SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror | Turkey.News | IRAN.irna 
 MID EAST: IslamTodayArabNews  | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | Middle.east.online | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Abu.Dhabi.News |  
KUNA
WAQTIGA BAQDAAD
VIDEO: AP.TV | ITV | Reuters TV  |  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII 15 |
14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | video | Televideo.rai

HADDA.SOCDA:LIVEABU-DHABI.TV  | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA

WARARKA CIRAAQ: APRIL 7, 2003

  • Wasiirada Arimaha dibada Suuriya iyo Joordan oo Ka hadlay Dagaalka Ciraaq
  • Baqdaad oo laduqeeyey waaberigii saakay
  • Hogaamiyaal Muslim ah oo Bush iyo Blair ka mamnuucay dhulka Muqadaska ah
  • MAXAA SOO KORDHAY MAANTA..... IOL

Wasiirada Arimaha dibada Suuriya iyo Joordan oo Ka hadlay Dagaalka Ciraaq

SUURIYA: Wasiirka arimaha dibadda Suuriya, Faruq al-Shara, oo waraysi maanta oo isniin ah siiyey wargeyska talyaaniga ee loo yaqaan Corriere Della Sera ayaa sheegay in "Maraykanku uu dhibaato weyn kasoo foodsaartay Ciraaq, iyo in nidaam-darro ka dhici doonto gebi ahaanba gobolka" waxana warkaan oo ay soo xigatey IOL uu ku daray "in aan maamul militari oo maraykan ah cidna ka rabin Ciraaq" waxan auu ku daray in  "aan maraykanku aqoon u lahayn bariga dhexe oo xataa aysan aqoon sida ay u shaqeeyaan ceelasha saliida ceysriin, waxay u malaynayaan ciraaq sida Texas oo kale" ayuu yiri wasiirku sida ku cad qoraalka IOL.

JOORDAN: Wasiirka arimaha dibada ee Joordan, Marwan Moasher, oo waraysi siiyey wargeyska Al Hadath ayaa sheegay in dagaalka ciraaq ka dib dawlad kasta oo ka dhalata Ciraaq ay ahaato mid metsha gebi ahaan ciraaq oo aan inaba la kala qaybin dalka, waan ain aysan dawladaasi noqon mi day soo dhiseen US iyo Briton ayuu yiri sida ay soo xigatey  IOL. 

Wararka Caasimada Ciraaq ee Baqdaad

Wararka Ciraaq ayaa sheegay in Maraykanku uu weeraray meelo ka mid ah gudaha magaalada Baqdaad

SAAKAY: Wararka kasoo baxaya caasimada dalka Ciraaq ayaa sheegay in waaberigii Isniinta magaalaada laga maqlayey qaraxyo. Waxaa warku sheegay in laba bomb ay kusoo dhaceen bartamaha magaalada waaberigii saakay, dhawr kalena ay ku dheceen duleedka magaalada.

Hogaamiyaal Muslim ah oo Bush iyo Blair ka mamnuucay dhulka Muqadaska ah

Culimada Islaamka ugu saraysa ee Falastiin ayaa Muslimaanta adduunka oo dhan ugu baaqay in ay ka horyimaadaan dagaalka uu Maraykanku hogaaminayo ee Ciraaq iyo in labada hogaamiye ee reer galbeedka (Bush iyo  Blair) ay ka mamnuucaan dhulka muqadaska ah, sidaas waxaa weriyey telefishanka loogu daawashada badanyahay dalka canada ee loo yaqaan CBC TV.

"Dhammaan culimada islaamka ee Falastiin waxay ku dhawaaqeen fatwa ka mamnuuceysa qofkasta oo Muslim ah in uusan kaqayb qaadan dagaalkaas hujuumka ah ama aysan gacan siin kuwa duulaanka ba'an soo qaaday" sidaas waxaa yiri isutaga culimada West Bank iyo  Gaza. Waxaana warku intaas ku daray in madaxweynaha Maraykanka  George W. Bush iyo ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Tony Blair laga mamnuucay in aysan weligood u safrin dhulka muqadaska ah ee Bariga dhere sida uu sheegay madaxa fatwada oo lagu magcaabo Mufti Ikrima Sabri.  [warkaan ka daawo halkan...CBC TV]

Bush iyo Blair waxay Isniinta ku kulmi doonaa Northern Ireland.

CUDURKA SARS: Qofkii 9aad oo kudhinta Canada Cudurka SARS .. DAAWO.
[Waa maxay SARS....... GUJI... ]

MAXAA SOO KORDHAY MAANTA..... IOL

XUSUUSIN: KALABEDELKA WAQTIGA..... GUJI 

WARARKA CIRAAQ: APRIL 6, 2003

  • Ciraaq: Dhimashada Askarta labada dhinac
  • Safiirka Ruushka u Fadhiyey Ciraaq oo la weeraray
  • 12 Kurdish ah oo ku dhintay Duqayn woqooyiga Ciraaq
  • Duqayntii Hawada ee Baqdaad oo Weli sii socota
  • UK oo Dhalashadii ka xayuubisay Sheekh Muslim ah
  • Mudaharaadyo Ka dhacay UK
  • Wadaadka ugu sareeya Culimada Masar oo ka hadlay Dagaalka Ciraaq

CIRAAQ: Tirooyin iskhilaafsan oo kusaabsan dhimashada askarta labada dhinac

Sida ay werisey IOL, Ciraaq waxay sheegatay in ay Maraykanka ka dishey 50 askari [waa dagaalkii shalay], halka uu Maraykanku sheegtay in ay Ciraaq ka dileen 2000 oo askari.  Ciraaq waxa kale oo ay sheegteen in ay Maraykanka ka gubeen lix taangi, sawirada ay soo daabacday IOL ayaa muujinaya carruur reer ciraaq oo ku dul cayaaraya taangi lagu sheegay in laga gubey Maraykanka [Eeg.IOL],. Dhanka kale hay'adda reuters ayaa werisey duqayn loo geystey magaalada Baqdaad iyo in la xiray wadooyinka magaalada kabaxa ama soo gala. Sawirada reuters ayaa muujinaya meelo kamid ah Baqdaad oo gubanaya [eeg reuters].

NBC: TV-ga NBC ee maraykanka waxa uu maanta sheegay in weriye ula socdey Ciidanka Maraykanka ee TV-gaas wararka usoo diri jirey uu dhintay, waxana TV-gu intaas kudaray in uu weriyahaasi u dhintay xanuun sanbabka ah- pulmonary embolism. Weriyahan dhintay oo magaciisu yahay David Bloom da'diisuna ahayd 39jir waxa uu NBC uga soo waramayey jiida hore ee dagaalka Ciraaq.

BASRA: Dagaalkii Basra oo sii socda iyo Ingiriiska oo burburinaya taalooyinkii Saddam ka daawo halkan ITV.

Mudaharaadyo Ka dhacay UK

Mudaharaadyo looga soo horjeedo dagaalka Ciraaq ayaa maanta ka dhacay dalka Ingiriiska, Japaanka iyo meelo kale oo dunida ka mid ah sida auu kusoo waramay ITV, Tv-gu waxa uu sheegay in badanaa dadka Ingiriiska ay hadda kasoo horjeedaan dagaalka Ciraaq. Mudaharaadka ka daawo halkan.

12 Kurdish ah oo ku dhintay Duqayn woqooyiga Ciraaq

VIDEO: Warkaan halkan ka daawo

Ugu yaraan 12 katirsan ciidaka Kurdish-ka ayaa dhintay, 45 kalena waa dhaawacmeen kaddib markii kolonyo ciidamada Kurdish ah ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku, tan oo ka dhacday woqooyiga Ciraaq, sidaas waxaa weriyey cbc [ka Dhegeyso.Halkan]. Waxaa wararku sheegayaan in kolonyada gawaarida ah ee laduqeeyey ay lasocdeen ciidanka gaarka ee Maraykanka. Wararka ugu horeeyay ee kasoo baxaya halkaas ayaa sheegay in uu duqayntaas kudhintay nin kamid ah madaxda mucaaradka Kurdishka. Hay'adda wararka ee AP ayaa werisey in weerarkaas ku dhintay nin ay walaalo yihiin hogaamiyaha qayb ka mid ah ciidanka Kurdishka. Dadka dhaawaca aadka u darana waxaa ka mid ah Wajy Barzani oo ay walaalo yihiin Massoud Barzani oo ah hogaamiyaha xisbiga kurdishka ee loo yaqaan Kurdistan Democratic Party. Kurdishku waxay dhanka woqooyi dagaal kagala jiraan Ciraaq. Sida ay werisey IOL oo soo xiganeysey faransiiska wararka u faafisa ee loo yaqaan AFP, waxay sheegeen in duqayntaas ay ku dhinteen askar ka mid ciidanka gaarka ah maraykanka. War uu faafiyey TV-ga Canada ee CBC ayaa tirada dhimashada Kurdishka halkaas ku dhintay ka dhigtay 17, waxana CBC sheegtay in gawaarida la weeraray la socdey weriye ka tirsan CBC canada iyo weriye katirsan BBC-da. Waxana uu TV-ga sheegay in markii hore maraykanku sheegay in ay kaga dhinteen 3 askarta gaarka ah laakiin markii dambe ay taas maraykanku ka noqdeen. Waxaa TV-ga canada shabakadiisa internetka uu kusoo sawiray gawaari gubtey.  

Duqayntii Hawada ee Baqdaad oo Weli sii socota

Wararka Baqdaad kasoo baxaya ayaa sheegaya in gelinkii hore ee Axada ay sii socotey duqayntii ay Ciidamada Maraykanku horkacayo ku wadeen magaaladaas. Waxaa warku sheegay in Sabtidii madfac ku dhacay meel 100 mitir u jirta Hoteelka lagu magcaabo Palestine Hotel oo ah meesha ay degganyihiin badanaa weriyayaasha caalamig ah ee dagaalada uga soo warama Baqdaad. [Daawo.Halkan]

Wararka soo kala horjeeda ee Baqdaad: Daawo.Halkan

Safiirka Ruushka u Fadhiyey Ciraaq oo la weeraray

Kolonyo gawaari ah oo wadey safiirka Ruushka u fadhiya Ciraaq oo u sii jeeday Suuriya ayaa la weeraray, waxaana warku sheegay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen dublomaasiyiin la socotey safiirka, lamana cadayn cidda ka dambeysa weerarkaas, sida ay werisey warbaahinta Australia. Dhanka kale wakaaladda Ruushka wararka u faafisa ee loo yaqaan interfax waxay sheegtay in waftiga safiirka Ruushka ay gaareen magaalada Feluja oo ka tirsan Ciraaq, waxaana u haray 800 ilaa 900km ilaa ay gaarayaan magaalada dimishiq [Damascus] ee caasimada Suuriya, waxayna halkaas ku beeganyihiin habeenimada Isniinta. Ruuska ayaa lagu soo waramay in uu degdeg ugu yeeray safiirada US iyo Ciraaq u fadhiya dalka ruushka uuna weydeystey in la nabad geliyo dadka u dhashay Ruushka ee jooga Ciraaq sid ay werisey IOL.

Wadaadka ugu sareeya Culimada Masar oo ka hadlay Dagaalka Ciraaq

"Qofkasta oo weeraraa dadka kale, dhiig quba, dhaawac gaarsiiya sharafta dadka iyo dulka waa argagixiso" sidaas waxaa  yiri Mohamed Sayyed Tantawi oo  kamid ah culimada ugu sareeya Masar. Sheekha oo Sabtidii la hadlayhey warbaahinta wuxuu yiri qofkasta oo aadaya Ciraaq albaabadu waa u furanyihiin, sida ay werisey IOL. 

UK oo Dhalashadii ka xayuubisay Sheekh Muslim ah

Sida uu weriyey TV-ga Canada ee CBC, waxaa dhalashadii [citizenship] dalka Ingiriiska laga xayuubiyey Abu Hamza al-Masri oo ah shiikh ka wacdin jirey masjid kuyaal dalkaas. Waxaa warku intaas ku daray in al-Masri uu ka wacdinjirey masjid kuyaal UK bannaankiisa kaas oo sida warku sheegay uu dhiiri gelinayey Jihaad iyo in lala dagaalamo Ingiriiska jooga Ciraaq. Dhalashada laga qaaday al-Masri waxay suurtagal ka dhigeysaa in loo tarxiilo Yemen si loogu soo oogo dacwadda dhanka ka ah oo halkaas loog ahaysto, taas oo ah in lagu eedeeyeymarkabkii maraykanka USS Cole ee October 2000  la duqeeyey, kaas oo ay ku dhinteen 17 maraykan ah. Waxa kale oo al-Masri  lagu eedeyey afduub iyo dil afar joornaaliste oo reer galbeed ah tan oo dhacday sannadkii 1998.  Abu Hamza al-Masri  waxaa la sheegay in dagaalkii Afganistaan kaga horyimaadeen Ruushka ay kaga go'een labada gacmood, isla mar ahaantaana ay il kaga dhacday. Qareenka u doodayey al-Masri waxa uu sheegay in aan UK awood u lahayn in ay dhalasha ka xayuubiyaan al-Masri kuna celiyaan wadan dadka ciqaaba. Dawladda Ingiriiskuna waxay sheegay in al-Masri loo cuskaday xeer gaar ah oo ogolaanaya in qofkii laaji ah [immigrants] oo halis-daran ku noqda kahor imaadka danaha dalka laga xayuubiyo dhalashada.

 

WARARKA CIRAAQ: APRIL 5, 2003

  • UN waxay Lumisay awoodeedii ilaa intii weererka US bilaabmay: North Korean
  • DIYAARAD DAGAAL OO KASOO DHACDAY MARAYKANKA
  • MIRROR: SHEEKADII UGU MURUGA BADNAYD DHAMMAAN SHEEKOOYINKA
  • France, Germany iyo Russia oo Kubaaqay in La joojiyo Dagaalka Ciraaq
  • Afrika oo iibsiga Suxuunta Satellite-ku kor u kacay  Dagaalka Ciraaq kaddib

Baqdaad iyo Maanta:

Sida ay daabacday IOL, wakaalada wararka ee faransiiska oo loo yaqaan AFP waxay werisey in aan maanta wax ciidamada Maraykanka ah lagu arag Baqdaad, taas oo ahaa midii ay Maraykanku sheegteen in ay galeen  magaalada. 

Waxaana maanta oo sabti ah magaalada Baqdaad lagu arkayey askarta Saddam ee gaarka ee loo yaqaan Fedayeen oo lebisan dharkooda lagu yaqaan sida ay werisey AP. Waxaa kale oo wararka Ciraaq ee maanta tibaaxayaan in dagaalo ay ka dheceen meelo kale oo dalk aah sida Masoul, Basra iyo Karbala. Wa

UN waxay Lumisay awoodeedii ilaa intii weererka US bilaabmay: North Korean

North Korea ayaa sheegtay in Qaramada Midoobey ay lumiyeen awoodeedii sababta oo ah weerarka Maraykanku ku qaaday Ciraaq, sidaas darteedna aysan weligeed aqoonsan doonin qaraar qaramada midoobey oo kusaabsan barnaamijka hubka Nukliyeerka [nuclear].  Arintani waxay kusoo beegantay ayadoo toddobaadkan ay golaha ammaanka ee qaramada midoobey kawada hadlidoonaan hubka nukliyeerka ee  North Korean . 

Sarkaal u hadlayey woqooyiga kuuriya waxa uu sheegay in "North Korea ay ku dhawaaqi doonto in qaraarka UN-kauu yaha mid wax kama jiraan ah". Waxana ay woqooyiga Kooriya ku celisey in ay diyaar u yihiin wadahadal toos ah oo dhexmara ayaga iyo xukuumada Bush, sida ay werisey ABC Autralia.

France, Germany iyo Russia oo Kubaaqay in La joojiyo Dagaalka Ciraaq

Wasiirada arimaha dibada ee dalalka France, Germany  iyo Russia ayaa Jimcadii ayagoo ka hadlaya magaalada Paris kubaaqay in dagaalka ciraaq degdeg loo joojiyo. Sidaas waxaa werisey warbaahinta Shiinaha.

Qalabka satellite-ka oo ku safan saqafka sare ee guri kuyaal Africa: Casablanca. eeg Sawirka oo weyn 

Afrika oo iibsiga Suxuunta Satellite-ku kor u kacay  Dagaalka Ciraaq kaddib

Qalabka lagu daawado Telefishanada ee loo yaqaan Satellite-ka iyo anteenooyinka laliya waraka raadiyaha ayaa iibsigoodu aad kor ugu kacay guud ahaan qaarada Afrika ilaa intii uu bilowday dagaalka Ciraaq. Sidaas waxaa qoray shaashadda Middle East Online oo soo bandhigatay faalo dheer oo kusaabsan magaalooyink badan oo Afrika ah iyo sida loogala socdo wararka dagaalka Ciraaq oo xataa aysan wax xiisa ah u hayn wararka dalalkooda. Qoraalkaasi magaalooyinkii uu xusay waxaa ka mid ah ahaa Muqdisho-Soomaaliya, waxana uu ka yiri Muqdisho waa magaalo ay dadku habeenkii guryohooda joogaan maadaama aysan ammaan ahayn oo ay tahay meel aan wax dawlad dhexe ah ka jirin ilaa 1991 oo uu hareeyey dagaalka qabiilku, hadaba ayaa warku ku daray, dadka haysta qalabkaas satellite-ka ayaa saaxibadood telefoon ugu gudbiya wararka ay daawadeen.

DIYAARAD DAGAAL OO KASOO DHACDAY MARAYKANKA

Sida ay werisey hay'dda AP, waxaa maanta oo Sabti ah bartamaha Ciraaq kusoo dhacday diyaarad uu leeyahay Maraykanku oo ah nooca loo yaqaan Cobra Helicopter [AH-1W]. Waxaa warkuintaas ku daray in labadii duuliye ay diyaaradaas ku dhinteen. Waxaa warku intaas kudaray in halkii diyaarad ee noocaan ah [AH-1W] ay dhismeheeda ku baxdo  $10.7 million. Warka AP wuxuu intaas ku daray in diyaaradahan ah Cobra  ay ka dagaalameen dagalkii hore ee khaliijka, waxayna xiligaas burburiyeen 97 qaangi oo ciraaq leedahay iyo 104 gaari oo kuwa miliraiga qaada ah, laakiin hal diyaaradna waagaas kaam soo dhicin ama lagama toogan.

Dhanka kale sida sida ay werisey IOL waxaa saraakiil Maraykan ah  sheegeen in maanta la diley hogaamiye taangi oo Maraykan ah, waxaana la dhaawacay ugu yaraan afar askari. Waxaa warkuintaas ku daray in Maraykanku uu sheegay in ay askarta Ciraaq ka dileen 1000. 

MIRROR: SHEEKADII UGU MURUGA BADNAYD DHAMMAAN SHEEKOOYINKA

BAQDAAD: Wargeyska Mirror ee kasoo baxa dalka Ingiriiska caddadkiisii maanta (April 5, 2003) ayaa qoray sheeko aad u naxdin badan iyo sawir, taas oo kusaabsan sida uu weriye kamid ah wargeyskaas ula kulmay qoys reer Ciraaq ah oo gabadhoodii oo hadda dhamaysay Jaamacad kana qaadatay shahaadada ugu saraysa ee loo yaqaan PHD uu gantaal gurigooda ugu soo galay wadnaha bannanka soo dhigay.

Weriyaha Mirror waxa uu sheegay in uu shalay booqday Cisbitaal kuyaal Baqdaad oo lagu magcaabo Al Kindhi Hospital  halkaasna uu kula kulmay oday barooranaya oo gabadhiisii oo magaceeda la oranjirey Nadia Khalaf oo 33 jir ahayd ay taaley meesha meydka la dhigo ee Cisbitaalka ayadoo uu wadneheedii dul saaranyahay xabadkeeda, kaddib markii uu gantaal uga soo dusey daaqada qolka hurdada ee gurigooda oo kuyaala wadada Palestine Street, Baqdaad. Aabihii gabadha oo magaciisa la yiraahdo Najem Khalaf waxa uu dhinac taagnaa meydka gabadhiisa, xaaskiisa iyo gabar kale oo uu dhalayna waxay fadhiyeen meel ciid ah oo bannaanka ka ah qolka uu yaal meydku.

Najem Khalaf waxa uu sheegay in gabadhiisa geeriyootey ay hadda qaadatay shahaadaha PhD ee maadada cilmi-nafsiga [ Psychology], waxayna sugeysey shaqadeedii u horeysey, waxana uu sheegay in ay ahayd gabar aad u dadaal badan. Gabadhayda kale waxa ay haysataa shahaadada Master's degree ee luqada Ingriisiga waxayna macalimad ka tahay Jaamacadda, aniguna waxaan ahayd dareewal gawaarida waaweyn [lorry] ayuu aabuhu intaas ku daray. 

Weriyaha oo  Mirror kumuujiyey sawiro ku saabsan qoyskaas iyo gabadhii geeriyootey, waxa uu yiri saddexdii qof [aabihii, hooyadii iyo gabadhoodii yarayd] waxaa gaari ku kaxeeyey qof deriskooda ah ayagoo gabadhoodii Meydka ahayd kujirto naxash korka ka saaran gaarigaas. Waxana uu weriyuhu sheegay in tani ahayd sheekadii  ugu naxdinta badnayd  muddadii 26-ka sano ahayd ee uu weriyuhu wargeyska wararka u qorayey, waa sida ku cad Mirror.

WARAR KOOBAN

bushMadaxweynaha Maraykanka, George W. Bush, ayaa yiri Socdal boqolaal mile kaddib, waxaan hadda kusoconaa boqolaalkii yard oo u dambeeyey, mana aqbaleyno wax ka yar in aan dhamayno iyo dhamaadka guusha. wpost 3/4/3

khatamiMadaxweynaha Iraan, Mohammad Khatami, ayaa sheegay in weerarka Ciraaq lagu qaaday ee uu Maraykanku hogaaminayo uu dunida kusoo kordhindoono rabsho iyo xagjirid. Reuters, 3/4/2003  

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri: "Ruushku ma rabo in Maraykanku uu ku guuldaraysto Ciraaq dhaqale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Waxaan rabnaa in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo habkii dublamaasiyada"  Interfax 2/4  

 

awar2.jpg (8173 bytes)Wasiirka arrimaha dibadda ee  Belgian, Louis Michel, ayaa talaadadii waraysi uu siiyey wargeyska La Libre Belgique kusheegay in dagaalkani uu yahay in maraykanku uu u baahanyahay in uu tusiyo in uu weliawood sare leeyahay, weerarka Ciraaqna uu tusaale taas u yahay. Ayuu Yiri... 1/4 

 

saudWasiirka arimaha dibada Sucuudiga, amiir Saud al-Faisal, oo sharaxayey dagaalka Ciraaq, wuxuu waraysi ugu sheegay  Barbara Walters oo katirsan ABCNews in "dagaalkan uu dhalinayo oo keliya is-afgaranwaa, dhiig-qubta iyo siyaadin nacayb iyo kordhin walaac gobolka ah". GUJI.. 01/04

 

Mubarak: Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.
Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak ayaa ayaa sheegay in dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku hogaaminayo uu soo saari doono "boqol bin laden cusub"  GUJI.... 31/3 
 

WARARKA CIRAAQ: APRIL 4, 2003

  • SADDAM XUSEEN OO KA HADLAY TV-GA CIRAAQ
  • MARAYKANKA OO AWOODI WAAYEY IN UU JOOJIYO TV-GA CIRAAQ: AP
  • SADDAM OO BOOQASHO KUMARAY MEELO KATIRSAN BAQDAAD
  • WASIIRKA SAXAAFADA OO KU DHAARTAY IN UU WEERARYO CIIDANKA US
  • DAGAALKA GAROONKA BAQDAAD
  • NAJAF IYO KARBALA IYO MUHIIMADOODA TAARIIKHEED
  • HUB CULUS OO CAAWA FIIDKII LAGA MAQLAYEY KOONFURTA BAQDAAD
  • AL JAZEERA OO SHAQADEEDII DIB UGA BILOWDAY CIRAAQ

DAAWO: Saddam oo lagusoo dhoweynayo wadooyinka Baqdaad :IRAQ TV 

VIDEO SADDAM: Daawo CBC CANADA

SADDAM XUSEEN OO KA HADLAY TV-GA CIRAAQ

Jimce April 4 2003: Madaxweynaha Ciraaq Saddam xuseen oo maanta ka hadlay TV-ga Ciraaq ayaa xusay diyaaradii Maraykanka ee ahayd Apache helicopter ee March 24 uu soo ridey ninka beeralayda ah taas oo ka dambeysey March 20, taasi waxay u muuqataa mid shakiga ka saareysaa in uu Saddam dhaawacmay ama dhintay ayaa wararku ku dareen. "Waxaa laga yaabaa in aad xusuusataan ninkii Beeraleyda ahaa kaas oo soo ridey Apache helicopter asagoo isticmaalaya qori gaboobey" ayuu yiri Saddam

Saddam oo dharka militariga xiran waxa uu reer Ciraaq u sheegay in ay iska caabiyaan ciidanka uu hogaaminayo Maraykanku, waxana uu sheegay in ciidankaasi ay soo garab mareen difaacii. Saddam oo toos ula  hadlayey reer Baqdaad waxa uu yiri "Markasta oo ay magaaladiina aad jeceshihiin kusoo dhowaadaan iska caabiya, Reer Baqdaadoow"... "Allah ku kalsoonaada" ayuu yiri Saddam. Saddam Hussein oo ka hadlaya TV-ga Daawo [ISHA:bbctv] sidoo kale halkan daawo: Saddam khudbadiisii: Reauters.

SADDAM OO BOOQDAY QAYBO KAMID AH BAQDAAD

DAAWO: Saddam oo lasoo dhoweynayo wadooyinka Baqdaad AbudhabiTV   

Reuters: Saddam Hussein oo Booqanaya Wadooyinka Baqdaad

iraq Sawirkan oo laga qaaday TV-ga Ciraaq wuxuu muujinayaa Saddam Xuseen oo kor u qaaday ilmo yar markaas oo uu booqanayey xaafadda Al-Mansour ee Baqdaad, waana markii u horeysey ee meel fagaare ah lagu arkay saddam intii dagaalka Ciraaq bilowday. 
DAAWO: Saddam oo lasoo dhoweynayo

 
eeg: (Sawirka oo weyn: AFP-Iraqi TV)
 


IRAQ TV ayaa maanta oo Jimce ah la iska tusiyey Saddam Xuseen oo booqasho ku maraya meelo ka mid ah Baqdaad, meelahaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin goobo la duqeeyey, waxaana TV-ga ciraaq tusiyey in Saddam aad loogu soo dhoweeyey goobahaas oo damaashaaday, qayb dadka ah ay gacmaha iyo dhabanada ka dhunkanayeen, oo uu Saddam ilmo yar kor u qaaday, waxana uu ku lebeisnaa dharka militariga sida ay werisey  ABC Australia. [Ka.DAAWO.ABUDHABI.TV]

Filimka muujinayey Saddam oo xilli maalin ah la duubay waxaa TV-ga Ciraaq laga soo daayey 9:20 pm waqtiga baqdaad, sida ay werisey hay'adda AFP
IOL: Sawiro kale oo kusaabsan Warkan 

NAJAF IYO KARBALA IYO MUHIIMADOODA TAARIIKHEED

  • Najaf waxaa ku aasan Cali Bin Abii Daalib oo ka mid ahaa khualfdii Islaamka isla mar ahantaana ay Nebi Muxamaed (SCW) ila adeer ahaayeen
  • Karbala waxaa ku aasan Hussein oo Nebi Muxamed (SCW) awoowe u ahaa iyo Saxaabigii Cabbaas. Dhumashadii Xuseen waxay xiligaas Karbala ka dhalisay dagaal lagu tilmaamo kii dhaliyey tafaraaruqa muslimiinta ee u kala saaray Sunni iyo Shiico. 
  • Ilbaxnimadii Mesopotamia dhulka loo aqoonjirey waa inta u dhexaysa labada webi ee afka carabig lagu yiraahdo Dijla iyo furaat [Tigris & Euphrates], waana dhulka hadda loo yaqaan Ciraaq. 
  • Beerihii lushey: webiga Furaat [Euphrates] dhankiisa bari qiyaastii meel Baqdaad u jirta 50km [gobolka Babylon] waa halkii ay kuyaaleen beerihii lushey oo kamid ah toddoba cajaa'ib ee dunida [Seven Wonders of the World].

Dhegeyso Anna Maria Tremonti oo katirsan CBC Canada ayaa su'aalo weydiisey Ali Ansari oo katirsan Jaamacadda University of Durham, su'aalahaas oo kusaabsan muhiimada ay shiicada u leeyihiin Masaajidyada Karbala iyo Najaf. [Najaf waa magaalada uu ku aasan yahay Cali Bin Abii Daalib, Karbala waxaa ku aasan Xuseen]. halkan ka Dhegeyso.

Sid ay werisey IOL, Ayatollah Sayyid Ali al-Sistani ayaa beeniyey in uu soo saaray fatwo sheegeysey in aaan la iska caabin weerarada Maraykanka iyo Ingiriiska. 

Waxaa kale oo Telefishanada la iska tusay dad kusoo isugu soo baxay Masjidka Cali hortiisa kuwaas oo diidey in askarta uu hogaaminayo Maraykanku ay galaan masjidkaas, halkaasna ay askartii dib uga istaageen dadkaas ku dhowaa in ay soo qamaamaan.

Dhanka kale sida ay werisey hay'adda reuters , shiicada lubnaan ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga digtey in aysan faragashan goobaha Muqadaska ah ee Islaamka. Mohammed Hussein Fadlallah oo ah Hizbollah hogaaminayey sanadihii 1975-1990 ayaa maanata Jimcadii digniin u jeediyey Maraykanka taas oo ah in aysan weerarin goobaha muqadaska ah.

DAGAALKA CIRAAQ MAALINTII: 16 | 15  | 14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1

WARARKA CIRAAQ: APRIL 3, 2003

  • Qayb kamid ah Baqdaad oo Kororntadii kago'day Duqayn kabacdi
  • Wasiirka Saxaafada Ciraaq oo Sheegay Shacab lagu diley Baqdaad
  • Madaxweynaha Iiraan oo Kadigey in Dagaalka Ciraaq uu sii hurindoono rabshadaha iyo Xagjirenimada
  • Muslimiinta Ruushka oo kubaaqay Jihaad: interfax
  • 8 Qof oo kudhintay Suuq kuyaal Baqdaad
  • Diyaarado Maraykanka Lagaga Soo Ridey Ciraaq
  • MARAYKANKA OO ISKU KHILAAFSAN SADDAAM KADDIB
  • Dhammaan ka akhri halkan.... April 3, 2003

WARARKA CIRAAQ: APRIL 2, 2003

  • Ruushku wuxuu rabaa in Arinta Ciraaq lagu soo celiyo UN-ta: Putin
  • 21 Shacab ah ayaa dhintay, 75 kalena waa dhaawacmeen kadib marki la duqeeyey Mosul: IOL
  • Wargeys Maraykan ah oo Shaqadii Ka cayriyey sawiraadihiisii Ciraaq kaddib markuu uu Macmalay Sawir
  • CIRAAQ TV: Saddam oo Qabtay kulan ay ka qayb galeen wiilashiisu
  • Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq ayagoo nabad Qaba
  • HOOYO SOOMAALIYEED OO GABAR KU DHASHAY BAGDAAD INTII GARAACU SOCDAY.
  • 60,000 oo diyaar u ah in ay weeraaran Ciidanka Ilaalada Qaranka Ciraaq
  • Dagaalka Basra oo Weli socda
  • Dagaal ka dhacay aagga Karbala
  • 33 Qof oo Duqayn Lagu Diley Ciraaq
  • Saddam Xuseen oo Ku Baaqay Jihaad
  • kumayaal Qabiilooyin reer Pakistaan ah oo raba in ay galaan dagaal "jihaadka" ee Ciraaq
  • Askariyad Maraykan ah oo Horay Ciraaq loogu Qabtay oo lasoo badbaadiyey
  • Hindiya oo uu ka go'ay xiriirkii telefoonka ee safaaradeeda Baqdaad
  • Turkiga oo Weriye katirsan TV-ga BBC kasoo eryey Xadka Turkiga iyo Ciraaq
  • Talyaaniga oo laga bilaabay kanaal Satellite ah oo kasoo Horjeeda Dagaalka
  • Heer-kulka Ciraaq oo Kor U kici doona Sabtida iyo Axada Soo socoda
  • Dhammaan ka akhri halkan...  April 2, 2003

WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...  

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <>  

 Tixraac iyo sawirada: AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SOO BOOQO
xayaysiis

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD