SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK
SOOMAALIDA MINNESOTA

Waan ku taamayay in dhoweydba inaan mar-uun soo booqdo soomaalida faraha badan ee ku nool gobolka Minnesota, gaar ahaan magaallada Minneapolis si aan u ogaado qaabka ay u nool yihiin, iyo horumarka waaweyn ee ay ku tallaabsadeen.

Diyaarad lagu magacaabo SunCountry Airline ayaan ka soo qaatay garoonka diyaaradaha Seattle Washington. Markaan fadhiyo hoolka transitka anniga iyo rakaabkii kaleba ayaan ka warhelnay inay diyaaraddii na qaadi lahayd ay 4 saacadood dib u dhacday. Waa saacado badan, weliba nalooma sheegin ciladda keentay dib-u-dhacaas diyaaradda ku timid.

Waxaa jiray soomaali tiradooda kor u dhaafayay 10 qof oo badankood ah reer Minnesota, kuwaasoo iyagana u socday magaallada Minneapolis. Saddax saacadood iyo bar kadib waxaynu nimid Caasimadda gobolka Minnesota, magaallada 2-aad ee Minneapolis.

Waxaa mara gobolka Minnesota toban kun oo laago, waxaana ugu caansan webiga Mississippi oo bartamaha magaallada Minneapolis dhex dureera, waa magaallo aad u qurux badan. Minneapolis iyo guud ahaan gobolka Minnesota ayaa soomaalida ku dhaqan lagu qiyaasaa tiradooda wax ka badan 50 000 qof. Waa gobolka keliya ee waddamada galbeedka ay ku nool yihiin tiro intaas le'eg oo soomaaliyeed.

Xilliyada doorashada degmooyinka iyo kuwa kaleba ayaad arkaysaa siyaasiyiinta gobolka oo ku daaf-wareeganaya xaafadaha iyo xarumaha ay soomaalida leeyihiin, si ay u helaan codadka soomaalida. Midnimadooda iyo iskaashiga dhexdooda ayaanan hubin inuu saas u weyn yahay.

Magaallada Minneapolis qaddarin iyo sharaf ayay soomaalida ku leeyihiin. Dadyowga kale, waxay soomaalida ku tilmaamaan inay muddo gaaban ay guulo waaweyn ka gaareen dhinacyada ganacsiga, shaqada iyo waxbarashadaba.

Muddo kooban ayay soomaalida Minnesota ka dhex muuqdeen qowmiyadaha kale ee sannado badan degganaa gobolka, kadib markii la arkay firfircoonidooda siyaadada ah ee dhinaca ganacsiga iyo guud ahaan furfurnaanta kale ee ay dheer yihiin afrikaanta kale. Iyadoo ay taasi jirto, haddana waxaa xabsiga weyn ee Minneapolis la ii sheegay inay ku jiraan boqolaal iyo boqolaal soomaaliyeed oo lagu soo eedeeyay denbiyo kala duwan. 

Saaxiibkay Eng. Mohammed Ali ahna madaxa tifaftiraha webside-ka SomaliTalk.com ayaa igu soo wareejiyay goobaha ugu caansan ee magaallada, Jaamacadda Minnesota, xarumaha ganacsi ee ay soomaalida leeyihiin iyo masaajiddada badan ee magaallada ayaan fursad u helay inaan indhahayga ku soo arko. Daaro dhaadheer oo isu dhow kuna taalla xaafadda Cedar ayay kumanaan kun oo soomaaliyeed deggan yihiin.

 

Waxaan aad ugu dhex wareegay dukaamada ku yaalada suuqa weyn ee loo yaqaan 24, waxaan ku arkay dukaamo heersare ah oo lagu iibiyo dharka, cadarada iyo waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka iyo maqaayado aad ka dalbin kartid cunto macaan, maktabad ama library islaami ah oo aad ka heli kartid dhammaan kutubta iyo cajaladaha islaamiga, waxaana maktabaddan ka daaran markaad ku jirtid ama dibadda ka joogtid cajalado quraan ah oo uu aqrinayo mid ka mid ah qurraada waaweyn. Waxaan meel aan ka fogeyn maktabadda ka soo horjeedkeeda ku yaalla studio ama dukaan lagu iibiyo cajaladaha heesaha iyo filimada riwaayadaha ay dhigaan fannaaniinta soomaaliyeed. Waa Studio si cod sare uga uga daaran yihiin mid ka mid ah heesaha soomaaliyeed.

 

Waxaan ku nastay dukaanka Xawaaladda Al-Musqbal Express kuna yaalla dukaan internetka laga isticmaalo. Abdirahman Sh. Omar oo ah agaasimaha dukaanka internetka ayaa ah nin aan jeclaystay furfurnaanshihiisa iyo ixsaankiisa xadka aan lahayn ee uu ku caawiyo qofkii isaga uga baahda caawitaan. Intaan la joogay ayaa waxaa u imaanayay dad kala duwan, oo weydiisanayay inuu u qoro foom ama waraaq kale oo ku socoto xafiisyada dowladda, isagana wuxuu dhinaciisa isagoon dhibsanin u qabanayay dhammaan adeegga ay u baahdaan. Abdirahman wuxuu hayaa kombiyuutaro cusub iyo wuxuu sidoo kale macaamiisha ka caawiya hagaajinta iyo barnaamijaynta kombiyuutarada.

Waxaa sidaasoo kale xaruntan ganacsi ku dhinac yaala dukaan lagu iibiyo dhammaan dharka ay haweenka qaataan. Waxaa maamula iskana leh dukaankan dharka ah Deeqo Xasan. Haweenka soomaaliyeed iyo kuwa kale ee afrikaanka u badan ayaa ka mid ah macaamiisheeda. Asturnaanteeda iyo xijaabkeeda hufan kama reebin inay xammaalato oo ay ku biirto suuqa shaqada.

Xagga sare ee xaruntan suuqa weyn waxaa ku yaalla masjid weyn oo lagu tukado salaadaha. Xilliyada salaadda ayaad arkaysaa dukaamada oo albaabada loo laabayo. Imaamyo iyo mashaayikh duruus masjidka ka aqriyo habeenka ayaa jira.

WIXII AAN KALA KULMAY SEATTLE WASHINGTON.. Safarikii Ibraahim Saalax.. Akhri

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com |
Minneapolis, USA

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2006

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

 

ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD