SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barafka lama shiilo!.

Haddii aad soo hesho cad baraf ah oo aadan doonayn inuu kaa dhalaalo, waxaa haboon inaad weligaa xasuusnaato inaad meel qabow ah ku hayso sida filinjeerka ama wax kale oo u dhigma, laakiin maaha inaad shiisho ama aad karkariso, haddii aad sidaa yeesho waxaad go’aansatay inay biyo kuu soo haraan hadhowna ay kaa qubtaan......

Dowladda federaalka KMG ee ka soo baxday Shirkii Mpegathi, waxay u muuqatay mid aan waxba ka duwanayn cad baraf ah oo ilbiriqsiyo ka dib dhalaali kara, marka loo eego sida ay u dhisan tahay oo ku salaysan awood qeybsi hab beeleed, wax loogu yeeray 4.5, shirka oo ahaa mid dib u heshiisiineed oo la isu soo jiidayay beelo iyo hoggaamiyayaal is qoonsan, ayaa noqday mid daba dheeraaday, maadaama ay badnaayeen boogaha la dhayayo, iyadoo beesha caalamkuna ay waqtiga intaas leeg ku guda jirtay soo caro celinta iyo isu shukaaminta qeybaha Soomaaliyeed ee colaaduhu kala fogeeyeen, si kastaba ha ahaatee intii lagu guda jiray u diyaar gorwga soo guuritaanka dowladda ee gudaha dalka Soomaaliya iyo markii ay soo degtayba, waxaa soo if baxayay astaamo muujinaya in dowladdii barafka ahayd ay qarka u saaran tahay inay dhalaasho, iyadoo aad moodid in saraakiisha sar sare ee dowladda Federaalku ay iyagu yihiin kuwa ku howlan dhalaalinta barafkii ay kala yimaadeen Mpegathi, marka la eego waddooyinka ay marayaan, khudbadaha ay akhrinayaan oo laga dheehan karo hanjabaado ku haboonaan lahaa in la adeegsado waqti munaasab ah oo dowladdanina ay ka gudubtay barafnimada ayna ku istaagtey lugo adag oo bir ah…

Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo ra’iisul wasaarihiisa Prof. Geddi waxaad mooddaa inay gudaha Soomaaliya ku shiilayaan cadkii barafka ahaa ee mudada labada sano lagu soo qaboojinayay waddanka aannu dariska nahay ee Kenya, waxayna xaqiiqdu tahay in labada mas’uul ay iska ilaaween labadii sano ee la fadhiyay dalka Kenya oo waqtiga intaas leeg uu u dhumay baryidda iyo soo caro celinta kooxaha hubaysan ee haatan galay golayaasha dowladda, waxey ahayd inay labadaas sano darsi ka qaataan oo ay fahmaan in dadka talada dalka lala wadaagayo ay yihiin dhinacyadii shalay dagaalka iskula jiray, oo hubkuna uu weli gacmahooda ku jiro, waxay ahayd in labada mas’uul garawsadaan in dowladdani tahay mid aad u jilicsan awood ay wax ku muquunisana aysan lahayn, oo ay u furan tahay oo keliya inay marto hal waddo oo ah wadadii baryada iyo walaalowga.

Waxaa muuqata in Col. C/laahi iyo Prof. Geeddi, mar allaale iyo marka ay kulmaan ay ka sheekeystaan oo keliya jagooyinkooda MADAXWEYNE QARAN iyo RA’IISUL WASAARE XUKUUMADEED, waa hubaal inay madaxweyne iyo ra’iisul wasaareba ay kala yihiin, laakiin sow ma habboona haddana inay maanka geliyaan inay yihiin madaxweyne iyo ra’iisul wasaare dal burbursan in ka badan 14 sano oo fowdada iyo hubku aad ugu baahsan yahay gobol kasta oo dalka ka mid ah, may xasuustaan inay wax la wadaagayaan wasiiro iyo xildhibaanno hubaysan, hubkoodiina weli gacanta ku haysta, malayshiyaadkoodiina ay weli u diyaarsan yihiin.

Madaxweyne C/laahi iyo Ra’iisul wasaare Geeddi maxay u raaci waayeen dariiqii beesha caalamka ee baryada ku dhisnaa markii Kenya la joogay, maxay tahay hanjaabaadaha iyo caga jugleynta ka soo yeeraysa labada mas’uul, ula jeedada loo dhisay dowladdan miyaysan ahayn in laga mira dhaliyo ayna noqoto dowladdani tii rasmiga ahayd ee dalka ka samata bixin lahayd musiibooyinka uu bartanka uga jiro, xasuusnow (MARKA AAD KU SOCOTO MEEL QAR AH OO LAGA DHACAYO, WAXAAD U SOCOTAA SI TAXADDAR KU JIRO OO TARTIIB AH ADIGOO HADBA ADDIN AMA LUG QAADAYA, WAXAADNA SIDAAS ULA JEEDDAA INAADAN QARKA KA FANIININ ADIGOON WELI GAARIN HALKII AAD U SOCOTAY) haddaba dowladdan haatan noo dhisan miyaysan sidaas oo kale ahayn haddii la adeegsado ereyo kulkulul oo hanjabaad ah ama la isku duba rido ciidan iyo olole dagaal, miyaan laga wada dheregsanayn in dowladdu ay kala qubanayso, wasiirku sow ma noqon doono sidii markii hore uu ahaa, xildhibaanku sow kuma biirayo bahdii uu ka soo jeeday, Madaxweynuhu sow ma noqonayo reerkii uu ka soo jeeday, dagaalkii beeluhu soo ma soo noqonayo, beladii iyo barakaciina sow halkiisii kama bilaabanayso, boobkii iyo bililiqadiina sow kuma xigaan, beesha caalamku sow sidii lagu yaqaanayba kuma celcelin doonto ereyadeedii caanka ahaa ee “HA LA HESHIISIIYO DHINACYADA KU DIRIRAYA SOOMAALIYA” sheekadu markaas sow uma soo biyo shubanayso dib u heshiisiin hor leh, Mudane madaxweyne iyo Mudane Ra’iisul wasaare sow ma bedelayso Mudane dagaal ooge rasaastii ayaa naga go’day, ciidankiina Jaad ma haystee keena lacag iyo rasaas?, kala qoqobnaan iyo qaniinyo hor leh dalkan wax ma ka qaban kartaa..?.

Haddaba waxaan ku soo gabagabeyn lahaa qormadeydan in labada mas’uul ay maraan waddo ka wanaagsan midda ay maanta mareen, garabka isku howlay jidgooyo siffeyntana waxaan iyagana kula talin lahaa inay miyir iyo maskax fiyow adeegsadaan, ayna u tanaasulaan shacabkooda Soomaaliyeed, taariikhdana ay ka galaan baal dahabi ah, oo la xasuusan karo, “HADDAAD XUMO GEYSATAY WAXAA KAA MEYRI KARAA SAMAAN BADAN OO AAD XUMAHA KA DABA MARSIISO”.

Fadlan haddaba mudanayaal xildhibaanno iyo wasiiraba, waxaan idinka codsaneynaa inaydaan dalka mar kale u horseedin dagaal iyo dhibaato hor leh, (BARAFKA LAMA SHIILO KARISNA WARKIIS DAA) waxaanna dhammaantiin la idinka rajaynayaa inaad gacmaha is wada qabsataan sida aad u idishihiin, Madaxweyne, Ra’iisul Baarlamaan, Ra’iisul wasaare, xildhibaano iyo wasiiroba...... Barafka lama shiilo!

A.D. Elmi
adelmi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2005


»DAREENKA KHUDBADDA MADAXWEYNAHA  | M. Maax
»
MAXAA DHEELIYAY GAALKACYO NABADEEDA | Kulmiye
»Cadde Muusoow, Ha Gelin Meherad Kaa Dheer | C/Waaxid
»Hogaamiye Kooxeedyada Muqdisho Ma Dagaalamayaan Mise.. | Taako
»Reer Hiiraan ayagaa xaq u leh in ay aayahooda ka tashadaan | M. Elmi
»Digniin ku socoto siyaasiinta D&M Calooshood ushaqeeystiyaalka ah
»Tahniyad Caleema Saarka Ugaaska Beesha Ceyr | Xassan
»Yaa ah Professor?, Dr.? | Mohamed S.Ali
»Shebekadaha Iyo Qalimadda Af-lagaadada Iyo Xumaanta Doortay
»Xaalada Muqdisho ee Maanta | Eng: Mohamed Bashi 
»GABAY::: Maanso inan’ madow | Maansadii abdiaziz osman


Booliiska London oo Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii
Muktar Said Ibrahim iyo Yasin Hassan Omar ayey Booliska London magcaabeen waxayna uga shakiyeen in... Guji..

Dugsi wax Lagu Barayo indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho
»Yemen: Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
Wararka oo dhan ka Akhri Halkan.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD