SPR, C/risaaq X Xuseen, iyo Osman
Sheikh maxaa ka dhexeeya?
Abdisaid Musse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com
Dhamaantood waa isku jifo hoose....Odeyguna
wuxuu Adeer u yahay labada wiil ee aflagaadadu ka badatay...La yaab
maleh, qofka guriisa aan lagu soo barin akhlaaqda, lagama yaabo
asagoo weyn inuu barto...Gaar ahaan markuu haysto Odey ka weyn oo
meel xun u jiheeya....
La yaabse ma leh, oo Oday wax laga
sheegaa wuxuu leeyahay Odey kale...
Sidooda manoqonayno, oo been-abuur,
warar riqiis ah ma sheegayno...
Laakiinse, ma xaq baa haddaan
Odeygaan u cafinay inuu maalinkuu prime minister ahaa uu walaalihiis
oo dhan madax ka wadadhigay, sidoo kale ilma adeertiis usoo diray
waxbarasho dibadeed, kana dambeeyey dilkii Cabdirashiid sida la
sheego,... La yaab maleh in shakhsigaas uu maanta si walba ula
dagaalamo Cabdullaahi Yuusuf...
Oo aan ognahay in taas Allaah
asagoo nool uu tusay falxumadiisu, fadeexaday leedahay, ma rabno
inaan ka hadalno hadda...Laakiinse waxay ila tahay waa laga
wadadharagsanyahay...
Odeygan waxaan u cafinay dagaalkii
uu ka ahaa aabaha ee Mudug, marabno asagana inaan faar faarno!...
Odeygan waxaan u cafinay la
shaqayntii uu la shaqeeyey C/qaasim si loo sii huriyo dhibka
Puntland ka jira, oo dadka jifo jifo la isugu diro....
Odeygaan waxaanu isaga indha tirnay nimankii
uu soo hubeeyay oo uu yiri ku duula beel hebla...
Odeygaan ma wuusan ogeyn kuwuu
shalay kala hadli jiray Puntland inay maanta yihiin dad la safan
Cabdullaahi Yuusuf....Miyuusan ogeyn in isla dadkii ka xogwarameen...
Odeygaan ama wiilal ha adeegsado,
amase, dad kale ha adeegsado, hal ha ogaado, inta aad saraha
dhaadheer ku nooshahay, naftana aad jeceshahay soomaaliya waxba kama
noqonaysid....Agabxumo ayaana kuu taal....
Inta aad ku jirtay xintan,
xaniiftan, iyo xaasidnimo hoose meel ma gaaraysid, dhalintana
wakhtigooda ha dhumin baan ku oran lahaa...
Waxaan qofwalba kula talinayaa inuu
akhriyo taariikhdii madoobayd ee Odeygan, waxaad ogaanaysaa wax kaa
caraysiiya kasoo bilow markii laga dhigay Wasiirka koowaad, kaligii
taliskii markuu u noqday Safiir, iyo intii ka dambaysaba....
Haddii aad Odeygan taariikhdiisa
madow akhrisid, waxaad ogaanaysaa sababta uu soomaaliya u tagi
waayey inay tahay dakano weyn uu dad badan ka qabo....
Odeygan waan wada ogeyn markii la
weydiiyey taariikhdii marxuumkii Ina Ibraahim Cigaal wuxuuu ku
jawaabay asagoo qarin la' carradiisa, iyo nacaybkiisa, 35 sanno ka
dib!!!!!
Waxaan ugu bishaaraynayaa dhowrka
wiil ee uu maanta madaxa ka haysto inay sidaas u ciil qabi doonaan
35 sanno kadib, kuna dhamaan doonaan nacayb, ciil, xaasidnimo,
xoolo-la'aan, iyo xumaan....