SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror | Turkey.News 
 MID EAST: IslamTodayArabNews  | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | Middle.east.online | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Abu.Dhabi.News |  
KUNA
VIDEO: ITV | Reuters TV  |  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII
14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | Televideo.rai

HADDA.SOCDA:LIVEABU-DHABI.TV | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA

MAANTA IYO CIRAAQ: ENGLISH- VIDEO.1 | VIDEO.2 | VIDEO.3 | VIDEO.4
CIRAAQ IYO MAANTA: ARABIC - VIDEO.1 | VIDEO.2 | VIDEO.3 | VIDEO.4 

WARARKA CIRAAQ: APRIL 2, 2003

  • Ruushku wuxuu rabaa in Arinta Ciraaq lagu soo celiyo UN-ta: Putin
  • 21 Shacab ah ayaa dhintay, 75 kalena waa dhaawacmeen kadib marki la duqeeyey Mosul: IOL
  • Wargeys Maraykan ah oo Shaqadii Ka cayriyey sawiraadihiisii Ciraaq kaddib markuu uu Macmalay Sawir
  • CIRAAQ TV: Saddam oo Qabtay kulan ay ka qayb galeen wiilashiisu
  • Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq ayagoo nabad Qaba
  • HOOYO SOOMAALIYEED OO GABAR KU DHASHAY BAGDAAD INTII GARAACU SOCDAY.
  • 60,000 oo diyaar u ah in ay weeraaran Ciidanka Ilaalada Qaranka Ciraaq
  • Dagaalka Basra oo Weli socda
  • Dagaal ka dhacay aagga Karbala
  • 33 Qof oo Duqayn Lagu Diley Ciraaq
  • Saddam Xuseen oo Ku Baaqay Jihaad
  • kumayaal Qabiilooyin reer Pakistaan ah oo raba in ay galaan dagaal "jihaadka" ee Ciraaq
  • Askariyad Maraykan ah oo Horay Ciraaq loogu Qabtay oo lasoo badbaadiyey
  • Hindiya oo uu ka go'ay xiriirkii telefoonka ee safaaradeeda Baqdaad
  • Turkiga oo Weriye katirsan TV-ga BBC kasoo eryey Xadka Turkiga iyo Ciraaq
  • Talyaaniga oo laga bilaabay kanaal Satellite ah oo kasoo Horjeeda Dagaalka
  • Heer-kulka Ciraaq oo Kor U kici doona Sabtida iyo Axada Soo socoda

WARAR KOOBAN

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri: "Ruushku ma rabo in Maraykanku uu ku guuldaraysto Ciraaq dhaqale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Waxaan rabnaa in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo habkii dublamaasiyada"  Interfax 2/4  

 

awar2.jpg (8173 bytes)Wasiirka arrimaha dibadda ee  Belgian, Louis Michel, ayaa talaadadii waraysi uu siiyey wargeyska La Libre Belgique kusheegay in dagaalkani uu yahay in maraykanku uu u baahanyahay in uu tusiyo in uu weliawood sare leeyahay, weerarka Ciraaqna uu tusaale taas u yahay. Ayuu Yiri... 1/4 

 

saudWasiirka arimaha dibada Sucuudiga, amiir Saud al-Faisal, oo sharaxayey dagaalka Ciraaq, wuxuu waraysi ugu sheegay  Barbara Walters oo katirsan ABCNews in "dagaalkan uu dhalinayo oo keliya is-afgaranwaa, dhiig-qubta iyo siyaadin nacayb iyo kordhin walaac gobolka ah". GUJI.. 01/04

 

Mubarak: Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.
Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak ayaa ayaa sheegay in dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku hogaaminayo uu soo saari doono "boqol bin laden cusub"  GUJI.... 31/3

 

iraqTV Maraykan ah oo Casiley Weriyihii Ciraaq uga soo waramayey
[waxaa markiiba shqo siiyey wargeyska Dialy Mirror ee kasoo baxa UK]...
GUJI 31/3

 

iraqWararka ciraaq ka imanaya ayaa sheegay in ciidanka Maraykanku ay dileen 7 dumar iyo carruur isugu jira... GUJI.. 31/3 

 

 

HOOYO SOOMAALIYEED OO GABAR KU DHASHAY BAGDAAD INTII GARAACU SOCDAY.

Hooyo Soomaliyeed oo lagu magaaco Maryan Xasan ayaa 26.3.2003. ku dhashay Isbitaalka ka mid ah isbitaallada Bagdaad gabar ay u bixisay INTISAAR, markii la weydiiyeyna sababta ay magacaas u doortay waxay ku jawaabtay, xiliga ay dhashay oo ah xili adag iyo intii ay foolaneysay oo qaliin lagu sameeyey, gabadhan waxay dhashay xilli uu socdo duulaanka lagu hayo dalka Ciraaq, Hooyadan Soomaliyeed waxay dhashay saacad ay ka dulyeereysay dhawaqa diyaaradaha garaacaya magalada Bagdaad. Maryan Xasan iyada oo qax ah ayey timid xerada qaxootiga ee laga dhisay xuduudda Urdun, waxayna sheegtay iney u socoto dalkeedii hooyo, xeradaasna waxaa ku xanaaneynaya Hay'adaha samafalka ee ka hawgala goobahaas. warkaan isagoo carabi ah ka akhriso asharqalawsat  cadadkii maanta Arbaca 1/4/3. [Tarjumadii Fahad Yaasiin].
[
Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq ayagoo nabad Qaba ka akhri dhammaadka wararka boggan]

Ruushku wuxuu rabaa in Arinta Ciraaq lagu soo celiyo UN-ta: Putin

Madaxweynaha ruushka, Vladimir Putin, oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in Ruushku uusan rabin in Maraykanku ku guul daraysto Ciraaq, laakiin uu rabo in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo Qaramada Midoobey. "Ruushku ma rabo in Maraykanku uu ku guuldaraysto Ciraaq dhaqale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Waxaan rabnaa in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo habkii dublamaasiyada" ayuu yiri Putin, sida ay soo werisey hay'adda Ruushka wararka u faafisa ee loo yaqaan  InterFax. Waxa uu Putin ku adkeeyey in waxyaabaha dhacay toddobaadyadii tegey ay xaqiijinayaan xulashadii ruushka ee ahayd in arinta ciraaq si tartiib ah loogu xaliyo siyaasadda ayey ku qortay InterFax

21 Shacab ah ayaa dhintay, 75 kalena waa dhaawacmeen kadib marki la duqeeyey Mosul: IOL

Shabakada IOL oo soo xiganeysey TV-ga Al Jazeera ayaa sheegtay in 21 qof oo shacab ah la diley lana dhaawacay 75 kadib markii diyaaradaha dagaalka Maraykanka iyo Ingiriisku ay duqeeyeen gobolka  Bartalah, bariga Mosul, tan oo dhacday Maant aoo arbaca ah April 2. Waxaa halkaas lagu garaacay madfaca loo yaqaan B-52 sida TV-gu weriyey. Waxaana la sheegay in halkaas ay diyaaraduhu garaaceen muddo laba saacadood ah oo qiiq hawada isku shareeray.

Dhanka kale IOL waxay soo werisey in  maanta magaalada Baqdaad la duqeeyey Cisbitaal ay leedahay bisha cas oo qaabilsanaa dumarka xaamilada ilaa xiliga dhalmada, waxaan awarku sheegay in halkaas ay dhawr qof ku dhinteen, ayna ku dhaawacmeen 24 qof.

Wargeys Maraykan ah oo Shaqadii Ka cayriyey sawiraadihiisii Ciraaq kaddib markuu uu Macmalay Sawir

Wargeyska The Los Angeles Times ayaa Maanta oo Arbaca ah shaqadii ka caysriyey sawir qaade u joogey Ciraaq , kaddib markii uu sawir qaaduhu isku dhejiyey laba sawir oo aan islahayn oo ah aska Ingiriis ah iyo dad shacab ah oo jooga Basra si uu u qurxiyo madasha. Qoraal maanta kusoo baxay wargeyskaas ayaa cadeeyey in sawirkii ay bogga hore ee wargeyska kusoo sawireen Isniintii ee uu soo sawiray Brian Walski uu ahaa mid computerka la isugu dhejiyey laba sawir oo la qaaday laba waqti oo kala duwan. Waxaana wargeysku sheegay in Mr Walski oo telefoon lagula xiriiray maanta isagoo joogo koonfurta Ciraaq uu qiray arintaas. Waxaana wargeysku sheegay in ay mamnuuc ka tahay in wax laga bedelo sawirka. Khaladkaas uu galay awgeed ayaa shaqadii lagaga caysriyey Mr Walski oo wargeyskaas u shaqaynayey ilaa 1998, sida ku cad qoraalka wargeyska maanta. Sawirku wuxuu muujinayey askari Ingriis ah oo  dad ciraaqiyiin ah u tilmaamaya in ay iska ilaaliyaan xabadaha kaga soo dhacaya Ciraaqiyiinta meel u dhow Basra.  Mr Walski, wuxuu ahaa sawirqaade joornaal ilaa 1980, waxana uu u soo shaqeeyey wargeysyada Albuquerque Journal iyo The Boston Herald. Markii uu joogey Boston,  waxa uu wax ka soo werinjirey dhacdooyin caalami ah sida dagaalkii khaliijka, gaajadii Soomaaliya, aaskii  Princess Diana iyo dagaaladii  Northern Ireland iyo iska hor imaadyadii  India gaar ahaan Kashmir. 

TV-ga Ciraaq: Wiilasha Saddam Xuseen Uday iyo Qusay (midig).

CIRAAQ TV: Saddam oo Qabtay kulan ay ka qayb galeen wiilashiisu

Sawir uu siidaayey TV-ga Ciraaq maanta ayaa muujiyey Saddam xuseen oo ka qayb galay kulan ay goob joog ka ahaayeen labadiisa wiil Uday iyo Qusay.

Qoraal laga akhriyey Tv-ga Ciraaq ayaa sheegay in Saddam Xuseen ku baaqay in uu siinayo 10 million dinar (oo u dhiganta $US3,120) qofkii soo qabta qof u adeega cadowga ama keena akhbaar ku hageysa in qofkaas la qabto, waa sida warku u dhigaye.  

Waxaa kale oo TV-ga Ciraaq sheegay in saddaam Xuseen ku dhaartay in uu jebin doono ciidanka maraykanka iyo Ingiriiska. Qoraal laga akhriyey TV-ga Ciraaq ayaa sheegay in uu Saddam yiri waxaa difaac diyaar ku ah kumayaal, un ogolaan mayaan in ay xulafadu soo galaan Baqdaad ayuu yiri Saddam.

Dhanka kale waxaa Ciraaq beenisey in la burburiyey qayb ka tirsan ciidanka Ciraaq ee loo yaqaan  ilaalada Qaranka.

Dagaalka Najaf | Basra | Baqdaad | Nasiriyah
[Ciraaq oo sheegtay in Masaajidyo la duqeeyey]
[10 qof oo shacab ah ayaa duqayn lagu diley Baqdaad, 90 kalena waa la dhaawacay]

Mohammad Said al-Sahhaf oo sheegay in ciidanka Maraykanku hogaaminyo duqeeyeen masaajidkyo kuyaal Najaf and Kabala, sida ay werisey IOL  [Sawirka IOL]

Wasiirka saxaafadda Ciraaq, Mohammed Saeed al-Sahaf, ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay ciidanka Maraykanku kusoo qaaden magaalada Najaf oo shiicada u ah  muqadas ah, waxana uu Maraykanka ku eedeeyey in ay duqeeyeen goob muqadas ah. Waxaa warku intaas ku daray  in horay ay Maraykanku Ciraaq ugu eedeeyeen in ay rasaas ka soo ridayeen Masjidka Cali [Ali Mosque]. 

Sahhaf waxa uu sheegay in diyaaradaha dagaalku ay aad ugu soo dhowaadeen qalcadaha muqadaska ah ee imam Ali iyo Husseinoo kuyaal  An-Najaf iyo Karbala, si ay dhismayaashu u dildilaacaan.

Wasiirka waxa uu beeniyey in Ciidanka uu hogaaminayo Maraykanku ay kusoo durkeen Baqdaad. 

Waxa kale oo Mr Sahaf uu warsaxaafadeedkaas ku sheegay in duqayntii xalay ee Baqdaad ayu ku dhinteen 10 qof oo ciraaqiyiin ah ayna ku dhaawacmeen 90 kale. Waxa kale oo uu sheegay in Ciraaq ay maxaabiis Maraykan ah ku qabsatay dagaal ka dhacay agagaarka Nasiriyah.

Wararku waxay intaas ku dareen in ciidanka Ciraaq ee difaacaya Basra ay gantaalo ku weerareen Askarta weerarka ah ee Ingiriiska.

Ruush-ka oo Maraakiibta dagaalka u diraya Badda Carbeed [Arabian Sea]

Sida uu weriyey wargeyska Nezavisimaya Gazeta, oo ay soo xigatey warbaahinta Australia, dalka ruuska ayaa waxa uu maraakiib carbis ah u dirayaa badda Carbeed [Arabian Sea] oo u dhow khjaliijka oo ah meesha uu Maraykanku ka hogaaminayo dagaalka Ciraaq. Sida warku sheegay waxaa mar hore saraakiil Ruush ah sheegeen in maraakiibtiisu ay u kicitimidoonaan badweynta Hindia si ay tababar (ama carbis) halkaas ugu sameeyaan. Laakiin horay looma sheegin badda Carbeed ayuu warku ku daray. Waxaa wargeysku sheegay in taliyaha maraakiibta dagaalka ruushka ee joogta badda madow Black Sea, oo lagu magcaabo Yevgeny Orlov, uu dhowaan yimid Moscow si uu u qaato awaamiirta ku saabsan qorshahaas. Wargeysku wuxuu ku daray in Orlov uusan amarkaas ka helin oo keliya wasiirka difaaca Ruuska, Sergei Ivanov, laakiin uu sidoo kale ka helay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. 

60,000 oo diyaar u ah in ay weeraaran Ciidanka Ilaalada Qaranka Ciraaq

Wargeyska times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska aya cadadkiisi maanta oo Arbaca ah qoray in ciidan tiradoodu dhantahay 60,000 oo nin oo Maraykan ah ay diyaar u yihiin in ay dhulka ka weeraraan ciidanka Ciraaq ee loo yaqaan ilaalada qaranka ee ku gadaaman difaaca Baqdaad, waxaana laga yaabaa in dagaal xoog badani bilaabmo 48-saacadood ee soosocda.

Dhanka kale jariidada Times waxay werisey in dadka Faransiiska ah ay Saddexdii qofba hal taaageersan yihiin Saddam, taas oo ay jeclaan lahaayeen in Ciraaq dagaalkan ku guulaysato halkii ay kaga guulaysan lahaayeen "anglo-saxons"-ku, waa sida wargeysku u dhigaye.

Dhanka kale waxaaa weli sii socda duqayntii hawada iyo gantaalada lagu duqaynayey magaalada Baqdaad. Waxaa wararku sheegeen in duqayntu ay xalay markale bilaabatay markey saacadu ahayd 3:00 am, taas oo la maqlayey qaraxyo joogto ah

Dagaalka Basra oo Weli socda

Sida ay ku warantay warbaahinta Australia, waxaa Basra tacshiirad isku weydaarsadey ciidanka Ingiriiska iyo kuwa ciraaq. Waxaana ABC Australia sheegtay in ciidanka iyo Taangiyada Ingiriisku ay 100mitir oo keliya hore uga socdeen meeshii ay joogeen ilaa Isniintii.

Dagaal ka dhacay aagga Karbala

Wararka maanta kasoo baxay jiida dagaalka ee ku aadan Baqdaad ayaa sheegay in dagaal ka dhacay agagaarka magaalada Karbala. Magaaladaas oo lafilayo in ay difaacayaan ciidanka ciraaq ee loo yaqaan ilaalada Qaranka.

Dhanka kale waxa lagu soo waramay in dagaal xoogbadani ka dhacay meel Baqdad u jirta qiyaastii 100km. Waxaa kale oo isagyna sii xoogeystey dagaalkii Najaf oo 150 km koonfurta kaga aadan Baqdaad. 

33 Qof oo Duqayn Lagu Diley Ciraaq

Sida ay weriysey IOL, 33 qof oo shacab ah ayaa la diley,  310 kalena waa la dhaawacay, tan oo kadambeysey markii diyaaradaha dagaalka ee uu hogaaminayo Maraykanku ay Talaadadii duqeeyeen gobolka koonfureed ee Babylon. Sida ay werisey AFP waxaa weerarka lala beegsaday magaalada beerta ah ee Hilla.

Afhayeen u hadlayey hay'adda laanqeyrta cas [ICRC] oo lagu magcaabo Roland Huguenin-Benjamin, waxa uu duqayntii agagaarka Hilla ku tilmaamay mid "Xaqiiqadii argagax leh".  "kooxdanada oo ka kooban afar xubnood waxaan tagnay cisbitaalka Hilla hospital, waxaan soo aragnayna waa argagax" ayuu yiri Mr Huguenin-Benjamin, waxana uu kusii daray "waxaa halkaas yaaley dersin meyd oo isku burbursan", waxaan warku ku daray in uu aaminsan yahay in duqayntii Hilla ay ku dhinteen dersin dad ah ayna ku dhaawacmeen 450 qof.

Magaalo taas u dhow oo lagu magcaabo Haidariya, waxaa lagu so waramay in gelinkii dambe ee isniinta ay ku dhineen qoys ka koobnaa 15 qof. Razek al-Kazem al-Khafaji, oo dhex fadhiya 15 naxash oo yaal meel cisbitaal ah oo magaaladaas ku yaal waxa uu sheegayin ay ka dhinteen Xaaskiisii, lix carruur ah, aabihiis, hooyadiis, saddex walaalihiis ah iyo xaasaskoodii. [ka Dhegeyso radio Australia].

Saddam Xuseen oo Ku Baaqay Jihaad

Dhambaal uu TV-ga Ciraaq Ka Akhriyey wasiirka saxaafada Ciraaq, Mohammed Saeed al-Sahhaf maalintii Talaadada, ayaa tibaaxday in Saddam Xuseen uu ku baaqay Jihaad lagaga hor imanayo dagaalka uu Maraykanku hogaaminayo ee lagu soo qaaday Ciraaq. Dhambaalkaasi wuxuu muwaadiniinta Reer Ciraaq ugu baaqay in ay la dagaalamaan Maraykanka iyo Ingiriiska soo weeraraya ciraaq [dhambaalkaas ka Daawo.Halkan...]

kumayaal Qabiilooyin reer Pakistaan ah oo raba in ay galaan dagaalka "jihaadka" ee Ciraaq

Sida ay wersiyet ABC Australia, kumayaal ka tirsan qabiilooyin reer Pakistaan ah ayaa isu taagaya in ay ka horyimaadaan dagaalka Maraykanka iyo ingiriiska ee Ciraaq, sidaas waxaa sheegay hoyaamiyayasha qabaa'ilka dega gobolka  woqooyi-galbeed ee Pakistaan. "Dawladdu waa in ay tasiilaad u diyaarisaa 100,000 oo iskaa-wax u qabso ah oo ka qayb qaadanaya jihaadka laga soo horjeedo maraykanka kujira ciraaq" ayuu yiri Maulana Mohammad Zaman, oo ah hogaamiye xaga diinta ah oo katirsan qabiilka  Skhakot ee deriska la ah Afghanistan, waxa uu arintaas ka sheegay meel ay isugu yimadeen 500 oo qof.

Askariyad Maraykan ah oo Horay Ciraaq loogu Qabtay oo lasoo badbaadiyey

Sida ay tibaaxeen warar uu faafiyey TV-ga Canada ee CBC, waxaa Militariga Maraykanku sheegeen in lasoo badbaadiyey Jessica Lynch, oo 19-jir ah,  waxaana laga soo badbaadiyey Cisbitaal kuyaal Ciraaq.  Askariyadaas waxaa Ciraaqiyiintu qabteen  March 23  markii loo galay meel u dhow magaalada Nasiriyah. Waxaa warku ku daray in askariyadaasi ay karaaniyad ka ahayd qaybta dayac tirka ee 507aad ee ciidanka Maraykanka. Waxaa liiska dadka la'layahay ee Ciraaq kumaqan ku jira 16 askari oo Maraykan ah ayaa warku ku daray. Faahfaahin lagama bixin sida askariyadda loosoofurtay.

Hindiya oo uu ka go'ay xiriirkii telefoonka ee safaaradeeda Baqdaad

Dawlada Hindiya ayaa sheegtay in xiriirkii telefoonka ee safaarada ay ku leeyihiin Baqdaad uu ka go'ay kaddib markii la duqeeyey guri u dhow halka ay safaaradu ku taal. "Sida aan u fahmey khadkii telefoonka ayaa go'ay, safaaradanada Cummaan ayaa isku deyeysa in ay la xiriirto safaaradda Baqdaad" ayuu yiri Navtej Sarna oo ah afhayeen u hadlayey wasaarada arimaha dibada Hindia.

Talyaaniga oo laga bilaabay kanaal Satellite ah oo kasoo Horjeeda Dagaalka

Dalka Talyaaniga ayaa laga bilaabay kanaal Satellite ah kaas oo kasoo horjeeda dagaalka, Kanaalkaas oo lagu magcaabo No War TV, waxaa sida wararku sheegeen laga soo daayaa dagaalka Ciraaq. Kanaalkaas oo xaruntiisu tahay magaalada Rooma waxaa sida la sheegay maal geliyey dad iskaa-wax-u-qabso ah oo ka yimid gobolka Toscana ee Talyaaniga, miisaaniyadda loo dejiyeyna ay tahay shan million euros.

Turkiga oo Weriye katirsan TV-ga BBC kasoo eryey Xadka Turkiga iyo Ciraaq

Dawladda Turkey ayaa koonfurta turkiga ee xadka ay kala leedahay Ciraaq kasoo saartay weriye katirsan BBC-TV uga soo waramayey halkaas, waxaana sababay eriskaa sida la sheegay kaddib markii uu weriyahaasi halkaas ka soo diray warbixin kusaabsan ciidanka Turkiga iyo dadka u dhashay Kurdish-ka ee gobolkaas deggan. Sida uu sheegay Johnny Dymond oo BBC-da uga soo warami jirey Turkiga, waxaa booliska dalkaasi amreen in asaga iyo shaqaalaha la shaqaynayey ay ka baxaan gobolka Sirnak oo kuyaal koonfur-bari ee Turkiga .

Dhanka Ciraaq waxaa lagu soo waramay in dalkaas laga eryey weriye u dhashay dalka Australia, laba kale oo reer Australia ahna lagu amray in aysan ka bixin hoteel, sida ay werisey warbaahinta Japan.

Heer-kulka Ciraaq oo Kor U kici doona Sabtida iyo Axada Soo socoda

Sida ay qiyaas kusameeyeen laanta Hawada  ee Ingiriisku, waxaa laga yaabaa in hawada Ciraaq ay aad u kululaandoonto, taas oo la qiyaasay in Jimcada uu heer kulku gaari doono 38Co, Maalmaha sabtida iyo Axadana uu gaari doono 47Co, Waxaana la qiyaasay in kulaylkaasi aad u darani uu labada dhinacba ee dagaalka aadka u qalafsani dhexmarayo uu xaaladooda sii xumayn doono, ayaa warku ku daray.

Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq ayagoo nabad Qaba

Hibo Cali [Hiba Ali] iyo Fowsiya [Fauziah Moumein] waa nabad qabaan waxayna joogaan xero qaxooti oo kutaal dalka Jordan, kaddib markii ay maalin ka hor intii aan dagaalka Ciraaq bilaaban ay raaceen Bus qiimihiisu dhanyahay  US$50. Labadaan gabdhood oo Soomaalida ah waxaa deeq waxbarsho siiyey dalka ciraaq, waxayna dhiganayeen jaamacadda Baqdaad [University of Baghdad]. Waxay gabdhahaasi ka baxeen Ciraaq ayagoo bixitaankaas ka xun. Labada gabdhoodba waxay email kula xiriireen qoysaskoodii oo jooga soomaaliya si ay ugu sheegaan in ay bedqabaan, sidaas waxaa weriyey wargeys kasoo baxa dalka Malaysiya oo lagu magcaabo thestar.

MAANTA IYO CIRAAQ: ENGLISH- VIDEO.1 | VIDEO.2 | VIDEO.3 | VIDEO.4
CIRAAQ IYO MAANTA: ARABIC - VIDEO.1 | VIDEO.2 | VIDEO.3 | VIDEO.4 

DAGAALKA CIRAAQ MAALINTII: 14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1

WARARKA CIRAAQ: APRIL 1, 2003

  • Saud al-Faisal: Dagaalkani waxa keliya oo uu dhalinayaa is-afgaranwaa iyo dhiig-qubta.
  • Wasiirka dhaqanka Ruushka oo liiska taalooyin kuyaal Ciraaq siiyey Maraykanka.
  • 7 Dumar iyo Carruur ah oo Ciidanka Maraykanku ku dileen Ciraaq
  • Bush oo Ka Hadlay Arimaha Dagaalka Ciraaq
  • Laba Askari oo Briton ah oo Diidey Dagaalka oo lagu celiyey dalkoodii
  • Aroos Lagu Qabtay Meel Barxad ah oo Kutaal Bartamaha Baqdaad
  • TV Maraykan ah oo Casiley Weriyihii Ciraaq uga soo waramayey, waxaana markiiba weriyahaas shaqo siiyey wargeys kasoo baxa Ingiriiska
  • 8,000 oo Gantaal oo ilaa Dagaalku Bilowday lagu Gamey Ciraaq
  • DHAMMAAN KA AKHRI HALKAN....... APRIL 1, 2003

WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...  

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <>  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SOO BOOQO
xayaysiis

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD