SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror | Turkey.News 
 MID EAST: IslamTodayArabNews  | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | Middle.east.online | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Abu.Dhabi.News |  
KUNA
VIDEO: ITV | Reuters TV  |  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII
14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVEABU-DHABI.TV | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA

WARAR KOOBAN

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri: "Ruushku ma rabo in Maraykanku uu ku guuldaraysto Ciraaq dhaqale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Waxaan rabnaa in arimaha Ciraaq lagu soo celiyo habkii dublamaasiyada"  Interfax 2/4  

 

awar2.jpg (8173 bytes)Wasiirka arrimaha dibadda ee  Belgian, Louis Michel, ayaa talaadadii waraysi uu siiyey wargeyska La Libre Belgique kusheegay in dagaalkani uu yahay in maraykanku uu u baahanyahay in uu tusiyo in uu weliawood sare leeyahay, weerarka Ciraaqna uu tusaale taas u yahay. Ayuu Yiri... 1/4 

 

saudWasiirka arimaha dibada Sucuudiga, amiir Saud al-Faisal, oo sharaxayey dagaalka Ciraaq, wuxuu waraysi ugu sheegay  Barbara Walters oo katirsan ABCNews in "dagaalkan uu dhalinayo oo keliya is-afgaranwaa, dhiig-qubta iyo siyaadin nacayb iyo kordhin walaac gobolka ah". GUJI.. 01/04

 

Mubarak: Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.
Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak ayaa ayaa sheegay in dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku hogaaminayo uu soo saari doono "boqol bin laden cusub"  GUJI.... 31/3

 

iraqTV Maraykan ah oo Casiley Weriyihii Ciraaq uga soo waramayey
[waxaa markiiba shqo siiyey wargeyska Dialy Mirror ee kasoo baxa UK]...
GUJI 31/3

 

iraqWararka ciraaq ka imanaya ayaa sheegay in ciidanka Maraykanku ay dileen 7 dumar iyo carruur isugu jira... GUJI.. 31/3  

MAREEKANKA OO DHEXDOODA KHILAAF KA TAAGAN YAHAY SADDAAM KADIB
ISHA: Guardian UK
| April 2, 2003

Hadday noqon lahayd dagaal saxaafadeed iyo haddii kaleba, waxaa sida ay shaleey daabacday wargayska ka soo baxa England ee The Guardian inuu khilaaf cusub ku soo biiray mas’uuliyiinta sarsare ee maamulka Mareekanka, kaasoo ku saabsan ajandaha iyo qorshe maamuleedka la cuskan doono markii laga takhalluso maamulka Saddam.

Wargayska ayaa boggiisa internetka ku sheegay inay 23 wasaaradood oo mareekan ah ay marka hore maamuli doonaan Ciraaq, iyadoo wasaarad kasta oo ka mid ah wasaaradahaasna ay yeelan doonto 4 la taliyayaal ciraaqiyiin oo ay soo magacaabi doonaan saraakiisha mareekanka.

Waxa uu wargayska intaas ku daray, in magaalooyinka ay gacanta ku dhigaan ciidamada isbahaysiga ay toos u maamuli doonaan maamulka ku meel gaarka ah ee ciidamada Mareekanka, waxaana arrintan magacaabi doona Jeneraalka Tommy Franks, isagoo kagana amar qaadanaya sidaas xukuumadda ku meel gaarka ah ee uu hoggaaminayo jananka lagu magacaabo Jay Garner oo ah janaraal ciidamada mareekanka uga soo ahaan jiray, dhinaca kalena lagu wado inuu maamuli doono xukunka milateri ee lagu qabsan doono Ciraaq.

"Ciraaq waa in ay markii u horeysey tobanaan sano maamulaan dadka Ciraaqiyiinta ah" Blair ayaa sidaas yiri sida ay werisey IOL 

Wuxuu wargayska intaas ku daray, in go’aannada lagaga duulayo maamulka Ciraaq ay si guud ahaan u hoos imaan doonaan maamulka Mareekanka, gaar ahaan ninka lagu magacaabo Poul Wolfowitiz oo ah wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Mareekanka, arrintan oo ay si daran uga caro gelisay Garner oo ku qasbanaaday inuu aqbalo shakhsiyaad ciraaqiyiin ah oo dood ka dhaliyay magacaabiddooda si ay isaga ugu noqdaan la taliyayaal.

Sida uu wargayska Guardian sheegay, waxyaabihii sii kiciyay khilaafka iyo doodda ayaa ka mid ahaa Wlfowitiz oo soo rashaxay Ahmed Chalabi oo ah mid ka mid ah axsaabta ka soo horjeeda maamulka Saddaam iyo qaar ka mid ah ragga isaga u dhowdhow oo uu ku jiro nin ay xigto dhow yihiin.

Sannadihii ugu danbeeyay wuxuu Ahmed Chalabi kasbanayay xiriirka uu la lahaa gaashaandhiga Mareekanka ee Pentagon, jeer ragga sare ee maamulka Bush sida wasiirka gaashaandhiga USA Donald Rumsfeld uu isaga si weyn u taageero, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee mareekanka iyo wakaaladda sirdoonka mareekanka ee CIA ay ninkan ku eegaan aragti shaki leh.

Ahmed Chalabi oo sannado badan mucaarad ku ahaa maamulka Ciraaq ayaa sida uu wargayska tibaaxay ku noolaa dibadda Ciraaq laga soo billaabo sannadkii 1956-kii, waxaana loo badinayaa sida uu Guardian sheegay inuusan lahayn shacbiyad sidaas u badan.

“wuxuu filayay Ahmed Chalabi in loo magacaabi doono ra’iisal wasaaraha cusub ee dowladda ku meelgaarka, hase ahaatee wuu ka xumaaday Chalabi in ajandaha mareekanka uusan taladaas isaga u dhiibaynin kadib markii la tuuro Saddam” ayeey qortay Guardian oo sidoo kale wareysatay nin ay Chalabi isku xisbi yihiin oo sheegay inuusan Chalabi aqbali doonin inuu la taliye kaliya ka noqdo maamulka cusub ee ay xukuumadda Washington ka damacsan tahay inay wax kaga beddesho guud ahaan gayiga barriga dhexe.

Dhinaca kale, wuxuu kaloo wargayska The Guardian shaaca ka qaaday in samaynta maamulka mareekanka la filayo inuu ku dhalin doono welwel siyaasadeed oo daran ra’iisal wasaaraha Britain Tony Blair, kaasoo isaga doonaya inuu xoogga saari doono sidii arrintan iyada ah iyo dib u dhiska Ciraaq-ba gacanta loogu wareejin lahaa Qaramada Midoobay iyo Mujtamaca dowliga.

Waxyaabaha khilaafka dhaliyay xittaa waxaa ka mid ah muddada xukunka milateri lagu maamulayo Ciraaq dagaalka kadib iyo aragtiyo kala duwan oo ay arrintan ka kala qabaan wasaaradda arrimaha dibadda mareekanka iyo wasaaradda gaashaandhiga. Sida uu qoray wargayska Washington Post in xooghayaha arrimaha dibadda mareekanka iyo la taliayaashiisuba inay qabaan ra’yiga Tony Blair ee oranaysa in maamulka Ciraaq ee Saddaam kadib loo dhiibi Qaramada Midoobay, iyo sidii dalalka kale ee diiddanaa dagaalka Ciraaq loogu dari lahaa ka qayb qaadashada dib u dhiska Ciraaq. Hase ahaatee, wasiirka gaashaandhiga Rumsfeld iyo ku xigeynkiisa oo uu taageerayo madaxweyna ku xigeen Mareekanka ayaa diiddan aragtidaas, iyagoo ka cabsi qaba inay dadaalkii mareekanka ee Ciraaq uu meesha si sahlan uga baxo.

Inkastoo uu jiro ajandahaas ay degsadeen maamulka Mareekanka, haddana waxaa dhici kara inay soo cusboonaadaan wax si weyn wax uga beddela qorshahay degsadeen.

Dagaalkii ay ciidamada Mareekanka iyo ingiriiska ku qaadayeen ayaa meeshiisii ugu darneyd weli ka socda Ciraaq. Siday maanta sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu kongareeska mareekanka oggolaaday sharci siinaya madaxweynaha mareekanka Bush lacag gaaraysa ilaa 78 bilyan oo USD, lacagtan oo lagu siyaadinayo qarashka ku baxaya dagaalka Ciraaq.

Isha:
http://www.guardian.co.uk/international/story/0,3604,927003,00.html

http://www.reuters.com/newsArticle.jhtml?type=topNews&storyID=2495926

Tarjirmadii Ibraahmi Saalax | SomaliTalk Denmark

April 2, 3003

WARARKII CIRAAQ: APRIL 2, 2003

  • Ruushku wuxuu rabaa in Arinta Ciraaq lagu soo celiyo UN-ta: Putin
  • 21 Shacab ah ayaa dhintay, 75 kalena waa dhaawacmeen kadib marki la duqeeyey Mosul: IOL
  • Wargeys Maraykan ah oo Shaqadii Ka cayriyey sawiraadihiisii Ciraaq kaddib markuu uu Macmalay Sawir
  • CIRAAQ TV: Saddam oo Qabtay kulan ay ka qayb galeen wiilashiisu
  • Arday Soomaaliyeed oo kabaxay Ciraq ayagoo nabad Qaba
  • HOOYO SOOMAALIYEED OO GABAR KU DHASHAY BAGDAAD INTII GARAACU SOCDAY.
  • 60,000 oo diyaar u ah in ay weeraaran Ciidanka Ilaalada Qaranka Ciraaq
  • Dagaalka Basra oo Weli socda
  • Dagaal ka dhacay aagga Karbala
  • 33 Qof oo Duqayn Lagu Diley Ciraaq
  • Saddam Xuseen oo Ku Baaqay Jihaad
  • kumayaal Qabiilooyin reer Pakistaan ah oo raba in ay galaan dagaal "jihaadka" ee Ciraaq
  • Askariyad Maraykan ah oo Horay Ciraaq loogu Qabtay oo lasoo badbaadiyey
  • Hindiya oo uu ka go'ay xiriirkii telefoonka ee safaaradeeda Baqdaad
  • Turkiga oo Weriye katirsan TV-ga BBC kasoo eryey Xadka Turkiga iyo Ciraaq
  • Talyaaniga oo laga bilaabay kanaal Satellite ah oo kasoo Horjeeda Dagaalka
  • Heer-kulka Ciraaq oo Kor U kici doona Sabtida iyo Axada Soo socoda
  • GUJI HALKAN............ 

WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...  

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <>  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SOO BOOQO
xayaysiis

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD