SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 31, 2004

WARARKII MAARSO 31, 2004

  • Col.C/laahi Yusuf oo sheegay inuu Shirka ka Bixidoono

  • Dibad bax nabadeed oo ka dhacay Stadium Muqdisho,

  • Shantii qof ee uu xiray Maamul Gobaleedka Somaliland

  • Xasan Al-Turaabi oo Xabsiga loo Taxaabay

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com  Garyare20@yahoo.com

Dibad bax nabadeed ballaaran looga soo hor jeedo dagaaladda ee soo noq noqday ayaa ka dhacay Maanta Garoonka Dadan ee Stadium Muqdisho,

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururadda Bulshadda Rayidka ah ayaa waxay ku muujinayaan sida ay uga soo hor jeedaan dagaaladda Sokeeye ee ka socda Meelo kala duwan oo ka mida Somalia, Waxayna dibad baxayaasha oo wata boorar ay ku qoran yihiin Taageer Nabadda oo Jooji Colaada, ka dalbadanayaan Qab Qablayaasha Dagaalka inay soo afjareen Colaada SOkeeye.

Dibad baxayaashu waxay sidoo kale dibad baxooda ku taageereen SHirka Soomaalida uga socda Kenya, Waxaana ay ka dalban doonaan Beesha Caalamka
inay cadaadis ku saarto Kooxaha Soomaalida inay heshiis rasmiya gaaraan si loo helo dawlad Qaran oo ay Somalia yeelato.

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay Ururadda Bulshadda Rayidka ah qaban qaabiyaan Dibad bax lagu taageerayo Nabadda, laakiin Baaqyadda ay u jeediyaan Kooxaha Soomaalida ayaa ah kuwo inta badan dhagaha laga furaysto.

<><><>

Col.C/laahi Yusuf oo sheegay inuu Shirka ka Bixidoono hadii…..

Col C./laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu qaadici doono Shirka Soomaalida uga socda Kenya haddii aan la sixin qodobka 30 aad ee Axdiga Ku Meel Gaarka ah. C/laahi Yuusuf oo hadalkan jeediyay kadib markii uu ku laabtay deegaanadda uu ka taliyo ee Maamul Gobaleedka Punt Land ayaa u sheegay Xubnaha Maamulkiisa inuu yahay hogaamiyihii ugu dul qaadka badnaa intii uu socday Shirka Kenya, Wuxuuna sheegay inuu muddo dheer ku sugnaa Madasha Shirka si xal kama dambays ah looga gaaro arrinta Somalia, Laakiin waxa uu sheegay in ugu dambayntii ay shirka wadadii loogu tala galay ka weeciyeen dalal dano gaar ah leh, Waa sida uu hadalka u dhigayee.

C/laahi Yuusuf waxa uu sidoo kale dhaleecayn dusha uga tuuray Madaxwaynaha
Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, C/qaasim Salaad Xasan oo uu ku eedeeyay inuu dalal carbeed lacago uga soo qaato bur burinta shirka Kenya, Wuxuuse sheegay in ugu dambayntii laga guulaysan doono kuwo diidan Nabadda Somalia.

Mar uu ka hadlayay Kornaylku doorka Ethiopia ay ku leedahay shirka Kenya, waxa uu sheegay in Ethiopia ay ka mid tahay waddamadda IGAD ee u xilsaaran arrimaha Somalia, wuxuuna uga mahad celiyay Madaxda Sare ee Ethiopia sida ay mar kasta isugu hawlaan dib u heshiisiinta Soomaalida.

Col C/laahi Yuusuf waxa uu ka mid yahay Kooxaha Soomaalida ee diidan Qodobka
Soddonaad ee Dastuurka Fadaraalka, Laakiin Dawladda Ku Meel Gaarka ah,
Golaha Samatabixinta, iyo Ururadda Bulshadda Rayidka ah ayaa ku adkaysanaya
inaan waxba laga badali Karin qaabka uu qodobkaasi u qoran yahay.

<><><>

Ugu yaraan Boqol qof oo isugu jira Soomaali iyo Orromo ayaa la rumaysan
yahay inay dhinteen kadib markii ay la qalibantay Dooni ay saarnaayeen oo
ku sii jeeday Dalka Yemen.

Doonidan oo ka tagtay Deegaanka Mareero oo ku dhaw Magaaladda Boosaaso ayeey
wararku sheegayaan inay isku dhaceen dooni kale oo ay wada socdeen, Waxaana
uu shilkaasi sababay in mid ka mida doomahaasi ay ku qalibanto Badwaynta Badda Cas taasoo keentay inay ku dhintaan Badwaynta dhamaan dadkii saarnaa
doontaasi,

Wakaaladaha Wararka oo siyaabo kala duwan uga hadlay Mashaqadan ayaa xaqiijinaya inay dadka dhintay ahaayeen Tahriibayaal ku sii jeeday Yemen halkaasoo ay uga sii gudbaan Sucuudi Carabiya.

Wararka laga helayo Yemen ayaa sheegaya in Maydadka dadkaasi intooda badan
lagu arkay Xeebaha dalka Yemen, Waxaana la sheegay in Yamaniyiinta degan
Xeebuhu ay aaseen Maydadka Dadkaasi Soomaalida iyo Orromadda isugu jira,

Maamul Gobaleedka Punt Land oo ay Tahriibayaashaasi ka tageen, ayaan wax war
ah ka soo saarin Masiibadaasi, iyadoo sidoo kalana Dawladda Yemen ay ka gaabsatay inay ka hadasho Mashaqada dhacday,

<><><>

Maamul Gobaleedka Somaliland oo sheegay inay ku jiraan shantii qof ay u xireen dilkii haweeneeydii kenyaatiga ahayd laba ka mid ah Argagixisada uu Geeska Afrika

Maamul Gobaleedka Somali Land ayaa sheegay in labo ka mida shantii qof ee ay u xireen dilka Haweeneeydii Kenyaatiga ahayd ay xubno ka yihiin Argagixisada uu Maraykanku ka baadi goobayo Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somali Land, Ismaaciil Aadan Cusmaan oo ay soo xiganaysay Jariiradda Liberal Voice ee Muqdisho ka soo baxda ayaa sheegay in labo nin oo ka mida raga loo xiray dilka haweenaydaasi ay meel sare kaga jiraan liiska shaqsiyaadka Al-Qaacidda ee uu Maraykanku ka baadi goobayo Geeska Afrika, Wuxuuna sheegay in raggaasi laga soo diray Muqdisho, inkastoo uu ka cudur daartay inuu sheego cidda uu u malaynayo inay soo direen.

Ismaaciil Aadan waxa uu ka codsaday Beesha Caalamka inay gacan ku siiso Somali Land dagaalka lagula jira Argagixisadda, Wuxuuna sheegay in haddii aan laga hor tagin Kooxaha Argagixisadda ee sida uu sheegay ku sii xoogaysanaya Koonfurta Somalia ay dhici karto in Ammaanka Gobalku uu qal qal galo.

Horay Masuuliyiin ugu hadlay Somali Land waxay ugu eedeeyeen Masuuliyiinta Dilka Haweenaydaasi Dawladda Ku Meel Gaarka ah, Laakiin Wasiirka Warfaafinta Somalia, C/qaadir Madaxeey ayaa beeniyay inay wax lug ah ku leeyihiin dilka Samafaladaasi, isagoo uga tacsiyeeyay Qoyskeedii iyo shacabka Kenya geeridda ku timid gabadhaasi.

<><><>

Hogaamiyihii Xisbiga Shacabka Suudaan, Xasan Al-Turaabi oo Xabsiga loo Taxaabay

Hogaamiyihii Xisbiga Shacabka Suudaan, Xasan Al-Turaabi ayaa xalay xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ka dambeeyay Inqilaab Fashilmay oo lala damacsanaa Dawladda Cumar Xasan Al-Bashiir.

Ciidamadda Ammaanka Suudaan ayaa xalay ka qabtay Turaabi gurigiisa, waxaana
la sheegay in loo taxaabay Xabsiga, iyadoo loo haysto inuu ku dambeeyay Shirqool ay damacsanaayeen saraakiil ka soo jeeda Gobalka Daafuur inay xukunka kaga tuuraan Cumar Xasan Al-BashiirTuraabi.

10 sarkaal oo ka tirsan Dawladda Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa sidoo kale iyagana loo taxaabay Xabsiga, Waxaana wali ka socda Sudan qab qabashadda dadka la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Afgambigii dhicisoobay ee Sudan.

waa markii labaad ee Xasan Al-Turaabi Xabsiga loo taxaabo, iyadoo xarigiisuna uu yimid xilli la filayay in la dhameeyo Khilaafka siyaasadeed ee Sudan.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com  Garyare20@yahoo.com

WARARKA MUQDISHO KA AKHRI HALKAN....

Faafin: SomaliTalk March 31, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD