SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - IBRAAHIM SAALAX
SOOMAALIDA EURO-AMERICAN: SANNADO BADAN AYAAN KU LUMINAY YURUB

Maalintii jumcadii ayay ahayd, mar aan ku soo tukaday masjidka Cumar Sabri ee ku yaala suuqa weyn ee 24, magaallada Minneapolis. Qiyaastii waxaa masjidkan salaaddii jumcada ku tukanayay soomaali tiradooda kor u dhaaftay 2000 qof. Waxay ku tukanayeen gudaha iyo dibadda masjidkaba. Waxaa maamula masjidka soomaali, iyagoo wax qarash ahna aynan ku bixin masaarifta ku baxda masjidka. Nin carbeed oo ah milkiilaha suuqa 24 ee soomaalida leedahay ayaa aabihiis masjidka waqaf ahaan ugu deeqay muslimiinta.

Sheekha khudbada aqrinayay ayaa khudbaddiisa ku jeedinayay labada luqadood ee soomaaliga iyo carabiga, wuxuuna si waafi ah oo faahfaahsan u bayaamiyay ahmiyadda ay aqoontu ugu leedahay guud ahaan aadanaha, isagoo soo qaadanayay aayado quraan ah iyo axaadiis la xidhiidha mowduucan isaga ah.

Salaaddii kadib, ayaan waxaan masjidka kula kulmay dad aan horey u aqiinay oo 30 ku dhowaad ahaa, kuwaasoo markoodii hore degganaa Yurub, oo hadda siyaabo kala duwan ugu soo wareegay Mareekanka, waxayna intooda badan degganaayeen dalalka lagu magacaabo Scandinavien-ka sida Sweden, Norwey iyo Denmark. Intooda badan, waxay hadalkooda ku billaabayeen hadalladan “goormaad u soo guurtay Mareekanka, imisaad joogtay Mareekanka” iyo kuwo la mid ah, annigana waxaan dhinacayga u sheegayay inaan booqasho 2 usbuuc ku imid, dabadeedna aan dib ugu laabanayo halkaan ka imid.

Waxay isugu jireen arday dhigata macaahidda sare iyo jaamacadaha ku yaalla gobolka Minnesota, halka qaarka kalena ay ka xammaashaan isla gobolka. Dhinaca kale, waxay ii muujiyeen sida weyn ee ay ugu faraxsan yihiin nolosha Ameerika.

“culeyskii iyo cunsuriyaddii xad-dhaafka ahayd ee dalalka Skandinavien-ka ka jiray aad ayaan uga raysanay, waxaan si weyn ugu faxsanahay in saxaafadda Mareekanka aynan si goonni ah uga hadlin shisheeyaha, halka sida Denmark ay si joogto ah uga hadlaan shisheeyaha” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii aan kula kulmay masjidka Cumar Sabri, isagoo iga codsaday inaanan magacaabin magaciisa.

“kama jiraan halkan waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah sida Denmark oo kale, hase ahaatee waxaan waxaas ka doorbiday inaan ku noolaado dal aan si goonni ah loo beegsanin shacabkan miskiinka ah ee soomaaliyeed” ayuu markale yiri, wuxuuna raaciyay intaas “waxaan xasuustaa in madaxa xisbiga xagjira ee Dansk Folkeparti naagta lagu magacaabo Pia Kjærsgaard ay codkooda badan ku heshay wax ka sheegga shisheeyaha, gaar ahaan muslimiinta siiba soomaalida. Run ahaantii waan ka shaalayay in toban sannadood aan ku lumiyay Denmark. ” ayuu markale misna yiri.

Waxaa kaloo jiray nin kale oo isagana reer Sweden ahaa, wax ka bartay, degganna gobolka Minnesota. Inkastoo uu Ameerika ugu soo wareegay xaaskiisa oo deggan awgeed, haddana wuxuu walaac ka muujiyay qoysaska iyo ubadka soomaaliyeed ee iyaga ku nool dalalka Sweden, Norwey iyo Denmark.

“maadaama dalalka aynu ku noolnahay aynan muslimiin ahayn, haddana waxaa ila habboon in soomaalida iskandineefiyanka ku dhaqan ay u guuraan dal ay ku badan yihiin jaaliyadaha muslimiinta sida dalka England” ayuu yiri, isagoo aanan weligiis maskaxdiisa ka bixin dhacdooyin madow oo murugo leh oo uu kula kulmay Sweden intii uu ku noolaa.

"billowgii sagaashaameeyadii ayay ahayd markii innagoo koox ah nala dejiyay waqooyiga Sweden, dadkii degganaa tuullada ayaa na dhibsaday, waxayna in badan duqa magaallada u gudbiyeen dacwado kala duwan oo ay kaga codsanayeen in nalaga raro tuullada. Cabsi ayaan ku mari jirnay suuqyada iyo waddooyinka, aad ayay u adkayd inaan helno shaqo, iskaba daa waxbarasho warkeeda" ayuu yiri, isagoo xusayna in markii badankoodii ay ka guureen daarihii ay degganaayeen ay dadweynihii swiidhashka ahaa dhigteen xaflad ay ku dabbaaldagayeen guuristooda.

"Ma dadkaas ayaa lala deggi karaa oo lala noolaan karaa?" ayuu is weydiiyay ninkan soomaaliyeed oo 8 sannadood oo uu degganaa Mareekanka kadib isagu aaminsan inuu leeyahay hanti fara badan oo uu rajaynayo inuu ganacsi kala duwan ku sameeyo dalal ka mid ah Afrika iyo dalkii hooyo.

Nin soomaaliyeed oo magaciisu loo soo gaabiyo A. M. ayaan isna kula kulmay gobolka Colarado oo aan ku sugnaa qyaastii 12 saacadood. Shaqadiisu waa taksiile, waa qoys leh 5 caruur, waxayna hore u degganaayeen isaga iyo qoyskiisaba dalka Finland.

"annigu waxaan halkan ugu soo wareegay shaqo ahaan, run ahaantiina waxaan ka nastay qabowgii darnaa iyo nacaybkii weynaa ee cunsuriyiinta Finland. Dalka Finland waa dalka ay kumanaan kun oo soomaaliyeed ka qaateen waxbarasho sarsare, waxaana rajo weyn ka muujinayaa in dadkaas aqoonyahaniinta ah ay dalkooda u aayi doonaan mustaqbalka dhow" ayuu yiri, wuxuuna fikrad ahaan qabaa in qurbo meeshaad ka joogtid ay meesheeda kale tahay.

"dabcan waddamada ingiriisiga ku hadla ayaan ubadkayga la jeclahay inay wax ku bartaan, hase ahaatee macno weyn anniga iima samaynayso marba haddaan ku nolahay dal aanan ahayn dalkayga hooyo" ayuu intaas raaciyay.

Sannadihii 1995-kii ilaa sannadkii 2000-ka waxay ahaayeen sannado si xad-dhaaf ah ay saxaafadda Denmark u hadal hayn jireen dhalliilaha soomaalida. Nama dhex galaan, dumarkooda way xijaaban yihiin, dalkoodii ha loo celiyo, ee mayee aynu dejinno jasiirado fogfog iyo oraahyo kale oo aan caddaaladda ka fog oo ayay madaxda xisbiyada Denmark ka jira ay ku dagaal-geli jireen tartamadooda doorasho.

Bogagga hore ee wargaysyada ayaa soomaalida xummaan aynan lahayn loogu sheegi jiray, waana tan keentay in soomaali badan damiirkoodii keeni waayay inay ku sii noolaadaan dal noocaas ah. Aqoonyahanno soomaaliyeed oo dhaqaatiir ku jiray ayaa meelo kale u shaqo doontay, halka dhalinyaro badanna ay ka doorbideen inay soo aadaan dalalka England iyo Waqooyi Ameerika.

Markaan ka imaado soomaalida EURO-AMERICAN ama ah soomaalida horey u degganaa dalalka Yurub, haddana si fiican u sal-dhigtay Mareekanka, ayaa waxaa jira soomaali kale oo u badan kuwo laga keenay dalalka Afrika, gaar ahaan Kenya, Uganda, Itoobiya iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta sida Masar iyo Suuriya oo kale, waana tirada ugu badan ee soomaalida Mareekanka ku dhaqan. Sannado aan badnayn kadib waxaa la qiyaasayaa in gobolka Minnesota si weyn u soo geli doonaan tobaneeyo kun oo ka yimaada Afrika. Boqol ku dhowaad oo aan maalmo gudahood kula kulmay xaafadda Cedar ee magaallada Minneapolis waxay yimaadeen gobolka Minnesota toddobaadyadii la soo dhaafay, waxayna mas'uuliyad weyn saaran tahay ururrada firfircoon ee goboka ka jira, gaar ahaan culumada iyo aqoonyahannada iyo waxgaradka soomaaliyeed ee reer Minnesota siday istaraatiijiyad wanaagsan ugu samayn lahaayeen talo-bixinta, midaynta iyo taageeridda guud ahaan soomaalida Mareekanka, gaar ahaan reer Minnesota.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | USA

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 24, 2006


SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji

SAXAAFADDA DENMARK OO SOO BANDHIGAY DHIBAATADA  QAXOOTIGA HAYSTA

ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD