimaha taariikheed
iyo dhaqan ee kuyaal Ciraaq ku wareejiyey safiirka Maraykanka Alexander
Vershbow. Sida hay'addu sheegtay liiskaaswaxaa soo diyaariyey qof khibrad gaar
ah leh oo ka tirsan qaybta hidaha iyo dhaqanka Ruuska, waxaana kamid ah
naqshadda Babylon, Mesopotamiya shaxdeedii. Waxaana hay'addu sheegtay in
warkaas uu u sheegay qofka wasiirka u qaabilsan warfidinta, waa sida kucad
warka ay interfax
faafisay Isniintii.
TV Maraykan ah oo Casiley Weriyihii
Ciraaq uga soo waramayey
[waxaa markiiba shqo siiyey wargeyska Dialy
Mirror ee kasoo baxa UK]
QORAAL FAAHFAASAN OO KUSAABSAN
ARNETT .. GUJI HALKAN
Peter Arnett, Sawirka IOL
|
Peter Arnett oo ah weriye caan ka ahMaraykanka oo kusoo caan baxay kasoo waramidii dagaalkii Vietnam iyo dagaalkii
khaliijka (Gulf war) ayaa isniintii laga casiley shaqadii weriyenimada ee uu
wararka uga soo diri jirey TV-ga NBC iyo MSNBC. Sababta weriyaha lagu casileyna
waxay ka dambeysey kaddib markii uu waraysi siiyey TV-ga Ciraaq uuna
waraysigaas ku sheegay in "qorshihii koowaad ee dagaalku khasaaray
sababtuna ay tahay
caabinta ka timid Ciraaq". Inkasta oo markii hore TV-ga NBC uu difacey
weriyaha hadana markii dambe waxaa TV-gu sheegay sidan: "Waa khalad in Mr.
Arnett uu wararysi u ogolaado TV ay Ciraaq xukunto, gaar ahaan xiligaan
dagaalka". Sida ay werisey AFP. "Sidaas daraadeed" ayaa tv-gu ku
daray in "Peter Arnett uusan weriye u ahayn NBC News iyo
MSNBC".
Peter Arnett wuxuu Baqdaad wararka uga
soo tebin jirey NBC iyo National Geographic Explorer. Sannadkii 1991-kii wuxuu
Baqdaad wararka uga soo dirijirey CNN xiligii uu socdey dagaalkii Khaliijka
markaas oo uu aad ugu soo caan baxay. Peter Arnett wuxuu haystaa
dhalashada Maraykanka, wuxuuna ku dhashay dalka New Zealand.
Sidoo kale war kusoo baxay shaashadda Nationalgeographic ayaa
sheegay in Peter Arnett laga ruqseeyey shaqadii weriyenimada ee uu u
hayey Nation Geographic, taas oo uu uga soo warami jirey Baqdaad. Peter Arnett
wuxuu ka cudur daartay ama dadka maraykanka ka raali geliyey hadalkii uu ka sheegay ama siiyey TV-ga Ciraaq
gacanta ku hayso.
Sida ay werisey warbaahinta Australia ee abc,
wargeyska Daily Mirror oo ka soobaxa Ingiriiska ayaa markiiba shaqo siiyey weriyaha uu TVga
NBC ee Maraykanka laga leeyahay shaqada ka cayriyey ee Peter Arnett.
"waxaan ka warbixiyaa runta waxa ka dhacaya Baqdaad, taasna raaligelin ka
bixin maayo" ayuu u sheegay wargeyska Mirror oo ah wargeys ka mid ah
kuwa ugu horeeya ee kasoo horjeeda in dagaalka Ciraaq uu Ingiriisku ka qayb
qaato. QORAAL FAAHFAASAN OO KUSAABSAN
ARNETT .. GUJI HALKAN
8,000 oo Gantaal oo ilaa Dagaalku Bilowday
lagu Gamey Ciraaq
Baqdaad: Sawirka CBC
|
Duqaynta cirka ee lagu qaaday magaalooyinka
Ciraaq ayaa maalmihii ugu dambeeyey aad u sii xoogaysatey. Maj. Gen.
Stanley McChrystal oo warsaxaafadeed qabtay ayaa sheegay in ilaa markii
dagaalku bilowday 8,000 oo gantaal oo ah kuwa hago lagu gamey Ciraaq
– 3,000 oo kamid ah gantaaladaasna latuuray Sabtidii iyo Axadii lasoo dhaafay,
sidaas waxaa weriyey TV-ga Canada ee CBC.
Waxaa kale oo isla telefishankaasi ku waramay
in Isniintii uu dagaal kulul ka dhacay meel Baqdaad u jirta 80km halkaas oo ah
Hindiyah.
WARARKII:
March 31,
2003
Mubarak:
Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.
Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak [Hosni
Mubarak] ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku
hogaaminayo uu soo saari doono "boqol bin laden cusub" kaas oo
muslimiin badan ka dhigi doona dagaalyahano kasoo harjeeda reer galbeedka,
sidaas waxaa werisey reauters. WARKAN
OO DHAN...GUJI 31/3
COOK: CIIDAMADEENA HA SOO NOQDEEN
Wasiirkii
hore ee arrimaha dibadda ee Britain Robin Cook ayaa soo jeediyay inay ciidamada
Britain ee dagaalka ku jira ay ka soo baxaan Ciraaq, wuxuuna ku tilmaamay
dagaalka ay gacanta kula jiraan ciidamada Mareekanka iyo Ingiriiska inuu yahay
“dagaal dhiig badan ku daadanaya oo aan wax faa’iido lahayn”.
Robin Cook oo u waramayay wargayska Sunday
Mirror ee ka soo baxa England cadadkiisa maanta oo axad ah ayuu ku taliyay inuu
doonayo inay ciidamada Britain ay ku soo laabtaan guryahooda kahor intaanan
laga dilin tiro kale oo badan. WARKAN
OO DHAN... GUJI HALKANI.. 30/3
DAGAALKA
CIRAAQ OO SII DABA DHEERAANAYA
Waa
maalintii kow iyo tobanaad ee uu weli socdo duulaankii ay dagaalkii ciidamada
Mareekanka iyo Britain ay ku wadeen magaalooyinka Ciraaq. Saacaddan oo aan
qorayo warkan waxaa socda weeraradii sawaariikhda ahaa ee lala beegsanayay
magaallada Baghdad.
“waxaa
magaallada Baghdad gilgilaya sawaariikh aad u waaweyn, waan ka fogahay oo garan
maayo khasaaraha ay gaysteen gantaalladaas” ayuu yiri weriyaha Abudhabi TV
uga soo warama magaallada Baghdad. Goobihii sida daran ay ciidamada Mareekanka
iyo Britain ay duqeeyeen ayaa ka mid ahaa koonfurta Baghdad, sidoo kale dhawaaq
xoog leh ayaa isna laga maqlayay bartamaha Baghdad una dhow webiga Dijla ee
mara magaallada.
WARKAN
OO DHAN... AKHRI HALKAN...
30/3
Rumsfeld oo Suuriya iyo
Iiraan uga digey in aysan Caawin Ciraaq
Xoghaya Difaaca Maraykanka, Donald Rumsfeld,
ayaa Jimcadii digniin adag u jeediyey dalalka Suuriya iyo Iiraan.
"Waxaan haynaa akhbaar ah in xamuul
militari laga gudbiyey xadka Suuriya oo loo gudbiyey Ciraaq, kuwaas oo ay ka
mid yihiin qalabka habeenkii wax lagu arko" ayuu yiri Donald Rumsfeld oo
warsaxaafadeed kuqabtay xarunta looga taliyo ciidanka maraykanka ee
pentagon-ka. "alaabtaas la gudbinayo waxay halis toos ah ku yihiin
ciidanka iskudhafka ah, waxaana u arkeynaa ficil cadaawadeed, waxaana
mas'uulkeeda leh dawladda Suuriya" ayuu ku daray. Waxana uu sheegay in
Suuriya ay mas'uul ka tahay xadkeeda. Warkan
oo dhan.....
WARARKII
HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...
ILAHA WARARKA:
http://www.cbc.ca/stories/2003/03/31/iraq_pentagon030331
http://islamonline.org/english/News/2003-03/31/article13.shtml
http://islamonline.org/english/News/2003-03/31/article08.shtml
http://islamonline.org/english/News/2003-03/31/article08.shtml
VIDEO ITV: DAGAALKII
UGU KULULAA OO KA DHACAY AL-NASIRIYAH
VIDEO: Baqdaad iyo
Isniintii... Daawo AbudhabiTV
<> TAARIIKHDA
CIRAAQ ... HALKAN GUJI
<>
|