WORLD: AP
| AFP | Ruters
| interfax
|
CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| Times.uk
| Time | Guardian | VOA
| WallStreet | NYTimes | WPost
| Fox | Toronto.Star
| ISlamOnline.IOL | Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News |
Mirror | Turkey.News |
IRAN.irna
MID EAST: IslamToday
| ArabNews | Asharq.al.awsat
| Aljazeera | Al.khaleej
| Al.ayam | alwatan
| Alrai | Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| Middle.east.online
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Abu.Dhabi.News | KUNA
VIDEO: AP.TV |
ITV |
Reuters
TV | ABU-DHABI.TV
|
CANADA.TV
| SaudiTV
| BBC.TV
| TRANSLATOR
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII
14
| 13 | 12
| 11 | 10
|
9 | 8 |
7 | 6
| 5 | 4
| 3 | 2
& 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE
| LA GUERRA IN
IRAQ | Corriere
Della Sera | Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE: ABU-DHABI.TV
| AUSTRALIA.TV
| CANADA.TV
| RADIO.AUSTRALIA
| VOA
WARARKA CIRAAQ: APRIL 3, 2003
- Qayb kamid ah Baqdaad oo Kororntadii
kago'day Duqayn kabacdi
- Wasiirka Saxaafada Ciraaq oo Sheegay Shacab
lagu diley Baqdaad
- Madaxweynaha Iiraan oo Kadigey in Dagaalka
Ciraaq uu sii hurindoono rabshadaha iyo Xagjirenimada
- Muslimiinta Ruushka oo kubaaqay Jihaad:
interfax
- 8 Qof oo kudhintay Suuq kuyaal Baqdaad
- Diyaarado Maraykanka Lagaga Soo Ridey Ciraaq
- MARAYKANKA
OO ISKU KHILAAFSAN SADDAAM KADDIB
DAAWO: CBC.VIDEO
| ITV.VIDEO
WARAR KOOBAN
|
Madaxweynaha
Maraykanka, George W. Bush, ayaa yiri Socdal boqolaal mile kaddib, waxaan
hadda kusoconaa boqolaalkii yard oo u dambeeyey, mana aqbaleyno wax ka yar
in aan dhamayno iyo dhamaadka guusha. wpost
3/4/3
Madaxweynaha
Iraan, Mohammad Khatami, ayaa sheegay in weerarka Ciraaq lagu qaaday
ee uu Maraykanku hogaaminayo uu dunida kusoo kordhindoono rabsho iyo
xagjirid. Reuters, 3/4/2003
Madaxweynaha
Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri: "Ruushku ma rabo in Maraykanku uu ku guuldaraysto Ciraaq dhaqale ahaan iyo siyaasad
ahaanba. Waxaan rabnaa in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo habkii
dublamaasiyada" Interfax 2/4
Wasiirka
arrimaha dibadda ee Belgian, Louis Michel, ayaa talaadadii
waraysi uu siiyey wargeyska La Libre Belgique kusheegay in dagaalkani uu
yahay in maraykanku uu u baahanyahay in uu tusiyo in uu weliawood sare
leeyahay, weerarka Ciraaqna uu tusaale taas u yahay. Ayuu
Yiri... 1/4
Wasiirka arimaha dibada
Sucuudiga, amiir Saud al-Faisal, oo sharaxayey
dagaalka Ciraaq, wuxuu waraysi ugu sheegay Barbara Walters oo katirsan
ABCNews in "dagaalkan uu dhalinayo oo keliya is-afgaranwaa, dhiig-qubta
iyo siyaadin nacayb iyo kordhin walaac gobolka ah". GUJI..
01/04
Mubarak:
Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.
Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak ayaa ayaa sheegay in dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku
hogaaminayo uu soo saari doono "boqol bin laden cusub" GUJI.... 31/3
|
Khudbadii
uu Maanta Khamiis jeediyey Bush... DAAWO
Qayb kamid ah Baqdaad oo Kororntadii
kago'day Duqayn kabacdi
Caawa oo Khamiis ah ayaa inbadan oo kamid ah
magaalada Baqdaad waxay noqotay mugdi kaddib markii ay korontadu ka go'aday,
sida ay kusoo warantay hay'adda AP. Waxaa
warku intaas ku daray in korontadu ay magaalada ka tagtay kaddib markii qarax
aad u weyn magaalada laga maqlay. Qaraxa oo socdey 15 daqiiqo markaas ayaa
korontadu go'day, tan oo ah markii ugu horeysey oo sidaas oo kale korontadu
magaalada uga go'day ilaa markii weerarada lagu qaaday Ciraaq. Sawirada ay
muujiyeen TV-yada qaarkood ayaa muujinayey magaalada oo mugdi ah.
Wasiirka Saxaafada Ciraaq oo Sheegay Shacab
lagu diley Baqdaad
Sida ay faafisay IOL
, wasiirka saxaafada Ciraaq, Mohammed Said al-Sahhaf, ayaa sheegay in maanta oo
Khamis ah weerarkii loo geystey Baqdaad ay ku dhinteen 27 qof oo shacab
ah ayna ku dhaawacmeen 193 qof.
Madaxweynaha Iiraan oo Kadigey in Dagaalka
Ciraaq uu sii hurindoono rabshadaha iyo Xagjirenimada
Mohammad Khatami, Madaxweynaha dalka iiraan
ayaa ka digey in dagaalka lagu qaaday Ciraaq ee uu hogaaminayo Maraykanku uu dunida kusoo kordhin doono rabsho iyo xagjirenimo.
"Dagaalkani waa adigoo u baaqaya kuwa
xagjira iyo kuwa rabshada raba si ay rabshada ugaga jawaabaan rabshad"
ayuu yiri Khatami, sida ay soo werisey hay'adda Iiraan wararka u faafisa ee loo
yaqaan IRNA. "Natiijada dagaalkani waa dhimasho dad aan dembi lahayn iyo
sii xoojin xagjireyaasha iyo rabshadda" ayuu ku daray Khatami.
Mohammad Khatami oo ka hadlaayey jasiirada
iiraan ee loo yaqaan Kish Island ee woqooyiga Gacanka, waxa uu muujiyey sida uu uga xunyahay dadka ku dhintay Ciraaq ee
labada dhinacba. "waxaan ka xumahay dadka reer ciraaq ee la caburiyey kuwaas oo dhallinyaradooda loo sadaqeeyey dad fadhiya meel nabad ah" ayuu yiri wuxuuna
kusii daray "sidoo kale waxaan ka xunahay dhallinyarada Maraykanka iyo Ingiriiska
ee askarta ah ee ka yimid dhinac kale oo dunida ka mid ah si ay ugu dagaalamaan dagaal siyaasad khaldan iyo ujeedo khaldan ee
kuwa awood doon ah"
[reuters].
Muslimiinta Ruushka oo kubaaqay Jihaad:
interfax
Xarunta dhexe ee Muslimiinta Ruushka ee loo
yaqaan "Central Islamic Department of Moslems of Holy Russia"
ayaa ku baaqday jihaad dhan ka ah Maraykanka, sida uu sheegay muftiga ugu
sareeya ee magaciisa la yiraahdo Talgat Tadzhuddin, waxana uu maanta oo khamiis
ah warkaas u sheegay Wakaalada Ruushka wararka u faafisa ee loo
yaqaan interfax.
Tani waa markii labaad oo muddo kabadan 100 sano ay Muslimiinta Ruushku jihaad
ku dhawaaqaan, markii koowaad waxay ahayd sannadkii 1941 jihaadkaas oo dhan ka
ahaa Germany ayuu yiri Tadzhuddin. Waxay wakaaladaa Interfax intaas ku dartay
in Tadzhuddin uusan sheegin nooca jihaadka ee ay qaadayaan, laakiin waxa uu
yiri waxaa la filayaa jihaadkaas labo ama saddex maalmood ka dib.
8 Qof oo kudhintay Suuq kuyaal Baqdaad
Sida ay werisey wakaalada wararka
Australia ee loo yaqaan ABC,
siddeed qof ayaa ku dhintay suuq kuyaal Baqdaad oo gantaal lagu weeraray.
Waxa kale oo ABC Australia werisey in
Ciraaq erisey weriye katirsan AlJazeera. [ABC]
Diyaarado Maraykanka Lagaga Soo Ridey Ciraaq
DAAAWO HALKAN WARARKII SAAKAY -- CBC
Wararka ka imanaya Ciraaq ayaa sheegay in
Maraykanka laga soo ridey laba diyaaradood. Sida uu weriyey TV-ga CBC
waxaa Maraykanka arbacadii laga soo ridey diyaarad militari oo ah Helicopter
nooca loo yaqaan Black Hawk. Waxaana warku sheegay in diyaaradaas ay ku dhinten
toddobo ciidanka Maraykanka.
Waxaa diyaaradaas Arbacadii lagu soo ridey agagaarka magaalada Karbala. [TV_ga Canada].
Diyaarada labaad oo ah Jet nooca loo yaqaan F/A-18 Hornet ayaa maanta oo
khamiis ah lasoo ridey, sidaas waxaa weriyey
TV-ga Maraykanka ee loo yaqaan ABC.
MARAYKANKA
OO ISKU KHILAAFSAN SADDAAM KADDIB
Jariidada the Guardian ayaa sheegtay in GUJI....
WARARKII APRIL 2, 2003
HOOYO SOOMAALIYEED OO GABAR KU DHASHAY
BAGDAAD INTII GARAACU SOCDAY.
Hooyo Soomaliyeed oo lagu magaaco Maryan Xasan
ayaa 26.3.2003. ku dhashay Isbitaalka ka mid ah isbitaallada Bagdaad gabar ay
u bixisay INTISAAR, markii la weydiiyeyna sababta ay magacaas u doortay waxay
ku jawaabtay, xiliga ay dhashay oo ah xili adag iyo intii ay foolaneysay oo
qaliin lagu sameeyey, gabadhan waxay dhashay xilli uu socdo duulaanka lagu hayo
dalka Ciraaq, Hooyadan Soomaliyeed waxay dhashay saacad ay ka dulyeereysay
dhawaqa diyaaradaha garaacaya magalada Bagdaad. Maryan Xasan iyada oo qax ah
ayey timid xerada qaxootiga ee laga dhisay xuduudda Urdun, waxayna sheegtay
iney u socoto dalkeedii hooyo, xeradaasna waxaa ku xanaaneynaya Hay'adaha
samafalka ee ka hawgala goobahaas. warkaan isagoo carabi ah ka akhriso asharqalawsat
cadadkii maanta Arbaca 1/4/3. [Tarjumadii Fahad Yaasiin].
[Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq ayagoo
nabad Qaba ka akhri dhammaadka wararka boggan]
Ruushku wuxuu rabaa in Arinta Ciraaq lagu
soo celiyo UN-ta: Putin
Madaxweynaha ruushka, Vladimir Putin, oo
maanta la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in Ruushku uusan rabin in
Maraykanku ku guul daraysto Ciraaq, laakiin uu rabo in arimaha Ciraaq lagu soo
celiyo Qaramada Midoobey. "Ruushku ma rabo in Maraykanku uu ku guuldaraysto Ciraaq dhaqale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Waxaan rabnaa in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo habkii dublamaasiyada" ayuu yiri Putin, sida ay soo werisey hay'adda Ruushka wararka u faafisa ee loo yaqaan
InterFax.
Waxa uu Putin ku adkeeyey in waxyaabaha dhacay toddobaadyadii tegey ay
xaqiijinayaan xulashadii ruushka ee ahayd in arinta ciraaq si tartiib ah loogu
xaliyo siyaasadda ayey ku qortay
InterFax.
21 Shacab ah ayaa dhintay, 75 kalena waa
dhaawacmeen kadib marki la duqeeyey Mosul: IOL
Shabakada
IOL oo soo xiganeysey TV-ga Al Jazeera ayaa sheegtay in 21 qof oo shacab ah la
diley lana dhaawacay 75 kadib markii diyaaradaha dagaalka Maraykanka iyo
Ingiriisku ay duqeeyeen gobolka Bartalah, bariga Mosul, tan oo dhacday
Maant aoo arbaca ah April 2. Waxaa halkaas lagu garaacay madfaca loo yaqaan
B-52 sida TV-gu weriyey. Waxaana la sheegay in halkaas ay diyaaraduhu garaaceen
muddo laba saacadood ah oo qiiq hawada isku shareeray.
Dhanka
kale IOL
waxay soo werisey in maanta magaalada Baqdaad la duqeeyey Cisbitaal ay leedahay bisha cas oo
qaabilsanaa dumarka xaamilada ilaa xiliga dhalmada, waxaan awarku sheegay in
halkaas ay dhawr qof ku dhinteen, ayna ku dhaawacmeen 24 qof.
Wargeys Maraykan ah oo Shaqadii Ka cayriyey
sawiraadihiisii Ciraaq kaddib markuu uu Macmalay Sawir
Wargeyska The
Los Angeles Times ayaa Maanta oo Arbaca ah shaqadii ka caysriyey sawir
qaade u joogey Ciraaq , kaddib markii uu sawir qaaduhu isku dhejiyey laba
sawir oo aan islahayn oo ah aska Ingiriis ah iyo dad shacab ah oo jooga Basra
si uu u qurxiyo madasha. Qoraal maanta kusoo baxay wargeyskaas ayaa cadeeyey in
sawirkii ay bogga hore ee wargeyska kusoo sawireen Isniintii ee uu soo sawiray Brian Walski uu ahaa mid computerka la isugu dhejiyey laba sawir oo la qaaday
laba waqti oo kala duwan. Waxaana wargeysku sheegay in Mr Walski oo telefoon
lagula xiriiray maanta isagoo joogo koonfurta Ciraaq uu qiray arintaas. Waxaana
wargeysku sheegay in ay mamnuuc ka tahay in wax laga bedelo sawirka.
Khaladkaas uu galay awgeed ayaa shaqadii lagaga caysriyey Mr Walski oo
wargeyskaas u shaqaynayey ilaa 1998, sida ku cad qoraalka wargeyska maanta. Sawirku wuxuu muujinayey askari
Ingriis ah oo dad ciraaqiyiin ah u tilmaamaya in ay iska ilaaliyaan
xabadaha kaga soo dhacaya Ciraaqiyiinta meel u dhow Basra. Mr Walski,
wuxuu ahaa sawirqaade joornaal ilaa 1980, waxana uu u soo shaqeeyey wargeysyada
Albuquerque Journal iyo The Boston Herald. Markii uu joogey Boston,
waxa uu wax ka soo werinjirey dhacdooyin caalami ah sida dagaalkii khaliijka,
gaajadii Soomaaliya, aaskii Princess Diana iyo dagaaladii Northern Ireland iyo
iska hor imaadyadii India gaar ahaan Kashmir.
TV-ga
Ciraaq: Wiilasha Saddam Xuseen Uday iyo Qusay (midig). |
CIRAAQ TV: Saddam oo Qabtay kulan ay ka qayb
galeen wiilashiisu
Sawir uu siidaayey TV-ga Ciraaq maanta ayaa
muujiyey Saddam xuseen oo ka qayb galay kulan ay goob joog ka ahaayeen
labadiisa wiil Uday iyo Qusay.
Qoraal laga akhriyey Tv-ga Ciraaq ayaa sheegay
in Saddam Xuseen ku baaqay in uu siinayo 10 million dinar (oo u dhiganta
$US3,120) qofkii soo qabta qof u adeega cadowga ama keena akhbaar ku hageysa in
qofkaas la qabto, waa
sida warku u dhigaye.
Waxaa kale oo TV-ga Ciraaq sheegay in saddaam
Xuseen ku dhaartay in uu jebin doono ciidanka maraykanka iyo Ingiriiska. Qoraal
laga akhriyey TV-ga Ciraaq ayaa sheegay in uu Saddam yiri waxaa difaac diyaar ku ah
kumayaal, un ogolaan mayaan in ay xulafadu soo galaan Baqdaad ayuu
yiri Saddam.
Dhanka kale waxaa Ciraaq beenisey in la
burburiyey qayb ka tirsan ciidanka Ciraaq ee loo yaqaan ilaalada
Qaranka.
Dagaalka Najaf | Basra | Baqdaad |
Nasiriyah
[Ciraaq oo sheegtay in Masaajidyo la
duqeeyey]
[10 qof oo shacab ah ayaa duqayn lagu diley Baqdaad, 90 kalena waa la dhaawacay]
Mohammad
Said al-Sahhaf oo sheegay in ciidanka Maraykanku hogaaminyo duqeeyeen
masaajidkyo kuyaal Najaf and Kabala, sida ay werisey IOL
[Sawirka IOL] |
Wasiirka saxaafadda Ciraaq, Mohammed Saeed al-Sahaf,
ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay ciidanka
Maraykanku kusoo qaaden magaalada Najaf oo shiicada u ah muqadas ah,
waxana uu Maraykanka ku eedeeyey in ay duqeeyeen goob muqadas ah. Waxaa warku
intaas ku daray in horay ay Maraykanku Ciraaq ugu eedeeyeen in ay
rasaas ka soo ridayeen Masjidka Cali [Ali Mosque].
Sahhaf waxa uu sheegay in diyaaradaha dagaalku
ay aad ugu soo dhowaadeen qalcadaha muqadaska ah ee imam Ali iyo Husseinoo
kuyaal An-Najaf iyo Karbala, si ay dhismayaashu u dildilaacaan.
Wasiirka waxa uu beeniyey in Ciidanka uu
hogaaminayo Maraykanku ay kusoo durkeen Baqdaad.
Waxa kale oo Mr Sahaf uu
warsaxaafadeedkaas ku sheegay in duqayntii xalay ee Baqdaad ayu ku dhinteen 10
qof oo ciraaqiyiin ah ayna ku dhaawacmeen 90 kale. Waxa kale oo uu sheegay in
Ciraaq ay maxaabiis Maraykan ah ku qabsatay dagaal ka dhacay agagaarka
Nasiriyah.
Wararku waxay intaas ku dareen in ciidanka
Ciraaq ee difaacaya Basra ay gantaalo ku weerareen Askarta weerarka ah ee
Ingiriiska.
