SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - THE HAGUE

Somali Banadir Human Rights Organization

23/9/2002 The Hegue 

Waxaa Dacwad sida tan u qoran ino soo gudbisay: Qamar Shariif Haashim (Luna ) sidan aad araktaan.waa war bixin dheer ka hadlaaya Xadgudubyo loo geestay haweney wayeel ah oo lagu magacaawo Maana Aweys Dayax, iyo gabadh ay dhashay. oo lagu magacawo: Karolina Ibraahim Cali oo Degan Degmadda Marka ee Shabeelaha Hoose oo loola dhaqmay wax ka baxsan Ba'niaadanimadda ama Xuquuqda Aadamiga lagula dhaqmo Beelaha aan Hubeysneyn,sida hawenka,wayeelka,IWM. Qamar Shariif Haashim (LUNA) ayado so gudbineysa xogogaal ahan waxay ku bilawday sidaan Hoose ku qoran.

Bal aan kaaga hadlo dhibaatada ku dhacday Hooyadey iyo Walaasheyda.

taariikhdu markay eheeyd 17/9/002, ayaa Askarta DKMG, ayaa aqal ku yaalo magaalada MARKA, ayey ugu dheceen ayagoo u geystay jir-dil Maana Awes DAYAX iyo Gabadheeda Karolina( Carolina) Ibrahim CALI, ayan ka dheceen inta lacag aqalka u yaalay markay hooyo Maana Awes DAYAX, dacwo geeysatay ayaana ayadana la xirayn isla maalintaas ayeyna xireen Odey reer MARKA, ah oo ka war doonay Gabadha la xiray ayan mudo saacadood xireen lana sii daayey Odeygaa waa Aw-Maye SUJAC, laguna yiri oo Askartii idiin badbaadin lahaa ayaad leedahay lacag ayey aqalkeeyga ka xadeen, ka dibna ay kaxeeysteen Walaashey, loona kaxeeyey xabsiga magaalada ayna tahay dad ay amar ka qaataan DKMG, Hooyadeyda markay aaday ayey weydiisay Gabadheeda, waxa loo xiray ayey ku yiraaheen ninkaan ayaa qaba waana in ay raacdaa xukuna wuuw dhici doonaa waayo Gabadhaan ayadoo nin leh ayey guursatay nin Banaadiri yah,

Hooyadey, waxay ugu jawaabtay inuusan qabin ninka haatan leh waa xaaskeyga sababtoo ah seddex sano ka hor ayuu asagoo hubeesan xoog la galay guri Gabadheeyda ayuuna kaxeeystay aana anigu, u dirsaday dad kale oo hubeysan siddii Gabadheyda aan u badabaadin lahaa leyguna soo celin lahaa aqalkeyga, marka ninkaan ma qabo Gabadhey,

Gabadhu, waxay ka dhalatay hooyadeed waa Bahweynta Banaadir, Aabaheed waa ......., [weydii qoraaga] ayey ku tiri waxaad u xabsiga u geeyseen waa dad haatan magaalada MARKA, ka muuqan iyo reer Banaadir, ay yihiin dadaan hubeeysneen oo Gabar, kale miyaad la geli leheedeen.

waxaa khadka telafonka la hadlay gabadheeda ku nool dibada ayey hubsatay arrintani siduu u socoto ayaana Maana Awes, ayaa jawaab ka bixisay in xaalku isu rogay lacag iyo hanjab cad oo gabadheeda habeen walba loo hanjabo oo odeyaal loogu gudbiyo xabsiga gudihiisa ahna niman ......, ah iyo ......., [weydii qoraaga]  is wata ayna aniguba dhowr jeer igu soo laabtay inaan bixiyo madax fur ayna Hooyo Maana, ugu jawaabtay lacag ma heeysti haddaan heyn lahaana ma bixin leheen waayo sharci ayaa la timaadeen ee maxkamada ayaan wada sugi doonaa inkastoo ay handadaada socda xaalkuna isu bedelay madax fur, gabadhuna ay bukto aniguba, nafsadeyda waxaan ahay naag seddex xabad ku dhacay ayna haatan jir-dilkii ley geystay madaxii leyga tolay ayaa haatan xanuunka iigu kordhay.

Gabadha, Walaasheedna, way ku raacday Hooyadeed, waayo wax madax fur la yiraahdo inaysan bixineynin ayna raaci doonin ninka horena af-duubtay xoogna ku kaxeeystay maadama wax cadeeyn uu keeni waayey maxkamada khaadigii mehray iyo warqadii meherka laga waayey, inta kale waanu fahanay in loogu dan leeyahay madax fur, taana kama baxni doonimeyno lacag in la bixiyo ma heyni wax lacag la yiraahdo, Walaasheyda, ayaa xabsi la geeyey oo DKMG, shaqo kale ayey waayeen miyaa oo may xiraan dembiilayaasha oo seddex sano ka hor af-duuway Walaasheyda.

Waxay inoo raacisay Walaasheyda, xaq daro ayaa lagu xiray laguna heeystaa Hooyadey waxay kale sii raaciday hadii Gabadheyda uu qabo seddex sano ka dib ayuu leeyahay waa xaaskeyga taa ma'han wax suura gal ah Gabadheyda ayadoo nool ayey ii deynayaan ama ayadoo meeyd ah lacag bixin ma hayoo nina raacin ma hayo.

I  I  D  H  E  H

Sidaasi awadeed Ha'yada Xuquuqda Aadamiga Banadir.Wuxuu ku talinaaya Kuwi geestay Dambiga foosha Xun leh laga abaal marin doono Shircigana La horkeeni Doono Goortay noqotaba Dalka gudahiisa ama Dibaddiisaba meelkastoo ay joogaanba.

Hadaba wuxuu ugu Baaqaya Kuwa ka danbeeyay Fallalkaasi in ay ka waantowaan ku xadgudubyada ka baxsan Ba'niaadanimadda kana so daayaan Xabsiyada Shirci darada ah ku haystaan Haweneyda iyo wayeelkuba ..ayagoo dhowraya Ku dhaqanka diinta Islaamka iyo ku dhaqan iyo dhorista Xuquuqda Aadamiga.

wabilaahi towfiiq

Gud'oomiyaha Somali Banadir Human Rights Organization

Dr. Cabdulkadir Xaaji Suufi (Muriidigolf)

E-mail:muriidigulf@hotmail.com

FAAFIN: Sept 23, 2002 | SOMALITALK 

Canbaareyn Afduub loo geystay Dhibanne Cabdixakiin Maxamed Xaaji (SHiikheey) waxaa magaaladda Xamar Xafadda X/Weyne Lagu Afduubay wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ah Beelaha aan hubeysneyn. GUJI  

  Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI... [
Dr. C/Qadir -Muriidi golf]


Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6 

 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


» DKMG oo awoodeeda ku tijaabisa dadka danyarta ah [Macalin]
» Ragga toodii aragnaye , Dumar talo ma laga deyey [Hirsi]
» Baadida Nin Baa Kula Deydeyi Daala Kaa Badane
[Gutale]
» QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL [Imdeeq]
» SOOMAALIYA - QABQABLE DAGAAL IYO QABYAALAD[Canab]
» Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3) [wq.SaciidCali] 

 

WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
QAAMUUS
QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL GUJI Ibraahim Maxamedeeq
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD