SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 24, 2004

WARARKII MAANTA

Puntland oo Laga Mamnuucay Baasaboorka Kenya
Dhibaatooyin Soo wajahay Soomaali lagu soo celiyey Italy

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare20@yahoo.com garyare@msn.com

Dhibaatooyin dhinaca Nolosha ah ayaa lagu soo waramayaa inay soo wajaheen dad Soomaali ah oo ay Waddamadda Yurub dib ugu soo celiyeen Dalka Talyaaniga.

Soomaalida oo maalin walba ay koox cusub ku soo darsanto ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in dhibaatooyin xaga nolosha ah ay la soo dirseen ka dib markii ay Dawladda Talyaaniga ka gaabisay inay Gurmad bin'aadanimo u fidiso dadkaasi, Waxaana dhibaatadda ugu wayn ee haysata dadkaasi lagu sheegay Jiif La'aan iyo Nolol Xumo.

Dadkaasi Soomaalida oo intooda badan ku nool magaalada Rooma ee Xarunta Dalka Talyaaniga ayaa waxaa ay Jiiftaan Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga oo iyada laf ahaanteedu ay haysato duruufo dhaqaale tan iyo markii ay meesha ka baxday Dawladii dhexe ee Somalia.

Soomaali kale oo ka badan inta hadda ku dac daraysan Talyaaniga ayaa la filayaa in dib loogu soo celiyo Talyaaniga, sida laga soo xigtay Saraakiil u hadashay Dhawr Dal oo Yurub ku yaala, Waxaana Talyaaniga oo ah Marinka Koowaad ee Soomaalidu ay ka galaan Yurub la sheegay inaysan ka jirin Fursado Shaqo oo u saamixi Kara Soomaalidu inay ku noolaadaan Dalkaasi.

Dowlada Talyaaniga oo Saaxiib dhaw la ahaan jirtay Somalia xilligii ay Dawladdu ka jirtay isla markaana horay u gumaysan jirtay Qaybo ka mida Dalka Somalia ayaan illaa iyo hadda waxba ka qaban dhibaatooyinka Dadka Soomaaliyeed ku haysta Dalkeeda, iyadoo Soomaaliduna aysan u muuqan kuwo ku quusanaya Dhibaatadaasi, Waxaana wali jira Dad Soomaaliyeed oo danaynaya inay Safaradda Noocaas ah ku tagaan Yurub.

<><><>

Garoomadda Diyaaradaha ee hoos tagga Maamul Gobaleedka Punt Land ayaa laga mamnuucay in lagu soo galo ama looga baxo Baasaboorka Dalka Kenya.

Go'aanka Mamnuucista Baasaboorka Kenya oo uu soo saaray Madaxwayne Ku Xigeenka Punt Land, Maxamed Cabdi Xaashi ayaa loo sababeeyay Tallaabo tan la mid ah oo ay Kenya ku joojisay in dalkeeda lagu soo galo Baasaboorka Soomaaliga ah, Waxaana Wareegtadaasi ka soo baxday Xafiiska Madaxtooyadda Punt Land lagu sheegay in qofkii lagu arko isagoo wata Baasaboor Kenyan ah isla markaana doonaya inuu soo galo ama ka baxo Punt Land loo aqoonsan doono qof Argagixiso ah sidaas darteedna ay ka qaadi doonaan tallaabo dhinaca Sharciga ah.

Punt Land waxay sheegtay inay jartay dhamaan Cilaaqaadkii ay la lahayd Kenya isla markaana aysan wax dabacsanaan ah ka muujin doonin Go'aankeeda inta ay Kenya ka noqonayso go'anka ay ku mamnuucday Baasaboorka Somalia.

Maamulka Somali Land ayaa isna warar ku dhaw dhaw waxay sheegayaan inuu qorshaynayo inuu xayiraad ku soo rogo Baasaboorka Kenya, Waxaana Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somali Land oo codsaday inaan magiciisa la shaacin uu mid kamid ah warbaahinta Muqdisho u sheegay in Muwaadiniintooda ay hadda Safaradda Kenya u maraan dhinaca Dhulka iyagoo ka baxa Magaaladda Muqdisho.

Sarkaalkan waxa uu sheegay in Kenya ay horay uga madax adaygtay inay aqoonsato Baasaboorka Somali Land, sidaas si la mid ahna ay hadda u mamnuucday Kii hore ee Somalia o dhan lagu yaqaanay, sidaas darteedna waxa uu sheegay inay ka fiirsan doonaan Xiriirkii ay lahaayeen Kenya.

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, ayaa sidoo kale iyaduna Muqdisho ka wadda dadaalo ay ku doonayso inay uga dhaadhiciso Milkiilayaasha Garoomadda Diyaaradaha inaysan oggolaan in Garoomadooda looga soo dago ama looga baxo Baasaboorka Kenya, inkastoo Milkiilayaasha Garoomadda Qaarkood ay u muuqdaan inaysan soo jeedintaasi ku qanacsanayn hadana waxay ku adkaysanayaan in haddii ay Tallaabadaasi Garoomadoo dhan si isku mid ah u oofiyaan aysan waxba ka qabin.

Tan iyo markii ay Kenya mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga ah in dalkeeda lagu soo galo waxaa soo badanaya Nacaybka ay Soomaalidu u qabaan Kenya oo Marti galinaysa Xilligan Shirka Soomaalida lagu heshiisiinayo.

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

<><><>

Booliska Dalka Ingiriiska ayaa baarayay Sababtii loo dilay Wiil dhalinyarro ah oo xilli habeen ah marayay Galbeedka London.

Galaal Xamza oo 25 jir ah ayaa isniintii waxaa lagu dilay Xaafadda Kesington ee Galbeedka London, waxaana sidoo kale isla weerarkaasi lagu dhaawacay wiil kale oo la socday kaasoo cagihiisa ku baxsaday isaga oo dhaawac ah.

Wiilkan dhaawaca ah oo Boolisku ay su'aalo waydiiyeen ayaa sheegay in saddex nin oo Mid Cadaan ahaa ay ka hor yimaadeen xilli ay caways ka yimaadeen, Wuxuuna sheegay in markii ay isla sinmeen uu kii cadaanka ahaa la soo baxay Bastoolad dabeetana uu Rasaas Madaxa kala helay Saaxiibkiis taasoo keentay in isaguna uu cararo.

Booliska waxay sheegeen in weerarkaasi ay gaysteen Kooxo Shufto ah, waxayna sheegeen inay ku raad joogaan oo ay suuragal tahay inay soo qabtaan, Iyagoo wiilka dhintayna ku sheegay nin Akhlaaq wanaagsan oo tan iyo markii uu Ingiriiska yimid aan wax dambi ah galin.

Waa dhacdadii labaad ee bishan gudaheeda lagu dilo qof Soomaali ah, Bilawdii bishan ayeey ahayd markii gabar Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loo dilay, Dabeetana Hilbaheedii oo la jar jaray laga helay Waadi ku yaala London.

Gabar Soomaaliyeed oo Lagu Diley London, UK

Nin Soomaali ah oo lugu dilay Sweden

<><><>

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Stephan Kolonzo Mosiyooko ayaa taageeray Soo jeedin dhawaan ka timid Goob Joogayaasha Beesha Caalamka, Wakiiladda Hogaamiye Kooxeedyadda, iyo Xubnaha Guddiga Fududaynta IGAD.

Mosiyooko oo hadal qoraal ah ka soo saaray Nairobi ayaa sheegay in ugu dambayn 30 ka bishan Odayaasha Dhaqanka lagu keeni doono Nairobi, Wuxuuna sheegay in 6 Mayna si rasmiya loo guda gali doono Wajiga Saddexaad ee Shirka, Markaasoo ay Soomaalidu billaabi doonaan inay xushaan Xubanaha Baarlamaanka oo dabeetana dooran doona Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxwayne.

Mosiyooko waxa uu sheegay inuu u kala diray Martiqaadyo Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD si ay uga soo qayb galaan furitaanka Wajiga Saddexaad ee Shirka Kenya, Wuxuuna sheegay inuu filayo in dhamaan Wasiiradda IGAD ay ka soo qayb galaan Xafladda lagu furayo Wajiga Saddexaad ee Shirka.

Dhamadkii Toddobaadkii tagay ayaa kulan ay Nairobi ku yeesheen Goobjoogayaasha Caalamka, iyo Wakiiladda Hogaamiye Kooxeedyadda waxay talo ahaan u soo jeediyeen in ugu dambayn LIxda May la furo Wajiga Saddexaad ee Shirka, iyadoo Casuumaadana loo kala dirayo Hogaamiye Kooxeedyadda ku maqan Dalka Gudihiisa, Waxayna sidoo kale ku taliyeen in xal loo raadiyo Baasaboorka Soomaaliga oo Kenya ay mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo.

<><><>

Eedeymo cusub oo isa soo taraya ayaa kooxaha taageersan Dawlada Suudaan loogu jeediyey in ay xasuuq ka geysteen gobolka ku yaala galbeedka dalka Suudaan ee Darfur.

Ururka Human Rights Watch ee Xuquuqda Aadanaha isla markaana saldhigiisu yahay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in kooxaha Maleeshiyooyinka taageersan dowlada sudaan ay dileen 136 rag ah oo ay ku xasuuqeen hawlgalo xiriirsan oo maleeshiyooyinkaasi ay fuliyeen bishan aynu ku jirno ee April.

Edeyntan ayaa sidookale ku soo beegantay xili hay'ada QM ee udooda xuquuqda aadanaha ay soo saartay hadal qoraal ah oo ay kaga dayrinayaan xaalada gobolka Darfur ee galbeedka suudaan.

QM ayaa sidoo kale ku dadaaleysa sidii Golaha amaanka ay qaraar cambaareyn ah uga soo saari lahaayeen xadgudubyada Dowlada Suudaan ay ku kacayso.

QM ayaa sheegtay in dalka suudaan lagu dilay in ka badan ilaa 100,000 qof isla markaana ay ku guryo beeleen ilaa hal milyan oo qof dagaladii ka soconayey gobolka Darfur ee dalka Suudaan. Iyadoo Dawladda Sudan-na ay ka gaabisay inay illaa iyo hadda wax Jawaab ah ka bixiso Eedaymahaasi.

<><><>

Pentagon-ka Maraykanka ayaa markii ugu horaysay amar ku bixiyay in Warbaahinta Dalkiisu aysan soo bandhigi Karin Muuqaaladda Askarta looga dilay Ciraaq, iyadoo aan oggolaansho laga haysan Pentagon-ka.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii qaar ka mida warbaahinta dalkaasi ay soo bandhigeen Muuqaalo muujinaya Askar Maraykan ah oo lagu laayay Gudaha Dalka Ciraaq, Waxaana ay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanku amar cad ku siisay Warbaahinta Maraykanka inaysan soo bandhigi Karin Muuqaalo walwal ku abuuri kara Dadka Maraykanka ah.

Dhinaca kale Kacdoonka ka dhanka ah Maraykanka ayaa wali ka socda Ciraaq, waxaana magaaladda Karpala ka dhacay Iska horimaad dhex maray Ciidamadda Bulgaria iyo Poland oo dhinac ah iyo Ciidamada Mahdiga ee taageera Wadaaadka Muqtada Sadra, Waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay Labo Askari oo u kala dhashay Poland iyo Bulgaria, halka Ciidamada Mahdigana ay weerarkaasi uga dhaawacmeen lix nin.

Muqtada Sadri oo isna shalay Salaadii Jimcaha kadib qudbad ka jeediyay Masjid ku yaala Magaaladda Kufa ayaa sheegay in haddii ay Ciidamadda Isbahaysiga ee qabsaday Ciraaq isku dayaan inay soo weeraraan Magaalooyinka Barakaysan ee Najaf iyo Karpala ay isku badali doonaan dadka deegaankaasi Bambaanooyin ku qarxa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku shahiidaan Ciidamadda Duulaanka ku soo qaaday Dalkooda.

<><><>

Wakaallada wararka u faafisa Waqooyiga Korea ayaa waxay sheegtay in Qarax wayni ka dhacay goob ay tareenadu ka baxaan

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayey wakaaladu ku sheegtay halka lagu magacaabo Riyon Chon oo ku taala Xadka u dhexeeya Shiinaha iyo Waqooyiga Korea.

Wakaallada wararka ee kcsa ayaa waxay sheegtay sababta qaraxaasi dhalisay inay tahay Taxadar la'aan iyo iyo mid ka mid ah Tareenada oo Siday Maadama lagu magacaabo ammonium neutered ee qaraxda ka dibna ay koronto qabsatay.

Wararka ka imaanaya dalka Shiinaha ayaa sheegay in tiradda dadka ku dhimatay Qaraxaaasi ay kor u dhaafayaan 150 halka dhawacuna uu gaarayo illaa iyo kun saddex boqol.

Waqooyiga wadanka korea ayaa waxay sheegeen in ay jaclaysanayaan Taageero Caalamiya ee ka imaanaysa aduun waynaha ee loogu balan qaaday in la caawiyo kana immaanaysa Wadamada Koofur Korea, Shiinaha iyo Mareykanka.

Qaramada Midoobay ayaa waxay guddi u diraysaa Riyon Chon oo ah goobta uu Qaraxu ka dhacay, iyagoo doonaya in ay geeyaan doowooyin iyo Saad kale.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare20@yahoo.com garyare@msn.com

WARARKII APRIL 22, 2004
. Shirka Soomaalida oo Dib loo bilaabi doono
. Itoobiya oo siideysey Aadan garaase
. Liibiya: Soomaali si xun loola dhaqmay
. Cudurka shuban biyoodka oo dad ku laayey Somalia
. Wakiil Q/ Midoobey ah oo wada hadal la leh DKMG
ka akhri halkan... Guji

WARARKA MUQDISHO EE MAANTA: APRIL 14
.Xeebaha Puntland oo Laga Qabqabanayo Tahriibta
.Maalinta Dhirta Soomaaliya
.Suuqa Bakaaraha oo Dib Loo Dhisayo
Ka Akhri Halkan... Guji

Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD