| 
 
											
											Barnaamijkii Radio Xoriyo 
					 
					
					14 October. 2005 
						
						
						Wakiilka Tigreega ee 
						Ogaadeenya oo dafiray muwaadiniinta ku xidhan Hargaysa. 
						
						 Xubnaha mucaaradka 
						Itoobiya oo laga qaaday dhawrsanaantii xildhibaanimo.
						 Suudaan 
						iyo Eritereya oo isu soo dhawaanaya. 
						
						
						Ciidammada Qaramada 
						Midoobey oo ka digay xadka Erotereya iyo Itoobiya. 
						
						
						Barnaamijkii Xog-warran oo 
						aan waraysi kula yeelanay Sayyid Maxamed oo dhulkii 
						hooyo mardhow kasoo laabtay. 
					
					====================== 
					Laanta af soomaliga ee British 
					Broadcasting Corportion ayaa maalintii Arbacada ahayd 
					waraysi la yeelatay ninka ay Tigreegu u doorteen inuu u 
					fadhiisto xafiiskooda Jigjiga oo wakiil uga noqdo arrimaha 
					Ogaadeenya. In kastoo uu aad isugu dayay inuu u muuqdo qof 
					isku kalsoon oo masuul ah, haddana waxaa dhagaystyaashii 
					su'aalaha soo weydiiyay u cadaatay inuu yahay qof cabsi 
					badani ay ka muuqato oo iska ilaalinaya inuu ka cadhaysiiyo 
					Wayaanaha soo dirsaday.   
					Arrimaha dadwaynaha aad uga 
					yaabiyay ayaa waxaa ka mid ahaa jawaabtii uu ka bixiyay 
					markii la weydiiyay muwaadiniinta reer Ogadenya ee sida 
					xaqdarrada ah ugu xidhxidhan magaalada Hargaysa ee waqooyiga 
					soomaaliya, isagoo kaga jawaabay arintaas ma aanan maqal iyo 
					ma ogi dad halkaas ku xidhan.  
					Wuxuuna wakiilka Tigreegu 
					ammaan ayna mutaysanin dusha u saaray soomaali diidka ka 
					taliya magaalada Hargaysa, isagoo ay jawaabtiisa ka muuqatay 
					inuu isagu ictiraafay, ka hor intayna Itoobiyada uu u 
					shaqeeyo ictiraafin. Waxaana suaashii la weydiiyey iyo 
					hadalladiisii ka mid ahaa;   
					
					Xubnaha mucaaradka Itoobiya oo 
					laga qaaday dhawrsanaantii xildhibaanimo.  
					Xubnihii xisbiyada mucaaradka 
					ahaa ee qaaddacay baarlamaanka cusub ee Itoobiya ayaa laga 
					qaaday awooddii iyo xuquuqdii dhawrsanaanta xildhibaanimo, 
					taasoo ka dhigan in maxkamad la soo saari karo ama xabsiga 
					loo taxaabi karo.   
					Xildhibaannada xisbiyada 
					mucaaradka ah ee CUD iyo EUDF ayaa qaaddacay baarlamaanka 
					cusub oo isniintii la furay, ka dib markii ay xukuumadda 
					Zenawi dhegaha ka daboolatay cabooshoyinkoodii ku saabsanaa 
					musuqmaasqii lagu sameeyay doorashadii 15 May la qabtay.  
					Xisbiga keligii taliye Meles 
					Zenawi ee EPRDF ayaa soo jeediyay in xildhibaannada 
					mucaaradka ee baarlamaanka soo xaadiri waayay laga qaado 
					awoodda dhawrsanaan xildhibaanimo ee ay ku heleen xubinimada 
					baarlamaanka.  
					Keligii taliye Meles ayaa mar 
					kale ku celiyay in qaaddacaada ay mucaaradku qaaddaceen 
					baarlamaanka cusub ay ka dhigan tahay inay dastuurka dalka 
					ku xadgudbeen, isla markaana ay doonayaan inay dawladdiisa 
					afganbiyaan. Wuxuu kaloo sheegay in xildhibaannada mucaradku 
					ay awoodda dhawrsanaanta diblumaasiyadeed u adeegsanayaan 
					inay dastuurka ku burburiyaan.  
					Xisbiyada mucaaradka ah ayaa 
					tallaabadan aad uga xanaaqay, hase yeeshee ilaa iyo hadda 
					wax jawaab ah kama ayna bixinin. Mucaaradku waxay hadda ka 
					hor ku baaqeen in la soo dhiso dawlad ay mucaaradka iyo 
					EPRDF u dhan yihiin, taasoo soo diyaarisa doorasho cusub, 
					balse waxaa arrintaas ku gacan saydhay, oo sheegay inuu 
					dagaal ka xigo keligii taliye Meles Zenawi.  
					Suudaan iyo Eritereya oo isu 
					soo dhawaanaya.  
					Dalalka Suudaan iyo Eritereya 
					ayaa isniintii shaaca ka qaaday inay ka shaqaynayaan sidii 
					ay u xoojin lahaayeen xidhiidhkooda oo sannadihii u 
					denbeeyay oo dhan aad u xumaa. 
					 Wasiirka arrimaha dibada ee 
					dalka Suudaan Lam Akol Ajawin ayaa sheegay in dawladiisu ay 
					soo dhawaynayso oo si fiican uga jawaabayso tallaabada ay 
					Eritereya qaadday ee ah sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka 
					labada dal. Ajawin wuxuu sidaas sheegay, ka dib markii 
					magaalada Khartuum ku soo dhaweeyay wafti reer Eritereya ah 
					oo uu horkacayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibada 
					Maxamed Cumar.  
					Ajawin wuxuu labada dhinacba 
					ugu baaqay inay si fiican u qabanqaabiyaan wadahadallo rasmi 
					ah oo lagu raadinayo heshiis ku saabsan waxa ay labada dal 
					wadaqaban karaan, si xidhiidhkii labada dal loo soo celiyo.  
					Madaxa waftiga Eritereya 
					Maxamed Cumar ayaa isaguna dhiniciisa sheegay sida uu ugu 
					faraxsan yahay soo dhawaynta lagu soo dhaweeyay magaalada 
					Khartuum, taasoo ka turjumaysa buu yidhi in Suudaan ay 
					jawaab oggolaansho ah ka bixinayso tallaabadii xidhiidhka 
					lagu wanaajinayay ee dawladiisu qaadday.  
					Wuxuu kaloo sheegay in 
					Eritereya ay ku tallaabsatay sidii ay labada dal u xidhiidhi 
					lahaayeen oo uga doodi lahaayeen qaabka loo sii xoojin karo 
					horumarka hadda lagu tallaabsaday iyo waliba sidii looga 
					wadaxaajoon lahaa qaabkii gobolka nabad iyo xasillooni looga 
					dhalin lahaa.  
					Ciidammada Qaramada Midoobey 
					oo ka digay xadka Erotereya iyo Itoobiya. 
					 Xayiraadda cusub ee lagu soo 
					rogay dhaqdhaqaaqa ciidammada nabad ilaalinta ee Qaramada 
					Midoobey waxay mustaxiil ka dhigtay in la ballanqaado in 
					xadka Itoobiya iyo Eritereya uuna ka soconin dhaqdhaqaa 
					millatari, sidaas waxaa khamiistii sheegay afhayeenka 
					ciidammada nabad ilaalinta u jooga xadka labadaas dal. 
					 “Sababtu waxay tahay iyadoo 
					ay jiraan meelo aanaan arki karin waxa ka dhacaya, mana hubi 
					karno in abaabul millatari halkaas laga wado, sidaas waxaa 
					yidhi afhayeenka ciidammada nabad ilaalinta oo 
					warfidiyeennada kala hadlayay magaalada Casmara.  
					Horrantii bishan ayay dawlada 
					Eritereya xayiraad ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa ciidammada 
					nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey, iyadoo mamnuucday in 
					diyaaradaha helikobtarka ah ee ciidammadaasi ay duullimaad 
					ku sameeyaan dhulka millatariga ka caaggan ee xadka ku 
					teedsan oo dherarkiisu dhan yahay 1000 kilo mitir. 
					 Afhayeenka ciidammada nabad 
					ilaalintu wuxuu kaloo sheegay inuuna garan Karin sababta 
					xayiraadda loogu soo rogay iyo goorta laga qadi doono. 
					 Radio 
					Xoriyo 
					
					14 October. 2005 
					
					C/nuur Sh. Maxamed  
					
					radioxoriyo@ogaden.com 
					
					raadioxoriyo@yahoo.com
 
					
					Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee 
					dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 
					7: 30PM waqtiga Afrikada Bari Faafin: SomaliTalk.com | 
					Oct 14, 2005 
					
					Yemen oo Qiratay in ay Hub u Dirtay Soomaaliya iyadoo 
					Jebisey Cunaqabatayntii »Jawaab 
		Maqaalkii "SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY"Sarkaal ka tirsan Yemen ayaa qiray in 
					dawlada Yemen ay hub gaarsiisey Soomaaliya intii u dhexeysey...
					
					
					Guji... Oct 10
 »SALADHIGGA 
		GUULDARADA SOOMAALIYA!! | Garaad
 »Xuska  
		Maalinta Nabadda Adduunka | Baaq Nabadeed | Xuseen
 »Diiwaan:  Maansadii 41aad ee DoodWanaag 
		| Cali-Mataan
 »Cali 
		Xalane waa ku fududaayey Dhaleecaynta Dhaqanka 
		| Cabdinur
 »Muqdisho 
		iyo Jowhar Barbar dhac | Amiin Yuusuf
 »»Ka 
dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga 
nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay | Cige
 »PL:  
		
		Horumar miyaa laga Hortaagan yahay mise Burcad
 »Terry 
iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad | 
Maestro
 »Shacabka 
Puntland wKhayraadkooda Ha difaacdaan
 »Waxaa 
la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka
 »Cade 
Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase  waa  Ganacasade
 »Qoraalkii 
		Maxamed Baashe Xusuustii uu kiciyey | Kayse
 »Ficilada 
		Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah | MM
 »Maamul 
		Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid
 »Baaqa 
		Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| 
		kaashawiito
 »Qoraal uu 
		London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
 »MAQAALADA KALE 
		EE MAANTA::: 
		KA AKHRI HALKAN... GUJI..
 |