SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Internetka iyo Ubaxii Kacaanka

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

”Ma bah ina Ciise ayaad tahay?. Ilaahay hooyo naxariistii janno ha ka waraabiyo. Waa aan la socdey in ay Denmark ku geeriyootey. Anigu waxaan ahay ina Xassan Maxamed, oo waxaan ahay bah ina Nuur ahay”...

» Af-lagaadada Culumada iyo Shaafici [Baasto]

» Jawaab:Shaafici Maqaaaldiisii Wadaadada, BBC iyo Cali Samatar [Dafle]

»Shaydaanku ma qubaystaa?! [Shaafici]

» Jawaab: Shaydaanku Ma Quusto [C/Waaxid]

Waxaa jirta su’aal fiican oo markii la isweydiiyo aan jawaabteeda lagu hakan ee ay iska caddahay, taas oo ah ”Soomaaliya 1969 Oktoober iyo 1990 Oktoober keebay xasilloonayd?”.

Jawaabtu waa ay iska qeexan tahay, hase yeesho ee waxaa dhici karta in ay dadka qaarkood neceb yihiin in murti sidaas u culus ummadda la dhexkeeno. Kuwa runta sidaas u cad ka jiriricoodaa waxay ka kooban yihiin dadkii muddadaas dheer dalka kharribayey ardadoodii iyo carruurtoodii, iyo weliba dadyow kale oo aan wanaag iyo samaan midna waxba ka ogayn, ee sida baalkaabiyihii u duulduula.

Sababta ugu weyn ee Soomaaliya gadaal u celisey, muddadii 21 sannadood ahayd ee ay bah Khadiijo iyo aabbahood qoriga caaraddiisa dhafoorka nagaga hayeen, waa in aragtiyihii ummadda oo xaqa ahaa la cabburiyey.

"Arrinta labaad oo Cali-Dhuux lagu xantaa waa in uu fidmowale weyn ahaa, oo uu khilaafka Sayidkeenna ka sokow ahaa dirediraale ummadda dab ka dhexhurin jirey." Shaafici: Maqaalkii Xumaan iyo samaan

Siyaalaha dadkeenna maskaxda looga curyaamiyey waxaa ugu weynaa in la xasuuqay dadkii caqliga toosan lahaa badankoodii iyo xabsiyadii jaxiimada ahaa, oo ay dadkii maskaxda inoo noqon lahaa badankoodii ku geeriyoodeen.

Dadka hadda nool oo xilligaas qaangaarka ahaa waxay ka kooban yihiin afar qaybood, waana kuwii xumaanta ka qaybqaadanayey, kuwo xumaanta ogaa laakiin baqayey, kuwo aan waxba kala ogayn iyo kuwo dalka ka baxsaday, oo mucaarid iyo qax debedaha la meermeerayey.

Gumaysigii kululaa oo ummadda soomaaliyeed soo maray muddadaas maqaalkaani kuma uu saabsana, laakiin waxaa laga yaabaa in ay dad dhoohani u qabaan in ay waagaas xor ahaayeen, taas ayaa keentay in aan xoogaa ka taanno addoonsigii kharaaraa oo ay cadowgii kabaha madmadoobaa ina dhedhensiiyeen.

Xirsi Magan Ciise ayaa mar uu taariikhda Soomaaliya ka faallooday waxaa hadalkiisa ka mid ahaa: ”Waxa ugu xun oo dad lagu sameeyaa waa in la gumaysto, oo dadka looma abuurin in ay isgumaystaan, hase yeesho ee xilligii hore oo ay Soomaaliya gaalada caddi gumaysanayeen ayaa ka qaboobaa xilligii danbe oo ay gaalada madoodi ina gumaysanayeen”.

"Muddo ka dib markii aan 11 sano gaarey ayaan ogaadey in ay dadku kala duwan yihiin xagga waxbarashada, oo uu qof kastaa wax gaar ah ku fiican yahay, isla markaas in qofkii maaddo uusan ku fahmo badnayn baran waaya aan shaydaan lagu xariirin karin. Waxaa in aan sidaas aragtidayda u beddelo igu kallifay in aan arkay dad iga caqli badan oo iga dadnimo badan, kuwaas oo aan gabay iyo Qur’aan midna xafidi karin, ee talada iyo hawlaha kale aad u fahmayey, halka aan anigu shaqooyinka ay qabanayaan necbaa, oo ay maskaxdaydu maanso, xifaalo iyo sheeko jacayl u heellanayd."
Shaafici: maqaalkii Xaqdarro

Hadalkaas Xirsi Magan waxaa ku duugan run culus, oo aysan fahmi karin dadka uu caqligoodu ku jiro garka iyo rubadda dhexdooda, sida kuwii Carta raashika u doontay.

”Laaska daawada” oo ka mid ahaa barnaamijyo uu Xirsi Magan kaga hadlay gumaysigii madoobaa ayuu bilowgiisa ku xardhay shirar ay gaaladaas madoobi yeesheen oo heerkooda fakarka iyo siyaasadda ku saabsan. Wuxuu barnaamijkaas bilogiisii asaga oo maqal ah ku duuban yahay bogga internetka ee Golkhatumo.com.

Magaalada Nayroobi baa sanaddadii sagaashanka bilowgoodii waxaa ku soo gurmay dad badan oo gumaysigaas modow firxadkiisii ah, waxayna bilaabeen labo arrimood.

Midda kowaad salaan iyo qosol been ah bay kula soo yaaceen dadkii ay silcin jireen, oo ay xabbadda iyo katiinnadda ku ciqaabi jireen. Midda labaad waxay isku gureen masaajid oo mid kastaa wuxuu wajigiisa mariyey weeso uusan xusuusan jirin markii uu Curubo iyo meelaha la midka ah joogey.

Xirsi Magan baa waagaas waxaa salaan kula soo yaacay kuwo gumaysigii uu labaatan sano ka hor ka soo fakaday madax ka ahaa, oo ayaga oo qaxaya ka daboyimid.

Waxaa salaantii ka qaaday kuwo ka mid ahaa shacabkii la gumaysan jirey, oo moodey in uu kacaankii dhintay oo arrintu caadi noqotay, waxaase jawaab middooda ka duwan dhiibey Xirsi oo yiri: ”Ma umul baannu nahay?!”.

Dhibaatooyinka BBCda AfSoomaaligu Ku hayso Soomaalida..
1aad
| 2aad

Waxaa la wada og yahay in ay umuluhu afartan habeen kaga soo kabtaan xanuun ay ka shallaayeen, oo ay dabadeed cadowgii xanuunkaas u geystey hoosta soo gashadaan.

Masaajiddadii la isku guray iyo cimaamadihii madaxyada lagu duubtay wuxuu Xirsi Magan ka sameeyey barnaamij aannu 1991 ka dhegaysanney BBC laanteeda afka soomaaliga, wuxuuna barnaamijkaasi ka bilaabanayey: ”Safka hore ayey ku jiraan! Waa kuwee? Waa kuwii aan masaajidda Soomaaliya safka danbena geli jirin! Oo maxay rabaan? Booye bal adba?!”.

Dadka muslimiin iyo gaaloba toobaddu waa ay u furan tahay, laakiin inta caqliga iyo fiirada dheer leh lama khatali karo, waxaana daliil u ah hadalkii Wiilwaal oo ahaa: “Maxaa weedha iyo naaso’adag kulmiyey?!”.

Maanta dadka iska dhiga in ay hanuunsan yihiin waa kuwii wax ka toogtey toban iyo dheeraadkii wadaad oo uu Khaliif shiikh Maxamuud dilkooda ka yiri:

  • “Culimadii haddaad haanka iyo, haniyihii goysey

  • Toban iyo hal dheeri ah haddaad, subax hareeraysay

  • Hororyohow wadaaddada cunaa, kula heshiin mayno”

Kuwa ku andacooda ereyada ay ka mid yihiin ”Qaxii baan xaqa fahmey”, ”Saxwada shabaabka waxaan ku soo biiray markii dhibtu dhacday ka dib” iyo ”Markii uu qarankii burburay ka dib buu tawxiidku i dhacay” waxay u badan yihiin ubaxii iyo ardadii kacaanka.

Qaranka burburay waxaa laga wadaa in aannu Maxamed Siyaad u cayriney meeshii uu geeloodu daaqi jirey, oo magaceeda la yiraahdo Buurdhuubo. Dadka caqliga suubbani waxay rumaysan yihiin in uu qaranku burburay habeenkii uu ninkaasi dalka miray, dhibtuna ay habeenkaas bilaabatay.

"Waxaa jirey niman uu Soobbe ka mid ahaa oo gumaysiga la socdey. Waa nimankii uu garaadkoodu siiyey in gumaysiga loo sii kaadiyo, oo aan maamulka lagu ordin ee xoogaa wax la barto, si aan dabadeed loogu fashilmin xornimada aan khibradda loo lahayn. Caqlixumadaas lagama yeelin..." Shaafici... guji

In xabbad shacabka dhafoorka laga saaro oo ”Aamus!” lagu yiraahdo yaa bilaabay?! In habeenkii guryaha loo dhaco oo dumarka la kufsado, oo carruurta hurudda baacugga lagaga tunto yaa bilaabay?! In dadka shacabka ah la haybsado oo qabiil ahaan loo dilo yaa bilaabay?! In wadaaddada la ugaarsado oo kuwa aqoonta leh xabsi iyo xabbad lagu aamusiyo yaa bilaabay?!

Hangash, buluusiya millataare iyo koofiyad cas maxaa hanuunkooda ku xiray in ay Maxamed Siyaad Barre iyo Cabdirraxmaan Jaamac Barre Buurdhuubo u qaxeen? Maxay u hanuuni waayeen markii ay aniga iyo ducaad kale oo islaami ah labodiblaha noo xiri jireen oo kabaha madmadow ay shafka iyo madaxa nagaga garaacayeen?

Maqaalkaan yari wuxuu ku saabsan yahay dhibaatada iyo wareerka ay ubaxii kacaanku xilligaan u geystaan shacabka aan arrimohooda la socon, ayaga oo xumaantii ay barteen u helay internet.

Waxaa ayaan dhexdaas ah hadal aannu ku baraarugney soo qoray Cali Shire Jaamac, oo aan filayo in dadka wax akhriyaa ay qoraalladiisa internetka ku xisaabtamaan. Cali wuxuu soo qoray hadal kooban oo baraarujin ahaa, wuxuuna qoray sidaan: ”Dadka internetka wax ku baahiya qaar baa waxay ku dhiiban yihiin magacyo aysan lahayn iyo beelo aysan ka dhalan!”.

Cali cidna ma uu magacaabin, laakiin anigu waxaan rabaa in aan bogagga qaarkood ku caddeeyo in ay kacaankii iyo Carta oo isla kacaankii ahi ku ceebqarsadaan.

» Talo Bixin: Internetka iyo Qoraalada Soomaalida [Cali]

Waxaan xilli hore maqaal u diray Puntlandpost.com, waxaana maqaalka la oran jirey ”Nefis iyo naxdin”, oo wuxuu ku saabsanaa Cabdullaahi Yuusuf iyo Cabdiqaasim Salaad oo uu mid markaas naxsanaa, midna uu xoogaa nefis ah dareemayey.

Markii maqaalkii Puntlandpost lagu qoray waxaa ka maqnaa meelo badan, waxaana lagu kordhiyey ereyo Carta dan iyo marmarsiinyo u ahaa. Waxaa maqaalka lagu daray aragtida dadweynaha, laakiin markii la daabacay aragtidaydii ma uu ahayn ee wuxuu ahaa aniga oo la igu barxay kacaan iyo Carta!

Meelaha maqaalkaas aad looga dhaawacay waxaa ka mid ahaa aragti aan sheegay in dagaalkii Puntland ka dhacay iyo heshiiskii ay dhaantey in aan markii horeba dagaal la bilaabin iyo in dhiiggii daatay ay sababeen caaqnimo iyo taloxumo.

Waxaa kale oo maqaalkaas laga tuuray aragti aan ku sii saadaaliyey in uu Cabdiqaasim shirka Nayroobi ka carari doono, waayo meeshu Jibbuuti ma aha oo qabiili soomaali ah oo qolo cuqdad ka qabaa ma uu xukumo, ee waxaa shirka furay dalal dhawr ah oo deriska ah.

Meel kale oo maqaalka ka mid ahayd, ee muhiim ahayd, baa ayadana la tuuray, waxayna ahayd in aysan madaxda soomaalidu diinta ku fiicnayn, siiba Cabdiqaasim Salaad iyo Cabdullaahi Yuusuf, laakiin waxaan sheegay in ay yaab leedahay in aysan dadka nimankaas diinta ku eedeeyaa ujeeddooyin xalaal ah wadan, ee ay qof ay si kale u neceb yihiin diinta ku marmarsiinyoodaan. Waxaan qeexay in aysan diintu ahayn wax qof ama qabiil cuqdad loo qabo loogu gabbado, ee ay tahay wax intaas ka macne weyn. Haddii ay jiraan dad diinta sax u haystaa may baaddilkii Carta lagu hayey ka dhiidhiyaan oo muslimiinta uga digaan, sidayda oo kale?

Markii aan arkay in maqaalkii la gogtay, oo la dhaandhaamay baan boggii Puntlandpost la xariiray, wuxuuna ninkii lahaa ii sheegay in uu moodayey in aanan ku baraarugayn in uu wax ka beddeley qoraalka! Hadalladii uu soo qoray waxaa ka mid ahaa: ”Cidna ha noo sheegin u noqon maynee!” iyo ”Waxaan ahay ina Xuuxuule oo guddoomiyaha gobolka Nugaal baan la dhashay. Waxaan joogaa London!”.

Anigu ma aan weydiin ina-ayo ee in maqaalkii la kharribay baan la yaabbanaa, waxaase markaas i galay shaki weyn, waayo maxaa loola soo orday ina ayaha?

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Nasiib wanaag waxaa ii ahayd in aan Yuusuf-Xuuxuule Muuse-Dhegood bartay aniga oo 3 jir ah, ayna iigu danbaysey aniga oo 19 jir ah, intaasna aan kun jeer arkay. Habeenkii Xuuxuule iigu danbaysey waxaannu labadayada iyo nin kale ku wada hoyanney reero degganaa Godbo-Eyl, waxaana naloo qalay ceesaan. Intii aannu martisoorka sugayney iskuma aannu khilaafin uu kacaanku koox shaydaan yahay iyo in la iska dhiciyo ma aha ee in uusan dawo kale lahayn. Aad buu Xuuxuule kacaandiid u ahaa, waxaanna Rabbi uga baryayaa in uu ajar iyo xasanaad ka siiyo.

Hadalkii aan ninkaas Xuuxuule ku dhuumanayey ku celiyey wuxuu ahaa: ”Ma bah ina Ciise ayaad tahay?. Ilaahay hooyo naxariistii janno ha ka waraabiyo. Waa aan la socdey in ay Denmark ku geeriyootey. Anigu waxaan ahay ina Xassan Maxamed, oo waxaan ahay bah ina Nuur ahay”

Tacsiyayntaas iyo waraysigaas wuxuu kaga soo jawaabey: ”Maya! Bah kale ayaan ahay! Nabadey!”. Weligay ma aan arag nin ina Xuuxuule ah oo sidaas u fudud, oo iga carara! Waxaan damcay in aan khabaar ku celiyo, markaas ayuu e-mailkii igu soo noqday. Markiiba waa la iska xiray khadkaygii, waayo dadku ma ay ahayn dad Puntland ka soo jeeda, oo su’aalahayga degaanka iyo dadka ku saabsan baa laga dhuuntay! Ma Carta iyo kacaan baa aniga ilma Muuse-Dhegood iigu raadgadan kara?!

Magaca guddoomiyaha Nugaal baa inta la soo xansaday lagu dhuumanayey, laakiin dadka Nugaal deggan qof aanan aqooniba ma uu ku jiraa? Malaayiin dad ah baan aqaan, oo ubaxa kacaanku waa in ay iga cararaan!

Wiilkeygow ma Ciil Sokeeyaa ku Haya Mise... [Eelay]

Dad dhawr ah oo muddo sheeganayey in ay Puntland ka soo jeedaan baa waxaa maalinba mid la caddeeyaa in uusan qof jiraba ahayn, ee ay internetka kaga qaraabtaan dad beelo kale ah magacyadood, si ay buuq riqiis ah iyo wareer ugu furaan gobolkaas dhexdiisa. Waxaasi dhammaantood waa ubaxii kacaanka.

Maqaalkii ”BBC iyo Cali Samatar” ciwaankiisu ma uu ahayn ”Beenta BBC iyo Cali Samatar”, oo ereyga ”Been” dad kale ayaa ku daray, hase yeesho ee waxaa iila yaab badnayd in bogga internetka ee Somaliweyn.com uu qoraalkaas ka tuuray meelo dhawr ah.

Meelaha laga tuuray waxaa ka mid ahaa dood ku saabsanayd in aysan habboonayn in dagaalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya wax laga weydiiyo Cabdiqaasim, oo aan sheegay in uu guryaha Maxamed Siyaad taagtaagnaan jirey, ee uusan dagaalkaas xog weyn ka hayn. Runta sidaas kulul u taabatay BBC iyo kacaankii bay Somaliweyn wadnaha siin waayeen, markaas ayey maqaalkii ku saqajaameen!

Run ahaantii waxaa boggaas leh rag kacaankii iyo Carta aad u jecel, oo aannu galab kasta kafeega wada cabno, laakiin aan dood weyn jeedsan karin, ee taageero amagsi ah ku socda.

» Hasha Geela Cuuntaa u Cabaad Badan [Nugidoon]

Markii aan sidaas ay maqaalka u silicdilyeeyeen weydiiyey waxay arrintaasi ku noqotay wajigabax, waxayna labadii maqaal oo ka danbeeyey baahiyeen ayaga oo aan waxba ka reebin, waxna ku darin, waayo waxay og yihiin in ay fadeexad weyn ku tahay haddii aan tuugnimo danbe ku qabto! Labadaas maqaal waxay kala ahaayeen ”Xaqdarro” iyo ”Xumaan iyo samaan”.

Somalitalk.com waxaa leh dad kacaankii ahaa, waxayna aniga igu sameeyeen xumaan la mid ah ama ka daran arrinta ay Puntlandpost sameeyeen, oo liidnimada iyo dhuumaalaysiga ah.

Maqaalkii ”Xumaan iyo samaan” oo dhawaan la baahiyey waxay ku dareen hadallo aanan anigu qorin, oo ay ula jeedaan in ay akhristayaasha kaga raadiyaan in ay in necbaadaan.

"Gumaysigii adduunka qaybsaday ee reer Yurub ayaa dadyow badan waxyaalahaas baray. Waxaa iska cad in uu gumaysigu dhib badan ka mutay sidii uu xoolodhaqatadii soomaalida u fahamsiin lahaa maamulkaas casriga ahaa, oo ay adduunka ku fidinayeen. Waxaa kale oo iska cad in ay soomaalidu u baahnaayeen in la ilbixiyo oo wax la baro si ay mustaqbalka uga soo baxaan dad wax kala garanaya oo maamulka iyo siyaasadda soomaalida gacanta ku dhigi kara.

Soomaalida waxaa markaas haystey jahli ku raagey iyo badownimo qoddodheer, waxaana taas daliil u ah in uu Maxamed Cabdulle Xassan diidey canshuurtii uu maamulkaas casriga ahi dadka ka qaadayey! Wuxuu dadkii canshuurta weydiiyey ku yiri: ’Idinka yaa canshuur idinka qaaday markii aad halka timaaddeen?’. Hadalkaas iyo dhaqankaasi waa arrimo caqliga iyo nadaamka labadaba ka fog."
Maqaalkii Shaafici ee Xumaan iyo Samaaan.

Hadal xagga luqadda iyo xagga ujeeddadaba daciif ka ah ayey ku bilaabeen maqaalkii. Waa labo sadar oo been-abuur ah, wuxuuna maqaalku ku qoran yahay bogag kale, oo aan dadka ra’yiyadooda dhaawac u geysan ee sidooda ugu baahiya.

Seyid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu ahaa nin badow ah waxaana taas muujinaya canshuurta ku diidey Gumeysiga!” Waxaas anigu ma aan qorin, maqaalkuna kama uu bilaaban, ee waa been-abuur uu qofkii iga sameeyey maalinta Qiyaame ka jawaabi doono! Haddii uusan ubixii kacaanka ahayn waxaan oran lahaa ”Cafi iyo masaabax”, laakiin aniga iyo kacaanku tan iyo aakhiro siriq iyo jalfis baannu isla goobaynaa.

Horta anigu markii aan aragtidayda caadiga ah ina Cabdulle Xassan ka dhiibanayo Sayid kama hormariyo magaciisa, ee Maxamed Cabdulle ayaan dhahaa, waa laga yaabaa in aan dhaho ”Sayidkii Daraawiishta”, waayo ayaga sayid buu u ahaa.

Canshuurta ku diidey gumaysiga” waa hadal aan xagga naxwaha saxnayn, oo uu qoray qof aan dareen luqadeed lahayn, waxayna sii muujinaysaa in uusan qofkaasi meel luqadda laga xiiseeyo ku soo barbaarin.

Hadalkaas laguma arko labo erey oo sida aan anigu hadalka u rakibo isugu xiga! ”U diidey” iyo ”Ku diidey” qof aan kala aqoon baa qoray, laakiin anigu waa aan kala aqiin teer iyo markii aan afar sannadood jirey.

Midda kale meesha uu ”Canshuurta” ku qoray waxaa ka horrayn lahayd ”In uu”, isla markaas hadalkaas taariikhda tagtay ah luguma dhammayn karo ”Ta” ee waxaa habboonayd ”Canshuurtii” ama ”Canshuur” keli ah in uu ku gaabsado, taasina waxay muujinaysaa in uusan qofkaas beenlowga ahi kala aqoon ”Canshuurta” iyo ”Canshuurtii”!

99 Magac ee ALLAH .... Akhri

Halkan ka dhegeyso Asmaul Xusna...

Lama soo koobi karo inta meelood oo uu qofkaas aan Rabbi iyo rag midna aqooni labadaas sadar af ahaan ka jebiyey, laakiin waxaa ka yaab badan in uusan maqaalkii waxba ka fahmin!

Horta maqaalka ”Xumaan iyo samaan” muxuu ku saabsanaa? Ma wuxuu ahaa aragti aan anigu sheegayo? Maya! Maqaalku wuxuu ka koobnaa saddex aragtiyood oo ka mid ah aragtiyaha ay soomaalidu kala qabaan. Mid kastaa waxay ku dhexjirtey calaamada sidaan ah ”…”.

Midda hore waxaa ku jirey ereyga ”Sayid”. Midda labaad ereygaasi kuma uu jirin, waana aragtida ay kacaanku ka gogteen in uu Maxamed Candulle canshuur diidey.

Meesha wax aragti ah anigu kuma aan lahayn, ee ubaxa kacaanka ayaa saddexda aragtiyood ee soomaalida middood ka xanaaqey! Aragtidii ay ka caroodeen lafteeda ma ay fahmin, mana ay garan karaan xataa luqad ahaan waxyaalaha ay saddexda aragtiyood ku kala duwan yihiin. Waxaa meesha soo galay ereyadii Khaliif sh Maxamuud ee ahaa:

  • “Ninkii debinka meegaaray oo, geri malaynaayey

  • Sagaaradii majaha suratay baad, maandhow ii tahaye”

Iyo ereyadii uu nin labaad Khaliif ku yiri:

  • ”Mindhaa umaba duurxulin murtida, dululubteediiye

  • Ceel dawlis dheer baad gacmaha, soo dar leedahaye ’…..’

  • Daraftaan ka rogey baan ilaah, kaaga daalicine”

...Waxaa kale oo uu shaafici ka xanuunsaday in general max’ed faarax caydiid la yidhaahdo allaha u naxariisto,...
Baasto: Maqaalkii Af-lagaadada Culumada iyo Shaafici

Teeda kale dadka gobollada dhexe, bari, galbeed iyo woqooyi ku koray ”Seyid” ma ay dhahaan ee ”Sayid” bay dhahaan, oo waxaa beenta iga sameeyey qof ku soo barbaaray dhulka Mudug koofur ka xiga!

Internetka in maqaalkaas laga akhriyo ayaa lagu ogaan karaa in ay bogga Somalitalk leeyihiin ubaxii kacaanka oo qaxii ka dib hanuuney, kuwaas oo aan isku kalsoonayn, oo xiqdi iyo cuqdad meel la yuurura!

Maqaalkii ”Xaqdarro” waxay ubaxa kacaanka ee Somalitalk igu eedeeyeen in uu diinta dhaawac u geysanayey! Waa jahli iyo cuqdad isbarkan eeddaasi, ee maqaalku wuxuu ahaa qoraal aan ugu talogalay in uu ummadda wacyigeeda kor u qaado, oo uu ka saxo khaladaad badan oo bulshada dibudhac u keenaya. Waxay dadku wada og yihiin in aan diinta kaga fiic nahay dadka qaxii koofiyadihii cascasaa iyo tuutihii xooray, oo hanuuney! Anigu qax kuma aan hanuunin ee waxaan ka mid ahay dadkii Rabbi yaqiin markii ay ayagu aabbe Siyaad yaqiinneen.

» Muxuu Ina taray Kacankaankii maxuuse inoo Dhimay?  [Waaberi]

Dadka Rabbi baa kala duwey, oo qofna afgarooc ka dhigay midna afmaal ka yeelay, xaasidna waxaa noqda dadka kasha iyo laabta ka buka iyo dadka kacaankii ahaa oo og in dadkii ka fiicnaa inta la laayey ama la xirxiray ayaga oo xaabo ah dalkii laga adeejiyey!

Baqdinta iyo kurbada laga qabo aragtiyaha miiggan oo bulshada kor u qaadaya iyo xaasidnimada labadaba waxaa iska leh ubixii kacaanka, laakiin dadka ikhyaarta ah oo awoodda u leh in ay xeelado suubban dadka danohooda uga hadlaan lama xayiri karo, oo ayaga ayaa guulaysan doona.

Ubixii kacaanku markii ay doodo iyo murti ay ku aaddiyaan maqaallada xoogga isaga daba’imanaya waayeen bay naf ka dayeen in ay qoraallada ereyo ku daraan ama ka reebaan si ay akhristeyaasha khayrka sugaya iyo qoraayada wax laga dhawrayo u kala dhex-ordaan!

Shaqadaasi waa dabcigii kacaanka oo sidiisii ah, laakiin waxaa jooga dadkii kacaankii oo miigag iyo kaareyaal badan kaysta awrta iyo ulaha kaga adkaaday, ee ma kacaan Yurub iyo Ameerika digir ku cunaya ayaa damin kara nuurka runta oo ay qalimada ula soo baxeen hamaannada aan libiqsanayn, oo dadka wacyigooda kor u qaadaya, si ay maskaxdooda uga sifeeyaan khuraafaadkii lagu dhurayey 21 sannadood iyo beentii Carta.

Dabeecadaha iyo tilmaamaha dadka noocaas ah waxaa ka mid ah in aysan diinta waxba ka aqoon, isla markaas ay diinta ka dhigtaan gaashaan ay runta kaga gabbadaan. Diintu ayada ayaa run ah ee sidee buu qof munaafaq ah, oo uu qalbigiisi dhuxul ka madow yahay, ugu gabban karaa?!

Waxay iska neceb yihiin qof ama reer ee aragti iyo dood fiican midna ma ay keenaan, waana dabeecadihii kacaanka iyo Siyaad oo sidoodii ah.

Aragtiyaha iyo doodaha liita ayey bogagga ku faafiyaan, sida qof ciwaan ka soo dhigtay ”Nabadda Marka jirta iyo colaadda Garoowe ka holcaysa!”, isla markaas haddii ay arkaan qof wax fiican oo af ahaan iyo ujeeddo ahaanba miisaan weyn leh bulshada u sheegaya waxay ka daba qoraan hadallo dhicisyo ah, oo aad u macnedaran marka dhan kasta laga eego.

Waxaa kacaanka ka mid ah kuwo qoraalladooda ku bilowda ”Akhriteyaal waad salaaman tihiin” ama ”Nabdgelyo iyo naxariisi korkiinna ha ahaato”!

Saddex arrimood bay kacaanku qoraayada miiggan ula diriraan. Waa saddex dabeecadood oo muujinaya kartixumida agoontii uu ka tegey ninkii Nayjeeriya ku nafbaxay inta dalkiisii sida ihaanada ah looga cayriyey.

Midda kowaad waxay isku dayaan in ay qoraagga suubban ”Gaal!” ku sheegaan, oo waxay arrintaas ugu duggaalaan bal in ay helaan dad hurdo iyo saq ku jira oo waxaas run uga qaata, waayo waxay ku soo ilbaxeen meel qofkii karti leh la dilo, ama magacyo xunxun loo bixiyo dhammaan dadka ogaan kara liidnimadooda.

Taariikhdu waa wax weyn oo qaaliya waxeyse waxtartaa cidii wax ku qaadaneysa waayoaragnimadii la soo maray. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan dagaalkii uu la galay gumeysiga Ingriiska ayaa dhaliyey gobonimadii gobolada waqooyi, nasiibdarro qabaa'ilada waqooyi Bari iyo waqooyi galbeed mid walba waa ka hiiliyey geesigaas u dagaalamay gobonimada ay maanta heystaan.
 
Dr. Saciid... Guji 

Waxay nala tahay in la wada xasuusto naynaasigii waxgaradka iyo culumada soomaaliyeed loo bixiyey, oo kala ahaa ”Kacaandiid”, ”Wadaadxume”, ”Gaaloraac”, ”Qurmis”, ”Afmiinshaar”, ”Eedaysane” iwm. Waa magacyo handadaad ah oo aad asluubka islaamka uga fog, oo aan diintii nebi Maxamed CSW ku bannaanayn, laakiin ay diinta ubaxa kacaanku malaha fasaxday.

Cilmi iyo dood aan intaas ahayn weli ubaxa kacaanku ma ay baran, oo intii ay horay noola barteen bay sheegaan, waayo ninkii baray waa la xabaalay, welina asagii ma aha ee macallin kale ma ay helin. Sidaas awgeed ubaxa kacaanku waa guri qufulan oo uu nin qabri ku jiraa furihiisii la maqan yahay.

Midda labaad waxay isku dayaan in ay qoraaga ku been-abuurtaan, oo waxay ka jawaabaan waxyaalo uusan oran si loogu maleeyo in uu yiri, oo uu akhristuhu wax uusan oran uga micfilaato. Tusaale ahaan in qof qoray ”Kacaankii eedo waaweyn buu galay” loogu jawaabo ”Eedaha aad SSDF iyo SNM la soo koraysid maad USC la aaddid”, ayada oo loola jeedo in ay beelaha qaarkood qoraaga ku xanaaqaan!

Midda saddexaad waa in qoraaga lagala doodo qabyaalad si ay dadku u moodaan in ay dooddiisu qabiil ahayd. Labo siyaalood bay arrintaan ubaxa kacaanku u sameeyaan.

TAARIIKHDA LAGAMA BEEN SHEEGO...
Qore Kancaan... Guji

Midda kowaad waa in inta qabiil gaar ah, oo laga yaabo in uusanba qoruhu ka dhalan, la caayo mid kale la difaaco, si uu akhristuhu u moodo in ay internetka qabiilooyin ku dirireen, oo uu qoraagu u egaato qof qabiil gaar ah u dan leh.

Midda labaad oo yaabka lihi waa in la iska dhigo in qoraaga lala qabiil yahay, oo ujeeddadiisii lagu taageero aragtiyo liita oo aan waxyaalihii uu ka hadlay khusayn.

Waayeel wiilkiisa la dardaarmayey baa waxaa laga sheegay inuu yiri 'maandhow rag hortii ha caban.'
Maqaalkii Maxamed Axmed Maxamuud 

Sidaas waxay ubaxa kacaanku u sameeyaan in qoraaga iyo beel loo malaynayo in uu ka soo jeedo looga dhigo dad arrimihii qabiilkooda internetka kaga sheegaysanaya, ee uusan ahayn nin wax dadka u wada cuntama soo qoray!

Arrimahaas oo dhami waa xasdi, xan, xiqdi, xumaan, cuqdada, caaqnimo, calaannimo, caamaynimo, coobilnimo, cawaannimo, ceeb, caqlidarro, caqiidoxumo, nacasnimo, namiimnimo, maangaabnimo, munaafaqnimo, macnedarro, sacsacnimo, sawirnimo, soobilnimo, sagagarnimo, suufinimo, sabeennimo, sirgaxnaan iyo kacaannimo isku qooshan!

Waxaa la yaab leh in aan kacaankii lagu arag qof wax la akhrisan karo qori kara! Dhammaan kooxdaas agoonta ahi waa afgaroocyo aan wax qeexan sheegi karin, isla markaas waxoodaas liita lama ay soo bareeraan, ee waxay la baxaan magacyo aan jirin sida ”Sange”, ”Rati”, ”Orgi”, ”Wan”, ”Mulac”, ”Gafane”, ”Quraan”, ”Faqi”, ”Axkaam”, ”Xaddiis”, ”Faaruuq” iyo ”Idaajaa”!

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

QORAALADII HORE EE SHAAFICI

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]