-
Cabdi Shire
“C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan waan la kulmey..
-
Xildhibaan Dhalxa
“Waxaan goosanay in si shuruud la’aan ah ku soo
dhaweyno..
-
Midowga Jabhadda
Xoreynta Soomaali.Galbeed oo sheegay in ay u aar
doonaaan.
-
Xubnaha Dowladda ee
ku. sugan Xuddur oo ku kala qaybsan Maamul u
sameynta
-
Dowlada Federaalka
ah oo beenisey in hub ay leedahay lagu kala
iibsanayo
-
Golaha guurtida ee
Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestey maamul u
sameynta..
WARARKA MAANTA::: NOV
21, 2005
Cabdi Shire “C/llaahi
Yuusuf iyo Shariif Xasan waan la kulmey..
Cabdi Shire
Warsame oo ahaa ergay uu Barre Hiiraale u wakiishay in
uu kulamo la soo yeesho Madaxweynaha Dowladda Federaalka
iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan shiikh
Aadan ayaa shalay dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo,
waxa uuna sheegay isagoo u waramayay warbaahinta in
xubnaha labada gole ee ku kala sugan Jowhar iyo Muqdisho
ay diyaar u yihiin in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya
xubnaha Dowladda ee soo jiitamayay mudada sanadka ahayd.
“Waxaana la kulanay Madaxweynaha Dowladda Federaalka,
wuxuuna ii sheegay in uu ku faraxsan yahay in si dhaqsi
leh loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya Xukuumadda” ayuu
yiri Mudane Cabdi Shire oo intaa ku daray “Guddoomiyaha
Baarlamaanka isna waan la kulmay, wuxuuna ii sheegay in
uu soo dhaweenayo dib u heshiisiinta uu wado Barre
Hiiraale”. Cabdi Shire waxaa kalloo uu Magaalada Nairobi
kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka socotay Ururka
Midowga Yurub iyo wadamada deeqda bixiya isagoo sheegay
in ay aad u daneynayaan in si dhaqsi leh loo xaliyo
khilaafka Xukuumadda. Waxaa la filayaa in dhawaan
Muqdisho iyo Jowhar soo gaaro Wasiirka dib u dhiska iyo
dib u dejinta Barre Hiiraale oo isagu go’aamin doona
halka ay ku kulmayaan xubnaha Dowladda.
Xildhibaan Dhalxa “Waxaan goosanay in si
shuruud la’aan ah ku soo dhaweyno..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Jowhar waxay shegayaan in maalintii shalay ahayd Magaaladaasi uu ka dhacay kulan
ay usugu yimaadeen xubnaha labada Gole ee ku sugan halkaasi, waxaana
shir-guddoominayay Madaxwey-naha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed,
waxaana kulankaasi si aad ah loogu lafaguray go’aankii dhawaan ay qaateen
xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo ahaa in ay diyaar u yihiin
in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka.
Prof, Cumar Max’ed Dhalxa oo ah
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka ayaa mar uu u waramay
saxaafadda waxa uu sheegay in si shuruud la’aan ah ay ku soo dhaweenayaan
heshiiska ay qaateen xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho.
“Waxaan go’aansanay in si Soomaalinimo
ah lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda” ayuu yiri Mudane Max’ed
Cumar Dhalxa oo intaa raaciyay “waxaa nasiib daro ah in xubnihii dowladda ee u
soo dhaartay bulshada Soomaaliyeed ay ka bixiyaan dhibaatada in maanta ay kala
qaybsamaan oo ay kala degaan Jowhar iyo Muqdisho.
Mudane Dhalxa waxa uu sheegay in
dhawaan ay magacaabi doonaan guddi isugu dubarida isku keenida xubnaha labada
Gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, balse ma uusan carabaabin halka ay ku
kulmi doonaan xubnaha labada Gole.
Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali.Galbeed oo
sheegay in ay u aar doonaaan.
Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali
Galbeed (United Western-omali Liberation Front) ayaa war saxaafadeed ay soo
saartay si aad ah uga xumaatay gumaadka Ciidamada Itoobiya Magaalada
Qabri-Dahare ugu gaysteen shacabka Soomaali galbeed kuwaasoo isugu jira waayeel
iyo Cuqaal oo aysan jirin wax ay galabsadeen.
Midowga Jabhaddu waxa ay balanqaaday
in ay ka aarsan doonto kuwii ka dambeeyay falalkaasi, waxayna si geesinimo leh
ugu dhiirigalineysaa jabahaddu shacabka Soomaali galbeed in ay u diyaargaroobaan
dagal lala galo maleeshiyada Itoobiya.
Sidoo kale waxa ay sheegtay Jabhaddu
in Dowladda Itoobiya iyo maamulka maqaar saarka ee Kililka shanaad ay haatan ku
howlan yihiin in ay iska kaashadaan sidii qasab loogu geyn lahaa dhallinyoar
Soomaali Galbeed dagalka la filayo in uu ka dhex dhaco xuduuda Eriteriya iyo
Itoobiya.
Waxayna uga digeysaa cid kasta oo isku
dayda ama u fududeysa in la qafaalo dhallinyara Soomaali Galbeed ay la kulmi
doonaan cawaaqib xumo, waxaana war saxaafa-deedkaan na soo gaarsiiyay xafiiska
warfaafinta ee Jabhadda ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku saxiixnaa C/llaahi
Cismaan Gaashaan.
Xubnaha Dowladda ee ku. sugan Xuddur oo ku kala
qaybsan Maamul u sameynta
Xubaha Dowladda ee ku sugan Magaalada
Xudur ayaa la sheegay in ay si aad ah ugu kala qaybsan yihin sidii maamul loogu
sameyn lahaa Gobalka Bakool, waxayna kala qaybsanaantaani ku soo beegan xilu
ergo gaareysa 250 ay Magaalada Xudur u fadhiyaan sidii maamul loogu sameyn lahaa
Gobalka.
Qaar ka mid ah Wasiirada ayaa waxa ay
ku tilmaameen maamul u sameynta Gobalka Bakool mid aan loo dhameyn oo ay wataan
kooxo taageersan xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar,waxay kalloo
sheegeen in beelah ku nool Magaaladaasi xitaa aysan ka warqabin maamul u
sameyntaasi.
Xubnaha Wasiirada waxay sheegeen in
Gobalka lala damacsan yahay wixii ka dhacay Magaalada Baladweyne oo maamul u
sameyntiisa ay isku qabqabsadeen beelaha dega Gobalkaasi.
Qaar ka mid ah Dadweynaha Gobalka ayaa
iyagu si aad ah u soo dhaweeyay maamul u sameynta Gobalka Bakool, waxayna
sheegeen in maamulkaani uu wax ka tarayo sidii dib loogu soo celin lahaa Gobalka
adeegyadii Bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo korontada oo ku
burburay dagaaladii sokeey.
Dhinaca kale Max’ed Ibraahim Xaabsade
oo ah xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa isna ku tilmaamay maamul u
sameynta Gobalkaasi mid aan loo dhameyn .
Dowlada Federaalka ah oo beenisey in hub ay
leedahay lagu kala iibsanayo
Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir ku
xigeenka Warfaafinta yaa si kulul u beeniyay warar todobaadyadii la soo dhaafay
ay qorayeen qaar ka mid ah saxaafadda Muqdisho oo ahaa in hub gaaraya 2500 oo
qori oo ay leedahay Dowladda Federaalka lagu kala iibsanayo Suuq Cir-Toogte ee
Bakaaraha, wuxuuna ku tilmaamay wararkaasi kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
“Ciidamada ku jira Xeryaha hubkooda
waa la koontaroolaa oo Askarigii lagu helaa in uu hubkiisa bixiya xabsiga ayaa
loo taxaa” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo intaa raaciyay “Hubka ku xareysan
bakhaarada waa mid mar kasta lagu hayo koontarool iyo la socosho, iyadoo hubkii
ka baxa Bakhaaradda uu yahay hub ay og tahay Dowladdu”, isagoo ku soo jeediyay
Saxaafadda Muqdisho in ay ka digtoonaa-daan warka noocaas oo kale ah oo aan ku
fadhin xaqiiqda
Golaha guurtida ee Digil iyo Mirifle oo ka soo
horjeestey maamul u sameynta..
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Beelaha
Digil iyo Mirifle C/kariim Ibraahim Ibroow iyo ku xigeenka Golaha Guurtida
Beelaha Digil iyo Mirifle Barre Cali Maadey ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa
si weyn ugu soo horjeestay qaab dhismeedka Golaha deegaanka Gobolka Banaadir ee
ay dhowaan ku dhawaaqeen xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho,
Kadib markii shir ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta sar sare ee Golahaan oo
looga hadlaayey dhismaha Gobolka Banaadir ay isku af’garteen in wixii qayb ah
ee ka soo gaaray ka beel ahaan ay ka tashdaan, waxayna Mas’uuliyiintaan qaabka
ay u qaybsheen xubnaha maamul u sameynta Gobolka Banaadir loo xil saaray ku
sheegeen in uu san ahayn mid sharci iyo nidaam ku dhisan, sababtoo qaab
Beeleedka ay ku sheegeen xubnaha loo xilsaaray maamul u samaynta Gobolka in wax
lagu qaybsanayo ay tahay qaab Beeleed , bale aan waafaqsanayn 4.5ka, waxaana u
aragnaa in lagu qaybiyey Cadaalad daro iyo sed buri ayey yiraahdeen
mas’uuliyiintaan.
Mas’uuliyiintaan ayaa waxay intaa ku dareen in
Xamar iyo Xamar daye cadaalad daro wax loogu qaybiyo anagu ma qaadan karno ayey
yiraahdeen, Lixda xubnood ee la siiyey Beelaha Digil iyo Mirifle ninkii soo
qaaday uma soo qaadin qaab Beeleed ee wuxuu u soo qaaday qaab shekhsi, mana
matalo beesha, wixii dhibaato ah ee ka yimaadana iyaga ayaa mas’uuliyadeeda
qaadidoona ayey yiraahdeen mas’uuliyiintaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2005
Dr.
Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi
"Axdi qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada
Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn"..
Guji..
Qaxootiga
Somaliyeed ee dalka Yemen oo weli horseexda Xarunta UNHCR-ka
Kulan dheer oo dhex maray gudi ah ay iska
xuleen qaxootiga meesha isku yimi iyo mas`uuliyiinta UNHCR Yemen...
Guji Nov
20
Sifir oo jooga
London: Dhaqaale la siiyo DFKMG waxa uu ku xiran yahay in ay Marka Hore
la heshiisiiyo
Warkaas iyo Wasaarada Jaaliyada Dibeda ee
Dawlada Soomaaliya oo kulan ku qabatay Dalka Norway...
Guji...
Nov 20
Barre Hiiraale
“Anigu waxaan ka mid ahay Kooxda Muqdisho waxaase diyaar u ahay..
»33-xubnood
oo isku diiwaangeliyay baaarlamaanka Banaadir
»G/Sare
Max’ed C/raxmaan Cismaan oo lagu diley Muqdisho
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Nov 20
Madaxweynaha
Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan
Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka
Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee
dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi...
Guji
Nov 19
Xubnaha Labada Gole oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geedi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan
Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji
Radio
Xoriyo oo khadka Telefoonka ku wareystay Nin Joogey Xasuuqii Qabridahare
Max’ed Qanyare
“Waan tageynaa Jowhar laakiin ..."
»Maamulka
Max’ed Dheere oo xirxiray wadaadada Takfiirka..
»Shariif
Xasan oo u safraya wadamada Carabta....
»Afgooye:
Dad u dhintay
Caano Sun ah oo ay cabeen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Guji... Nov 19


|