Ruush-ka oo Maraakiibta dagaalka u diraya Badda Carbeed
[Arabian Sea]
Sida uu weriyey wargeyska Nezavisimaya Gazeta,
oo ay soo xigatey warbaahinta Australia, dalka ruuska ayaa waxa uu maraakiib
carbis ah u dirayaa badda Carbeed [Arabian Sea] oo u dhow khjaliijka oo ah
meesha uu Maraykanku ka hogaaminayo dagaalka Ciraaq. Sida warku sheegay waxaa
mar hore saraakiil Ruush ah sheegeen in maraakiibtiisu ay u kicitimidoonaan
badweynta Hindia si ay tababar (ama carbis) halkaas ugu sameeyaan. Laakiin
horay looma sheegin badda Carbeed ayuu warku ku daray. Waxaa wargeysku sheegay
in taliyaha maraakiibta dagaalka ruushka ee joogta badda madow Black Sea, oo
lagu magcaabo Yevgeny Orlov, uu dhowaan yimid Moscow si uu u qaato awaamiirta
ku saabsan qorshahaas. Wargeysku wuxuu ku daray in Orlov uusan amarkaas ka
helin oo keliya wasiirka difaaca Ruuska, Sergei Ivanov, laakiin uu sidoo kale
ka helay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
60,000 oo diyaar u ah in ay weeraaran Ciidanka Ilaalada Qaranka Ciraaq
Wargeyska times
ee kasoo baxa dalka Ingiriiska aya cadadkiisi maanta oo Arbaca ah qoray in
ciidan tiradoodu dhantahay 60,000 oo nin oo Maraykan ah ay diyaar u yihiin in ay
dhulka ka weeraraan ciidanka Ciraaq ee loo yaqaan ilaalada qaranka ee ku
gadaaman difaaca
Baqdaad, waxaana laga yaabaa in dagaal xoog badani bilaabmo 48-saacadood ee
soosocda.
Dhanka kale jariidada Times waxay werisey in dadka Faransiiska ah ay Saddexdii
qofba hal taaageersan yihiin Saddam, taas oo ay jeclaan lahaayeen in
Ciraaq dagaalkan ku guulaysato halkii ay kaga guulaysan lahaayeen "anglo-saxons"-ku,
waa sida wargeysku u
dhigaye.
Dhanka kale waxaaa weli sii socda duqayntii
hawada iyo gantaalada lagu duqaynayey magaalada Baqdaad. Waxaa wararku sheegeen
in duqayntu ay xalay markale bilaabatay markey saacadu ahayd 3:00 am, taas oo la maqlayey qaraxyo joogto ah
Dagaalka Basra oo Weli socda
Sida ay ku warantay warbaahinta Australia,
waxaa Basra tacshiirad isku weydaarsadey ciidanka Ingiriiska iyo kuwa ciraaq.
Waxaana ABC Australia sheegtay in ciidanka iyo Taangiyada Ingiriisku ay
100mitir
oo keliya hore uga socdeen meeshii ay joogeen ilaa Isniintii.
Dagaal ka dhacay aagga Karbala
Wararka maanta kasoo baxay jiida dagaalka ee ku aadan
Baqdaad ayaa sheegay
in dagaal ka dhacay agagaarka magaalada Karbala. Magaaladaas oo lafilayo in ay
difaacayaan ciidanka ciraaq ee loo yaqaan ilaalada Qaranka.
Dhanka kale waxa lagu soo waramay in dagaal xoogbadani ka dhacay meel
Baqdad
u jirta qiyaastii 100km. Waxaa kale oo isagyna sii xoogeystey dagaalkii Najaf
oo 150 km koonfurta kaga aadan Baqdaad.
33 Qof oo Duqayn Lagu Diley Ciraaq
Sida ay weriysey IOL,
33 qof oo shacab ah ayaa la diley, 310 kalena waa la dhaawacay, tan oo
kadambeysey markii diyaaradaha dagaalka ee uu hogaaminayo Maraykanku ay
Talaadadii duqeeyeen gobolka koonfureed ee Babylon. Sida ay werisey AFP waxaa
weerarka lala beegsaday magaalada beerta ah ee Hilla.
Afhayeen u hadlayey hay'adda laanqeyrta cas [ICRC]
oo
lagu magcaabo Roland
Huguenin-Benjamin, waxa uu duqayntii agagaarka Hilla ku tilmaamay mid
"Xaqiiqadii argagax leh". "kooxdanada oo ka kooban afar xubnood waxaan
tagnay cisbitaalka Hilla hospital, waxaan soo aragnayna waa argagax" ayuu
yiri Mr Huguenin-Benjamin, waxana uu kusii daray "waxaa halkaas yaaley dersin meyd oo isku burbursan", waxaan warku ku
daray in uu aaminsan yahay in duqayntii Hilla ay ku dhinteen dersin dad ah ayna
ku dhaawacmeen 450 qof.
Magaalo taas u dhow oo lagu magcaabo Haidariya,
waxaa lagu so waramay in gelinkii dambe ee isniinta ay ku dhineen qoys ka
koobnaa 15 qof. Razek al-Kazem al-Khafaji, oo dhex fadhiya 15 naxash oo yaal
meel cisbitaal ah oo magaaladaas ku yaal waxa uu sheegayin ay ka dhinteen
Xaaskiisii, lix carruur ah, aabihiis, hooyadiis, saddex walaalihiis ah iyo
xaasaskoodii. [ka Dhegeyso
radio Australia].
Saddam Xuseen oo Ku Baaqay Jihaad
Dhambaal uu TV-ga Ciraaq Ka Akhriyey
wasiirka saxaafada Ciraaq, Mohammed Saeed al-Sahhaf maalintii Talaadada, ayaa tibaaxday in Saddam
Xuseen uu ku baaqay Jihaad lagaga hor imanayo dagaalka uu Maraykanku
hogaaminayo ee lagu soo qaaday Ciraaq. Dhambaalkaasi wuxuu muwaadiniinta Reer Ciraaq ugu baaqay in ay la
dagaalamaan Maraykanka iyo Ingiriiska soo weeraraya ciraaq [dhambaalkaas ka Daawo.Halkan...]
kumayaal Qabiilooyin reer Pakistaan ah oo raba
in ay galaan dagaalka "jihaadka" ee Ciraaq
Sida ay wersiyet ABC
Australia, kumayaal ka tirsan qabiilooyin reer Pakistaan ah ayaa isu
taagaya in ay ka horyimaadaan dagaalka Maraykanka iyo ingiriiska ee Ciraaq,
sidaas waxaa sheegay hoyaamiyayasha qabaa'ilka dega gobolka
woqooyi-galbeed ee Pakistaan. "Dawladdu waa in ay tasiilaad u diyaarisaa
100,000 oo iskaa-wax u qabso ah oo ka qayb qaadanaya jihaadka laga soo horjeedo
maraykanka kujira ciraaq" ayuu yiri Maulana Mohammad Zaman, oo ah
hogaamiye xaga diinta ah oo katirsan qabiilka Skhakot ee deriska la ah
Afghanistan,
waxa uu arintaas ka sheegay meel ay isugu yimadeen 500 oo qof.
Askariyad Maraykan ah oo Horay Ciraaq loogu Qabtay oo lasoo badbaadiyey
Sida ay tibaaxeen warar uu faafiyey TV-ga
Canada ee CBC, waxaa Militariga Maraykanku sheegeen in lasoo badbaadiyey
Jessica Lynch, oo 19-jir ah, waxaana laga soo badbaadiyey Cisbitaal
kuyaal Ciraaq. Askariyadaas waxaa Ciraaqiyiintu qabteen March 23 markii loo galay meel u dhow magaalada Nasiriyah. Waxaa warku ku
daray in askariyadaasi ay karaaniyad ka ahayd qaybta dayac tirka ee 507aad ee
ciidanka Maraykanka. Waxaa liiska dadka la'layahay ee Ciraaq kumaqan ku jira 16
askari oo Maraykan ah ayaa warku ku daray. Faahfaahin lagama bixin sida askariyadda
loosoofurtay.
Hindiya oo uu ka go'ay xiriirkii telefoonka
ee safaaradeeda Baqdaad
Dawlada Hindiya ayaa sheegtay in xiriirkii
telefoonka ee safaarada ay ku leeyihiin Baqdaad uu ka go'ay kaddib markii la
duqeeyey guri u dhow halka ay safaaradu ku taal. "Sida aan u fahmey khadkii telefoonka
ayaa go'ay, safaaradanada Cummaan ayaa isku deyeysa in ay la
xiriirto safaaradda Baqdaad" ayuu yiri Navtej Sarna oo ah afhayeen u hadlayey wasaarada arimaha dibada Hindia.
Talyaaniga oo laga bilaabay kanaal Satellite
ah oo kasoo Horjeeda Dagaalka
Dalka Talyaaniga ayaa laga bilaabay kanaal
Satellite ah kaas oo kasoo horjeeda dagaalka, Kanaalkaas oo lagu magcaabo No
War TV, waxaa sida wararku sheegeen laga soo daayaa dagaalka Ciraaq.
Kanaalkaas oo xaruntiisu tahay magaalada Rooma waxaa sida la sheegay maal
geliyey dad iskaa-wax-u-qabso ah oo ka yimid gobolka Toscana ee Talyaaniga, miisaaniyadda
loo dejiyeyna ay tahay shan million euros.
Turkiga oo Weriye katirsan TV-ga BBC kasoo
eryey Xadka Turkiga iyo Ciraaq
Dawladda Turkey ayaa koonfurta turkiga ee
xadka ay kala leedahay Ciraaq kasoo saartay weriye katirsan BBC-TV uga soo
waramayey halkaas, waxaana sababay eriskaa sida la sheegay kaddib markii uu
weriyahaasi halkaas ka soo diray warbixin kusaabsan ciidanka Turkiga iyo dadka
u dhashay Kurdish-ka ee gobolkaas deggan. Sida uu sheegay Johnny Dymond oo BBC-da uga soo warami jirey Turkiga, waxaa booliska dalkaasi amreen
in asaga iyo shaqaalaha la shaqaynayey ay ka baxaan gobolka Sirnak oo kuyaal
koonfur-bari ee Turkiga .
Dhanka Ciraaq waxaa lagu soo waramay in
dalkaas laga eryey weriye u dhashay dalka Australia, laba kale oo reer Australia
ahna lagu amray in aysan ka bixin hoteel, sida ay werisey warbaahinta Japan.
Heer-kulka Ciraaq oo Kor U kici doona Sabtida
iyo Axada Soo socoda
Sida ay qiyaas kusameeyeen laanta
Hawada ee Ingiriisku, waxaa laga yaabaa in hawada Ciraaq ay aad u
kululaandoonto, taas oo la qiyaasay in Jimcada uu heer kulku gaari doono 38Co, Maalmaha sabtida iyo Axadana uu gaari doono
47Co, Waxaana la qiyaasay in kulaylkaasi aad u darani uu labada
dhinacba ee dagaalka aadka u qalafsani dhexmarayo uu xaaladooda sii xumayn
doono, ayaa warku
ku daray.
Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq ayagoo
nabad Qaba
Hibo Cali [Hiba Ali] iyo Fowsiya [Fauziah Moumein] waa nabad qabaan waxayna
joogaan xero qaxooti oo kutaal dalka Jordan, kaddib markii ay maalin ka hor
intii aan dagaalka Ciraaq bilaaban ay raaceen Bus qiimihiisu dhanyahay
US$50. Labadaan gabdhood oo Soomaalida ah waxaa deeq waxbarsho siiyey dalka
ciraaq, waxayna dhiganayeen jaamacadda Baqdaad [University of Baghdad].
Waxay gabdhahaasi ka baxeen Ciraaq ayagoo bixitaankaas ka xun. Labada gabdhoodba
waxay email kula xiriireen qoysaskoodii oo jooga soomaaliya si ay ugu sheegaan
in ay bedqabaan, sidaas waxaa weriyey wargeys kasoo baxa dalka Malaysiya oo
lagu magcaabo thestar.
WARARKII
HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...
<> TAARIIKHDA
CIRAAQ ... HALKAN GUJI
<>
Tixraac iyo sawirada:
AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,
|