SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
WARARKA ELDORET EE DEC 9, 2002

WQ. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk.com | Eldoret, Kenya

imdeeq@hotmail.com

 Wararka maanta Eldoret ugu xiisaha badnaa waxaa kamid ah:

. MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO SHIR JARAA’ID KU QABTAY ELDORET

. GEN. GABYOW OO JAWAAB KA BIXIYEY HADALKII ZENAWI

. LIISKA WUFUUDDA KU HADHAYSA ELDORET OO LA SOO BANDHIGAY

  Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC

LIISKA WUFUUDDA KU HADHAYSA ELDORET OO LA SOO BANDHIGAY

Waraaqo si isdaba joog ah ilaa xalay uga soo baxayey ayeey gudiga farsamada Igad ku soo bandhigeen magacyada wufuudda ay u rabaan inay Eldoret ku sugnaadaan inta uu wejiga labad ee shirku soconayo, iyagoo sheegay in wixii dadka ay soo qoreen ka baxsan aysan wax deegaan iyo cunto ah siin doonin wixii ka dambeeya tobanka bishan. Gudiyadii lixda ahaa ayaa 120 ergey lagu soo koobay, Hogaamiyayaasha iyo ciddii aysan ka maarmina waxaa lagu sheegay tirada ka soo hadhaysa 52 xubnood, waxaa kaloo la soo ban dhigay liiska haweenka wejiga labaad sii joogi doona Eldoret oo tiradooda lagu soo koobay % xubnood. Dadka kale ee soo hadhay ayeey gudiga farsamadu sheegeen in ay u dhoofi doonaan wadoonkoodii hooyo, laakiin madaxda siyaasadda ee Eldoret ku sugan badankoodu waxayba saluugsan yihiin hab maamulka shirka oo ay u arkaan mid aan talo go’aan weyn oo hir gasha marnaba la shir iman.

<><><>

Isbahaysiga dooxada Juba oo beeniyey hadalkii Zenawi
"Wax habayaraatee Al-Qaaeda ama Al-Ittihad oo. GUJI  8/12

Zenawi oo Qaraxii Mombasa ku eedeeyey Soomaali
waraysi uu Zenawi bixiyey markii uu kasoo laabtay Ameerika ayuu GUJI 8/12

GEN. GABYOW OO JAWAAB KA BIXIYEY HADALKII ZENAWI

Guddoomiyaha ururka SPM/SRRC Gen. Aadan Cabdillaahi Nuur (gabyow) ayaa war saxaafadeed uu maanta soo saaray ku cambaareeyey warkii uu Raysal wasaaraha Itoobiya todobaadkii hore sheegay ee ku saabsanaa inuu urur diimeedka Al-itixaad Al-islaam saldhig ku leeyahay magaalada Ras Kamboni uu yahay war aan sal iyo raad midna lahayn. [Hadalkii Zenawi].

Gen: Gabyow wuxuu qoraalka war saxaafadeedkiisa ku yidhi : “Odayaasha iyo siyaasiyiinta Daaroodka ee Eldoret ku sugani shir ay isugu yimaadeen oo aan guddoominayey way cambaareeyeen warkaas, wayna caddeeyeen inaysan Raskamboni wax saldhig ah ku lahayn Al-itixaad, wadan kasta iyo cid kasta oo danaynaysana diyaar baanu u nahay inay dhulkaas booqdaan si aanu u tusno xaaladda koonfurta soomaaliya ka jirta”. Wuxuu kaloo jananku war saxaafadeedkiisa ku xusay inay beeshiisa Daaroodku shir uu laftiisu u guddoominayey ku cambaaraysay qaraxii Mombasa ka dhacay isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro argagixisada.

<><><>

MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO SHIR JARAA’ID KU QABTAY ELDORET

English Version: Puntland Press Releases.. Click here

Wufuudda shirka Eldoret ka joogta dawlad goboleedda Puntland ayaa mar kale wax ka yidhi socdaalkii uu madaxweynaha Somaliland ku tegey Laas Caanood iyo dagaaladii meeshaas ka dhacay oo ay ku tilmaameen inay ahayd wax aad u xun. “Waxaan idiin sheegayaa in maamulka gooni goosadka ah ee hargeysa ka dhisani ay weerar xaq darro ah ku soo qaadeen magaalada laascaanood la yidhaahdo, taas oo keentay inuu dad badani halkaas ku dhinto, dagaalkaas oo ah mid aan maanta la sugayn maadaama loo fadhyo Eldoret in midnimada ummadda soomaaliyeed la xaqiijiyo oo nabad iyo dawlad xaqa loo sameeyo” sidaas waxaa yidhi madaxweynaha dawlad goboleedda Puntland Mudane maxamed Cabdi Xaashi oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay fagaaraha shirarka jaraa’id lagu qabto ee xarunta shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee eldoret. Wuxuu sheegay inuu iyaga weerarkaasi ugula muuqdo mid loola jeedo in soomaaliya lagu kala gooyo, shirka Eldoret’na lagu carqaladeeyo, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa; “ Puntland iyo Somaliland waxay ahaayeen labadiii meelood ee lagu wadey inay nabad gelyo ku wada noolaadaan si ay gobolada kale ee soomaaliya ugu daydaan”

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo.. GUJI  8/12 

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood.. GUJI  8/12

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12

Ururka Darwiish Party Kenya oo u digey Madaxweynaha Somaliland
warsaxaafadeed ururkaasi soo gaarsiiyey SomaliTalk ayuu Guji..7/12

Maxamed Cabdi xaashi wuxuu shaaca ka qaaday inuu caalamka ugu baaqayo in baaqii Eldoret laga soo saaray ee ku saabsanaa in colaadda la joojiyo, nabad gelyadana la xoojiyo lagu xad gudbey oo meelihii nabadda lagu yiqiinay khatari ka timid, isagoo caalamka iyop soomaalida la hadlayana wuxuu yidhi: “caalamka iyo soomaalidaba waxaanu leenahay waa inay mawqif cad ka qaataan arintaas iyo wixii halkaa ka dhacay oo ay cambaareeyaan”, wuxuu sheegay haddii aysan taasi dhicin inuu duulimaad caynkaas oo kale ahina mar kale iman karo, wuxu yidhi: “ waa in gacan adag iyo cod adag lagaga hor tagaa wixii dhacay”, isagoo sheegay inay xagooda ka dhinteen ilaa 8 qof, xagga kalena uusan war sugan ka hayn, wuxuuna intaa ku daray inaysan iyagu wax weerar ah geeysan doonin laakiin haddii la soo weeraro ay is difaaci doonaan.

Mar ay weriyaysshu weeydiiyeen cidda u qaybsan ilaalada Laascaanood wuxuu sheegay inay ciidamadoodu dhulkooda ilaaliyaan taas oo uu u soo daliishaday in ciidankii soo weeraray isagoo cararaya ka baxay, mar uu ka hadlayey wax ay iyaga iyo Somaliland isku hayaan wuxuu Mudane Maxamed Cabdi Xaashi sheegay inay kala yihiin niman doonaya inay soomaali ka go’aan iyo iyo niman doonaya inay midnimada soomaaliya ilaaliyaan, wuxuuna carabka ku dhuftay in haddii ay dadka waqooyi galbeed degaa midnimada soomaaliyeed ogolaadaan inuu qof kasta oo soomaali ahi meeshuu doono soomaali kaga noolaan karo oo aan dhul la kala lahaan doonin, isagoo xusay in dhibka labdaa maamul u dhexeeya lagu xalin karo iyagoo go’niinka ay sheeganayaan joojiya. 

Warsaxaafadeedkii PL oo Af-Ingiriisi ah.. GUJI

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Sagaal ilaalada Col.C/laahi Yusuf oo ku geeriyootay
shil baabuur oo ka dhacay meel u dhaxaysa Qayaadsame iyo Dalweyn, waxa kale oo dhaawacmay 7.. GUJI  9/12

I  I  D  H  E  H

 Hogaamiyo Kooxeedyo Walaac Kamuujiyey Baaqii Muqdisho
iyo Booliska Dalka Kenya oo Eldoret  xabsiga ugu taxaabay Saddex Soomaali ah oo ay ka waayeen sharcigii ay Kenya ku joogeen.... Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 07/12

"Cali Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....
Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na  waxay xiriir la leeyihiin  Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI.. [Fahad Yaasiin]

Dhibaatooyinka Xiligan Colaadaha Soo Gaarey Reer Banaadiriga
Ibraahim Maxameddeeq oo waraysi dheer la yeeshay qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada dadka reer Banaadiriga, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan.... GUJI... 03/12

Mowliid Macaane oo SomaliTalk u Waramay Mowliid Macaane oo SomaliTalk u Waramay
"Dadkayga soomaaliyeed hadday ii gartaan inaan u adeego diyaar baan u ahay, inaan qabto wixii ay ii dhiibtaan" Mowliid Macaane oo ka jawaabayey.... GUJI... 02/12
 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD