SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
WASIIRKA ARIMAHA DIBEDDA EE KENYA OO ERGOOYINKA SOOMAALIDA MAANTA LA SHIRAY

imdeeq@hotmail.com

 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Eldoret |

Janaayo 22, 2003

 

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kenya Hon. Kolonzo Musyoka ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta uu shirka dib u heshiisiinta Soomaalidu ka socdo ee magaalada Eldoret. Mr. Kolonzo oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen Ergeyga cusub ee uu Mdaxweyne Kibaki u magacaabay Soomaaliya Amb. Bethuel Kiplagat iyo ergaygii hore ee la bedeley Mudane Mwangale ayuu wasiirku isagoo Wufuudda shirka la hadlaya sheegay inuu madaxweyne Kibaki markii la doortayaba uu caddeeyey inay ka go’an tahay sii wadidda hawlaha nabadaynta Soomaaliya iyo Suudaan isagoo caddeeyey inuu shirku sii soconayo ilaa iyo inta ay Soomaalidu ku heshiinayso isla markaana ay dawlad loo dhan yahay ka dhisanayaan. Wuxuu wasiirku maanta shaaca ka qaaday inay wasiirada arimaha dibedda IGAD 29’ka bishan kulan ku yeelan doonaan magaalada Adis Ababa, lagana sugayo inuu warbixin halkaas hor geeyo.


Wasiirka Arimaha Dibedda oo shirkii Maanta ka hadlaya (midig Kiplagat)

Mr. Kolonzo Musyoka wuxuu hogaamiyaasha siyaasadda ee Soomaalida ugu baaqay inay miiska wada hadalka soo xaadiraan si ay khilaafaadka u dhexeeya u xalliyaan dabadeedna dawlad u dhistaan. Isagoo qeexay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay inay sii waddo marti gelinta shirka ilaa iyo inta uu ka midho dhalayo. Wuxuu kaloo Mr. Musyoka carrabka ku dhuftay inuu madaxweynihiisu ergey cusub oo waayo aragnimo xalinta khilaafaadka iyo Soomaaliyaba u leh u magacaabay Soomaaliya, isla markaana uu Mr. Mwangale oo 3 bilood shirka hogaanka u hayey uu shaqo aad u wanaagsan shirka ka qabtay. 

Wasiirka oo Soomaalida la hadlayeyna waxaa hadaladiisii ka mid ahaa: “Badankiin waxaad halkan joogteen Saddex bilood idinkoon arag qoysaskiinii, idinkoo qabey rejo ah inaad halkan kala tagtaan heshiis berri iyaga u roon, waa inaad rejadaas sii waddaan, doonistani waa inaysan dhiman waayo dadkii aad ka soo tagteen idinkay idinku tiirsan yihiin”. Wasiirku wuxuu kaloo hogaamiyayaasha siyaasadda, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo bulshada rayidka ah ugu yeedhay inay dar dar geliyaan dadaalkooda ay ku raadinayaan xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed iyo dhibaabaha dalkooda ka oogan. Wuxuuna yidhi: “in Soomaaliya dawlad loo unkaa waxay u baahan tahay dadaal weyn” , wuxuuna hogaamiyayaashii heshiiska xabad joojinta 27kii oktoobar saxiixay ugu baaqay inay heshiiskaa dhawraan.

 Wasiirka kaddib waxaa madashii maanta ka hadlay gudoomiyihii hore ee gudiga farsamada IGAD oo ugu horraynba u mahad naqay saaxiibadiisa gudiga farsamada IGAD oo uu sheegay inay door weyn ka ciyaareen inuu shirku heerkan soo gaadho, wuxuuna Mwangale sheegay in dadkii Soomaaliya dawladeeda daadihin lahaa ay maanta shirkan fadhiyaan, isagoo sheegay inuu waayo aragnimo weyn kororsaday intii uu Soomaalida la shaqaynayey waxaana hadaladiisii maanta ka mid ahaa isagoo yidhi; “Ma fududa sida geedi socodkan nabadeed loo maamulaa sidaa awgeed waxaan ergeyga cusub kula talinayaa inuu fiiriyo indhaha hogaamiyayaasha oo haddii uu dhinac kale dhugto uu khalad ku dhacayo”. Wuxuu kaloo ergayga cusub kula taliyey inuusan dhayalsan waraaqaha ay hogaamiyaashu u soo qoraan, haddii uu sidaas yeeli waayana wuxuu xusay inay waraaqahoodu ugu horaynba gaadhi doonaan madaxweynaha iyo xoghayaha guud isaguna uu noqon doono midka ugu dambeeya ee waraqahaas hela.

Ugu dambayntiina Mr.Mwangale oo hadalkiisii maanta si weyn loola dhacay wuxuu ku soo gebagebeeyey isagoo sheegay inuu geedi socodka nabdeed ee Eldoret Soomaalida uga socdaa yahay geedi socodka adduunka ugu muhiimsan.


Bethuel Kiplagat Iyo Elijah Mwangale (Shirkii maanta)

 Mwangale kaddib waxa hadalkii u baxay ergayga cusub ee uu madaxweynaha Kenya Soomaaliya u soo magacaabay Bethuel Kiplagat oo isagoo faraxsan oo dhoola caddaynaya xusay inuu Soomaaliya aqoon durugsan u leeyahay, wuxuuna sheegay inuu Soomaaliya u diray ergay booqday 1975kii oo ay abaartii Daba Dheer Soomaaliya ku habsatay, xiligaas oo uu Kaplagat xaqiijiyey inuusan xiriirka Soomaaliya iyo Kenya wanaagsanayn. Ergeyga cusubi wuxuu maanta shirweeynihii ka sheegay inuu tegitaankii ergeygaas (waqtigaas) Soomaaliya uu labada dal u furay xiriir wanaagsan, waayo buu yidhi ninkii markaa dhibaatada abaarta qaabilsanaa ee Soomaliyeed ayaa la fajacay imaatinka (Kenya), wuxuuna ii sheegay buu yidhi inaysan marnaba filayn inay Dawladda Kenya dhibaatada abaarta darteed cid u soo diri doonto. Wuxuuna yidhi: “markii aan dalkayga ku soo noqday ee madaxweeynahaygii u warramay isla markiiba wafti madxweynaha Kenya ayaa Soomaaliya u duulay, halkas ayuuna ka bilowday xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya inuu wacnaado”.

 Mar uu shirka Eldoret ka hadlayeyna wuxuu sheegay inay Soomaalidu xalka kama dambaysta ah gaadhi karto, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Adduunyadoo dhami idnkay idin eegaysaa, caruurtii Soomaaliyeed, dadkii waayeelka ahaa iyo kuwa dibedda qaxootiga ku ahiba idinkay idin soo dhawrayaan sidaa awgeed waa inaynu si wada jir ah u shaqaynaa”. Wuxuu kaloo Mr.Kaplagat caddeeyey inay Soomaalidu shirka u siman tahay, wuxuuna yidhi: “Ma jiro qof keligii muhiim ahi, ma jiro qof yari, lama odhan karo kaas ayaa muhiim ah waayo kuligeen muhiim baynu nahay”. Wuxuu kaloo shaaca ka qaaday inaysan ahyn in Eldoret wakhti badan la sii joogo, wuxuuna ergooyinka weeydiiyey: “Ma soo gaabin karaa geedi socodkan nabadeed?”.

Dhinaca Soomaalida waxaa maanta shirkii ka hadlay Col. C/llaahi Yuusuf oo ku hadlayey magaca hogaamiyaasha iyo magaca ergooyinka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in markii uu Soomaaliya joogay la isla dhex marayey in shirku bur-buray laakiin ay hadda u muuqato inuusan shirku bur-burin ilaa iyo inta uu midha dhalayana uu socon doono. Wuxuu kaloo xusay inay u muuqato inay dawladda cusub ka go’an tahay inuu shirku sii socdo ilaa iyo inta dawlad Soomaaliyeed laga dhisayo, taas oo uu sabab uga dhigay in shirka loo soo magacaabay nin fagaaraha ka caddeeyey inuu Soomaaliya aqoon u leehyahay oo tegi jirey. Wuxuuna Col. C/llaahi isagoo magaca ergooyinka ku hadlaya ballan ku qaaday inay wixii karaankooda ah qabanayaan si uu shirku u guulaysto.Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Mudane wasiir iyo mudanyaasha kaleba shacabka Soomaaliyeed muddo dheer oo dhibaato ah oo dagaal sokeeye ah, oo bur-bur ah, oo wax walba ah ayuu soo maray, haddana waxay u heellan yihiin sidii aannu shirkan xoog u saari lahayn oo aannu nabad u heli lahayn”.


Col. C/llaahi Yuusuf iyo C/llaahi Shiikh (shirkii maanta)

 Madaxweynaha dawlad goboleedda Puntland wuxuu kaloo ka hadlay arinta Somaliland ee ka maqnaanshaha shirka, wuxuuna sheegay inay shacabka Soomaaliyeed ee goboladaas degani ay diyaar u yihiin inay shirka ka soo qayb galaan laakiin uu maamkulkoodu ka cagataalaynayo, wuxuuna codsaday in inta ogol shirka lagu marti qaado, wuxuuna yidhi: “Waxaan codsanyaa shacabka ogol inay shirka ka soo qayb galaan ee reer Somaliland in la marti qaado oo shirka loogu yeedho”. Kornaylku wuxuu carrabka ku dhuftay in haddii ay Soomaali yhiiin uu shaki arintan ka galay oo la isla dhex marayo in IGAD, Deeq bixiyayaasha, iyo Bulshada caalamku inay hortaagan yihiin inay reer Somaliland shirka ka soo qayb galaan. Wuxuuna yidhi: “Hadday taasi jirto waxaan idiin caddaynayaa haddaanu Soomaali nahay inaanaan idinka aqbalayn, hadday jirto sida la sheegayo dalal aqoonsi u raad-raadinaya Somaliland waxaa fiican inaanu maanta u sheegno oo ay ogaadaan, inaan jamhuuriyadda Soomaaliya la fara gelin Karin, La qaybin Karin, sidii la doono laga yeeli Karin”. 

Cabdillaahi Yuusuf oo markii uu khudbadaynayey si weyn loogu sacabiyey ayaa hadalkisii ku soo geba-gebeeyey inuu go’aankoodu yahay in shirka la wado oo guul la gaadhsiiyo.

Col. Cabdillaahi Yuusuf kaddib waxaa golihii shirka iyaguna ka hadlay Raysal wasaaraha dawladda Ku meel gaadhka ah Mudane Xasan Abshir Faarax iyo Gabadh ku hadlaysey magaca bulshada rayidka ah oo la yidhaahdo Caasha Xaaji Cilmi. Waxayna labaduba xaqiijiyeen inay Col. Cabdillaahi Yuusuf ku raacsan yihiin inaan Soomaaliya la kala goyn Karin, loona baahan yahay in Somaliland shirka la keeno. Waxay kaloo xuseen in maanta loo baahan yahay in shirka laga midho dhaliyo, Soomaaliduna ay sidaas diyaar u tahay. Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Hon. Kolonzo Musyoka markii uu shirka ka soo baxay ayuu shir kale oo ay albaabdu u xidhan yihiin la yeeshay dhammaan gudiga farsamada IGAD iyo masuuliyiinta deeq bixiyayaasha iyo wakiilda caalamka shirka ka jooga.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

.... WARARKII KALE EE DECEMBER -GUJI

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  



HTML CD