SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MUQDISHO
C|Qaasim "Dowladda ku meel gaarka ah shaqsi gaar ah (Xaabsade) lama gelin heshiis, waxayse wada hadal la yeelatay hoggaanka RRA Shaarguduud maahee intiisii kale"

"Waxaan u maleynayaa inaysan u oolin madax dal shisheeye ah inuu tilmaamo ama u sheego Soomaali ciddii hoggaaminaysa oo ay tahay arrin Soomaali u taalla"

Waa wareysi gaar oo uu madaxweynaha Dowladda KMG siiyay weriyeyaasha kala ah Fahad Yaasiin, Abdullaahi Black iyo Maxamed Xaaji Ingiriis, waxaana inoo suuro geliyay qaabilaadan gaarka ah Wasiirka Warfaafinta Prof. C\raxmaan X.Aadan Ibraahim "IBBI" waana kan wareysigii:

S: Carta ka hor waxaad kamid ahayd waxgaradkii Soomaaliyeed ee isku hawli jiray in dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ay helaan nabad iyo nidaam, xilligaasna wareysiyo aad Saxaafada siisay waxaad mar walba ku celcelin jirtay in aad dalka hogaan iyo darajo midna adan ka dooneyn, markiise Carta latagay waxaad umuuqatay musharrixiintii ugu waaweynaa goorma ayaad go'aansatay in aad isu soo taagto madaxtinimada dalka maxaase kugu dhaliyey?.

J: Inta aad tiri oo dhan waa run inaan nabada ka shaqayneynay waana wax jira, umana aanan tagin Carta inaan doorasho galo, markaad fiiriso goortii aan is sharaxay waxaad ka garan kartaa inay ahayd goor dambe, waxaana igu khasbay ama aan iraahdee igu qanciyey in aan tartamo qaar kamid ah dadkii Soomaliyeed ee aan isla wadnay howlihii dib u heshiisiinta waxna ka waday sidii dalku u heli lahaa nidaam iyo dowladnimo, kana mid ahaa Soomaalidii saldhigga u ahyad shirkii Carta, qaarkoodna ay halkan ka tageen qaarna ay dibada ka yimaadeen.

S: Shirka hadda la qorsheynayo inuu ka dhaco Nayroobi (Eldoret  ) sideed u aragtaan haddaad tihiin Dowlada .K.M.G?. cqaasim

J: Shirka Nayroobi waa shir la rajeynayo in ay isugu timaado Soomali, ayna isugu arkaan dowlada K.M.G.oo dhinac ah iyo gobollada aan la socon dawlada sida W/Galbeed, W/Bari, Bay iyo Bakool, iyo Hogaamiye Kooxeedyada. Rajada laga qabaana waa mid aad u sareysa, haddii ay sidaas u dhacdo oo la isku afgarto beesha caalamkuna ay daacad ka tahay Soomaliya in nabad laga helo waxaan u malaynayaa in la dhameystiri doono wixii lagu soo dhisay Carta.

S: Garoonka Muqdisho oo ah il muhiim ah waxaad mooddaa inaan illaa iyo hadda lagu guuleysan waayey furiddiisa, marka waxaa jira garoon kale oo isna fursad u noqon lahaa dowladda ku meel gaarka haddii ay gacanta ku dhigi lahayd kaas oo ah garoonka Ballidoogle, mala oran karaa in shakhsi ahaan Mudane Madaxweyne lagu yiraahdo waxaad kamid tahay odayaashooda aadna ka gaabisay furitaanka Garoonkas?.

J: Waan ka xumahay inaad oday maleeshiyo igu tilmaanto, horeyna uma noqon markaan nabadda ka shaqeynayey haddana ma ahi, maleeshiyana oday iyo sharaf midna ma taqaan, dagaal ooge ayay ka amar qaataan, arrintuna ma'aha garoonka Ballidoogle ee waxaan dowladda u dhisnay in la helo garoonka Xamar oo hadda noo jira shan daqiiqo inuu furmo, isaguna wuxuu ka furmi la' yahay qabqableyaal dagaal oo magaalada jooga, haddii la damco in la furo waxaa laga baqayaa inay dhibaato u geystaan shacabka, iyagoo adeegsanaya hubka faraha ka batay ee magaalada ku jira ee u baahan awood ka sarreysa midda dowladda ku meel gaarka ah oo ay beesha caalamku nagu taageerto uruurintiisa, waa tii aan warsannay in hubka laga dhigo hogaamiye kooxeedyada iyo dadka rayidka ah ee hubka haysta.

S: Mudane Madaxweyne mar walba oo aad ka hadlaysid hoggaamiyeyaasha kooxaha waxaa hadalladaada ka mid ah dhalleeceyn kulul oo aad nimankaas u soo jeediso marka ma u aragtaa halka aad ka dhaleeceyn lahayd inaad nimankaas soo jiidato oo aad nabad ugu yeerto?

J: Waxaan u maleynayaa qofkii magacaaga kuugu yeera inuusan ku dhaleeceyn, qabqable dagaal oo fidnada hurinteeda ku nool oo subixii soo galaba u taagan inuu dadka ku gumaado hubka kan ugu cul culus oo kii ugu dambeeyey Madiino dagaalkii ka dhacay ood ogeyd reer dhan gabar sideed jirta inay ka soo hartay, u maleyn mayo in wax yar oo laga sheegaa ay tahay dhaleeceyn ee waana sax in ficilka qofku ku kaco waxa uu yahay in la sheego, waan sheegeynaa weliba in yar baanu sheegnay, adduunka waxaan warsannay in laga qabto kuwaas dadka oo sida beesha caalamku wax uga qabatay dadkii la mid ahaa dadkan, sida Seralyoon, Ruwaanda, Yagoslaafiyadii hore in la geeyo maxkamadaha shaqadoodu tahay ku qaadista dambiyada aadanaha laga galo.

S: Mudane Madaxweyne su'aasha kale ee aan ku weydiinayo waxay tahay muxuu yahay doorka aad ka qaadateen sugidda nabadgelyada magaalada Muqdisho?

J: Magaalo kasta oo adduunka ku taalla marka laga reebo dowlad dadaalkeeda waxay nabadda ku sugaan waa midda horee rabitaanka ay iyagu rabaan nabadda, waa midda labaade hubka xitaa hadday haystaan sida dadka Mareykanka ah aan waddada lala marin ee guryaha la dhigto si ay isugu difaacaan, waa midda kale sharciga oo loo hoggaansamo, illaa iyo hadda Xamar intaas midna kama hayno, sharci loo hoggaansami maayo, hubka la dhigi maayo oo xitaa hubka la wato iyo kan dowladdu haysato waxaa badan kan ganacsatada iyo hoggaamiye kooxeedyadu haystaan, xitaa haddaan lagu dagaallamayn qatartiisa ayuu leeyahay hub magaalada maraya, sidaad la socotaan waxaa yimaada isku dhacyo maleeshiyo ka amar qaadata qabqable ay kiciyaan ama siyaalo kale u dhaca sida burcad ama tuugo, nabadgelyo xumida Xamar ka jirta waxaa sabab u ah hubkaas tirade badan ee meel kasta yaalla ee gacanta ugu jira dadka rayidka ah, haddii marka shacabku iskiis u garan waayo waxaa lagama maarmaan ah dowladda ku meel gaarka inay gacan ka hesho beesha caalamka si hubka Soomaalida looga dhigo, taasoo aan ku rajo weynahay in beesha caalamku ay aqbali doonto oo ciidamo la shaqeeya ciidamada dowladda ku meel gaarka ay imaan doonaan dalkaan si hubka looga dhigo Soomaalida, Xamar keliya ma'ahane Soomaaliya oo dhan.

S: Ma is leedahay nabadgelyo la'aanta Xamar ka jirta waxaa lug ku leh wadamada deriska ah sida Itoobiya oo ay dad badan hadal hayaan?

 Adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 sida kamuuqata sawirka sare waxaa dhexda kagajira xidig shangees ah oo kudhexjirta buluug.  Calanka
Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto.

Taariikhda Calanka Soomaalida

J: Shaki kuma jiro qof kasta oo Soomaali ah meel uu joogaba waa ogyahay inayan suuragal ahayn madaafiicda lagu ridayo maatida Muqdisho joogta ama Xamar iyo Boosaaso joogta ama Bay iyo Bakool joogta meesha laga keeno qof walba waa garanayaa, rasaasta aan xadka lahayn meesha laga keeno qof walba waa garanayaa, waxaas oo dhan waxaa loogu soo dhiibay qabqablaha dagaalka inuu fidnada huriyo, maatada Soomaaliyeed laayo, inaysan Soomaaliya nabad helin, dowlad dhexe oo hanata dalka iyo nabadgelyadana aan la helin, inay Soomaaliya qaybsanaato oo loo qaybiyo gobollo magacyo loo bixiyey oo kuligood laga xukumo meel aan Muqdisho ahayn.

S: Sida aad mar hore u sheegtay, waxaa jira kulan adiga iyo Meles Zenawi idin dhex maray oo aad ku wada hadasheen sidii nabad loo heli lahaa, maxaa ka sii socday wada hadalladaas?

J: Wasiirkeenna arrimaha dibadda ayaan u dirnay Suudaan oo iyadu dhex dhexaadinta waday, madaxna ka ahayd IGAD, waa suuroobi weyday wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya inuu yimaado oo wuxuu ku maqnaa Mareykanka, haddana dib ayaa loo ballammay, waxaana arki doonaa wixii ka soo baxa waqtiyada soo socda.

S: Baaqaagii caalamiga ahaa ee ku wajahnaa in hubka laga qaado maleeshiyooyinka illaa iyo hadda wax dabacsanaan ah ama jawaab ah ma ka heshay caalamka?

J: Waa jiraan, Jaamacadda Carabta go'aamadii ay soo saartay waxaa ka mid ahaa in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika la weydiiyo inay ka qayb qaataan hub ka dhigidda Soomaaliya, Madaxweyne Thapo Mbeki oo aan arrintaas kala hadalnay waa soo dhoweeyey, waxaana ka mid ah xeerarka Midowga Afrika in gacan la siiyo dowlad kasta oo Afrikaan ah oo codsata arrimaha aan codsannay oo kale, Golaha Ammaanka waan geynay codsigaan, waana rajeynaynaa in wax ka soo bixi doonaan oo go'aan laga gaari doono, dowladaha Saaxil iyo Saxaraa oo 20 dowladood ah waanu geynay codsigaan, waana aqbaleen iyaguna, meelo badan ayaa laga soo dhoweeyey, waana filaynaa tallaabo wax ku ool ah waqtiyada soo socda inay soo baxo.

UN DEBATE ON SOMALIA
Wide Suport Expressed in Security council for proposal peace, reconcilition conference on Somalia in Nairobi in April. However, Council Cautioned to Be Realistic about Outcome Read More.

S: Waxaad ka warrantaa heshiiskii dowladda ku meel gaarka la gashay Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah raggii ay Col. Shaargaduud ku dagaallaameen Baydhabo, sideena u aragtaan ku soo biiritaanka uu idinku soo biiray, gacan noocee ah ayuuna ka geysan karaa in dowladdu door muuqda ku yeelato gobollada Bay iyo Bakool?

J: Dowladda ku meel gaarka ah shaqsi gaar ah lama gelin heshiis, dowladda ku meel gaarka waxay wada hadal la yeelatay hoggaanka RRA Shaarguduud maahee intiisii kale, waxayna isku afgarteen laba qodob, waa midee in dowladda ku meel gaarka ay u taagan tahay mideynta Soomaaliya, taasoo ahayd middii Carta iyagoo jooga lagu go'aansaday, waa midd labaade in dib u heshiisiin loo helo arrinta Bay iyo Bakool, laguna dadaalo Shaatiguduud laftiisa in dhabbahaas lagu soo dumo, dowladda ku meel gaarka iyadoo fulinaysa dadaalka dib u heshiisiinta oo ah waajibkeeda ayay meel kasta oo dhibaato ka jirto dib u heshiisiin ka raadinaysaa, waxaana rajeynaynaa haatan tallaabooyinka muuqda ee socda inay ku wada hadlaan qaybihii RRA inay keento dib u heshiisiin dhexdooda ah marka hore, dabadeedna dowladda ku meel gaarka iyo iyagu ay is afgarad walaalnimo iyo dib u heshiisiin ay dhex marto.

S: Sida la sheegayo xitaa Meles Zenawi uu ku sheegay jariiradda Al-Xayaat xubno fara badan oo dowladda ah ayay diiddan yihiin iyagoo ku andacoonaya arrimo diineed uuna ugu horreeyo Madaxweyne C/qaasim oo ay ku sheegayaan inuu xubin ka yahay ururka Al-Itixaad marka arrinta noocaas ah ma is leedahay dhibaato weyn ayay ku tahay xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya?. cqaasim

J: Waxaan u maleynayaa inaysan u oolin madax dal shisheeye ah inuu tilmaamo ama u sheego Soomaali ciddii hoggaaminaysa oo ay tahay arrin Soomaali u taalla, Madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ummadda Soomaaliyeed ayaa dooratay, Soomaaliduna waa dad Muslim ah haddii ujeeddadoodu tahay Islaamka ka baxa waan ku sii dhegenaanaynaa, waa sida keliya ee adduunkana dad jira ku noqon karo, aakhirana Ilaahay rilihiisa ku heli karo, haddii xiriirka wanaagsan ee labada dal laga hadlayana annagu lix safar ayaan Addis Ababa ku tagnay waxayna naga ahayd laba waddan oo jaar ah inay nabad iyo iskaashi ku wada noolaadaan, taasoo ah siyaasadda maanta Afrika ka socota oo ah in Afrika oo dhan midowdo, waana tii ay Afrika Durban ku soo dhammeysatay, waxay ila tahay in ciddii ku shaqeynaysa in Afrika meel ka mid ah la qayb qaybiyo inaysan soconaynin, waana arrin taariikhda ka soo horjeeda, waxaana dhici karta qorshahaasi inuu dib ugu soo noqdo cidda ka shaqeynaysa oo dalkooda dhibaato inuu qorshahaasi u geysto, dowladda Itoobiya iyo shacabka waxaan u sheegeynaa shacbiga Soomaaliyeed wanaag iyo walaaltinimo inuu ka rabo, gacantii iyo xoolahii ummadda Soomaaliyeed ee lagu taageeray waa midda maanta madaxdoodu ka taliso oo Prime Minister Meles Zenawi ka mid yahay iyadoo la qaddarinaayo in gacan lagu siiyo shacabka Soomaaliyeed waa maree in shiddada laga daayo, waa marka xigee in dib u heshiisiinta lagu taageero, ugu dambayn iskaashi labada dhinac inuu dhex maro, taasoo ay ku jirto maslaxadda shacbiga Soomaaliya iyo Itoobiya oo deris ku ah Geeska Afrika, kuna noolaan doona ilaa saacadda qiyaamo ay ka dhacayso.

S: Dowladda ku meel gaarka waa dowlad dib u heshiisiineed sidaan ognahay maamulkii hore ee Jaamac Cali Jaamac xiriir baa idiin dhexeeyey, haddana is beddel baa ka dhacay, marka dadaalka ay waddo dowladda ku meel gaarka si dib u heshiisiin iyo is afgarad looga helo dhulkaas ma jiraa, inteese la'eg yahay dadaalkaas?


Sarkaal katirsan booliska Columbus, Ohio oo tusaya sawiro Jaad. Waayadan dambena Qaadku aad ayuu ugu soo badanayaa Ameerika sida ay dhowaanahanba qorayeen warbaahinta Maraykanka. Qaadku waa ka mamnuuc Ameerica. Akhri usatoday  

LATEST NEWS IN ENGLISH  

J: Horta gobollada nabaddu ka jirto waxaan jecelnahay inay nabaddu u kororto hadday waqooyi galbeed yihiin, hadday waqooyi bari yihiin, hadday meelo kale tahay, sida gobollada dhexe, marka xigta waxaan aad iyo aad uga xunnahay in dagaal laga abaabulo meelo nabad ahaa halkii kuwa nabad la'aantu ka jirto aan nabad ka soo dabaali lahayn, in meelo nabdoon fidno laga abuuro aad bay noo dhibtaa, in Soomaali nabad isugu tagtaan rabnaa, ma doonayno in fidno meel walba ka aloosanto, Jaamac Cali Jaamac oo shacbiga gobolladaas waqooyi bari doorteen heshiis baanu la galnay isaga iyo hoggaankiisa oo ah iskaashi walaaltinimo, Soomaaliyeed, dowladda ku meel gaarka iyo gobollada inaysan kala maarmin ee ay mid yihiin, dowladduna u taagan tahay dalka meelaha ay joogto iyo meelaha aysan joogin, inay Qaramada Midoobay ku hayso sumcaddii iyo magacii ummadda Soomaaliyeed iyo in la iskaashado wixii la helo oo horumarin ah in dalka oo dhan la wada gaarsiiyo, qodobadii aan isla gaarnay hadda waxaa ayaan darro in gobolladaasi dagaallo culus ka dheceen, waana uga tacsiyeynay, waxaana u rajeynaynaa in Ilaahay in iyaga iyo gobolladaas siiyo nabad waarta, wixii aan ka qaban karno ama heshiisiin dadkaas ah inaanu ka qayb qaadanno diyaar ayaan u nahay.

Waxaa wada wareystay

Fahad yaasiin Xaaji Daahir

Fahadsom@hotmail.com 

 

Abdullaahi M. Xasan "Black"

Abdulahiblack@yahoo.com 

 

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

ingiriis@yahoo.com 

September 10, 2002 | SOMALITALK.COM


Waraysigii axamed Qanyare
"Ma qabo inuu yahay Shirka Nayroobi mid najxaya waayo waxbaa ku hoos qarsoon" sidaas wuxuu kusheegay waraysi dheer oo  GUJI... 2/9


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

S   A   W   I   R    R   O


waraysi

 Fahad yaasiin Xaaji Daahir, Abdullaahi M. Xasan "Black", CabdiQaasim Salaad Xassan, Maxamed Xaaji (Ingiriis)  

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD