SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
WARAR KUSAABSAN ARIMAHA SOOMAALIYA EE MAANTA

War-saxaafadeedyo: Midowga Yurub, Golaha Ammaanka iyo Kenya

  • WAR SAXAAFADEED WASAARADDA A. DIBEDDA KENYA

  • BAAQ TAAGEERO AH OO MADAXTOOYADA MIDOWGA YURUB KA SOO BAXAY

  • WAR SAXAAFADEED UU GUDDOOMIYAHA GOLAHA AMMAANKU SOO SAARAY

 

WAR SAXAAFADEED UU GUDDOOMIYAHA GOLAHA AMMAANKU SOO SAARAY .
(
SC/7816 Afr/668 16/07/2003)

Warkaan cad ee soo socda, oo Somaliya ku saabsan, waxaa maanta shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Golaha Ammaanka Inocencio F. Arias (Spain):

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay kulankoodii 16kii Luly, xoghaynta kaga dhegeysteen warbixin ku saabsan wixii Somaliya ka dhacay, intii ka dambeysay warbixintii Xoghayaha Guud ee 10kii June( doc. S/2003/636).

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay mar kale dib u xaqiijiyaan in ay ka go’an tahay taageeradooda ku saabsan, sidii khilaafaadka Somaliya loogu heli lahaa xal waara. Waxayna qadarinayaan gobanimada, midnimada dhulka Somalida, madax banaanida siyaasadeed iyo mid ahaanshaha dhulka, arrimahaas oo wada waafaqsan ujeeddooyinka iyo mabaadi’ida asaasiga ah ee Axdiga u yaal Qaramada Midoobay.

Xubnaha Goluhu waxay mar kale dib u xaqiijiyeen in ay taageersan yihiin Shirka Qaran ee Dib u heshiisiinta ee Somalida uga socda Mbagathi, Ururka IGADA uu wado, dawladda Kenyana ay martigelinayso. Waxayna fiiro u yeesheen hormarka dhowaan la sameeyey, waxayna ku dhiirrogelinayaan dhinacyadu in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku wajahan sidii nabad waarta iyo dib u heshiisiin loo gaari lahaa. Waxayna u rajeeyeen shirku in uu wakhti dhow guul ku dhammaado.

Xubnaha Goluhu waxay bogaadiyeen dadaalkii uu sameeyey Guddiga Hubinta Fulinta Heshiiskii Xabad-joojinta ee la baxay, "Baaqii Eldoret".

Iyo sidoo kale shaqadii ay wada qabteen Ururka Midowga Afrika iyo IGAD, iyo weftigii xaqiiqo-raadinta ee Somaliya tegay hawlihii u soo qabtay.

Xubnaha Goluhu waxay ugu baaqeen dhammaan dawladaha iyo inta kale oo arrinta ku lug lehba, in ay u hoggaansamaan cunaqabatayntii xagga hubka ee qaraarkii tirsigiisu ahaa 733(1992) iyo warbintii guddiga xeeldheereyaasha ah ee qaraarkii tirsigiisu ahaa 1474(2003) iyada oo xilkeeda gudanaysa.

Xubnaha Goluhu waxay walaac ka muujeen xaaladda bini-adaminimo ee Somaliya, waxayna ku boorinayaan qaybaha Somalida in ay hubiyaan, fududeeyaanna sidii a kaalmada bini-adaminimo ku gaari lahayd dadka u baahan. Waxayna u soo jeediyeen dhammaan dawladaha xubnaha ka ah in ay sid degdeg ah oo deeqsinomo leh uga jawaabaan baaqii Qaramada Midoobay ee Xoojinta wax-wadaqabsiga hay’adaha ee 2003dii.

Xubnaha Goluhu waxay si weyn u taageereen dadaalka waxqabad oo ay ka geysteen geeddi socodka nabadda Somalida dadka kala ah: Ergayga Gaarka ah ee Kenya Bethuel Kiplagat, ahna hormuudka hawlaha dhexd-dhexaadinta ee IGAD ay waddo, iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ,Mudane Winston Tubman.

Turjumiddii: C/llaahi Maxamed Sheegow
Xarunta warbaahinta iyo Dhaqanka ee Shirka

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Nairobi

<><><>

BAAQ TAAGEERO AH OO MADAXTOOYADA MIDOWGA YURUB KA SOO BAXAY
(
Brussels 15 July 2003 11474/03) (Press 214)

Midowga Yurub wuxuu soo dhowaynayaa heshiiskii dhammaan hoggaamiyaasha Somalida ee dalka Kenya joogaa ay ku kala saxiixdeen 5ta Lulyo. Heshiiskaas oo mabaad’da saldhigga looga dhigay ay ka mid yihiin: sidii wejiga labaad loogaga gudbi lahaa wejiga saddexaad, ee shirka Mbagathi, iyo mudada afarta sano ah oo ay jirayso Dawladda Kumeelgaarka Federalka ah ee Jamhuriyadda Somalia. Waxaa kale oo ay bogaadiyeen sida heshiiskaas qoraalkiisa, ay ergooyinka kulanka guud, cod dheer ugu oggolaadeen. Baaqaani wuxuu salka ku hayaa oo cuskan yahay, go’aanadii Golaha Midowga Yurub ka yeeshay arrimaha Somaliya 22kii Lulyo sannadkii 2002dii.

Midowga Yurub wuxuu qadarinayaa raalina ka yahay, sida ay mar labaad hoggaamiyaasha Somalidu, khilaafaadkooda waaweyn isu-tanaasulid ugu dhamaysteen, iyo dulqaadka iyo kartida ay hawlahaas ku maareeyeen Guddiga Farsamada ee IGAD, oo uu horumuudka u yahay Ergayga Gaarka ah ee dalka Kenya Danjire Kiplagat.

Midowga Yurub waxay si xoog leh ugu boorinaysaa dhammaan madaxda Somalida oo aan weli ku soo noqon Kenya, in ay si degdeg oo aan dib u dhac dhac lahayn,madasha shirka u yimaadaan, si shirku hore ugu guda galo hawlaha wejiga saddexaad uguna dambeeya shirka.

Teeda kale, Midowga Yurub, waxay uga digaysaa dhammaan madaxda Somalida in ay ka dheeraadaan falalka shirka qaska gelin kara. Gaar ahaan xadgudubyada loo geysanayo heshiiskii colaad joojinta ee 27kii Oktoobar sannadkii 2002da, magaalada Eldoret lagu kala saxiixday.

Midowga Yurub waxay ku qanacsan yihiin, in hawlaha dib u heshiisiinta ee mustaqiblku ay ku jiraan gacanta dadka Somalida ah. Sidaas darteed ayaa Midowga Yurub ugu baaqayaan dhammaan hoggaamiyaasha Somalida in ay gaaraan heshiis ay raali isaga wada yihiin , inta goori- goor tahay, si ay suurtogal u noqoto in dib dalka loogu soo celiyo nabaddii, xasiloonidii, halkaasna ay ku dhammaadaan tobaneeyo sano oo iska soo horjeed ah, kuwaas dadka Somaliyeed baday rafaad aan xad lahayn.

Midowga Yurub wuxuu si buuxda u garabtaagan yahay shirka nabadda oo ay IGAD waddo. Waxaan kale oo taageersan nahay, in shirkaan ay ka soo baxaan heshiiyo nabadeed oo isu-dheeli tiran oo loo wada-dhan yahay iyo dhismaha hay’ado lagu aamino fulintooda.

Heshiiskaan waxaa wada oggolaaday dalalka:

Cyprus, Jamhuriyadda Czch, Estonia, Hungary, Lativia, Lithuania, Malta, Poland, Jamhuriyadda Slovak, Slovenia, Bulgaria, Romania, Turkey.

Turjumiddii: C/llaahi Maxamed Sheegow
Xarunta warbaahinta iyo Dhaqanka ee Shirka

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Nairobi

<><><>

WAR SAXAAFADEED WASAARADDA A. DIBEDDA KENYA.

Dulucda: Dawladaha safka hore waxaa ka go’an, ayna ku mideysan yiniin taageeridda wada-hadalkada

Nabadda ee Somaliya.

Dawladaha safka oo ka kooban Kenya, Ethiopia iyo Jabuti, waxay ka midaysan yihiin kana go’an oo ujeedadooda guudi ay tahay , in ay hubiyaan Shirka Qaran ee Dib u heshiisinta Somaliya in uu guul ku dhammaado.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya Stephen Kalonzo Musyoka wuxuu yiri, si ka duwan sida warbixinada warbaahintu dhowaan faafisay, dawladaha safka hore waxay qabaan welina wadaan in ay uga digaan qaybaha wadahadalada ka qaybqaadanaya, in ay ku kacaan wax dhaawici kara habsami u socodka shirka, oo hadda galay marxalad culus.

Wasiirka Musyoka wuxuu xusay shirkii ay dhowaan magaalada Maputo ee dalka Mosambique ku yeesheen colaha wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD, in si buuxda goluhu mar kale isugu raacay taageeridiisa, geeddi socodka Shirka Qaran ee Dib u Heshiisiinta Somalida. Wasiirku wuxuu shaaca ka qaaday in ay Kenya dhexdhexaad ka tahay wadahadalada dalalka Somaliya iyo Sudan, ee Kenya ay martigelinayso, waxayna sii wadaaysaa Kenya sidii wadahadaladaas looga gaari lahaa

Heshiis raali la isaga wada yahay, oo meel dhexe oo heshiis lagu wada yahay la isugu imaanayo.

Wasiir Musyoka iyo Mudane Danjire Bethuel Kiplagat, Ergayga Gaarka ah e Kenya u qaabilsan arrimaha Shirka Did u heshiisiinta ee Somaliya, ayaa waxay warbixin ku horumarka laga gaaray shirarka nabadeynta Sudan iyo Somaliya, ka jeediyeen shirkii Golaha Wasiirada ee IGAD 8dii Lulyo 2003da ku yeeshay magaalada Maputo, ee dalka Mosambique.

Golaha wasiirada IGAD oo ka kooban wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka : Jabuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan and Uganada ayaa ku kulmay fadhigii 3xaad ee caadiga ahaa oo uu yeesho Golaha Fulinta ee Midowga Afrika.

Shirkaasi intii uu socday, waxaa aad loogu guuxay loona soo dhoweeyey horumarka dhowaan la gaaray, waxayna dib u xaqiijiyeen mar labaad taageerada ay la barbar taagan yihiin geeddi socodka hawlaha dib u heshiisiinta.

Waxayna u soo jeediyeen dhammaan madaxda Somalida in ay u sare joogsadaan sidii ay u gaari lahaayeen heeshiis Somaliya u horseeda nabad iyo xasilooni.

Waxaa kale oo ay uga digeen madaxda Somalida, in ay ka dheeraadaan wax kasta oo marxaladdaan adag ee shirku marayo carqalad gelin kara, geeddi socodka nabadda.

Mr. Musyoka wuxuu sheegay, in wadaxaajoodyada Somaliya ay haatan foodda la sii geleyaan wejigii ugu daambeeyey ee awood qaybsiga. Wuxuuna dib u xaqiijiyey in ay dawladda Kenya ka go’an tahay in ay ka qayb qaadato ciidamada nabad ilaalinta ee Somaliya, heshiisyada kama dambeysta ahi marka ay dhammaadaan.

Waxaa ku saxiixnaa: MONICA A. OMORO(MS)

Qaybta warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha.

Turjumiddii: C/llaahi Maxamed Sheegow

Xarunta warbaahinta iyo Dhaqanka ee Shirka, (KCCT)

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com

July 18, 2003

   

 ..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bjanaayo
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

xayaysiis


mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri

  




HTML CD