SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 5, 2004

Waraysi: Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda ahna wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed

Waxaa waraysiga qaaday: Asad Cabdi Axmed (Nasrudiin)
Nairobi,Kenya |
nasrudiin5@hotmail.com

Waxaa inoo suurtagashay maanta in aynu wareysi dhinacyo badan taabanaayo aynu la yeelanayo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda ahna wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed Mundane C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:-

Su'aal: Ma noo sheegi kartaa howsha ugu muhiimsan ee aad ilaa iyo hadda qabateen ama uu qabto Golaha wadatashiga Soomaaliyeed?

Jawaab: Bismilaahi Raxmaani Raxiim, howshayadu waxay tahay tan ugu muhiimsan sidii aan ugu adeegi laheyn guud ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeedna u nabadoobi lahaayeen, Soomaaliya u noqon laheyd goob nabdoon, heshiisna la ah wadamada gobolka iyo guud ahaan addunweynaha.

Su'aal: Sida aan ka warqabno urur walba oo jira waxaa maalgaliya dad gaar ah ama dowlad, marka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed yaa maal galiya?

Jawaab: Tan iyo intii la aasaasay Golahan waxaan ugu shaqeeynayay shacbigeena si iskaa wax u qabso ah uguna shaqeyn doonaa ilaa inta ay ka suurtagaleyso dhameynta dhibaatada daba dheeraatay ee halakeysay ummaddeena, waxaan idiin xaqiijinayaa insan jirin wax kaalmo ah oo aan ka helno dowlado ama ashqaas kale, ujeedadeenuna aysan aheyn in aan magaca shacbiga Soomaaliyeed wax ku helno hanti iyo magac adduun toona, mar kastana aan diyaar u nahay wax kasta oo badbaado u noqon kara ummaddeena.

Su'aal: Tan iyo aasaaskii Golaha wadatashiga Soomaaliyeed ma noo sheegi kartaa horumarka aad ku talaabsateen?

Jawaab: Horumarka la taaban karo ee aan gaarnay ugu horeyn waa in adduunweynuhu qadariyo qoraalada iyo qeylo dhaanta joogta ah ee aan u gudbino kuna saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka soconeysa dalkeena, iyadoo aan hubo in is eedeedka Soomaalida dhexyaal u uu sabab u yahay in adduunweynuhu uusan si buuxda xil iska saarin xallinta dhibaatada Soomaaliya, Soomaaliduna ayan weli ka rajo dhigin xal la gaaro, rajada aan qabnana ay tahay heshiis la gaaro Ilaahay idinkii.

Su'aal: Waa halkee xarunta dhexe ee Golaha wadatashiga Soomaaliyeed?

Jawaab: Xarunta Golaheenu waa magaalada muqdisho ee Caasimada u ah Qaranka somaliyeed .

Su'aal: Shirka ka soconaya dalka Keyna waxaa ka qeybgalay ururo fara badan, marka xubno ka tirsan Golihiina maka qeybgalayaan shirkaa?

Jawaab: Biloowgii shirka waa jireen xubno ka tirsan Golaha isla markaana ka qeybgalayay shirka hadana weli ku sugan yihiin Kenya, sida aad la socotaan waxaa biloowgii shirka wax badan joogay Guddoomiye Dr. Hussein H.Moh'ed "Bood", sanad ka dibna muqdisho dib ugu laabtay ka dib markii uu dhowr jeer hakad galay shirku.

Su'aal: Bal ka waran sida aad u aragto xaaladda guud ee dalka Soomaaliya?

Jawaab: Waxay ila tahay maanta in ay yar tahay qof looga waramayaa xaaladda nasiibdarro darteed ay ku sugan yihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, hadaba hadalkeeygu wuxuu qiimo yeelanayaa maalinta ay dadkeeyga Soomaaliyeed oo nabad ah dowladna calan la xishmeeyana leh mar kale ka dhex muuqdaan bulshada caalamka, nasiibdarro waxay ila tahay garawshiyo la'aanta mas'uuliyadeed ee ay hogaamiyayaasha kooxaha Soomaalida weli horseedka ugu yihiin in shacbigeenu aqbalaan, hadaba waxaan hadalkeeyga ku gaabinayaa in uu Ilaahay Soomaalida garansiiyo dowga toosan ee lagu gaari karo horumarka ay maanta bulshada caalamka hiigsaneyso, hadaba inta Soomaalidu ay diideyso xubnihii wanaaga horseedka ugu noqon lahaa waxaan qabaa in dhibaatadu ay sii soconeyso.

Su'aal: Haddii aan ku weydiiyo su'aal shaqsi sidee u aragtaa shirka Soomaalida uga socda wadanka Kenya, mana fileysaa in halkaasi ay dowlad Soomaaliyeed ka soo baxdo?

Jawaab: Waxaa wax lala yaabo ah sii socoshada aan xadka ama waqtiga laheyn ee uu sii socdo shirka, waxaanan hubaa haddii mushtamaca caalamku daacad ka noqon lahaa uu shirkan guuleysan lahaa goor sii horeysay, waxaa shaki badan i galinaya ka bixitaanka kooxba mar ay ka baxeyso iyadoo eedeyneysa xubin ama dowlad ka tirsan kuwa fududeynta Shirka wada, hadaba waxaan qabaa in shirkani sii socoshadiisu ay macnihiisu tahay xal la gaaraa in aanu dhaweyn mar haddii Soomaalida lafteedu is xalin weyday, uma maleynayo in cid kale ay xal u keeneyso.

Su'aal: Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo baxaya wax ay Reer galbeedka ugu yeereen la dagaalanka argagaxisada, mas'uuliyiin badan oo Soomaaliyeedna waxay sheegeen in ay Soomaaliya ay joogaan argagaxiso, hadaba adiga sideed arrintaas u aragtaa?

Jawaab: Sida aan ka warqabno kooxahan la eedeynayaa waxay qalqal galiyeen nabadgalyada adduunka ma ahan oo kaliya in ay weerar ku yihiin dalal gaar ah oo adduunyada ka tirsan, balse ujeedadoodu tahay sidii ay cadow isaga yeeli lahaayeen qaramada iyo ummadaha adduunka, hadaba waxaan qabaa in qof kasta uu saaran yahay waajib ah in uu ka hortago koox kasta oo dooneysa in ay qalqal galiso nabadgalyada adduunka, hadallada inta badan ka soo yeera mas'uuliyiin ka tirsan Soomaalida waa hadallo been abuur ah ujeedada ka dambeeysaana ay tahay sidii ay saaxiibo u sameysan lahaayeen, kaalmana u heli lahaayeen, hadaba anigu aragtiddeydu waxay tahay in Soomaaliya aan loo abuurin miro aan wanaagsaneyn abuurkooda hadhowna la eedo gurashadooda, sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in aaney marna raali ka noqon in dalkooda ay ku soo dhaweeyaan kuna magan galiyaan kuwo loo doonayo in ay mas'uul kayihiin dabka ka halcaya adduunka.

Su'aal: Guddoomiyaha siyaasadda Shabellada dhexe wuxuu mamnuucay indho shareerka, saameyn intee la'eg ayay ku yeelatay Soomaalida guud ahaan meel ay joogtaba, sideese u aragtaa adigu?

Jawaab: Waxaan ka soo saarnay qoraal ku saabsan arrintaas ka dib dhawaaqii ka soo yeeray maamulka Shabellada dhexe dalka Soomaaliya ee uu madaxda u yahay Md. Max'ed Omar Habeeb, sidaas darteed haddii ujeedada loo mamnuucay ay tahay arrimo ku saabsan hab ka soo horjeeda dhaqan wanaaga dadka Soomaaliyeed waxaan mar kale ku celineynaa in ay tahay gef aan la qaadan karin ayna tahay in raali galin laga bixiyo, waxaan aaminsahay in ujeedada ay tahay tijaabo la doonayo in lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed, tanina ay bilow uun ka tahay.

Su'aal: Waxaa lagugu tiriyaa mid ka mid ah aqoonyahanada ugu firfircoon ee Soomaalida hadaba maxaad is leedahay waxay sal u yihiin khilaafka hogaamiyayaasha Soomaalida u dhaxeeyo?

Jawaab: Waxaan qabaa in damaca waalida iyo isla weynida ku dhisan ee hogaamiyayaasha Soomaalida uu sal u yahay khilaafka xallintiisu ay ku xireen nabad Soomaalidu gaarto haddii uusan midba midka kale aqoonsan doorkiisa.

Su'aal: Sida aan la socono hub fara badan ayaan shacbiga gacnaha u galay hubkaas oo aan la ururinna nabadi iman meyso, sidee ugu fudud ayaad is leedahay hubka Soomaaliya baahsani waa lagu ururin karaa?

Jawaab: Weli waxaa sii soconaya xadgudubyada sida joogatada ah loogu xadgudbayo qaraarkii qaramada midoobay ka soo saartay in aan Soomaaliya wax hub ahi la keenin, waxaa hubaal ah in haddii Soomaalidu iyadu ayan garan halaaga uu horseedka ugu noqday hubka gacmahooda galay ayan dhibaatadu dhamaaneyn, habka ugu haboon ee aan qabo waxay tahay in Soomaalida iskeed u doorataan in ay hubka isaga dhigaan, haddii aan sidaas la yeelinna ay dhibaatadu waligeed taagnaaneyso waxyeelada uu hubka sababta u noqday ee maalin walba dhacaya.

Su'aal: Ugu dambeybtii maxaad ugu baaqeysaa ummadda Soomaaliyeed ee uu gaari doono wareysigaaga?

Jawaab: Waxaan ku celinaynaa baaqyadii aan horey u jeedin jirnay kuna saabsanaa sidoo loo nabadeyn lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Soomaaliyana looga dhisi lahaa nidaam soo celiya sharcigii iyo kala dambeyntii, waxaan shacbiga Soomaaliyeedna ugu baaqeynaa in ay ka haraan kuwa uu damucu hareeyay, ujeedadooduna tahay in Soomaaliya ayan nabadoobin.God Bless Somalia Somali Unity for Peace and Justice

Waxaa wareystay Wariye Asad Cabdi Axmed (Nasrudiin)
Nairobi,Kenya
nasrudiin5@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2004

Safarka Riyaale Waxba Soo Kordhin maayo. Guji...


Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

Safarka Riyaale Waxba Soo Kordhin maayo. Guji...


Ururka SANU/NSC oo  ku Biiray Golaha Samatabixinta Guji 


Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan Guji


Dr Jeeylaani Cali Kadiye Musharaxa Madaxweynaha... Guji


morganAmmaanka Gen.Moorgan oo La Adkeeyay ka dib Markii la Fashiliyay Shirqool Lala Maaganaa


kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD