SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac

Ciyaar waa gelin dambe

Qaybtii 3-aad

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Taageerayaasha kooxda Muqdisho labo ka mid ah oo sheekeysanaysa ayaa mid ka mid  la soo booday oo yiri “Walaalow Nin baan tabayaa, mana garanayo halka uu ku maqan yahay maalmahan Garoomada kuma arkin”, kii kalaa soo booday oo yiri “waa kuma ciyaaryahankaasi” Markaasuu waxa uu yiri “kii murqaha kuusnaa oo gaabnaa, isku kaawiska ahaa” inta uu soo booday ayaa wuxuu yiri “Haaaa.. waa ciyaaryahan Jinni Boqor” markaas ayuu yiri “walaahi waa runtaa maalmahan waa uu maqnaa, balse waxaan kuugu bishaareynayaa in uu soo laabtay” inta booday ayuu wuxuu yiri “Wallee waa ciyaaryahan khatar ah, oo meesha dabeysha naga soo gashay ilaa waa booskiisa, oo haddii uu joogi lahaa dibirta yartaa naguma dhacdeen, oo mar ayaan ku siganay in ciyaarta aan ku dhiibno For-Fight waase Al-Xamdulilaahi”.

            Kooxda Jowhar waxay wadaa qorshe ay ku dooneyso in ay kaga adkaato kooxda Muqdisho, waxaana maalmahan hadalo kulul ka soo yeerayay ciyaaryahan ka mid ah kuwa keydka(On the Bench)  oo lagu Magacaabo Salaad Cali Jeelle oo dhawaan warfiyeenka u sheegay in ay soo dhowdahay guushii kooxda Jowhar, wuxuuna kula dardaarmay taageerayaasha Jowhar in ay iska adkeystaan.

            Mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Muqdisho ayaa waxa uu yiri “afhayeenkaan ee kooxda Jowhar miyaanan u hayn qof kale”, kii kale ayaa soo booday “Nacam, waa jooga ee ma garaneysid miyaa”, markaa ayuu yiri “maya” isagoo tilmaamaya ciyaaryahanka magaciisa ayuu ku yiri “Ma waxaad garanweyday ninka Haargaantiga ah, oo si aad ah uga cabasadaan kooxda Jowhar ee lagu magacaabo Cumar Xaashi” “haaaa.. haddaan gartay maalmahan waa la iga fiicnaa, laakiin waxaan ku weydiinayaa waqtiga ciyaartaani ay dhamaan doonto, waan ku jahwareernee, waa ciyaar aan dhamaad lahayn, mana wanaagsana in ciyaarta mar kasta ay iska ahaato barbar-dhac waa in koox la buurtaa”, kii kale ayaa soo booday oo yiri Soomaalidu waxay tiraahdaa “labo Maroodi meeshii ay ku dagaalanto cowska ayaa ku baaba’a”, Haddii aan nahay Bulshada rayidka ah cowskii ayaan nahay, marka waa in aan ka tashanaa labadaa kooxood oo is mari la’”

              Codad laga qaaday rag si aad ah u yaqaanna ciyaarta K/Cagta ayaa wax laga weydiiyey sida ay u arkaan ciyaartan K/Cagta ah, waxayna qaarkood sheegeen in ciyaartani ay ku dhammaanayso bar-bar dhac, iyadoo kuwo kalena ay yiraahdeen “Waxaa xoogaa xirfad wanaagsan kooxda ka socota Jowhar”,                      labada kooxood ayaa qal-qaallo ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen ciyaaryahan Khadka dhexe ka ciyaara oo lagu Magacaabo Xuseen Ceydiid, Xuseen laba-labeyn ayaa gashay, wuxuu la’yahay kooxda uu qandaraaska afarta sano ee soo socota u saxiixayo, waxa uu la tashiyo maalin walba la sameeyaa Xuseen taageerayaasha oo uu weydiinayo kooxda wanaagsan ee la dhihi karo guul ayay heleysaa, inkastoo mararka qaarkood u gacan togaaleeyo kooxda C/llaahi Yuusuf ee Jowhar, mar uu shir jaraa’id qabtay ciyaaryahan Xuseen ayuu si aad ah ugu ammaanay kooxda Jowhar, kooxda Muqdisho way ka tashadeen ciyaaryahankan, waxayna sheegeen in uusan waxba ku soo kordhin Karin, waxayna ka raadsadeen ciyaaryahan kale.

Tababaraha kooxda Jowhar waa Milles Zanawi oo isma muujinayo wuxuu ciyaarta ka maamulayaa Tabuunka halka Kooxda Muqdisho aysan haysan tababare  waxayna ciyaartayda ku calaacalayaan “Hana loo keeno Tababare  si aan uga adkaano Kooxda Jowhar” “ War lama wadi karo ciyaar aan tababare lahayn “

            Kooxda Muqdisho waxay ka tashanayaan sidii ay ciyaar kale uga dhici lahayd Gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo ay ku han weyn yihiin in ay guul ka gaari karaan, waxaana fikir dheer ku jira Cali Max’ed Geeddi oo isagu doonaya in ciyaartan ay ka dhacdo gudaha Muqdisho, si halkaasi la isugu arko, mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Muqdisho ayaa waxa uu yiri “Wallaahi, Cali Max’ed Geedi waxa uu wadaa qorshe khiyaano ah oo uu doonayo in uu nagu jilaafeeyo, ra’yul caalamka uu ku qaldo, si uu u helo xoogaa lacag ah oo ka xayiran”  iyadoo kooxda Muqdisho maalmahan ay soo wajahday xoogaa dhaqaale yari ah, taasina waxay keentay in ay ragaadiso soo iibsashada ciyaartooy fir-fircoon, isla markaana qaar kale oo ciyaartoydeeda ka tirsan ay mushaar dhimis ku sameysay, waxaana haatan Kabtanka kooxda Muqdisho Shariifka ku maqan yahay dibadda, isagoo raadinaya Billionaires maalgeliya kooxda si ay uga kabato dhibaatada dhaqaale, geba-gebadiina ciyaaraha la wada sugayo haatan waa kuwa ka kala dhici doona Muqdisho iyo Balcad oo saldhig u ah labada kooxood. wixii natiijo ah oo ciyaarahaasi ku dhamaadaan waa idinla soo socod siin doonnaa Nabadgelyo  Dhamaad

Qaybtii 2aad halkan ka akhri

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2005

»Jawaab Maqaalkii "SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY"
»SALADHIGGA GUULDARADA SOOMAALIYA!! | Garaad
»Xuska  Maalinta Nabadda Adduunka | Baaq Nabadeed | Xuseen
»Diiwaan:  Maansadii 41aad ee DoodWanaag | Cali-Mataan
»
Cali Xalane waa ku fududaayey Dhaleecaynta Dhaqanka | Cabdinur
»Muqdisho iyo Jowhar Barbar dhac | Amiin Yuusuf
»»Ka dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay | Cige
»PL: Horumar miyaa laga Hortaagan yahay mise Burcad
»
Terry iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad | Maestro
»
Shacabka Puntland wKhayraadkooda Ha difaacdaan


»Waxaa la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka
»Cade Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase  waa  Ganacasade

»
Qoraalkii Maxamed Baashe Xusuustii uu kiciyey | Kayse
»Ficilada Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah | MM
»Maamul Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid
»
Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»
Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD