SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

May 23, 2004

WARARKA MAANTA:

  • Danjiraha Somalia u Fadhiya Jaamacadda Carabta oo ku eedeeyay Cabdi Qaasim inuu Shirqool dil ah ugu maleegayo Muqdisho. 
  • Iimaamka Hiraab oo ku tilmaamay Xariga Xuseen Caydiid iyo Dilkii Istarliin Cabdi Caruush Mu’amarad ay Kenya soo abaabushay. 

  • IGAD oo si rasmiya ugu dhawaaqday inuu furan yahay Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida. 
  • TNG-da oo ku hanjabtay inay ka fiirsanayaan Cilaaqaadka u dhaxeeya Muqdisho iyo Nairobi haddii aan la sii dayn Xuseen Caydiid.
  • Caamir Muusa oo Madaxda Carabta ka dalbaday inay dhiiragaliyaan Wadahadaladda Soomaalida uga socda Kenya. 

  • Kenya oo sheegtay inay diyaarado u diri doonto Somalia si ay u soo daad gureeyaan Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Soomaalida ah ee ku maqan Gudaha Dalka. 

  • Cali Cabdi Faarax oo Xalay shir Jaraa’id ku qabtay Nairobi.  

  • Ciidamo Ethiopian oo mar kale soo galay Tuulooyin  hoos tagga Degmadda Matabaan. 

 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 Danjiraha Somalia u Fadhiya Jaamacadda Carabta oo ku eedeeyay Cabdi Qaasim inuu Shirqool dil ah ugu maleegayo Muqdisho. 

WASIIRADA IGAD OO BEELAHA SOOMAALIDA LA KULMAY
wasiiradu waxay qabiilooyinka Soomaalida ugu soo jeediyeen inay beel waliba soo gudbiso saddex qof oo.. Warbixintii Ibrahim Maxameddeeq May 22

Siyaasiyiinta Soomaalida & Xariga Xuseen Caydiid : iyo Gabdhaha Somaliyed ee Mareykanka oo dhaleeceeyay Xarigga Guji May 22

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo Somalida Minnesota La Hadlay
Qodobadii uu Winston Tubman ka hadlay waxaa kamid ahaa: Shirka Nairobi, Hogaamiye Kooxeedyada, Mareykanka & Arrinka Somalia iyo Dowladaha Darika Ah, warbixintii Ceynte... Guji may 22

MuriidiGolf oo Markale Loo Doortay Gudoomiyaha Xisbiga SANU/NSC
Xaflad lagu qabtay nairobi ayaa waxaa...
Guji May 20

C/Lahi Yusuf oo Kusoo Laabtay Bosaso
waxana uu ka waramay safar uu kusoo maray Ingiriiska, UAE, Maleesiya, Liibiya iyo Jabuuti, waxana uu sheegay in uu saddex maalmood ku xayirnaa Dubai baasaboorka Soomaaliga oo.. Guji 17/5

Baaq Ku Wajahan Muuse Suudi Yalaxow
Baaqan oo kasoo baxay ganacsatadda maamusha dekedda Ceel ma'aan ee Shirkadda Banadir ayaa.. Guji May 17

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, C/laahi Xasan ayaa ku eedeeyay Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia  inay samaysay Musuq Maasuq iyo wax isdaba marsiin mudadii ay jirtay. 

C/laahi Xasan oo u waramayay Wargayska Ashaqal Awsad ee ka soo baxa Magaaladda London ayaa sheegay inuu hayo Dukumintiyo Muujinaya Musuqmaasuqii ay Dawladdu samaysay mudadii ay jirtay. Wuxuuna ku eedeeyay Madaxda Sare ee Dawladda inay si gaar ah ugu tagri faleen Kaalmooyin Lacageed ee ay Carabta siisay Somalia. Isla markaana ay sameeyeen Boob Qaran oo abaabulan. 

C/laahi Xasan waxa uu qiray inuu jiro Khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia. Laakiin waxa uu sheegay in Khilaafkoodu uu salka ku hayo kadib markii ay isku khilaafeen hanaanka loo marayo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya.  Wuxuuna sheegay in Khilaafkoodu uu gaaray heer ay Madaxda Dawladda ee Muqdisho joogta ku fakaraan inay isaga shirqoolaan. 

C/laahi Xasan waxa uu sheegay inuu Taleefoon kula soo xiriiray Billawgii Sannadkan Madaxwayne C/qaasim oo sida uu sheegay ka dalbaday inuu Muqdisho u yimaado Kulan wadatashi ah. Laakiin waxaan u sheegay inuu ku gacan sayray tagista Muqdisho kadib markii rag saaxiibadiis ah ay ku soo wargaliyeen in lagu dili rabo Muqdisho.  Wuxuuna sheegay inuusan isagu hadda shaqsiyan wax wada shaqayn ah la lahayn Dawladda balse uu u jooga Jaaamacadda Carabta u adeegidda Shacabka Soomaaliyeed. 

Ma ahan markii ugu horaysay ee uu soo shaac baxo khilaaf  u dhaxeeya Xubnaha TNG-da. Iyadoo mudadii ay jirtay Dawladda ay dad badan aaminsan yihiin inay la gabi dhaclaynaysay khilaaf dhexdeeda ah oo sababay in Saddexdii Sanno iyo Barkii ay jirtay ay isaga dambeeyaan Saddex Xukuumadood. 

MAXAY INA YEESHAY CARTA?

Cali Cabdi Faarax oo Xalay shir Jaraa’id ku qabtay Nairobi.  

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Cali Cabdi Faarax ayaa sheegay in Markii ugu horaysay ay Siyaasiyiinta Soomaalida ah isku raaceen Hal Ujeedo oo ah inay dhistaan Dawlad ay u dhan yihiin. 

Cali Cabdi Faarax oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in kulamadii kala duwanaa ee ay la yeesheen Beelaha Soomaalida ay u xaqiijiyeen inay diyaar u yihiin Dawlad inay dhistaan. Wuxuuna Hoosta ka xariiqay inuu shirku galay marxalad cusub oo yididiilo galisay Guddigooda Hawl Fududaynta IGAD iyo Beesha Caalamka intaba. 

Cali Cabdi Faarax waxa uu Soomaalida u sheegay inay meesha ka baxday tuhumadii ay ka kala qabi jireen Dawladaha  Ethiopia iyo Jabuuti oo uu qiray inay kala taageeri jireen Kooxaha Soomaalida. Wuxuuna sheegay in haatan oo ay isku mawqif noqdeen labada dal ay lagama maarmaan tahay inay Soomaalidu dhistaan Nidaam ay isku raacsan yihiin oo Gobalkuna uu taageeri doono. 

Mar wax laga waydiiyay Cali Cabdi Faarax sida ay ka yeelayaan Kooxaha aan wali imaan Madasha Shirka. Waxa uu sheegay inay IGAD meel uga soo wada jeesan doonto Kooxdii is hortaagta Nabada Soomaaliya. Isla markaana ay u gudbin doonaan Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay si ay iyaguna go’aan cad uga qaataan. 

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi

Iimaamka Hiraab oo ku tilmaamay Xariga Xuseen Caydiid iyo Dilkii Istarliin Cabdi Caruush Mu’amarad ay Kenya soo abaabushay. 

Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar oo ka mida Odayaasha Dhaqanka ee Caanka ah Koonfurta Soomaaliya ayaa ugu baaqay Hogaamiyayaasha Siyaasadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha USC inaysan ka qayb galin shirka Kenya tan iyo inta Xoriyadiisa loo soo celinayo Xuseen Caydiid. 

Iimaam Maxamuud oo maanta ka hadlayay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inaan la aqbali Karin in loo yeero Soomaalida. Dabeetana la iska xir xirto. Wuxuuna ku eedeeyay Kenya mudadii uu shirku socday inay ula dhaqantay Soomaalida si aan wanaagsanayn. 

Iimaam Maxamuud waxa uu ka dalbaday Hogaamiyayaasha ku Abtirsadda Beelaha USC ee ku sugan Nairobi inaysan aqbalin ka qayb galka Wajiga Saddexaad ee Shirka Kenya tan iyo inta laga soo daynayo Xuseen Caydiid. Wuxuuna sheegay in Caydiid uu xubin muhiim ah ka ahaa USC. Sidaas darteedna ay waydiisanayaan Kenya inay raali galin ka bixiso sida ay ugu xadgudbeen Sharaftii Shaqsiyadeed ee Siyaasiga Da’da yar. 

Iimaam Maxamuud Waxa uu dhinaca kale sheegay inuusan isagu u socon xilligan Kenya.

Wuxuuna sheegay inuu ka hawlan yahay Dadaalo Nabadeed oo uu ka dhex waddo dhinacyadii ku dagaalamay Muqdisho. Laakiin waxa uu sheegay inuu isagu fikriyan aaminsan yahay inaysan Kenya marti galin karinba Shirka maadaama ay mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga. Sidoo kalana ay Xirtay Hogaamiye Muhiim ah. Halka kuwo hore oo ay ka mid ahayd Istarliina uu

sheegay Iimaamku in lagu dilay Mu’amarad ay Kenya laf ahaanteedu wax ka ogtahay. 

Siyaasiyiinta Soomaalida & Xariga Xuseen Caydiid

Kenya oo sheegtay inay diyaarado u diri doonto Somalia si ay u soo daad gureeyaan Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Soomaalida ah ee ku maqan Gudaha Dalka. 

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay diyaarado u diri doonto Gobaladda Soomaaliya si loo soo daad gureeyo Hogaamiyayaasha Soomaalida iyo Odayaasha Dhaqanka ee ku maqan Gudaha Soomaaliya. 

Danjiraha Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in marka ay diyaar noqdaan Hogaamiyayaasha Siyaasadda iyo kuwo Dhaqanka ay u soo diri doonaan Diyaarado ka soo daad gureeya deegaanada ay joogaan. Wuxuuna sheegay in dhinacooda ay dar dar galin doonaan soo daad guraynta Cid kasta oo aan looga maarmin xal u helidda dhibaatadda Soomaaliya isla markaana ku sugan Gudaha Soomaaliya. 

Afeey Waxa uu sheegay in Shirka Soomaalida oo imminka galay Wajigiisa Saddexaad la soo gabagabayn doono ugu dambayn 31 July ee Sannadkan. Wuxuuna sheegay in Kenya ay Kalsooni wayn ku qabto in Shirkan uu soo gabagabayn doono Dawlad La’aanta 14 sanno jirsatay ee Somalia.  

Afeey waxa uu sidoo kale sheegay inay aad uga xun yihiin Xariga Xuseen Caydiid oo uu sheegay inuu laf dhabar u ahaa Geedi Socodka Nabadda Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in Isniinta Bariya ay Dawlad ahaan u guntan doonaan sii daynta Hogaamiyahaasi.  

Mar la waydiiyay Afeey Sababta ay mar hore u faragalin waayeen Xariga Caydiid oo marti u ahaa Dawladda Kenya waxa uu sheegay in Sharciga Dalkoodu uusan fasaxayn inay Dawladdu si deg deg ah uu sii dayso qof ay Maxkamaddi Xukuntay. Laakiin waxa uu sheegay inay ku rajo wanaagsan yihiin inay sii dayn doonaan Hogaamiyahaasi Maalinta Bariya. 

Hadalka Afeey ayaa soo baxay xilli ay Maalintii Saddexaad Garoonka Diyaaradaha ee Dayniile ku hungoobeen Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameedyo ay Guddiga Fududaynta IGAD u sheegeen in loo soo diri doono Diyaarado. Laakiin Hogaamiyayaashan oo Shalay Maalitnii Saddexaad Boorsooyinkoodii dib ula soo laabtay kadib markii lagu wargaliyay inay baaqatay Diyaaradii qaadi lahayd ayaa iyaga oo carro wayn ka muuqato waxay sheegeen in Luggooyadan ay qayb ka tahay Dhibaatooyinka ay ka dhaxleen Dawlad La’aanta 14 sanno jirsatay. 

WASIIRADA IGAD OO BEELAHA SOOMAALIDA LA KULMAY

Ciidamo Ethiopian oo mar kale soo galay Tuulooyin  hoos tagga Degmadda Matabaan. 

Ciidamo Ethiopian ah oo ku hubaysan Gawaaridda Gaashaaman ayaa lagu soo wamayaa inay Maalintii Labaad ku sugan yihiin Tuulooyin hoos tagga Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan. Iyadoo Soo Laabashadda deegaanadaasi ee Ciidamadda Ethiopian-na ay argagax wayn galisay dadwaynaha ku dhaqan Gobaladda Hiiraan iyo Galgaduud. 

Ciidamadan Ethiopian-ka ah ayaa markii labaad soo galay Labo Usbuuc gudahood Tuulooyinka Ceel Habreed. Ceel Dhiinle. Iyo Dugule oo ka tirsan Degmadda Matabaan ee Gobalka Hiiraan. Waxaana la sheegay in Ciidamadan Ethiopian-ka ah ay soo galeen Deegaanadaasi Maalintii shalay ahayd. Iyagoo illaa iyo haddana ku sugan Tuulooyinkaasi oo ay ka samaysteen Fariisimo ku meel gaar ah. 

Dadwaynaha deegaanada ay Ciidamadda Ethiopian-ku soo galeen ayaa cabsi iyo argagax ka muujinaya soo laabashadda Askarta Ethiopia oo toddobaadkii hore ka afduubtay deegaanadaasi 14 Oday dhaqameed. Waxayse Dadka deegaankaasi oo kula soo xiriiray Shabakadan isgaarsiinta Fooneeyaha loo yaqaan sheegeen inaysan illaa iyo hadda wax dhibaato ah gaysan Ciidamadaasi. Laakiin ay jirto cabsi wayn oo laga qabo inay dad kale qafaashaan. 

Dhinaca kale Odayaashii ay horay deegaanadaasi uga afduubteen Ciidamadda Ethiopia ayeey wararka laga helayo Gudaha Ethiopia sheegayaan in Xabsigii Shilaabe ee ay ku xirnaayeen laga saaray isla markaana loo gudbiyay Xabsi kale oo ku yaala Qabri Dahare. Laakiin ma cadda sababta keentay in odayaashaasi loo gudbiyo Xabsiga Qabr Dahare oo ay Soomaalida Ethiopia sheegeen inuu yahay Xabsi ay Noloshiisu aad u liidato.  

Caamir Muusa oo Madaxda Carabta ka dalbaday inay dhiiragaliyaan Wadahadaladda Soomaalida uga socda Kenya. 

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa la hortagay Shir Madaxeedka Dalalka Carabta ee Shalay ka furmay Tunisia qorshe ay Carabtu doonayaan in wax looga qabto Mushkiladda Somalia ee 14 sanno jirsatay. 

Caamir Muusa oo furitaankii shirka Carabta ee shalay ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa waydiistay  Madaxdii Carbeed ee kulankaasi ka soo qayb gashay inay Ahmiyad siiyaan arrimaha Soomaaliya iyo inay gacan ka gaystaan isku xirka Dadaaladda Caalamiga ah iyo Kuwa Gobaleed ee Dib u heshiisiinta Soomaaliya si xal waara loogu helo Muskhiladaha Soomaaliya hareeyay. Wuxuuna sheegay in Jaamacadda Carabtu ay Wakiil Rasmiya ku leedahay Shirka Soomaalida uga socda Kenya. 

Caamir Muusa waxa uu sidoo kale Madaxda Carabta waydiistay inay taageero dhaqaale siiyaan Shirka Soomaalida uga socda Kenya. Wuxuuna sheegay in horay Ururkoodu uu shirkaasi ku bixiyay adduun dhan 75 Kun oo Doolar. 

TNG-da oo ku hanjabtay inay ka fiirsanayaan Cilaaqaadka u dhaxeeya Muqdisho iyo Nairobi haddii aan la sii dayn Xuseen Caydiid.

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, ayaa ka dalbatay Kenya inay si deg deg ah dib ugu soo celiso Xoriyadiisii Shaqsiyadeed Xuseen Caydiid oo maalintii Saddexaad u xiran Dayn lacageed oo uu ku sheegtay Ganacsade Soomaaliyeed. 

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Xukuumada Ku Meel Gaarka ah, Prof C/raxmaan Xaaji Aadan “Ibbi” oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay qoraal rasmiya u direen Kenya. Isla markaana ay waydiisteen inay si shuruud la’aan ah ku soo dayso Xuseen Caydiid. Wuxuuna sheegay in Qoraalkooda ay ku lifaaqeen Dukuminti ay ku cadaynayaan inay diyaar u yihiin inay si sharci ah uga wada hadlaan Labada Dawladood Daynta lacageed ee lagu sheeganayo Caydiid haddiiba ay jirto.  

Ibbi Waxa uu sheegay inay Sumcad darro ku tahay Soomaali oo dhan in loo xirto Hogaamiye Soomaaliyeed dayn lacageed. Wuxuuna ka dalbaday Kenya inay magdhaw iyo raaligalin ka bixiso Tallaabadda ay ku xirtay Hogaamiyahaasi Soomaaliyeed.

 Ibbi waxa uu ku hanjabay in haddii aysan Kenya raali galin ka bixin Xariga Xuseen Caydiid ay  ka fiirsan doonaan Cilaaqaadka Diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Nairobo. Laakiin waxa uu Rajo Wanaagsan ka muujiyay in la sii dayn doono Xuseen Caydiid isla markaana ay Kenya raali galin ka bixin doonto Xarigiisa oo xad gudub ku ah Xeerarka Caalamiga ah ee Diblomaasiyadda. 

Xariga Xuseen Caydiid ayaa laga yaabaa inuu caqabad hor leh ku noqdo Geedi Socodka Nabada Somalia oo awalba gabi dhaclaynayay. Waxayna Siyaasiyiinta Soomaalidu intooda badan ku adkaysanayaan inay ka baxayaan Shirka haddii aan si deg deg ah Xoriyadiisa iyo Sharaftiisa Shaqsiyadeed dib loogu soo celin Caydiid. 

IGAD oo si rasmiya ugu dhawaaqday inuu furan yahay Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida. 

Cunsuraha Iyo Caqabadaha Shirka Calwiyey: Faalladii Toddobaadka ee Ibraahim Maxameddeeq iyo shirka Nairobi... Guji..  

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay inuu furan yahay Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida uga socday Kenya. 

Wasiiraddan oo labadii Maalmood ee la soo dhaafay ku kulansanaa Nairobi ayaa gabagabadii kulamo gooni gooni ah oo ay la lahaayeen Beelaha Soomaaliyeed waxay kaga dhawaaqeen inuu furan yahay Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida. Isla markaana looga baahan yahay beel kasta inay soo diyaarsato Xubnihii uga qayb gali lahaa Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida. 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Cali Cabdi Faarax oo xalay la hadlay STN ayaa sheegay inay Beelaha Soomaalida gooni gooni ula kulmeen iyada oo beel kasta aysan cidna ka maqnayn. Wuxuuna sheegay in Beeluhu ay u ballanqaadeen in Beelkastaa ay si deg deg ah u soo xulato Tiradda loo qoondeeyay inay uga mid noqoto Baarlamaanka Soomaaliya. 

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD waxay sidoo kale sheegeen inay aad uga xun yihiin warka sheegaya inuu xiran yahay Xuseen Caydiid. Waxayna u xilsaareen Guddoomiyaha Guddiga Hawl Fududaynta IGAD, Bethwal Kipligat inuu ka shaqeeyo sidii Xuseen Caydiid loo sii dayn lahaa. 

IGAD waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in dib u heshiisiinta Soomaliya aysan u afduubnaan doonin Shaqsiyaad diidan Nabadda. Laakiin ma aysan cadayn Shaqsiyaadkaas. Waxayse sheegeen inay si deg deg ah u soo daad gurayn doonaan Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ku maqan Gudaha Somalia. Iyadoo sidoo kalana Beelaha Soomaalida la kala dajin doono goobo gaar ah oo ay ku xushaa 

WASIIRADA IGAD OO BEELAHA SOOMAALIDA LA KULMAY

Aqalka Cad oo sheegay in Caafimaadka Madaxwayne Bush uu soo hagaagayo kadib dhaawac shalay soo gaaray. 

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Xaaladda Caafimaad ee Madaxwayne Bush oo shalay dhaawacmay ay imminka soo hagaagayso. 

Afhayeenka Aqalka Cad waxa uu sheegay in Bush Caafimaadkiisu uu haatan aad u wanaagsan yahay. Isla markaana ay suuragal tahay inuu si deg deg ah ugu soo laabto Xafiiskiisa. Waxaana isaga oo Afhayeenkaasi soo xiganaya Dhaqtarka gaarka ah ee Bush sheegay in dhaawaca gaaray uu ahaa markii horaba mid aad u fudud. 

Bush ayaa shalay waxa uu ku dhaawacmay Beertiisa Texas xilli uu isticmaalayay Baaskiil uu jirka ku dhisto. Waxaana la sheegay in Baaskiilku uu kala soo dhacay meel dalcad ah xilli uu ku doonayay inuu jaro Masaafo dhan 27 Kiiloo Mitir. Dabeetana ay dhaawacyo ka soo gaareen Garka, Bushunta, Jilbaha iyo Gacanta Midig.  

Madaxwayne Bush ayaa la filayaa inuu Maalinta Isniinta ah Qudbad u jeediyo Shacabka Maraykanka. Waxaana Khudbadiisu ay inta badan ku qotomi doontaa sida la sheegay qorshaha Awood Wareejinta Ciraaq ee 30 June. 

 W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk  May 23, 2003 

Maan Deeq u Curatay Reer Minnesota!

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...



kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD