SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

I    I    D    H    E    H


Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga:  
km-5 Mogadishu

Shirkii Dib U Heshiisiinta Soomaalida Oo Markale Dib Loo Dhigay

A. D. | weekly@somalitalk.com 
SomaliTalk | Muqdisho, Soomaaliya

September 8, 2002

Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida oo ka dhici lahaa dalka Kenya 16-ka bishan aynu ku jirno, ayaa mar kale hakad ku yimid sida uu caddeeyey wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya Mr. Madoka oo sheegay in qabashada shirkii Soomaalida dib loo dhigay ilaa iyo dabayaaqada bisha September, iyadoo waliba ay jiraan warar kale oo sheegaya in shirku qabsoomi dooni 16-ka bisha October, Md. Madoka oo ka hadlayay sababaha keenaya mar walba dib u dhaca, ayaa ku macneeyey dhinaca farsamada awgood iyo waliba hogaamiyayaasha kooxaha oo aan samaynayn wax tanaasulaad ah.

Mr. Madoka, ayaa sheegay in aan mar danbe shirkan dib loo dhigi donin uuna qabsoomi doono waqtigaas kama danbaynta ah ee loo qabtay.

Dhinaca kale, Md. Madoka ayaa shaaca ka qaaday in dawladda KMG ah ee Soomaaliya ay ka soo qayb gali doonto shirka iyadoo dawlad ah, laakiin aysan sheeganayn, inay wadanka oo dhan ka taliso. Hadaladan ka soo yeeray wasiirka ayaa waxay si weyn u ifinayaan in beesha caalamaka inteeda badani ay xukuumadda KMG ah ay u aqoonsan yihiin dawlad Soomaaliyeed oo aan tabar lahayn.

Dhinaca kale golaha SRRC oo isagu ah garab si weyn uga soo horjeeda dawladda KMG ah, ayaa iyagu waligoodba ku celcelin jiray in ay shirkaas ka qayb gali doonin haddii dawladda KMG ah oo iyagu ay ugu yeeraan kooxda Carta ay sheegato wax dawladnimo ah.

Si kastaba ha ahaatee dib u dhaca ku imaanaya mar walba shirkan, ayaa wuxuu wadna qabad ku yahay dadka Soomaaliyeed oo ay dhegahoodu hore uga soo daalen fashilkii is daba jooga ahaa mar walba ku imaan jiray shirarkii ka horeyey midkan.

DOODFURAN:  Dib-u-dhigdda Shirka Kenya & Dadweynaha 

Dhac Loo Gaysanayo Basaska Oo Muqdisho Si Weyn Looga Dareemay

Rag dablay ah oo ku hubaysan qoryaha AK47 iyo noocyo kale oo hubka ah, ayaa la arkayay iyagoo taagan isgoysyada oo xoog ku kaxaysanaya baabuurta qaada dadka ee loo yaqaan BL-ka, ilaa iyo 25 baabuur ayaa la dhacay todobaadkii la soo dhaafay oo kaliya, iyadoo waliba dhaca baabuurtu uu ku baahay deegaanada kulaalaya gobolka Benaadir oo uu ka mid yahay Afgooye.

Ma jiraan wax dhimasha ah iyo dhaawac oo weheliya baabuur kala qaadashadan ay iskula kacayaan raga dablayda ah, oo ka soo kala jeeda qabaa’ilada, ku dhaqan gobolka Benaadir.

Arintan ayaa waxay sababtay in baabuurtu yaraato, isla markaana uu gaaro qiimihii lagu raacayay 2,000 Sh, So, halka uu markii hore ka ahaa 1000, ka dib markii, dadkii milkiilayaasha ahaa ay xeraysteen baabuurtooda, iyagoo ka baqanaya in baabuurtooda ku dhacaan shabaqa dablayda.

Dhaca baabuurta ayaa wuxuu yahay mid soo noqnoqda sanadkiiba mar ama laba, iyadoo ay taasina sabab u tahay fawdada baahsan ee ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan, gobolada Koonfureed ee dalka.

Dagaalo ka dhacay duleedka Laas Caanood

Wararka laga helayo dhinaca raadiyayaasha loo yaqaano fooneeyaha, ayaa sheegaya in miyiga u dhow magaalada Laascaanood ay dagaalo ka dhaceen, dagaalkaas oo u dhexeeya laba beelood oo wada degan, isla gobolka Sool, dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen labada dhinacba ilaa 5 qof, halka uu dhaawucuna gaarayo ilaa 3 qof.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriiraan muran la xiriira dhinaca daaqsinka iyo deegaankaba, mana jiraan ilaa iyo hadda wax waan waan ah oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalkaas ka soo cusboonaaday gobolka Sool oo horey logu yaqiinay xasilooni.

Arinta gobolka Sool ayaa u muuqda hadda in xaaladiisa ammaanku ay faraha ka sii baxayso iyadoo ay jiraan muranno xoogan oo u dhexeeya, Puntland iyo Somaliland oo isku haya ka talinta gobolkaas.

Mogadishu Weekly Reporter A. D

 

  weekly@somalitalk.com 
Muqdisho, Soomaaliya

SOMALITALK.COM | Sept  8, 2002  

WARARKII HORE EE MOGADISHU WEEKLY REPORTER - GUJI


WARARKII MUQDISHO - 6.9.2002
Dadweyne Aad U Tiro Badan Oo Maanta Socod Ku Maray Goobihii Dagaaladu ka dhaceen iyo Darawal waday gaari booyad ah oo lagu dilay Isgoyka Tawfiiq.. GUJI..  

 


Warbixin: Dagaalkii  is-Goyska Fagax
Dagaalkan oo kadhacay isgoyska fagax ee Muqdisho, Cusman Caato oo ka hadlay dembiilayaasha dagaalka iyo wadahadallo u socda garab RRA ah iyo is-bahaysiga dooxada Jubba GUJI.. 4/9
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Ra'iisul wasaaraha DKG oo u dhoofay Sucuudiga iyo Wafdigii Ka Socday IGAD Oo Maanta Gaaray Jawhar GUJI.HALKAN ama HALKAN Agoosto 2
Qanyare oo Kahadlay arimaha Shirka nairobi
"Ma rajaynayo inay ka soo bixi karaan shirka Nairobi wax Natiijaa." sidaas waxaa yiri...
GUJI  July 31

Xasan Abshir oo Amray in La Joojiyo Dhismayaasha Sharcidarada ah
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ayaa amar ku bixiyey in la is-hortaago dhismayaal si sharci darro ah looga sameysanayo dhulka uu...
GUJI.. July 30

WARARKA SOOMAALIYA - JULY 28
Dagaal mar kale ka qarxay bartamaha Baydhabo iyo Cumar Finish oo qabtay Shir Jaraa’id markii u horeysay dagaalada Muqdisho ka dib   GUJI.HALKAN

Warsaxaafadeed: Xoghaynta Mudullood
Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow, guddiga fulinta iyo xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo
GUJI.HALKA ama halkan July 27


Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii Dagaalka
Waxaa laguqiyasay in 40 qof ay kudhinteen, 60 kalena kudhaawacmeen dagaalkii Muqdisho ee.. 
GUJI.. July 26

Dadka iyo Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
GARGAAR DEG-DEG AH

  AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02  
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD