SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Dadweyne Aad U Tiro Badan Oo Maanta Socod Ku Maray Goobihii Dagaaladu ka dhaceen

"DAGAAL SOKEEYE DOONIMAYNO, DHIIG DAATA DOONI MAYNO, WALAALO ISDOOXA DOONIMAYNO" Shacabka Muqdisho

 

I    I    D    H    E    H


Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga:  
km-5 Mogadishu

A. D. | weekly@somalitalk.com 
SomaliTalk | Muqdisho, Soomaaliya

September 6, 2002

Dad aad u fara badan oo isugu jira caruur , dumar iyo odayaal waayeel ah ayaa maanta socod dheer ku maray goobihii ay labada maalmood dagaaladu ka socdeen ee Isgoyska Fagax iyo Siisii ee magaalada Muqdisho, dadkan mudaharadayay ayaa ku dhawaqayay ereyo ay ka mid ahaayeen: DAGAAL SOKEEYE DOONIMAYNO, DHIIG DAATA DOONI MAYNO, WALAALO ISDOOXA DOONIMAYNO iyo ereyo kale oo dhamaantood muujinaya sida ay uga soo horjeedaan in halkaas ay ka dhacaan dagaalo kale. [Dadka iyo Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran?

Dadka banaabaxayay waxaa la hadlay Dr. Xuseen Xaaji Bood oo ahaa ninka sida weyn ugu ololaynayay joojinta dagaaladan dhacayay isla markaana fidiyay gogosha lagu wada hadlayay. Md. Bood wuxuu halkaa ka jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlay, heshiiskan la gaaray iyo waliba dhibaatada ay leeyihiin dagaalada sokeeye oo uu sheegay inay aafeeyeen dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxaa la arkayay gawaarida loo yaqaan Tiknikada oo sita calamo cad cad oo dhex maraya fariisimadii ay isku horfadhiyeen labadii malayshiyo ee dagaalamaysay, gawaaridan Tikmikada ah oo ay iska leeyihiin beelo ka madax banaan qolyaha is haya, ayaa halkaas loo geeyay inay ilaaliyaan xabad joojinta la gaaray. 
 Shir Deg-Deg ah oo ey yeesheen Odayaasha, Aqoon yahanada, iyo dhalinyarada Bahweynta Mudulood ee ku sugan Waddanka Ingiriiska U.K. maanta oo taariikhdu tahay 05/09/02 GUJI..

Xalay iyo shalay oo ay si weyn ugu hawlanaayeen waxgaradka Muqdisho oo dhan sidii ay u joojin lahaayeen dagaalkaas ayey goor danbe oo xalay ahayd u suurtowday inay isa soo horfariistaan dhinacyadii sida tooska ahayd colaadu u dhex martay.

Qaybihii dagaalamayay ayaa ku heshiiyay qodobo doora oo ay ka midyihiin in marka hore xabadda la joojiyo marka labaadna lakala qaado ciidamada is horfadhiya, ugu danbayntiina loo gudbo sidii loo lafa guri lahaa wixii sababay in xabad la isla dhaco, qodobadaas oo ay dhamaan labadii qayboodba ku qanceen.

Xafiiska Qaraamada u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta (sept 6) soo saaray warsaxaafadeed uu ku muujiyey walaaca weyn ee ay ka qabaan xaaladda Soomaaliya. Gaar ahaan warsaxaafadeedku waxa uu xusay sida uu ergeyga gaarka ah ee Kofi Annan u qaabisaln Soomaaliya oo magaciisa layiraahdo Mr Winston Tubman uu uga walaalcsanyahay xaalada Soomaaliya GUJI..(english)
Dadka reer Muqdisho ayaa si guud ugu farxay dhamaynta colaaddii taagnayd, gaar ahaanna kuwii ka qaxay deeganadoodii maalmihii colaada. waxaa hadda bilawday isu socodkii dadka iyo waliba baabuurta, waxaa guryahoodii ku soo laabanaya dadkii halkaas hore uga qaxay, ka dib markii ay maqleen heshiiskan la gaaray.

Darawal waday gaari booyad ah oo maanta lagu dilay Isgoyka Tawfiiq ee Magaalada Muqdisho.

Nin lagu magacaabo Madaxeey oo ahaa darawal waday gaari weyn oo boyada ayaa maanta dablay hubaysan ku dileen Isgoyska Tawfiiq, isaga oo wata baabuurkiisa. Dablaydan oo aan la garanayn sababta ay u dileen ninkaas ayaa waxaa halkaa ka qaaday maydkiisa markii danbe dumar ku sugnaa isla goobtaas.

Dablaydan oo aan qaadan baaburkii booyadda ahaa, ayaa ugu danbaytii baxsaday. Halka shilkaasi ka dhacay waxaa ka agdhoweyd maxkamadda Islaamiga ah ee Tawfiiq, mana jiraan ilaa iyo hadda cid timid goobtii shilkaasi ka dhacay. 

Mogadishu Weekly Reporter A. D. 

  weekly@somalitalk.com 
Muqdisho, Soomaaliya

SOMALITALK.COM | Sept 6, 2002  

WARARKII HORE EE MOGADISHU WEEKLY REPORTER - GUJI

 


Warbixin: Dagaalkii  is-Goyska Fagax
Dagaalkan oo kadhacay isgoyska fagax ee Muqdisho, Cusman Caato oo ka hadlay dembiilayaasha dagaalka iyo wadahadallo u socda garab RRA ah iyo is-bahaysiga dooxada Jubba GUJI.. 4/9
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Ra'iisul wasaaraha DKG oo u dhoofay Sucuudiga iyo Wafdigii Ka Socday IGAD Oo Maanta Gaaray Jawhar GUJI.HALKAN ama HALKAN Agoosto 2
Qanyare oo Kahadlay arimaha Shirka nairobi
"Ma rajaynayo inay ka soo bixi karaan shirka Nairobi wax Natiijaa." sidaas waxaa yiri...
GUJI  July 31

Xasan Abshir oo Amray in La Joojiyo Dhismayaasha Sharcidarada ah
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ayaa amar ku bixiyey in la is-hortaago dhismayaal si sharci darro ah looga sameysanayo dhulka uu...
GUJI.. July 30

WARARKA SOOMAALIYA - JULY 28
Dagaal mar kale ka qarxay bartamaha Baydhabo iyo Cumar Finish oo qabtay Shir Jaraa’id markii u horeysay dagaalada Muqdisho ka dib   GUJI.HALKAN

Warsaxaafadeed: Xoghaynta Mudullood
Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow, guddiga fulinta iyo xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo
GUJI.HALKA ama halkan July 27


Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii Dagaalka
Waxaa laguqiyasay in 40 qof ay kudhinteen, 60 kalena kudhaawacmeen dagaalkii Muqdisho ee.. 
GUJI.. July 26

Dadka iyo Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
GARGAAR DEG-DEG AH

  AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02  
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD