May 16, 2004
WARARKA MAANTA : [Waxaa soo tebiyey: Ridwaan
iyo Garyare]
May
15: C/qqasim oo ka
ashtakoonaya mamnuucida baasaboorka Soomaaliga ee Kenya iyo UAE..Guji
May 13:
Mar uu C/Qaasim
Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay
dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid
aan sal iyo raad toona lahayn.. Guji
MAY 12:
Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya
DKMG Waddanka Imaaraaadka
ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay
Imaaraadka... Guji..
MAY 11: Ra’iisul Wasaare Ku
Xigeenka DKMG Xuseen Saalax ayaa sheegay inay
aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday
Baasaboorka Soomaaliga... Guji..
MAY 10: Warar ayaa waxay
sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay
dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso
Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha
Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta.
Guji..
DGPL: Maya Baasaboorka Kenya
Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya
Kenya oo mamnuucday in dalkeeda
lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga |
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Qaar ka mida Odayaasha Dhaqanka ee
Soomaaliya oo ku biiray dhinacyadda diidan ka qayb galka Shirka Soomaalida
ee Nairobi.
Qaar ka mida Odayaasha Dhaqanka ee
Soomaaliya ayaa ku biiray dhinacyadda diidan ka qayb galka Shirka Soomaalida
ee lagu baaqay inuu dib uga billawdo 20 bishan Magaaladda Nairobi ee Dalka
Kenya.
Ugaas C/laahi Ugaas Faarax oo ka tirsan
Odayaasha Dhaqanka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay inuusan tagayn
Madasha Shirka Kenya. Wuxuuna sheegay in Mawqifkiisa ay la qabaan inta badan
Odayaasha Dhaqanka ee Soomaalida.
Ugaas C/laahi waxa uu sheegay inay xiriiro
la sameeyeen Odayaasha Dhaqanka ee Punt Land. Hiiraan. Galgaduud.
Shabeelooyinka. iyo Jubbooyinka isla markaana ay isla garteen inaysan
tagin Madasha Shirka Soomaalidu ka socdo ee
Kenya illaa iyo inta ay Dawladda Dalkaasi ka noqonayso Go’aanka ay ku
mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga. Wuxuuna sheegay in Odayaasha Dhaqanku ay
yihiin dad Xurmad leh. Sidaas darteedna aysan suuragal ahayn inay tagaan Dal
aan Xurmad looga hayn.
Odayaasha Dhaqanka ayaa ku biiray
dhinacyadda ka biyo diidsan ka qayb galka Wajiga Saddexaad ee Shirka
Soomaalida oo lagu waddo in lagu dhawaaqo inuu rasmi ahaan u furmay 20 ka
bishan. Iyadoo horayna Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar uu ugu dhawaaqayn
inuusan tagayn Kenya inta ay Maamulayaasha Dalkaasi ka noqonayaan Go’aanka
ay ku mamnuuceen Baasaboorka Soomaaliga.
Duulimaadyadii ay ku imaan jireen
Diyaaradaha Midowga Yurub iyo Qaramadda Midoobay Koonfurta Soomaaliya oo si
ku meel gaar ah loo hakiyay
Duulimaadyadii ay ku imaan jireen
Diyaaradaha Midowga Yurub iyo Qaramadda Midoobay Koonfurta Soomaaliya ayaa
si ku meel gaar ah loo hakiyay kadib markii ay soo baxeen Tuhuno muujinaya
inay halis ku soo fool leedahay.
Sarkaal ka tirsan Hawl Wadeenadda Midowga
Yurub ee Koonfurta Soomaliya ayaa sheegay in Ammaanka deegaano badan oo ka
tirsan Koonfurta Soomaaliya uu faraha ka baxay. Sidaas darteedna aysan
suuragal ahayn in Midowga Yurub uu sii waddo Hawlihii uu ka hayay Koonfurta
Soomaaliya inta ay wax iska badalayaan Ammaanka Deegaanadda Koonfurta
Soomaaliya.
Hadal Qoraal ah oo isna laga soo saaray
Xafiiska Duulimaadyadda u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee Fadhigiisu yahay
Nairobi ayaa lagu sheegay in la hakiyay Duulimaadyadii ay Diyaaradaha
Qaramadda Midoobay ku imaan jireen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Waxaana hadalkaasi Qoraalka ah lagu sheegay inay Qaramadda Midoobay ka
walaacsan tahay Ammaanka Garoomadda Macmalka ah oo aan la isku halayn Karin.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay ka
fiirsan doonto Isticmaalka Garoomadda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Waxayna Hay’addu sheegtay inay maanta ka arrinsanayaan Saraakiisha Ammaanka
u qaabilsan sida ay suuragal u tahay inay Qaramadda Midoobay hawlaheeda ka
sii waddo Koonfurta Soomaaliya.
Cabsidan dhinaca Ammaanka ah ayaa soo
baxday kadib markii Garoon ku yaala Diinsoor oo ka tirsan Gobaladda Bay iyo
Bakool laga helay Miino wax yar ka hor intii aysan garoonkaasi soo caga
dhigin Diyaarad ay leedahay Qaramadda Midoobay. Waxaana sidoo kale iyaduna
cabsi tan la mid ah ay ka soo baxday Garoonka Ceel Axmed ee Duleedka Marka
oo isna sida la sheegay laga war helay Miinooyin ku aasan ka hor intii aysan
soo caga dhigan Diyaarad ay Midowga Yurub leedahay. Iyadoo sidoo kalana
Muqdisho ay ka socdaan Dagaalo sokeeye. Isla markaana uu hakad galay
Hawlihii Hay’adaha Samafalku ay ka hayeen Muqdisho.
Tiradii ugu badnayd ee Tahriibayaal
Ethiopian ah ayaa lagu arkay Gobaladda Waqooyi Bari ee Soomaaliya kadib
markii lacago looga soo qaatay in Doomo laga saari doono Deegaanadaasi.
Dad Tiradoodu kor u dhaafayso 900 oo qof oo
Ethiopian ayaa lagu soo waramayaa inay toddobaadyadii la soo dhaafay ku dac
daraysnaayeen Gobaladda Waqooyi Bari Soomaaliya. Waxaana ay wararku
sheegayaan in dadkaasi ay rag Muqalisiin ah lacago uga soo qaateen Burco
dabeetana u sheegeen inay ka tahriibinayaan Xeebaha Laas- Qoray iyo Durduri.
Haweeneey wadata shan Caruur ah oo
Ethiopian ah isla markaana ka mida dadkaasi oo haatan la keenay Boosaaso
kadib markii ay gurmad u fidiyeen Shacabka Punt Land ayaa sheegtay in
qofkiiba looga soo qaatay Burco 300 oo Birta Ethiopia ah. Isla markaana loo
sheegay in loo Tahriibinayo Wadanka Yemen halkaasoo ay uga sii gudbi
lahaayeen Boqortooyadda Sucuudiga oo inta badan ay Ethiopian-ku u shaqo
doontaan.
Maamul Gobaleedka Punt Land ayaa wax laga
xumaado ku tilmaamay sida dadkan loo qiyaameeyay. Waxayna sheegeen in
kooxihii dadkan lacagaha qaatay oo ku kacay sida ay sheegeen fal ka baxsan
Bini’aadanimadda la horkeeni doono Sharciga. Iyagoo ballan qaaday inay
Dadkan Ethiopian-ka u celin doonaan deegaanadii ay ka yimaadeen.
Xeebaha Waqooyi Bari Somalia ayaa noqday
Muddooyinkan goobo dayacan oo ay ka baxaan dadka doonaya inay sida sharci
darada ah ku galaan Wadamadda ku dhirirsan Badda Cas ee ay Yemen ka mid
tahay. Iyadoo dadaalo badan oo lagu doonayay in looga hortaggo Safaradan
Sharci darada ahna ay guul daraysteen kadib markii uu Booliska gaabis ka
noqday inuu dabagal joogta ah ku sameeyo Goobaha laga Tahriibo.
14 qof oo ay ku jiraan Odayaal caan ka ah
Gobaladda Galgaduud iyo Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa inay Ciidamo
Ethiopian ah ka afduubteen Degmadda Matabaan ee Gobalka Hiiraan.
Warkan oo soo baxay shalay ayaa waxaa si
rasmiya u xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud. Yuusuf Xasan Ciyoow oo
sheegay inay Ciidamadda Ethiopia gudaha u soo galeen Gobaladda Galgaduud iyo
Hiiraan. Waxa uuna sheegay inay shalay ka afduubteen Deegaanadaasi 14 qof oo
3 ka mida ay yihiin Odayaal Dhaqameed si wayn looga tixgaliyo Gobaladda
Dhexe ee Somalia.
Ciidamadda Ethiopia ayeey warar dhex
dhexaad ah oo aan ka helnay deegaanadaasi sheegayaan inay shalay soo galeen
Deegaano ka tirsan Gobaladda Galgaduud iyo Hiiraan kadib markii
deegaanadaasi lagu rasaaseeyay Gaari Ethiopia laga leeyahay oo ku sii Jeeday
Gudaha Dalkaasi. Waxaana Rasaasayntaasi gaystay sida ay wararku sheegayaan
Kooxo Burcad ah oo ka qawlaysta Deegaanadaasi.
Ciidamadda Ethiopia oo ku hubaysan
Gawaaridda Dagaaladda ayaa waxay saldhigyo ka samaysteen Tuulooyinka Ceel
liinle. Ciil Cadde. Dugule. Iyo Durunji oo ka wada Tirsan Degmadda Matabaan
ee Gobalka Hiiraan. Waxaana lagu soo waramayaa inay bandow ku soo rogeen
meelaha qaarkood Xilliyada Habeenkiiya.
Ethiopia ayaa tan iyo markii ay dhacday
Dawladii Milatariga ee Somalia waxay si joogta ah u soo galaysay Xuduudaha
Soomaaliya. Waxaana ay marar badan xir xirtay Dad Soomaali ah oo diiday inay
u dhaga nuglaadaan Siyaasadaha ay Ethiopia ku faragalinayso Arrimaha Gudaha
Somalia. Iyadoo sidoo kalana qaar ka mida Qabqablayaasha dagaalka ee
Soomaaliya u fidisa Taageero Milatari si ay u sii wadaan Colaada Sokeeye.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Guulo Laga Gaarey Joojinta Dagaalka Beexaani
Axmed Siilaanyo oo Shir Jaraa'id Ku Qabtay Hargeysa
Ergada Soomaliyeed ee ku sugan Hotelka 680 Nairobi oo Qaarkood Banaanka loo
Saara
<><><>
UK: xaflad
balaaran oo lagu xusay sanadguuradii 61aad ee SYL.
Ridwaan Haji
Abdiwali.
|
SYL
15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu
hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay
taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:
- C/qaadir Sakhaawadiin
- Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
- Sayid Xirsi Nuur
- Maxamuud Cusmaan Baarbe
- Daahir X Cusmaan Sharmaarke
- Xaaji Muxumed Xuseen
- Khaliif Hundow Macalim
- Muxumed Faarax Hilowle
- Muxumed Cabdulle Xayeesi
- Cusmaan Geedi Raage
- Dheere X Dheere
- Muxamed Cali Nuur
- Cali Xuseen Cali
Taariikh kooban oo SYL
ka akhri
halkan |
Waxaa xalay magaalada
London ka dhacday xaflad balaaran oo lagu maamuusayay sanad guuradii
61aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay ururka gobonima doonka
dhalinyarada soomaaliyeed ee SYL oo ay kasoo wareegtay 61 sano mudo
iminka laga joogo.
Munaasabadaas oo ay soo
abaabuleen qaar kamid ah Communityada Soomaaliyeed ee marka Lasoo
gaabiyo loo yaqaano SOYAL waxaa kasoo qaybgalay mas'uuliyiin kala duwan
oo isugu jira soomaali iyo ajaanib.
Ugu horayntii waxaa
halkaasi hadal kasoo jeediyay Maxamuud Nuur Tarsan oo ku hadlayay magaca
qabanqaabiyayaasha xafladaas oo sheegay in soomaalida ku nool dalkan ay
waxyaabo badan kusoo kordhiyeen ingiriiska oo dhaqaalahu uu kamid yahay,
waxaana tarsan uu si kulul u canbaareeyay warbixin dhowaan kanaalka
TV BBC2 ay kusoo bandhigeen sawiro muujinaya soomaali qayilaysa oo aanay
waxba ka oran wax qabadka soomaalida.
waxaa kaloo uu sheegay in
loo baahanyahay in ubadka soomaaliyeed ee ku nool qurbaha si wanaagsan
wax loo baro isla markaana jaaliyadaha soomaalidu ay si wada jir ah ugu
kacaan xal loo helo soomaaliya.
unaasabaasi waxaa isna ka
hadlay xildhibaanka dawlada ingitiiska ee laga soo doorto islington mr
Jeremy Corbyn oo kamid ahaa siyaasiyiinta ajaanibta ah ee munaasabadaasi
kasoo qaybgalay.
waxaana mudanuhu uu xusay
in maalintaas 15may uu la qaybsanayo soomaalida ku nool dalka uk
soomaaliduna ay kamid yihiin dadyawga fir fir coon ee dalkan ku nool
waxaana uu sheegay in uu ka shaqaynayo ka shaqaynta iyo hormarinta
mujtamaca soomaalida.
Haji xirsi jaamac oo
isaguna kamid ahaa odayaashii soomaaliyeed ee lasoo shaqeeyay leegada oo
halkaasi ka hadlay ayaa si qota dheer waxaa uu uga hadlay waxqabdakii
dhaliyardii SYL ee tiradoodu ay ahayd 13ka qof isla markaana muujiyay in
wax laga danqado ay tahay xaslooni darida ka taagan soomaaliya maanta.
Waxaa munaasabadaasi
iyadana kaalin buuxda ka qaadatay fanaanada soomaaliyeed ee faadumo
qaasim hilowle oo soo bandhigtay heeso wadani ah oo dadwaynihii halkaasi
joogay ay jeclaysteen.
Ridwaan Haji
Abdiwali.
Dhageysiga Idaacada IQRA oo Hoos u Dhacay
Faafin: SomaliTalk Jan 16, 2003
Guulo Laga Gaarey Joojinta Dagaalka Beexaani
.C/Qaasim oo Ka Ashtakoonaya Kenya iyo UAE
.Maalinta Dhalinyaradda oo lagu xusayo Muqdisho
.Hogaamiyayaal Somaaliyeed oo Ka cagajiidaya Shirka Kenya
Ka Akhri halkan... May 15
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|