SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m

SOMALITALK - KENYA


WASIIRADA IGAD OO BEELAHA SOOMAALIDA LA KULMAY

imdeeq@hotmail.com


 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Nairobi

May 22, 2004

 

Cunsuraha Iyo Caqabadaha Shirka Calwiyey: Faalladii Toddobaadka ee Ibraahim Maxameddeeq iyo shirka Nairobi... Guji..  

 


Kulan ay maanta wasiirada arrimaha dibedda ee wadamada urur goboleedka IGAD ku jiraa beelaha Soomaalida la yeesheen, isla markaana ka dhacay Mbagathi ayeey wasiiradu qabiilooyinka Soomaalida ugu soo jeediyeen inay beel waliba soo gudbiso saddex qof oo xubno ka noqon doona gudiga khilaafaadka wejiga saddexaad ee shirka iyo weliba inay qolo waliba soo qaybsato tirada loo qoondeeyey ee ay baarlamaanka ku meel gaadhka ah ku yeelan doonaan.

Waxayna wasiiru dibadeedyada IGAD maanta Soomaalida horteeda ka caddeeyyeen inuu wejigii 1aad iyo wejigii 2aad ee shirka laga soo gudbey oo wixii hadda ka dambeeya wejigii 3aad ee shika loo gudbey.

Waxay kaloo wasiirada oo ilaa maanta hadba, beel la kulmayey ku nuux-nuuxsadeen sida ay uga midaysan yihiin guul ka gaadhida shirka iyo inay Soomaaliya yeelato dawlad dhexe oo loo dhan yahay. Iyadoo wasiirada arrimaha dibedda ee wadamada Jabuuti iyo Itoobiya ay si gaar ah carrabka ugu adkeeyeen inuu dhamaaday khilaafkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ku sabsanaa ee labadaas dawladood u dhexeeyey. Dhinaca Soomaalida tolalkii ay wasiiradu la kulmeen waxay dhamaantood si buuxda u ayideen soo jeedintii wasiirada. Iyadoo ay qolo kasta siyaasiyiintoodu ku dhawaaqayen hadallo ay ku taageereen soo jeedinta wasiirada. Mana jiin wax buuq iyo is qab-qabsi ah oo hoolkii uu shirku maanta ka socdey ka dhacay. Waxaana hadda muuqata naruuro aad u bilaysa ka midha dhalinta shirka, taas oo ka shidaal qaadanaysa khilaaf la’aanta waddamada IGAD beryahan ka soo cawaal baxaysa.

Soo xidhidda wejiyadii hore ee shirka iyo dar-dar gelinta wejiga 3aad ee shirka ayaa ku soo beegantay xilli uu shirku ku sugan yahay xaalad dhaqaalo xumo iyo wakhti uu xabsi wadanka Kenya ku yaalla ku jiro Mudane Xuseen Caydiid oo ah hogaamiye kooxeed ka mid ah kuwa ugu caansan siyaasiyiinta Soomaalida oo uu xaakim Kenyaan ah amray in gudaha la dhigo, kaddib markii lagu eedeeyey inuu ka war-wareegay dhawr jeer oo maxkamad dacwo ka dhan ah faraha ku haysey looga yeedhay.
 

Cunsuraha Iyo Caqabadaha Shirka Calwiyey:

W.Q. Ibrahim Mohameddeeq
Somali Talk, Mbagathi/Nairobi
E-mail: imdeeq@hotmail.com

   


WARAYSIYAAL HORE EE UU QAADAY IBRAAHIM:

 ..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  c

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]