SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 4, 2004

MAALINTA WARBAAHINTA XORTA AH EE ADDUUNKA OO MUQDISHO SI WEYN LOOGA XUSAY

Warbixintii: Amiin Yuusuf Khasaaro | Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2

Waxaa lagu qabtay Hotel Saxafi International ee magaalada Muqdisho xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo agaasimeen Hay’adda warbaahinta Bariga Afrika iyo ururka Wargeysyada Madaxa bannaan ee Soomaaliyeed laguna xusayay Maalinta Wabaahinta xorta ah ee Adduunka, oo ku beegan 3-da May, taas oo sannad walba dunida looga dabaaldago.

Xafladdaan waxaa ka soo qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee saxaafadda dalka, iyadoo kalmaddii furitaanka uu halkaa ka soo jeediyay Guddoomiyaha Hay’adda Warbaahinta Bariga Afrika EAMI-S Mudane C/qaadir Maxamuud Walaayo oo si gaar ah ugu dheeraaday maalinta warbaahinta xorta ah ee adduunka isagoo sheegay in ay tahay maalintan maalin mudan in la xuso, wuxuuna ku dheeraaday taariikhda ay leedahay maalintaan iyo qiimaha ay ugu fadhido saxafiyiinta Adduunka, isagoo xusay in saxaafadda ay tahay Mas’uul saxafi kastana looga baahan yahay inuu dhowro anshaxa saxaafadda.

Mudane Walaayo wuxuu kaloo sheegay in sannadkan uu ku guulaystay abaalmarinta maalinta warbaahinta adduunka weriye Kuubaan ah oo xabsiga ku jira, oo naftiisa u huray xorriyadda saxaafadda, wuxuuna tilmaamay in qof kata oo innaga naga mid ah uu sida weriyahaas oo kale naftiisa u huro xorriyada saxaafadda.

C/llaahi Black oo ah guddoomiyaha Ururka Wargeysyada madaxa bannaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in hadafka ka dambeeya xuska maalinta uu yahay difaaca xoriyadda saxaafadda, ururinta tacadiyada loo gaysto weriyeyaasha iyo abaalmarinta kuwa naftooda u huray.

C/llaahi Black wuxuu goobtaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta shirkadda Telsom oo ku deeqay lacago abaal marin ah oo la siiyay Ururka Wargeysyada madaxa ee SOINA oo iyaguna ugu tartamayay qoraallo dhinaca nabadda ah, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay wargeysyadii ku kala guulaysta kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad oo kala ahaa: Wargeysyada Laacib, Qaran iyo Xog-ogaal oo ku kala guulaystay lacago gaarayay; 6-Milyan, 3-Milyan iyo 1-Milyan iyo bar. Waxaa kaloo halkaa ka hadlay guddoomiyaha ururka ka hortagga tacadiyada saxafiyiinta Soomaaliyeed Mudane Axmed Cali Maxamed (Shariif) oo sheegay in ururkiisu uu isku howlay indho ku haynta tacadiyada loo gaysto saxafiyiinta Soomaaiyeed, wuxuuna soo bandhigay weriyeyaal iyo xarumo warbaahin oo gaaraya illaa 23 oo sannadkii la soo dhaafay loo gaystay tacadiyo uuna ururkiisa diiwaangeliyay, 7-ka mid ah tacadiyadaas waxay ka dhaceen Somaliland, 7-kalena waxay ka dhaceen Puntland, 9-ka kalena ay ka dhaceen koonfurta Soomaaliya, wuxuuna xusay inuu xiriir wada shaqeyn uu ka dhexeeyo 7-hay’adood oo caalami ah.

Sida ku cad qoraalka ay soo gudbiyeenna waxaa ka mid ah magacyada Saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ee xadgudubyada loo gaystay: tacadiyadii ka dhacay Mogadisho: Eng. Shariif Xuseen (Radio Banaadir), Shaafici Muxyadiin Maxamed (Saxafi Madax bannaan), Xuseen Geeddi Xaynoof (Radio Banaadir), C/raxaan Maxamed Xudeyfi (Radio Banaadir), Mikaa’iil Rashiid Barre (Radio Shabeelle). C/llaahi Kulmiye Caddow (Radio Shabeelle), Xasan Xaaji Xanafi (IQK) iyo Maxamed Sheekh Nuur (IQK) iyo Abshir Cali Gabre (Radio Jowhar), tacadiyadii ka dhacay Puntland waxay kala yihiin: Cawaale Jaamac Salaad (Radiyo Shabeelle), Maxamed Saadaq Cabdi Bumbe (Radio Shabeelle), Cali Baashi Maxamed Xaaji (Radio Banadir), Aadan Nuur Maxamed (Wargeyska Yameyska), Daahir C/qaadir Afloow (Wargeyska Bulsho), Puntland Press Regulation iyo Radio Garoowe, Tacadiyada ka dhacay Somaliland waxaa ka mid ah: Xasan Siciid Yuusuf (Wargeyska Jamhuuriya), Ibraahim Maxamed Heello (Radio Hargeysa), Radio Ceerigaabo oo la xiray, Maxamed Xuseen Jaamac (Weriye Madaxa bannaan), Maxamed Cabdi Curad (Hargeysa) iyo C/raxmaan Xaaji Daahir oo ka tirsanaa Wargeyska Haatuf. Tacadiyadaan waxay isugu jiraan xarig, jirdil iyo shaqooyinkoodii oo laga hor istaagay

Amiin Yuusuf Khasaaro

Email: amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Muqdisho

Muqdisho: Roobab Lixaad Leh oo Sababay Khasaare  Naf iyo Maalba ah
Roobabkaas waxaa ku dhintay 2 qof, waxaana 8 qof oo kale ay dhaawacyo ka soo gaareen Bur bur kala duwan oo soo gaaray dhawr dhisme oo Muqdisho ku yaala... Guji May 1

Cudurka Daacuunka oo Aad Ugu Sii Siyaadey Muqdisho
& Isbitaalka S.O.S ee Muqdisho ayaa Maalintii Lixaad u xiran Muran ka dhashay Haweeneey Ilma Galeenka looga saaray Isbitalkaasi.. Guji

Hay’adda Al-Manhal oo daawooyin gaarsiisay Isbitaallada Muqdisho
Hay’adda Al-Manhal oo ka mid ah hay’adaha samafal ee ka jira Magaalada Muqdisho ayaa... Guji 30/4

Wasiirka Arimaha Dibada DKMG oo eedeeyey Carabta
iyo wasiir ku xigeenkii wasaarada Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Puntland oo xaaskiisii toogatey Guji 29/4

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD