SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA

SHIRKA XADGUBYADA LAGUSAMEEYO CARUURTA EE WADAMADA BARIGA & KOONFURTA AFRICA OO SOMALILAND KAQEYBGASHEY.

SOMALITALK, South Africa, Shir ey qabanqaabisey Hayada Caruurta ee UNICEF & Xafiiska Xoghayaha Qaramada midoobey oo lagagahadley xadgudbyada loogeesto caruurta ayaa laguqabgtey magaaloweynta Johannesburg 16kii ilaa 20kii bishan Luulyo ee sanadka 2005, shirweynahan oo ey kasooqeybgaleen wufuud kakalasocota wadamada Bariga & Koonfurta Africa iyo saraakiil sarsare oo kasocota xafiiska Xoghayaha Qaramada Midoodey, waxa kale oo kasooqeybgaley shirkaasi safiiro & bahda Saxaafada caalamiga ah.


Magaaloweynta Johannesburg…

Jamhuuriyada Somaliland waxa ugaqeybgashey shirkani isaga ah Marwo Amran Cali Xiis oo kasocotey Ururuda Bulshada ah ee marka lasoogaabiyo magacooda (CCS), iyo Jaamacada Hargeisa, Marwo Amran oo soodhaweyn diiran kalakulantey xafiiska & Jaaliyadda Somaliland ee Koonfur Africa markii ey kasoodegtey gagada Dayuuradaha ee Johannesburg.


Jaamacada Hargeisa, Somaliland

Dayaca caruurta ee Qaarada Africa gaar ahaan wadamada Bariga Africa waa mid aad uliidata marka laga eego dhinacyada Caafimaadka, waxbarashada, Hoyga iyo xanaanada guud ee caruurtu u baahanyihiin, Marwo Amran oo kajeedisey bandhig ey ugawarantey kasooqeybgalayaasha shirkan marxaladaha ubadka Somaliland ey kusuganyihiin ayaa hordhacii hadalkeeda kagahadashey guud ahaanba Jamhuuriyada Somaliland, iyada oo sihanweynaani kamuuqaneyso usheegtey xasiloonida iyo dimuqraadiyada kahanoqaadey Somaliland”, intaa kadibna waxey Marwo Amran usoodhaadhacdey muhiimada hadalkeeda iyada oo kaxaalwarantey xaaladaha kaladuwan oo ey soomareen Ubadka R.Somaliland iyo xaalka ey hada kusuganyihiin iyo ilaalintoodaba, iyada oo tilmaamtey in marxalado kaladuwan ey soomareen dhalaanka Somaliland, kanawantey xaaladaha nololeed ee ey kusaganyihiin hada, iyo mushkiladaha dhaqaale ee kuwareegsan Somaliland gaar ahaan ubadka.


Jaamacadda K/Africa (UNISA), Pretoria South Africa

Mar ey kahadashey jidh dilka lagulakaco ubadka yar yar waxey Marwo Amran tilmaamtey in shirrweynihii kadhacey Geneva, Swizerland bishii November ee Sanadkii 2002kii oo kusaabsanaa ilaalinta caruurta, in Somaliland ey kusaxeexdey in aan lagulakicin ciqaab daran ubadka yaryar “corbel punishment”.

Marwo Amran waxey kale oo kahadashey Agoomaha R.Somaliland iyo goobaha laguxanaaneeyo iyo baahiyaha dhaqaaleed, waxbarasheed ee kajirta Somaliland iyo doorka ururada bulshadu kagajiraan halganka dhowrista xuquuqda ubadka Somaliland, waxey Marwada bandhigeeda kulifaaqnaa fariin ey ugudbineyso wufuud sharafka kasooqeybgaley shirkan oo kusaabsan geedi socodka Ictiraaf Raadinta Somaliland iyo markaste oo ictiraafka beesha caalamka wadankeedu kasugayo caalamka intiisa kale ey raagtoba, waa inta badan ee dayacweyni uu soofoodsaaro ubadka & haweenka Somaliland. Waxa kale oo xusid mudan sida dhiiraanaantu kudheehneyd ee Marwo Amran ugacodsatey wufuuda Qaramada midowdey kasocotey iyo beesha caalamkaba in lacaawiyo dhalaanka Somaliland oo baahiyo badan heystaan.


Saworada: Midig waa Marwo Amran Ali & Waziirada
Ms Geraldine Fraser-Moleketi ee South Africa
oo ah waziirka Public Adminstration, oo kaqeybgaley xafladii safaaradda Masar ey
ugudabaaldagtey sanadguuradii 53 markii ey xornimada qaateen.

Qudbadan Qiimaha & Qaayaha xanbaarsaneyd ee Marwo Amran kajeedisey Fagaaraha Shirka Dhalaanka ee Magaaloweynta Johannesburg waxa uu ahaa kii ugumiisaanka sareeyey marka loo eego wadamadda kale ee shirka kasooqeybgalayey, shirkan middabosocoda oo kadhicidoona Adis Ababa sanadka 2006, waxa gabogabadii ey gacanta kasaartey Sarkaal sare oo kasocdey Xafiiska Xoghayaha Qaramada Midoobey warqad ey ciwaan ugadhigtey “CODSI KASOCDA CARUURTA R.SOMALILAND”, codsigan oo ey kuweydiisey Sarkaalka “HADII AAD ICTIRAAFIWEYDAAN OO AAD U DIIDAAN IN EY SOMALILAND KAMIDNOQOTO BEESHA CAALAMKA OO SIDA WADAMADA KALLEBA DEYN UGAHELAAN BANGIYADA ADUUNKA IYO MAALGASHIBA, MIYAANU MUDANE TAA MACNAHEEDU AHEYN IN EYDAAN DAN IYO MURAAD TOONA KALAHEYN UBADKA REER SOMALILAND”, ayey kuweydiisey , sarkaalku inta uu kanaxey kanaqiiroodey su’aashaasi ayuu sibilaa walaaca ugujawaabey Marwo Amran “MAYA, MARWO MA AHA IN EY ARINTU SIDAA TAHEY, EE WAANU LASOCONAA SOMALILAND IYO MAWQIFKEEDA, MANA DAYICIDOONO UBADKA IYO DADKA R.SOMALILAND” ayuu kuyidhi Sarkaalku inta uu qaatey oo filekiisa geliyey codsigii kasocdey Caruurta Somaliland.

Bahweynta Saxaafada iyo mudanayaal iyo marwooyin kaqeybgaley shirka ayaa kusooxoomey Marwo Amran oo umahadceliyey markii hore, dabadeedna su’aalo badan kaweydiiyey Somaliland iyada oo marwadu jawaabo waafi ah kasiisey dhamaantoodba. Su’aalahasi waxa kamid ahaa kuwo kasocdey Haatuf, South Africa, waxaana uguhoreysey:

Su’aal “Marwo sidaad Bandhigaagii kusheegteyba waxa jira duruufo dhaqaale xumo oo heysta Agoontii ey katageen Mujaahidiintii SNM ee naftoodii uhurey xoreyntii Somaliland, markaa caruurtan, kaalin intee le’eg ayaad wax uguqabataan hadii aad tihiin Ururada Bulshada” Weriyaha Haatuf ee K/Africa.

Marwo Amran Ali Xiis “ waa su’aal muhiim ah, ilaa markii lagasoobilaabo Aasaaskii SOOYAAL, iyo dadkii gacanta weyn kageysteyba ee ururada bulshada ah iyo dadkii mutodaawanimada iyo hor Ilaah wax ulabaxeyba, iyada oo aanan markaa dalka joogin iyo markii 93gii aan imidba waxa dadaalweyn loogujirey daryeelka agoomaha, hooyooyinkii ey katageen Mujaahidiintu, sifiican oo hagarl’aan ah ayaa wax looguqabanjirey agoomaha inkastoo weli ey jirto, laakiin waqtigaasi waxaa jirey maamul aad ufiican isaga oo Mujaahid Yusuf Cabdi Gaboobe uu madax ururka ka ahaa, markaa intii uu katagey maamulkii sidii hore muu aheyn oo isbadal baa kudhacey,. Ururada bulshadu markaste waa dadaalayaan inkasta oo dhaqaale xumo ba’ani kajirto guud ahaanba Somaliland, hadana sida ururkan Sooyaal weli waxaa socota dhaqaalihii waqtigaasi la aasaasey la isku ururiyey ayaa jira oo shaqeya “revolving”.

SU’AAL “Marwo, nooga waran xaalada guud ee wadanka”

Marwo Amran, “Marxalad fiican ayuu kujiraa wadankii, waxa aad loogumashquulsanaa doorashada Parlamaanka oo dhici doonta 15th September hadii Alle yidhaahdo”

Haatuf “ Marwo noogawaran Jawiga udiyaargarowga doorashooyinka Parlamaanka, murashixiinta madaxabanaan ee 3da xisbi soogudbiyeen sidey shacabweynuhu u arkaan, mayhiin musharixiin cilmi iyo waayo aragnimo leh oo u qalma xubinimada Parlaamaanka Somaliland, se majiraan iyadu murashixiin iyagu aan 3da xisbi kasocon oo iyagu isasoosharaxey”?

Marwo Amran” sifiican ayey ahaa jawiga ololaha doorashada parlamaanku, inkasta oo ey jiraan dhaqaale xumo, hadana dadaalweyn ayaa socdey, mana jiraan dad iyagu isasoosharaxey oo aan kasocon xisbiyada dalka kajira, qofkii isasoosharaxyaana waa in uu kasocda 3 dexdaa xisbi midkood”

SU’AAL “ Marwo Amran, dhinaca Jaamacadaha Somaliland iyo Jaamacadan Hargeisa ee aa kamidka tahey waa sidee xaalka waxbarasheed”

Marwo Amran “ Jaamacada Hargeisa waxa hada dhigta ardey dhan 1000 (kun ardey), waxaaney kakoobantahey shan kuliyadood, waxaa jirta in kajirto jaamaca Hargeisa waxbarashada masaafada dheer (Distance & E Learning) oo ey Jaamacada Africa noodhaxeyso Jaamacadayada iyo 3 Jaamacadood oo kuyaal W.America, dufcadii ardeydii uguhoreysey oo 65 ahna ey kaqalinjabiyeen iyaga oo badi shaqooyin heley oo xirfadooda kushaqeysta, 50 kalena ey qalinjabindoonaan “insha-allah” 10ka Augoosto, iyada oo 50kaana loodadaalidoono sidii ey shaqooyin u helilahaayeen, arimaha aan u imid K/Africa ayaa waxa kamid ahaa anaga oo balan lalaheyn Jaamacadaha K/Africa sida Jaamacada weyn ee UNISA oo aanu lakulmey Profesor Africa u qaablisan Jaamacadaa, waanu kulaney waxaana kasoobaxey maxsuul weyn, insha-allah markaan dib Somaliland ugunoqdana warbixino ey noodireen baanu usoodireynaa”

Waxa intii ey joogtey Marwo Amran Cali ey kaqeybgashey xaflad ey Safaarada Masar ee K/Africa ugudabaaldageysey sanadguuradii 53naad ee kasoowareegta markii ey Masar xornimada qaadatey, halkaasi oo eykasooqeybgaleen boqolaal safiiro iyo dad muhiim ah, waxakalle oo marwadu kaqeybgashey shirar tababaro lagusiinayey dhalinyaro kasocotey Koonfurta Suudaan, waxeyna u sheegtey Haatuf in ey aad u jecleysatey in Somaliland na ey tababaro u dirto dhalinta si ey ugaqebqaataan tababaradda sida kan kadhacey UNISA, dhalinyarta reer Somaliland ey kawaantoobaan mukhaadaraadka Qaadka oo ey kafakaraan horumarinta dalkooda.

SU’AAL “ Marwo, Qaadku waa dhibaatooyinka bulsheed “Social Problems” ee heysta wadamada sida Somaliland oo kale, ururada bulshadu markalle wacyigelinta dhibaatooyinka qaadka makahadlaan”

Marwo Amran” Qaadka kahadalkiisu waa “must”, waa waajib , waad aragtaa oo wadankan K/Africa sigaarka ayaa lagamamnuucey, waxaa bilaabey in ey joojiyaan sigaarka maamulkooda iyo siyaasiyiintooda, waxaa lagamamnuucey in meelaha dadweynuhu isuguyimaado aan lagucabin sigaarka, waana arin dhaqangashey oo ma arkeysid south Africa qof meel public ah sigaar kucabaya, markaa sidaas oo kale ayaa loogabaahanyahey dowlada Somaliland in ey marka hore maamulkeedu (sida waziirada, agasimayaasha ee cuna qaadka) joojiyo isticmaalka qaadka, markaasna dadku wey kudayanayaan maamulkooda, dadkii waxey u baahanyihiin wacyigelin lagawacyigeliyo dhibaatoonka qaadka, iminka markaad timaadid shirar sedan u waaweyn waxaad arkeysaa dhalinyaro da’ayar oo sifiican u labisan oo ilkocadcad, kuweenana qaad iyo shah ayaa ilkihii wadamadoobeeyey fakarkii fiicnaana kaqaadey, markaa waa ayaan daro weyn oo heysata dhalinyarta qaadka cunta waanan kudhiirigelineynaa dhalinyartaasi in ey kawaantoobaan oo ey iskadaayaan , waxan kale oo kulatalinayaa dhalinyarta Somaliland meelkaste oo ey aduunweynaha kaganoolyihiin iyo kuwa dalkii joogaba in ey sida diinteena iyo Qur’aanka kariimka ahi inafarayo eynu xumaanta iskareebno wanaagana isfarno ‘WALTAKUN MINKUM UMATUN YADCUUNA ILAL KHERY WAYA’NMURUUNA BILMACRUUF WAYANHAWNA CANIMUNKAR”, markaa dhalinyartu waa in ey wanaajiyaan isticmaalka shabakada Internet ka oo dadbadani iskucaayaan, waxa xun waa in aan laga aamusin oo lasheego, wanaaga iyo kudhaqanka diintana waa in eynu meelkastoo joognaba iskudhiirigelinaa, ta 2aadna waa in ey dhalinyartu waxbartaan oo weliba bartaan xirfad wadankiisa wax uu naftiisa iyo dadkiisa iyo dalkiisaba uguqabankaro” ayey kusoogabogabeysey Marwo Amran Cali Xiis.

Marwo Amran waxey mahadcelisey Iqbal Jhazbay iyo Jaaliyada Reer Somaliland ee K/Africa.

Dhamaad,

Waxaa diyaariyey: Suxufi Saeed Cabdi Fuuraa,
Somalitalk K/Africa

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2005


»DAREENKA KHUDBADDA MADAXWEYNAHA  | M. Maax
»
MAXAA DHEELIYAY GAALKACYO NABADEEDA | Kulmiye
»Cadde Muusoow, Ha Gelin Meherad Kaa Dheer | C/Waaxid
»Hogaamiye Kooxeedyada Muqdisho Ma Dagaalamayaan Mise.. | Taako
»Reer Hiiraan ayagaa xaq u leh in ay aayahooda ka tashadaan | M. Elmi
»Digniin ku socoto siyaasiinta D&M Calooshood ushaqeeystiyaalka ah
»Tahniyad Caleema Saarka Ugaaska Beesha Ceyr | Xassan
»Yaa ah Professor?, Dr.? | Mohamed S.Ali
»Shebekadaha Iyo Qalimadda Af-lagaadada Iyo Xumaanta Doortay
»Xaalada Muqdisho ee Maanta | Eng: Mohamed Bashi 
»GABAY::: Maanso inan’ madow | Maansadii abdiaziz osman


Booliiska London oo Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii
Muktar Said Ibrahim iyo Yasin Hassan Omar ayey Booliska London magcaabeen waxayna uga shakiyeen in... Guji..

Dugsi wax Lagu Barayo indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho
»Yemen: Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
Wararka oo dhan ka Akhri Halkan.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD