SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 28, 2004

 

Somali Concern Group oo shir ku yeeshay London.
28/03/2004.
Ridwaan Xaaji C/wali
London UK.
 
waxaa shalay shir ku qabtay magaalada London ururka dhaq dhaqaaqa bulsho ee isbadal doonka ee loo yaqaano Somali Concern Group oo sheegay in u rarkaani la aas aasay bishii Jun ee 2003.
 
Ururkan ayaa la sheegay in uu iskaashi la samaynayo awood kasta oo wadani ah iyo dimiqraadi si uu uga hortago kala qaybinta iyo kala irdhaynta shacabka soomaaliyeed ee dagaalada sokeeye ay daashadeen mudada 14ka sano ah.waxaana la sheegay in ururkaas uu doonayo ka qaybqaadashada xal walba oo lagu soo celinayo nabad ka dhalata dalka soomaaliya.
 
iyadoo markii ugu horeeysay shalay ay isdiiwaangaliyeen xubnaha cusub ee uu yeelandoono ururkan marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SCG ayaa waxaa tiradoodu ay gaaraysay ilaa 50meeyo qof oo dhamaantood ay ka muuqatay in ay ka fikiraan hormarka dalkooda hooyo.
 
Maxamud Maxamed Guure iyo Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobe) oo labaduba ka mid ah gudiga kumeel gaarka ee urukan ayaa sheegay in danaha loo hagaajiyay ururkaani ay kamid tahay dib uheshiisiinta soomaaliyeed oo ay horayna ururku uu booqday shirka soomaalida ee ka socda Nairobi. isla markaana ay u bandhigeen fikirkooda ku aadan nabadda xubnha beesha caalamka iyo ergooyinka soomaaliyeed.
 
Waxaase su'aal dad badani ay iswaydiinayaan ah ururkani masii shaqandoonaa mise waxaa uu noqonayaa ururada marka hore xamaasadda ku dhisma kadibna la iska iloobo?

 QORAALADA RIDWAAN... GUJI

-dhammaad-

Safarka Riyaale Waxba Soo Kordhin maayo. Guji...

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]